Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Tigreega Goormaan Walaalo iyo Saaxiibo Noqonay'!

London:-Xuseen Maxamed Ceydiid oo ah Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Fadhiidka ah ee Baydhabo ayaa maanta 29/11/06 mar  uu kala hadlayey Shacabka Somaliyeed laanta Afka Somaliga ee BBC-da waxa uu sheegay in Tigreega iyo Somalidu ay walaalo yihiin, Saaxiibana yihiin.

Su’aashu waxay tahay Xagee walaalo ku noqdeen Tigree iyo Soomaali?

Sidaan ognahay Tigreegu waa Qabiil degan Wadanka Itoobiya Xoogna ku haysta talada wadankaas, Gumaystana Shucuub badan oo degta wadanka Itoobiya, Shucuubtas waxaa ka mid ah in badan oo shacabka Somaliyeed ah. Tigreegu waa Qabiil gaalo ah welibana Asal-raac adag ku ah diintooda Baadilka ah, waxay aaminsan yihiin Diinta Islaamku in ay tahay cadowga kaliya ay leeyihiin,maadaama Somalidu ay tahay dad muslim ahna ay yihiin cadowgooda koowaad.

Xagee ku walaalownay Tigree.

Allaah swt waxa uu inoo Sheegay Mu’miniintu in ay walaalo yihiin kaligood. Wax xiriir ah oo ka dhaxayn kara Gaal iyo Muslimna aysan jirin, xattaa haday wada dhasheen, Diinteenu miyeysan noo sheegin in Muslimka iyo gaalka wada dhashay  aysan is dhaxli karin, Diinteenu miyeysan noo sheegin Gabadha Muslimada ahi in aysan  Guursan Karin nin Gaal ah, Miyeysan Diinteenu diidin xattaa in aan is dhax galno gaalada oo hal meel kuwada noolaano marka laga reebo meel islaamku ka taliyo ma ahane, Waxaa Ka sugnaaday Rasuulkeena scw in uu yiri Muslimka iyo Gaalka dabkoodu yuusan isku muuqan ( yacnii hakala Fogaadaan)

hadaba Tigreegii miyuu soo muslimay ?  Haday Jawaabtu maya tahay Waa been oo walalo ma nihin tigree. Miyaan Gaalownay anagu? Hada Jawaabtu maya tahay waa been oo walaalo ma nin Tigree.

Xagee ku saaxiibnay Tigree.

Allaah swt waxa uu Qur’aankiisa inoogu cadeeyey in yahuud iyo nasaaro midkoodna aysan Raali naga noqonayn illaa aan diintooda raacno (Suuratul Baqarah aayada 120)

waxa kale oo Allaah swt Noo sheegay Gaaladu in aysan ka suulayn in ay nala dagaalamayaan oo mar walbaa weerar nagu soo qaadayaan illaa ay diinta naga saaraan haday awoodaan (Suuratul Baqarah 217)

waxaa kale oo Allaah swt inoo sheegey in ay Gaaladu jecel yihiin in aan Gaalowno sida ay ayagu  u gaaloobeen oo aan ayaga la mid noqono, Sidaas Daraadeed haka dhiganina Xigaal ayuu oranayaa Allaah swt ( Suuratu Nisaa 89)

Waxaa kale oo Allaah inoo sheegay in Gaaladu Siiba yahuud iyo nasaaro ay jecelyihiin in aan diinta Islaamka ka noqono oo aan Gaalo noqono xaasidnimo ay noo qabaan daraadeed (Suuratul Baqarah 109)

Hadaba miyaan Raacnay diintooda? Haday jawaabtu maya tahay waa been oo Saaxiibo  ma nihin.

Tigreego Sow ma ahan Cadowga wadankeena ku soo duulaya hadda, oo Ciidankiisa ku soo daabulaya wadankeena Somaliya?

Tigreegu sow majaraha uma hayo Wadanka Itoobiya oo aan waligeen Colka ahayn Dagaalo qaraarna ay na dhex mareen dhowr goor?

Tigreegu Sow ma ahan qawmiyadii diidanayd in Somaliya ay cagaheeda ku istaagto muddo 16 sano ah oo xabada iskugu kaaya dhiibi jirtay soona hubayn jirtay dagaal oogayaashii Somaaliya ilaa iyo hadda?

Hadaba Tigree Walaalana ma nihin oo Allaah nagama Dhigin, Saaxiibana manihin oo in ay na gumaysatay doonaysaa waxa naga Dhaxeeya waa BAARUUDA IYO QORIGA CAARADIISA hadaysan nabada qaadan.

Afeef:Bahda Waayaha.net,waxay Akhrisyaasha ku bararujinaysaa inaysan masuuliyada Qoraalada akhristaha aysan shqul ku lahayn,ee uu masuuliyadeeda leeyahay Qoraha ku saxiixan..

Faarax-Deeq Siciid Maxamed (Abu-Muscab)

faaraxdeeq@hotmail.com





   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software