Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Suldaan Madarka ku Xiran Xabsiga Mandheera waa Mas Madax-ka-dil

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

Dhaqanka Soomaalida marka la eego, dadkoo dhan, ha ahaadeen culumo iyo caamo ama waranle iyo wadaad ama rag iyo haween ama waayeel iyo dhallaan ama abwaan iyo caaq waxay ka sinnaayeen in culumada iyo odayo-dhaqameedyadu yihiin  dadka ugu horreeya ee loo yaqaan bir-ma-geydo. Xitaa Soomaalidu inta odayo-dhaqameedka xadka ka baxsheen bey xitaa ka saramariyeen culumada. Wax caadi ah bey ahayd inaad maqashid aragtid nin caalim ah oo warkiisa la diidayo ama laga dabaakhayo sidii Cabdi Gahayr u lahaa:

 

  • muraadkaa ku toos awgayoow ha ii makiikiyine

 

Laakiin lama hayo meel oday-dhaqan ay qolo leeyahay warkiisa lagu diiday. Xitaa hadduu usoo jeediyo waxaan Ilaahay raalli ka ahayn; inta yiraahdaan: rag ciil cadaab ka dooray bey waxa odeygaasi yiri raaci jireen. Ma fiicneyn in qofka wax kasta lagu raaco.

 

Xitaa gumeytayaashii iyo cid kastoo xukun rabtay waxay fahansanaayeen qiimaha iyo sharafta ay odayo-dhaqameedku ku leeyihiin Soomaalida dhexdeeda. Taasaana sababtay in wixii Soomaali laga rabo in iyaga loo soo marijiray. Si uusan qofna ugu qaadan in saldanada Suldaan Cismaan ay hadda tahay oo maamulka Somaliland sameeyey bal magaciisa aan yara jalleecno:

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar

 

Maxaa kuu baxay? Waa nin kasoo jeeda Suldaamo sidoo kalana qabiilkiisu u gartay xurmadaas. Ma u maleyneysaan in dhaqankaas soo-jireenka ah la isaga qaadikaro is-xirid iyo cago-jugleyn? Soomaalidaa tiraahda: hibo Eebbe ku siiyey, habeyn la iskama qaado. Sida qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed-baashe iyo Axmed Yuusuf (Hawd) iyo kuwa kalaba sheegeen waxaa Suldaanka lagu heystaa maxaad uga hadleysaa Shareecada Islaamka oo jirtay Habar Yoonis oon jirin! Iska daa suldaane haddii xitaa qof caadi ah lagu dhibo dar Ilaahay wuxuu helaa liibaan aakhiro iyo mid adduun iyo sumcad fiican. Sow nin mu’min ahaa Fircoon kuma oran: ma dileysaa nin inuu yiri oo keliya Rabbigey baa Ilaah ah? Sidoo kale Abuu Bakar (RC) baa Qureysh ku lahaa iyagoo dhibaya nabi Muxamed (SCW) arrintaas oo kale. Annaguna Riyaale iyo ragga ku hareereysan waxaan ku leennahay: waxa aad suldaanka inta saq dhexe gurigiisa u soo dhacdeen aad silsiladaha luga uga jabiseen ma inuu yiri aan shareecada soo ceshannaa?

 

Horta hadduu Suldaanku ahaa oday-dhaqameed Somaliland ama Isaaq ama Habar Yoonis maanta wuxuu noqday Suldaan muslim iyo mid Soomaaliweyn. Soow odayo-dhaqameedyadii Somaliland iyo Puntland intoodii badneydba hadda ma leh waxaan rabnaa Shareecada Islaamka? Xirida Suldaanku ma xil-korarsi bey u noqon taliska Riyaale mise xil-ridid? Qofkii caqli lihi wuxuu ogaanayaa iney wax u dhinto maahee wax uma soo kordhineyso.

 

Mar haddii odayo-dhaqameedyadii Somaliland sameeyey sidaas loo galayo, mar haddii dadkii SNM ahaanjiray sida Hadraawi, Gaarriye iyo Axmed-siilaanyaba ay halkaas xooranyihiin halka kuwii Kacaankii la soo khatimey Soomaaliya oo dadkii Soomaaliyeed la soo dhibay loo dhiibay Somaliland haddee nabsi baa jira. Marka sidii Qaasim aan sugno:

 

  • cagta ii dhig waa kaas nabsigu soo cadceedsadaye

 

Kuwii Sheekh Bashiir dilay oo kale baa maanta la hayaa. Xaaji Dallaayad waatuu ku lahaa askari Aadan Yoonis oo u shaqeynjiray Ingiriiska isagoo tusaya in dadka odayada ah laga dambeeyo:

 

  • nin hadduu gaboobo oo wax badan dunida guud joogo
  • gadaal waa ka haasaawi jiray geeddiguu maro e
  • gar-ma-qaate iyo baag raggii howshu kala gaadhay
  • ee gabagabee Caarshe iyo goob kastaba joogay
  • waayana garow uun ku cunay jeelka gudihiise
  • waanaya galayrkii ku sigay godobkan hoostooda
  • ee Guun-cirraystiyo Biddaba kheyr ka guri waayey
  • ee garanayaan ahay tan iyo geelahaa qoyaye
  • gabgab faranji gaar iyo dadaal gaalo shuqulkeeda
  • waligiiba guul kama mulkiyo nin u gar xiiraaye
  • inkastoo garoomiyo alfaan garab ku taagleeyo
  • gudo baas mid la keenay oo garaca mooyaane
  • ma gilgilo duqeytida ninkii aw ka soo go’aye

 

Wuxuu sii yiri:

 

  • dhirtaba geed malko ah baa jiriyo lama garaacaane
  • dadkana biro-ma-geydaa jira iyo lama guhaadshaane
  • giddigiinba nimanyahow bileys gabi ahaantiinba
  • hala guro ulaha waa guddoon waase kala gaare
  • gaadmo iyo ninkaan lagu tuhmeyn gacan-fudeyd toona
  • ee ganaf tukubihiisa waa lagu gargaaraaye
  • midna gaar ahaan Aadanoow yuu ku geesmarine
  • waxa ina-golyeed iyo nin rag ah tan isku soo gaaray
  • ee gaadhba gaadh laga badelay goorahaad timide
  • is-gaafuurintii Muuse iyo golaxdii Caateeye
  • ina galangalkii Maxamed Halac waadan garaneyne
  • isna guriney qaarkoodse waa godob la’aayeene
  • giddigood cafay naga yihiin gooshka aakhiro e
  • waxse galad ah aaye waa loo guntanayaaye
  • gashi li’i ninkii kaga taga een godobi qaaxeyne
  • ee aan sidii Geydhe Ruxe gubanin taahiisa
  • ee aan geeridii aw-Bashiir guudka ku xambaaro
  • guntii hadalku wuxuu yahay iyo faaladii gabaygu
  • sidii baarqab geel lagu daray oo dhabi ku geyrgeyrtay
  • ee geedka uu daaqo iyo guuxa sarinaaya
  • oo karinle uu gelin eryey iyo rimay ka guuleystay
  • Oo bahal gulaamoo dibjiri meel isugu gaabshay
  • uu gudub u liqay waa ka sire galabsigiisiiye
  • dhaxaa nin goolaaftamay oo goofay noo yimide
  • adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadeede

 

 

Waxaan shaki lahayn inuusan Suldaan Cismaan ahayn nin dhib la raba Somaliland. Keliya markuu arkay in dadkii loo doortay iney shacabka aakhiradiisa iyo adduunkiisa ka shaqeeyaan iyagoo diintii iyo hantidii geyigaas gaasiray. Wuxuu arkay iyadoo marna Xabashidu tiraahdo idinka iyo Puntland cadow baad isu tihiin marna uu Zenawi leeyahay kala qaata ciidamada Arri Caddeeye jooga. Halkaas markii arrintu marayso ayaa Suldaanku wuxuu dib u milcsaday in Soomaaliya ay dimuqraadiyad, shuuci, dagaal sokeeye iyo qabqablanimo soo martay. Wuxuu arkay in liibaanta aakhiro iyo mid adduunba ku jirto Kitaabka Ilaahay. Sidaas darteedna uu dadkiisii ugu yeeray waxa Ilaahay kulligiin noogu yeeray.

 

Marka Suldaanoow nolol iyo dhimashaba waxaad leedahay qiime. Haddii tii Ilaahay kuugu timaado xabsiga dhexdiisa, waxaa ku xusi doona Soomaalida. Haddaad soo baxdidna waxaad horay ka wadaysaa yeeridda aad noogu yeerayso diinta Ilaahay. Marka hadda dhallinyaradii Soomaaliyeed waa toostay. Waxay kala ogaadeen in waxaan ahayn diinta Ilaahay aysan Soomaali isu keenikarin. Sidaad darteed waxaa jooga malaayiin dhallinyaro ah oo ku maqleysa. Marka diyaar baan kuu nahee nagu hag tubta toosan.

 

Teeda kale sida Xaaji Dallaayad ku yiri Aadan ayaan waxaan ku leeyahay taliska Riyaale iyo cawaanta (booliiska) ee ku gadaaman  waa inaad si aan shuruud lahayn ku soo deysaan Suldaanka, sidoo kalana ka bixisaan raalligelin.

 

Waxaan xasuustaa Faadumo Qaasim iyo Caasha Cabdoow oo ku heesijiray:

 

  • hayb hayb la sheegtiyo
  • habar habar ma joogtee
  • haween iyo rag maantaba
  • yeynaan u kala harin

 

Sidoo kale waxay hadba ku soo hoorinayeen:

 

  • waa lama huraanee
  • howlaha dalkeenna
  • iyo horumarkeennaa
  • yeynaan u kala harin

 

Mas madaxaa laga dilaa! Shaki ma leh in qofka kasta loo tabo siduu u qiimo badnaa laakiin waxaad meesha ka saarteen in Suldaanku soo saaray kumannaan dhallinyaro. Marka inkastoo maqnaanshihiisa iyo xirnaantiisa la tabidoonno laakiin marna ma joojineyso xaqa noo iftiimaya ee uu hormuudka u ahaa. Ilaahay horti, maanta ma joogto Habar Yoonis, Habar Majeerteen iyo Habar Gidir midna; ee waxaa la rabaa inta hor Ilaahay aan isku dhaarsanno inaan diinteenna, dalkeenna iyo dadkeenna ka difaacanno huwanta Tigreega ah iyo kuwa hoosjooga.

 

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

C/waaxid C/llaahi Khaliif

Aragtida qoraaga maqaalkan iska leh ka tumi mayso shabakada Waayaha.net

 

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software