Wax badan baan goob joog loo soo ahaa dhacdooyinka iyo isbeddalada ku imaanayay Dalka Iiraan: Dhicitaankii Shaaha Iiraan; dib u soo laabashadii Hoggaamiyihii Ruuxiga ee reer Iiraan Aayatullaah khumayni, afgambigii Boqortooyada iyo kacaankii Islaamiga ee ka hanaqaaday Dalka Iiraan.
Imminka waxay u eg tahay in TEHRAAN, magaalo madaxda Dalkaas Iiraan ay u hartay maalmo fara ku tiris ah inta laga xayuubinayo maqaamkeeda magaalo madaxnimo, ka dib markii Guddiga Qaranka oo awood balaaran ku leh Dalkaas uu oggolaaday qorshaha iyo dhismaha magaalo madax cusub oo ay yeelanayo Dalkaas Iiraan.
Talada lagu khaarijinayo TEHRAAN, isla markaana Iiraan ku yeelanayso magaalo madax cusub, waxaa markii hore so jeedinteeda lahaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali khumayni.Khubarada ku xeesha dheer dhul-gariirada ( Seisomologists) ee Dalkaas Iiraan ayaa hore u saadaaliyay in Tehraan uu ku soo fool leeyahay dhu-gariir xooggan. Hase yeeshee, ma cadda halka laga dhisi doono caasimadda Cusub: ma dhul hor leh baa, mase magaalo jirta.
Dalka Iiraan, waxaa hore u soo maray magaalo madaxyo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin: ISFAHAN, QASVIN, SHIRAAZ, MASHHAD iyo HAMEDIN.
Hase yeeshee TEHRAAN, waxaa magaalo madax ka dhigay Boqorkii AGHA MAXAMED KHAAN sanadkii 1795. Waxaase Tehraan maanta ku nool 12milyan, iyadoo horaantii Qarnigii 20aad tirada dadka ku noolaa magaalada TEHRAAN ay ahayd 250,000 qof.
Qorshaha dhismaha caasimadda cusub sida ay noqon doonto iyo ka hadalkeedaba waxay bilaabatay muddo imminka laga joogo 20 sano, waxaase tixgelin gaar ah la siiyay talada dhismaha caasimadda cusub, ka dib dhul-gariirkii ku habsaday magaalada BAM ee Koonfur Bari kaga aaddan magaalada THERAAN, kaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 40, 000 ruux.
Xeeldheerayaasha (Seismologists), waxay isku raaceen in magaalada TEHRAAN ay ku fadhido degaano ku badan dhul-gariirada, dhismooyinka ku yaalana uma adkaysan karaan dhul-gariir xooggan.Professor Bahram Akasheh, oo ah madaxa Kulliyadda sayniska ee Tehraan oo lagu magacaabo AZAD University, wuxuu sheegay in ay gef ahayd in TEHRAAN loo doorto magaalo madax, wuxuu kaloo sii raaciyay warbixintiisa in degaanada TEHRAAN ka xiga Woqooyi Bari ay saameeyaan dhul-gariir xooggiisa lagu qiyaasay (8 rigtar). Wuxuuna Professor-ka talo ku soo jeediyay in caasimadda cusub laga dhiso inta u dhexaysa magaalooyinka QOM oo ah xarunta Culimada Dalkaasi iyo magaalada DALIJ ee gobolka MARKAZI.
Baroordiiqii Kiki

Dowladda iyo dadka Faransiiska ayaa Baroordiiq u dhigay geeridii ku timid KIKI oo ahaa DIINKII ugu cimriga dheeraa Dunida. KIKI oo maalintii Axadda oo ku beegnayd 6dii disember 2009, ku geeriyooday rug lagu xanaaneeyo ugaarta(zoo) oo ku taal magaalo madaxda dalkaas ee PARIS, ayaa da’diisu ahayd 146 sano.
Shaqaalaha Beertaas oo lagu magacaabo MENAGERIE du JARDIN des PLANTS, ayaa sheegay in geerida KIKI ay timid markii uu asiibay cudur (infection)..
Geerida KIKI, waxaa ka tiiraanyooday shaqaalaha Beerta (zoo) oo sheegay in dadka soo booqda Beerta (zoo) ay si aad ah u jeclaayeen shaqsiyaddiisa isla markaana ay si weyn u xiisayn jireen sida uu ula haasaawo DIIN-DIINKA kale ee dhiddigga ah ee Beerta kula nool.
Marka uu u galmoonayo dheddigga dhiggiisa ah waxaa la sheegay in uu u ciyayo sida aarka libaaxa oo kale oo weliba laga maqlaayo Beerta oo dhan.
“Murugo iyo tiiraanyo ayay nagu reebtay geeridiisa, wuxuu lahaa ilqabad (qurux) iyo haybad (charisma),wuxuuna nala joogay muddo dheer”, sidaa waxaa yiri, ku xigeenka maamulaha Beertaas, MICHEL SAINT JAME.
KIKI, wuxuu dalka Faransiiska soo galay sanadkii 1923 isagoo laga keenay dalkaas SEYCHELLS.Frederic Lewino oo qoraa ka ah majalladda LE POINT ee ka hadasha cilmiga sayniska, kana so baxa magaalada PARIS ayaa sheegay in KIKI uu ahaa had iyo jeer mid firfircoon, isagoo weliba culayska miisaankiisa ahaa 250kg. Majaladdu waxay sheegtay in marka la rabo in la dhaqaajiyo loo adeegsan jiray cagaf cagaf ( foglift ).
KIKI wuxu ahaa DIINKII ugu cimriga dheer isla markaana ugu ballaaran marka loo barbar dhigo 5ta DIIN DIIN lagu xanaaneeyo Beerta MENAGERIE.
Waxaa la sheegay in maydka (jirka) KIKI uu si joogta ah loogu soo bandhigi doono Matxafka taariikhda tabiiciga ah ee dalkaas Faransiiska ( France Natural History Museaum).
DIIN DIINKA noociisa ah waa kuwa ugu cimriga dheer marka loo eego nafleyda dunida ku nool oo dhan.
DIIN kale oo lagu magacaabo HARRIET oo sanadkii 2006 ku geeriyooday dalka AUSTRALIA ayaa la soo weriyay in da’diisu ahayd 175, hase yeeshee DIINKA lagu magacaabo TU’I MALILA ayaa ku geeriyooday dalka TOOGO sanadii 1965 markaas oo da’deedu lagu sheegay 188 sano.
Diyaariye:
Cismaan Amiin Axmed
Daabacaadda Waayaha.net