Muqdisho,(WNT):-War deg deg ah:Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab ayaa goordhaw soo bandhigtay saraakiil iyo ciidamo ka soo goostay dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Shir jaraa'id oo goordhaw saraakiil xarakada ka tirsan ku qabteen Muqdisho ayay ku soo bandhigeen ilaa iyo 50-askari oo saraakiil ku jireen kuwaasi oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah saraakiisha ka soo goosatay dowlada oo magaciisa ku sheegay Daahir Axmed ayaa sheegay in uu ka mid ahaa saraakiisha dowlada isla markaana isaga iyo 50-askari u soo goosteen dhanka xarakada Al-shabaab.
Daahir ayaa intaasi ku daray in arintaasi go,aansadeen isla markaana iyaga iyo hubkoodaba isku soo dhiigeen xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Al-shabaab sheekh Cali dheere oo si diiran u soo dhaweeyay go,aanka ay qaateen ciidamada ka tirsanaa dowlada KMG ah.
Isaga oo ku booriyay kuwa kale ee dhanka dowlada jira in ay go,aan la mid ah kan saaxiibadood qaataan hadii kale ku bixi doonaan gacanta mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.
Ma jiro war dhanka dowlada ka soo baxay oo ay kaga hadlayso dhab ahaan cidiamada maanta xarakada soo bandhigtay ee lagu sheegay in dowlada ka tirsanaayeen.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.