S:Wasiir ahaan markaan xagaga usoo noqono,adigu waxaad tahay wasiir ka mid ah wasiirada Puntland wasaaradaadu maxay qabataa?
J:wasaaradaydu waxay u xilsaaran tahay laba howlood,howli waxa weeye wixii ku saabsan qorshayn een howlina waxaa weeye wixii ku saabsan xiriirka caalamiga ah,ama iskashiga caalamiga ah,oo hay’adaha dalka ka shaqeeya hay’ada puntland u qaabilsan weeye,xagga ku saabsan qorshaynta,markii cawa barigu uu halis ku jiro horta si wax loo qorsheeyaa waa iska adagtahay,maxaa yeelay shilinkii la helaba waxaa la oranayaa cawa bariga horta haloo jiheeyo,kuse yelkadeede waxaa jiray wax la yiraado “five year plan”een wasiirkii iga horeeyey iyo madaxdii iga horraysay ayaa bilowday isagoo hakaday oo kolba mudo daahsan baan soo gaaray,hadda gacantaan ku haynaa meel fiican buuna marayaa een waxaanuna rajeynaynaa bishaan Dicenber ee ina kusoo fool leh inuu dhamaado,waji ahaan iyo qoraal ahaanba u dhamaado,laakiin ku dhaqankiisa waa arrin maamulka oo dhan masuulityadi ka saran tahay sidii loo fulin lahaa ee arrin wasaarad kaliya ama xubin kaliya fulineeda ay masuuliyadi ka saran tahay maahan,waa dhacdo qaran waa national issue,wuxuu u baahanyahay all wasaarada jira iyo hay’adaha jira oo dhan inay fulintiisa iyo hirgalintiisa ay ka wada qayb qaataan,anagu diyaarintiisa ayaanu masuul ka nahay anagoo waliba hay’adaha caaliga ah la kaashanayna.
S: Qorshaha shanta sano ahi muxuu yahay?
J:Qorshaha five yearku waxa weeye een xagga arrimaha bulshada,waxbarashada,biyaha jidadka arrimahaas sidii loo hormarin lahaa ,maxaa iskuulada laga qabanayaa maxaa caafimaafka laga qabanayaa,maxaa xagga arrimaha jirooyinka khatarta ah dalka lagaga qabanayaa,maxa abiyaha laga qabanaya een iyo wixii la mid ah,dhula waxa lagu qaboojiyo,dhulkii Tsunamigu ka dhacay maxaa laga qabanayaa wadooyinka maxa laga samaynayaa,laami maxaa la haya yacni in dhaqaale loo raasho arrimahaas weeye.qaybta kale oo aan qaabilsanahay waxaa weeye xiriirka caalimaga ah hay’adaha wadanka ka shaqeeya waxaa weeye albaabka dalka ay ka soo galaan kala soo xiriiraan,fasaxa ay ka qaataan,ogolaanshaha siiya,gobolada meelaha ay ka shaqynayaan howsha kala duwah,kala qorsheeyah baan anagu u xildsaarannahay,iyadana waxaanu ku howlaneyn mudadii hadda aan joognay,wax heshiis ah oo hadda ka hor qeexan ma jirin,wax isla bil bilow ah oo iska yar baa jiray,taasna hadda howl wayn baanu ka haynaa,laakiin dhibaha jiraa waxaa weeye wixii markaad qodhid hay’adihii waxay dagan yihiin Nairobi go’aanka gaarayey,waxa meesha joogaa waa shaqaale hoose,goortaad qodhid waa in kuwaas loo gudbiyaa,waa inay soo darsan,waa inay soo celiyaan,waa inaan misna anagiina ku noqonaa,waa inaan misna celinaa sannad buu qorshe kastaa wuxuu noqonayaa mar uu sii socdo iyo mar uu soo socdo.
S:Laakiin marka arintaan si kale dhigo sida aad sheegtay waxaad tahay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah,sida aad carabbaatayna waxay ahayd hay’adii wadanka soo galaysaa inay adiga kula soo xirirto noocay doontaba ha noqotee,marna kama aadan muuqan saaxada wax lagu saxiixayo tan iyo intii hadda aad joogtay oo gaaraysa 6 bilood ilaa 7 bilood,tusaale ahaan arrimihii ku saabsanaa shidaal qodista oo kale,wasiirka maaliya iyo M/weynaha baa ka dhex muuqanayey,wallow bilowgeeda uu lahaa wasiirkii adiga kaa horeeyey ee Dr.C/raxman Max’ed Faroole,marka shaqadaadii soo uma muuqato in wasiiro kale ay hayaan oo adigii aadan u madax banaanyn?
J:walaahi taa waxaa la oran karaa een waa jidhay inay arrintu saas aad sheegtay usoo bilaabatay,ka bacdina adigu arrimo jir jiray awgood wasiirkii iga horeeyey meeshii wuu ka baxay,meeshiina wasiirka maaliya iyo M/weuynaha baa galay,dabadeedna hay’ad cusub ba aloo sameeyey wixii shayraadka ku saabsan,oo ama macdan baaris ha ahaatee,ama batrool baaris ahaatee,agaasime guud baa u madax ah waxayna toos u hoos tagtaa madaxtooyada sidaas darted qaybtaasi anaga naga go’day ,waxay u go’day Madaxtooyada,iyada ayeyna toos u hoos tagtay,sidaas darted baanan uga muuqanayn saxiiyadeeda iyo heshiisyadeeda iyo shirarka lagaga hadlayo.
S:Dhinaca hay’adaha laftooda miyeysan lahayn sharci ay ku dhaqmaan oo dalka ay ku joogaan,waxaa jira hay’ado yimada markay doonana iska taga,bilo ka hor ayey ahayd kolkii, hay’ado ay shaaciyeen in internetka lagu handdaday oo ay iska baxeen, mudo ka dibna way soo noqdeen, hay’adaha amaankooda yaa u xilsaaran?
J:een hay’adaha amnigooda horta waxa u xilsaaran hay’adaha amniga ee dalka ka jira wasaarada arrimaha gudaga Booliiska,hay’adaha kale oo sirdoonka ku lug leh,hay’adaahaasaa horta wixii nabad galyo ah u xilsaaran,kuse yeelkadede anaga wada shaqayn ba anaga dhexaysa,waxaa weeye iyaga laftigooda dadkaan baqdin badan baa isaga jidha.sidii waagii ciraaq iyo dhibaatooyinku ugu dhaceen oo UN camporn kii oo dhan loo baa ba’shay oo xataa ninkii UN-ka ergayga u aha meesha loogu dilay oo yacni hadda waa sharqan dhowr oo sidii tukihii oo kale sharqan yar haday yeerto baabuurka ayey saaran yihiin,sharqan yari haday yeedho dayuuraday saaranyihiin,waana amar New York ka socda,ama NewYork ka socda weeye,een sidaas darteed arrintaa waanu isku qabsannay,khalad ay galeena bay ahayd,maxaa yeelay arrimaha nabad galyadu hadday soo garaan oo ay baqdini gasho,waxay ahayd markiiba inay nala tashadaan oo oo nasoo ogaysiiyaan ,inyar oo aad u yar bay nasoo gaariiyeen dabadeedna baabuurka bay saaraayeen,dabadeena dayuurada bay saaraayeen,dabadeedna eedii way qaateen,khaladkii inay iyagu lahaayen way qaateen raaligeli bay ka bixiyeen bay ka bixiyeensidaasay mudo yar daraateed ay dib ugu soo noqdeen maxaa yeelay wax Puntland ka jiray oo khatar ah oo xag nabad galyo ah ma ayan jirin,oo iyaga dhib ku haya,waliba meelo Soomaaliya ka mid ah oo dad badan lagaga laayey baa ka mid xataa inay u carareen,magaranaysaa,Puntlanda hal qof lagagama dilin,sidii sideedii sano ka soo qaad ee maamulkaasu jiray ama lagagama dhaawicin,marka sidaas darteed waa joogaan.
S:hadii aan ku noqono wakalaada macdanta iyo kharaadka ee wasaaraddaada laga jaray ee madaxtooyada hoos tagta,marka ma qaybtaas wasaraada ga go’day ee loo sameeyey agaasimaga guud iyo wasaaramada Maaliya kaliyaa Madaxtooyada hoos taga ,oo intiina kale waad ka madax banana tihiin?
J:Maya madaxtooyada dalkoo dhan iyo hay’adihiisa oo dhan baa hoos taga haye yeelkadeede waxaa jira qaybo ah ee wasaarado laga hadli mayo,dhamaan wasaarada oo dhan madaxtooyada waa hoos tagaan,waxaa laga hadlayaa hay’adaha ka hooseeya,baa laga hadlayaa,hay’aduhu marka agaasim guud oo madax banana waa jiraa oo madaxtooyada toos u hoos tagaya,ee agaasimayaal guud oo wasaaradaha ka mid ahina waa jiraan,marka agaasim guud oo madax baan weeye oo madaxtootada hoos taga?
S:Wasiirka qoshaynta iyo xiriirka caalamiga ah baad tahay ee maamulka Puntland hadii maanta aad shaqada ka tagto maxaad u malaynaysaa inay kaa dhaxlayaan umadda Puntland oo aad uga tagaysaa?
J:walaahi dadka Puntland anagu intaan meesha joogno,waxaan jecelahay wixii aan qaban karno inaan qabanno,ama xag qorshayn ha ahaato ama xag xiriir caalami ha ahaatee waa idiin sheegay oo hadda muddo yar oo bilo ah baan meesha joognay wax la yiraado (memorandum of understanding) ayaan hay’adihii la wadnaa,waanuna rajeynaynaa inuu dhaqan galo sharci noqdo,oo labada dhinac ay ku wada shaqeeyaan ama UN ha ahaadeen ama ha noqdeen Internional NGO ama hay’adaha kale oo madaxa banaan oo aduunka ka imaanaya ha ahaadeen waa xagga xiriirka marka loo dhaqaaqo,xaga qorshayntana waxaan rajeynaynaa (Five year Plan) qorshaha 5ta sano kaasu inuu dhaqan galo oo shaqeeyo,waxaa kaloo jira wax la yiraado (JNA, Joint Needs Assessment) wax la yiraado oo iyadana wasaarada iyo hay’adaha dowladuba shaqa badan ay ka galeen,hay’adaha aduunka ayaana waxay wadaan Five year plan-ku waa Puntland kaliya laakiin, Joint Needs Assessment waa Somalia oo dhan,haday tahay dhismo,haday tahay arrimo bulsho ,haday tahay nabad galyo,nooc kastaba ha ahaatee,marka kaasu waa ka waynyahay Five year Plan-ka Puntland,waa Soomaalia oo dhan waa mid hadhow hadii dowladu ay caga dhigato,la rabo Paris Club ama (Intentional Community)-ga in la hor dhigo,oo aduunku uu Soomaaliya dib u dhis ku sameeyo,oo dhaqaalihii halkaas meeshuu ka iman lahaa weeye,marka sidaas darteed anagu waxaanu ku dadaalaynaa bal horta waxaanu u xilsaarannahay inaan kasoo dhalaalo,wax fiicana ka qabanno,inkastoo dhibaatooyin iska jiraanoo 15sano waqti yar maahan,15kaa sano ama 16kaa sano dalku si buu u socday hab jamhadeed buu u socday in lasoo duwo oo hab maamul loo duwo wax dhib yar maahan.
S:Hadda intaas soo maqnayd oo aad fasax ku joogtay dalalkaan Yurubta galbeed,waxaa jiray nadaam uu Maamulka Puntland ka sharqamiyey oo sheegayey inay doonayaan inay qaatan shareecada Islaamka arrintaas maxaad kala socotaa,sideese u aragtaa wasiir ahaan adigu?
J:een arrinta shareecada Islaamku anigu hadde dalka waan kasoo maqnaa een nimakaa xamar yiri shareeco islaam baanu wax ku dhaqaynaa een dee konfur bay kolba kasoo bilowdeen een kamana marna waxa dhaqanka Somalida ah Qabiil kama marna,waxaanba isleeyahay tiirarka waaweyn ee ay ku taagantahat taas aya aka mid ah,kitaabkuna waxan isleeyahay waa food saar lagu gabanayo oo Pawer in lagu qabsado lagu doonayo,si kale hadii loo dhigo waxaan oran karaa waa USC-dii oo ktaab wajiga ku dhagsatay,hase ahaatee saas oo ay tahay shareecada Islaamka halagu dhaqmo waa kalmad wanaagsan weeye,Puntland shareecada Islaamku waa ka jidhaa,maxkamadihii bay leedahay darajada kowaad,kuwii apealka waa ka jiraan,darajada labaad,labaduba waxay ku shaqeeyaan shareecada islaamka ,mida ugu sarraysa ee maxkamada sare ayuun baa waxay ku shaqaysaa sharciga cilmaaniga ah,yaah ama waxay ku shaqaysaa een een shuruucda madaniga ah.labada waxaa laysku yiradaa shareecada iyo kuwa shuruucda madaniga boqlkiiba 65-70 marka laysu geeyo waa isleeyihiin,boqolkiiba 25meelahaas ayey isdiidayaan,hadii marka la yiraado intii dhimanayd hala dhamays tiro wax wanaagsan weeye,qof kasta oo islaam ah oo caqiida lihina waa wax uu soo dhawyn karo,laakiin waxay u baahantahay dadka Puntland shalay markay maamul samaysanayeen xamar lagama so amrin,iyagaa fariistay oo tashaday dadkuna sections badan buu ka kooban yahay qaybo badan ,qoladaas xamar qayb yara bay la xiriiraan,inta kale lama xiriiraan,99qaybood oo kale lama xiriiraan hal qolo ayey la xiriiraan,marka waxay u baahantahay intii awal dhisatay maamulka inay dib u fariistaan,haday salaadiin yihiin,hadday cuqaan yihiin,aqoon yahan,een maamul culimo dhamaantood inay fariistaan haween ,rag dhalin yaro kulli,markaa ay go’aan ka gaaraan laakiin aan xamar laga soo amrin.
S:Si kale haddii kuugu dhigo Sheikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya kana tirsan dadka reer Puntland wuxuu sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn Maxkamadaha reer Muqdisho, waxaa kale oo uu sheegay in maamulka adigu aad wasiirka ka tahay ay talo bixin ugu yeereen ayna u ujeediyeen inay shareecada qaataan marka adigu miyaad taas diidan tahay?
J:Anigu waxaan u arkaa maamulka markiiii horana dadkaa samaystay,hadana dadku dhamaystirkiisa inay go’aan ka gaaraan oo ay noqoto go’aan wadareedee go’aan qofeed wuxu ayan noqon,waana wax fiican dadku wixii ay doonayaan inay ku shaqeeyaankuna dhaqmaan,ilaahay amarkiisan waa ay tahayoo dee waxay diintu ina leedahay diintu waxay ina leedahay waa munafaqad,waa kufaarnimo waa dhibaato,marka in lagu dhaqmo waa wax wanaagsan laakiin waa in dadka deegaanku go’aanka gaaraan u fariistaan,Sheikhu haduu yiri waa ka madax banaanahay waa runtiis,waana saxanyahay,waana sida ka tarjumaysa dadka deegaanka dareenkooda?
S:marka laga hadlayo Culimada Puntland dabcan waxaa iska jira dariiqooyin iyo madhabo ay kala aaminsanyihiin,marka ay timaado inaad qaadataan ku dhaqanka shareecada Islaamka sida hadaba la shaaciyey oo aad howsheeda aad ku guda jirtaan, waxaa boorka iska soo jafi doona qolyo badan badan oo ka mid ah kooxahaas oo nin walbaa dhiniciisa u rabo xukun, marka sidee isu wafajinaysaan?
J:arintaasi horta waxay ku xiran tahay een bal horta go’aankii hala gaaro,anigu hadda go’aan la gaaray xog ogaal uma ahi bilna wadankii hadda waa kasoo maqnaa,arrimahaanuna intii aan soo maqnaa bay hadda aad u kululaadeen,een shirarkuna ay dhaceen,een hadii go’aanka la garo waxaan u malaynayaa dadku aqlabiyadiisu waxay rabaan baa soconaya,dariiqo gaara,Section gaara ma soconayo,dadka badan oo aqlabiyada ah wixii ay rabaan oo waafaqsana hadde diinta Islaamka,awalba shuruucda oo dhami waxay qorayeen diinta islaamku inay tahay saldhig,shuruucda dalkoo dhan wixii iyada khilaafsana inay baadil yihiin,marka taas uun baa,go’aankiina hadde hadeer anigu mana hayo qog ogaalna uma ahi,qof ahaana anigu hadeerna waxaan ku go’nahay wixii aqlabiyada dadka iyo xukuumadu ay go’aamiyaan.hadeerna anigu arlada waan ka soo maqnaa markii arrintaas la go’aaminayey..
S:su’aashayda ugu danbaysa Soomaaliya waxay ku jirataa marxalad qalafsan,marka maxaad dadka reer Puntland u jeedin lahayd?
J:dadka Puntland waxaan kula talin lahaa,maamul ba meeshaas ka jira ha iska taabanina,ee ha dhaqaale yarado haduu doono,dad badan oo Somali ah ayan taas haysan,intaasuna wax muhiima weeye,in la siyaadiyo oo lasii hagaajiyo oo la hormariyo waa loo baahanyahay,lakaiin in la dumiyo dhib badan baa ku jira,taas uun in laga laga taxadaro ,nabad galyadana laga shaqeeyo cid walbana meesha kaga aadan iyo qaybta ay ku leedahay inay ka qayb qaadato baan u soo jeedin lahaa dadka Puntland.
Akhriste-yaal Waraysigani intaas ayuu ku egyahay,intaan waraysiyo kale idiin soo gudbin doono sidaas iyo nabad galyo.
Abdirazak Yassin Caanogeel iyo
Axmed Cilmi Xaydaac
Waayaha.net,London,UK