Iska ilaali fidnada ay leedahay xuska maalinta Jacaylka Aduunka:- Waxaa naxdin ah in maalinta fooda nagu soo haysa ee tarikhdu tahay 14 Febraayo ay dad muslimiina xusi doonan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!.
Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.
Haddaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino. Waa inaan
ogaannaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaase noo keenay?.
Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine’s iyo halka uu ka soo bilowday iyo diintu waxa ay ka qabto.
Asalka Valentine's Day
Marwalba oo ay taariiqdu ku beegantahay 14 February waxaa dunida gaalada looga
dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine’s Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaal dagaa maalintaas iyo magiciisa Valentine maxaa keenay?
Valentine’s Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian
(Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine,
muxuuna ugu xiranyahay xuskaas diimeed?
Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th
Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Roman ka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno Ilaaha haweenka iyo guurka. Maalinta ku xigta oo ah ,15th February, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.
Taariikhda Valentine’s Day
Nolosha wiilasha iyo gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas. Wax yar ka hor u
dabaaldagidda Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad. Wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas,markaas kadib ayaa laga yaabaa in ay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.
Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray
dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo
askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaallada uu galayo. Wuxuu rumaysnaa in
aynan nimanka Romans ka aynan rabin in ay ka tagaan jeceelkooda iyo qoysaskooda.
Boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay Boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuxuuna
mamnuucay in la is guursado si ninku uunan u yeelan qof uu ku xirnaado.
Valentine xilligaas wuxuu ahaa Wasiir dhinaca Kaniisadaha iyo Diinta kana tirsanaa dowladdii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii
Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay
isugu dareen. Arintaas daraadeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la
garaacayay ilaa uu ka dhinto.
14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo la xuso sanadwalba bisha February (Lupercalis),waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.
Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.
Haddaba Diinta Islaamku Maxay Ka Qabtaa Dabaal Dagga Maalintaas
Hadaan soo qaato xadiis kamid ah axaadisti uu rasuulka SCWS uu kaga hadlayo
dabaaldagyada iyo ciidaha ay diinteenu ogashahay ayaa wuxuu yahay
قال: قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة ولهم يومان يلعبون فيهما فقال: "ما هذان
اليومان؟ قالوا: كنا نلعب فيهما في الجاهلية. فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: "إن
الله قد أبدلكم بهما خيراً منهما: يوم الأضحى ويوم الفطر" رواه أبو داود والنسائي
Cumarantiile@hotmail.com
Daabacaada Waayaha.net