Puntland iyo Caburinta Shacabka
Puntland ayaa Maalmahaan dambe waxay caado ka dhigatay in ay Caburiso Shacabkeeda iyo cidii ay istiraahdo waxaa ku jira damiir diinimo iyo mid wadaninimo, waxaan ogsoonnahay in Maamulkaasi uu hanjabaad faro badan iyo xarigba kula dhaqaaqay Shacabka doonaya in ay iska xoreeyaan dulliga ku habsaday Dimiirkooduna uu u saamixi waayey in ay Noloshaas Liidata ay ku noolaadaan, waxay si bareer ah oo gar daro ah xabsiga ugu taxaabeen xornimadiisiina uga qaadeen Sh Maxamud Qorane oo ah Wadaad Caan ka ah Puntland, Kana mid ah Aqoon yahanada Reer Puntland, waxna ka Dhiga jaamacadda geeska Afrika ee Bosaso, illaa iyo hadda wax Dambi ah oo ay ku soo oogeen wadaadkana aysan jirin Ka dibna ay iska siidaayeen.
Waraysi ay la yeelatay Shabakada Somalitalk.com Sh Maxamud Qorane ka dib markii la soo daayey ayaad ka garanaysaa kaliya in loo xiray in uu yahay nin u damqanaya Diinta Allaah, ayna ku jirto Damiir diinimo iyo mid dadnimaba,
Sidoo kale Sh Daahir Cali Shire ayaa Xoriyadiisii ku waayey in uu ka hadlay Ciidamada itoobiya ee wadanka ku soo qul-qulaya, Dadka muslimiinta ahna ay waajib ku tahay in ay difaacaan Diintooda,Dadkooda iyo Dalkoodaba, Shiikha ayaa ilaa hadda xiliga aan qorayo Qoraalkaan Ku jira xabsiga Magaalada Bosaso, waxaan Allaah ka baryeynaa in uu Ka soo siidaayo.
Kacdoonka Shacabka ee Puntland
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa ka jiray Puntland kacdoon Shacab,taasoo lagu diidan yahay gumeysiga cusub ee lala maagan yahay Guud ahaan wadanka Somaliyeed gaar ahaana degaanka Puntland, Sidoo kale waxa ay shacabku Dalbanayaan in lagu dhaqo Kitaabka Allaah swt maadaama ay muslimiin yihiin. Taasoo la mid ah kacdoonkii ka dhacay Koonfurta Somaliya loogana soo horjeeday Dagaal oogayaashii Muqdisho ilaa laga saaray Meelihii ay Xaaraanta ku haysteen.
Talo Soo Jeedin
Gaba-gabadii waxaan Talooyin u soo jeedinayaa Qaybahaan kala Duwan ee soo socda
Maxkamadaha Islaamka.
Waxaad u Taagan tihiin Difaaca Diinta,Dadka iyo Dalka, waa Howl Culus oo u baahan Sabar iyo ad-adayg, Askari walbaa oo ku sugan Furinta iyo jiidda hore ee dagaalka waa in uu ogaadaa in uu gudanayo Cibaado Allaah Taas oo ah JIHAAD Fii Sabiilillaah, Sidaas daraadeed waxaan idinku baraarujin Lahaa (aniga oo og in aad ogtihiin Haddana waa iga xasuusin) In aad Niyadiina Hagaajisaan una niyootaan in aad Gudanaysaan Camal Allaah idinku waajib yeelay, Maxaa yeelay Miisaanka Camalku waa niyada, Alllaahna SWT waxa uu Aqbalaa Camalka kiisa wanaagsan, Kaligiisna loo Sameeyo, Afkiina haka Qaadina Xuska Allaah (Digriga Allaah) Maxaa yeelay Allaah ayaa Na amray Hadaan Gaalada Dagaal ku kulano in ayno Badino Xuskiisa, Kalimada Alaahu Akbar Gaalka waxay kaga darantahay Madfac lagu soo rido, Ha Ilaawina in aad Dar-daarantaan inta aydan u bixin jihaadka idinka oo Raacaya Sunadda Rasuulka SCW.
Shacabka Somaliyeed .
Waxaad Tihiin Shacab Muslim ah, Waxaadna Tihiin Shacab Damiir leh, Shacab lagu Yaqaanay in ay Cadowgooda iska Celiyaan, Shacab geesi ah oo aan dullinimo Qaadan, Itoobiya waxaa idinka dhexeyn jiray waligiin cadaawad soo jireen ah, waxa ay doonaysaa in ay idin gumaysato, Dhulkiinana Qabsato, waxaa Hunguri kaga jiraa in ay Badihiina isticmaasho, Dakaddihiinana qabsato, waxa ay doonayaan in ay Gabdhihiina Kufsadaan , wixii ka dhacay xabsiga Abu-qureyb ee wadanka ciraaq wax la mid ahna ay ku sameeyaan Ragiina, Tigreegu makala Taqaano nin soo dhaweeyey iyo nin ka horyimid, mid walbaa waxay u aqoonsan tahay in uu yahay nin Somali ah, waxayna ka soo horjeedaa Jiritaankiina iyo Soomaalinimadiina, Waxay ka soo horjeedaa diinta Muslimka ee aad haysataan, Hadaba Ka hortaga Cadowgaas doonaya in uu Gumaysi Cusub idin galiyo Difaaca DIINTA ALLAAH, Difaaca Sharaftiina iyo Maatadiina, Taageera Ciidanka Mujaahidiinta ee difaacaya Sharaftiina una dhimanaya Difaaca diintooda, ku Taageera wax kastaa oo aad Awoodaan, la garab istaaga Hiil iyo hooba.
Dowlada Federaalka ee Somaliya
Waxaad Tihiin Dad Balanta ku wanaagsan, Waxaadna Qabateen howshii la idiin soo Aasaasay markii horeba taas oo ah in aad Baabi’isaan Jiritaanka umadda Somaliyeed, waxaad oofiseen Balantii ay idin la Galeen dadkii Maamulka idiin Dhiibtay ee ah Tigreega, Waxaad wadankii Somaliya aad Gacanta u galiseen Cadowgeedii Soo jireenka ahaa Kaas oo ah Itoobiya, waxaad xir-xirteen Culumadii Soomaliyed oo aad illaa hadda Xabsiga Baydhabo ku haysaan, Waxaad Jeebka ku shubateen Dhamaan dhaqaalihii aad Beesha Caalamka ka soo qaadateen idinka oo uga soo qaatay magaca umadda Somaliyeed, Hadaba waxaad ogaataan in aad Taariikhda meel Madow ka gali doontaan, Maalin ay noqotana ay Shacabka Somaliyeed idinla xisaabtami doonaan, waxa aad mudan tihiina la idin marin doono Inshaa allaah.
Culumada Soomaaliyeed
Waxaad Tihiin Culumadii Wadanka Soomaaliya, Wadankuna waxa uu ku jiraa maanta Xaalad Culus, waana xiliyada lakala ogaado ninka Diintiisu dhabta ka tahay iyo ninka ay Sheegashada ka tahay, waa xilliga Allaah swt kala Saaro Umadda ( Tamxiis) Sidaas Daraadeed Umaddu waxa ay u Baahan tahay in ay maqasho Hadalkiina , Booskiinii waxaad moodaa in uu Banaan yahay Sidaas daraadeed Buuxiya booskiina, Istaaga Mawaaqiftii ay istaagi jireen xiliyadaan oo kale Sheikhul Islaam Ibnu Taymiyah , Imaamu Ahli Sunnah Axmad Ibnu Xambal iyo Suldaanul Culamaa Cizz Ibnu Cabdi Salaam, Hadalkiinu waa Shamaca umada , waana Baraarujinta Shacabka , waana Kalsoonida Mujaahidiinta , Allaah uga Baqa Dadka Aad Culumada u tihiin, waxaana Allaah idiinka Baryayaa in uu idin xifdiyo Meel kastaa aad Joogtaan Cimrigiinana uu inoo Barakeeyo Caafimaad Wanaagsanna uu Allaah idin siiyo, Waxaan ku Nool Nahay Allaah ka sokow Waa Noloshiina Dadaalka aad wadaan in aad sii Laba Jibaartaan ayaan idinka Sugaynaa Culumadeenoow.
Tigreega
Waxaad Tahay Dowlad Daris La ah Somaliya, Waxaana Allaah Naga dhigay dad daris ah , Waxaad Noqotay Cadowga koowaad ee Somaliya, waxaad waligaa ka shaqayn jirtay sidaad u kala fur-furi lahayd Somali weyn, waxaad Gumaystaaa dad Somali ah , Waxaadna xoog ku haysataa Dhul Soomaaliyeed, Si Arxan Darro ahna Waad ula dhaqantaa Shucuubta Soomaaliyeed ee aad Gumaysatid, 16 sano ayaad Somaliya ka hor taagnayd in ay Cagaheeda ku istaagto, Waxaad gudaha Somaliya Ka samaysatay Calool u shaqaystayaal Somali ah oo kuu adeega Danahaagana Kuu Fuliya, Ninkasta oo aad ka Dareentid in uu yahay nin ay ku jirto wadaninimo waad dishay, Saraakiil,Dhaqaatiir,Culumo iyo Aqoon yahanaba Somaliya waad ka dhamaysay ugu Dambayntii waxaad dhistay Goloha La dagaalanka Argagixisada oo ah Calooshood u shaqaystayaal Soomaliyeed oo Gatay diintoodii iyo wadankoodiiba, Shacabkii ayaa ka hor yimid Allaahna waa Jabiyey waana Ka saaray wadankii Somaliyeed, Arintaasi waxa ay kugu noqotay Khasaare weyn Waxaad ku Qasbanaatay in aad Ciidaankaaga Soo galisid Somaliya, Hadaba waxaan kugula Talin lahaa Sida ugu Dhaqsaha badan in aad ciidankaaga ugala baxdid Ciidda Somaliyeed, Taasi Adiga ayey faa’ido kuu tahay, Si wanaagsan ayaad u taqaanaa Dadka Soomaaliyeed, Waxaa ka dhashay Ragii ku Siiyey Duruustii lama Ilaawaanka ahaa, waxaa ka dhashay Sh Axmed Gureey, waxaa ka dhashay Sh Sayid Maxamed Cabdule Xassan, Raggaas iyo Rag ka sii darana Way u joogaan Maanta , Allaah ayaana u Gar-gaaraya oo waa dad Muslimiin ah oo Difaacaya Diintooda iyo dalkooda, waana dad la dulmiyey oo Naftooda difaacaya, Sidaas daraadeed Nabada Qaado Somaliyana Faraha kala Bax oo Daris wanaag kula nooloow.
Gabagabadii Waxaan ugu baaqayaa Dhamaan Bulshada Somaliyeed Laga soo bilaabo Raas-kaambooni ilaa Raas-casayr laga gaaro Seylac in u istaagaan siday Diintooda u difaaci lahaayeen Dalkoodana uga Saari lahaayeen Ciidamada Tigreega ee ku soo qul-qulaya wadankooda.
Afeef:-Masuuliyada qoraalkaan wxaa iska leh Qoraaga ku saxiixan,Shabakada Waayaha.net-waxay kafaala qaady soo dabacaada uun kaliya.
Faarax-Deeq Siciid Maxamed ( Abu-Muscab AlSomali)
faaraxdeeq@hotmail.com
London Uk