Muqdisho,(WNT):-Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.
Dowlada ayaa ciidamo aad u farabadan labadii habeen ee la soo dhaafay soo dhoobtay qeybo ka mid ah goobaha ay kula dagaalamayaan xoogaga ka horjeeda.
Inta badan deegaanada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada dowlada iyo xoogaga ka horjeeda ayaa lagu arkayaa dhaq dhaqaaqyo ay sameeynayaan ciidamo cusub oo dowlada ka tirsan.

Ciidamada la geeyay goobahaasi ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo dhawaan tababaro ugu soo gaba gaboobay dalalka Ugandha iyo jabuuti isla markaana dowladu doonayso in ay ku guul gaarto.
Dadka ku dhaqan deegaanada ay dowladu maamusho ayaa ku waramaya in ay si weyn uga wal wal qabaan xaalada ay ku dambeyn doonto muqdisho maadaama ay arkeen ciidamo aad u farabadan oo dowlada la soo shir tagtay.
Sidoo kale xoogaga dowlada ka horjeeda ayaa iyana lagu arkayaa dhaq dhaqaaqyo midkaan aan ka liidan isla markaana diyaar garoow xoogan ku jira.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.