Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Wadaadada Puntland Yeeysan Noqon Kuwii Afganistaan oo Kale

BISMILLAAHI RRAXMAANIRRAXIIM

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

Ilaah  baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

Waxaan si taxadar leh ku soo dhoweynayaa hadalkii ka soo yeeray madaxda Puntland ee ahaa in Shareecada Islaamka Puntland lagu xukumo. Haddii laga dhabeeyo oo uu meel-mar noqdo  wuxuu noqonkaraa arrin madaxda Puntland iyo shacabkooda u horseeda kheyr aakhiro iyo mid adduunba.

 

Sidaan la soconno, wadaadadii Afganistaan u dhashay siday hal dhufeys ugu jireen oo uga soo horjeedeen gaaladii Ruushka iyo gaalo-raacyadii ayaa markii Ilaahay guushii siiyey oo ay Kaabuul furteen ama u dhowyihiin la arkey iyagii oo isku hub urursanaya oo huf iska dhigay. Ilaa waagii dambe la arkey niman mujaahidiin loo heystay oo xukuma kooxdii Maraykanka u adeegeysay ee lagu qabsaday Afganistaan waa “Northern Alliance”. Waxaana madax u ahaa Axmed Shaah Mascuud. Malaga yaabaa iney wadaadada Soomaaliyeedna sidaas oo kale ku dambeeyaan? Ilaah baan ka magangalnay taas.

 

Waxaynu wada xasuusannaa in intaas oo jeer magaalada Gaalkacyo loo diiday in lagu qabto muxaadarooyin diini ah! Waxaan garaneynaa in wadaadada Puntland ahaanjireen wacyi-geliyayaal iyo warato laakiin ma ahaan jirin dad laga soo dhoweeyo meelaha laga hago maamulka Puntland khaasatan waagii korneyl C/hi joogay. Maxaa hadda is bedelay? Ilaahay fadligi kaddib waxaa mahaddaas iska leh Midowga Maxkamadaha iyo Kacdoonka Shacabka. Waa isaga xaddiisku yahay: qofkaan dadka u shukrin, Ilaahayna uma shukrin. Marka qaddarinta madaxda Puntland u hayaan culumada waa mid halkaas ka timid marka waxaa fiican in culumadu sidaas ula socoto.

 

Waxaan aamminsanahay sida la sheego ee ah in danteennu ku hagaageyso wixii danta dadkii salafkeenna ahaa ku hagaagtay oo ah Islaamka. Sidoo kale waxaan aamminsanahay in dagaaloogayaasha Puntland ay ku fiicanyihiin in la mariyo wixii lagu dhigay kuwii Xamar. Dadka qaar baa laga yaabaa iney is dhahaan: dagaaloogayaasha Xamar waa caddahay dhibkey Xamar ku hayeen laakiin kuwa Puntland maxay sameeyeen? Waa run, kuwa Xamar iney dhib sameeyeen laakiin kuwa Puntland waa kuwo dhabodhilif u ah Xabashi! Puntland waxaa ka jira oo kale Ashahaado-la-dirir. Teeda kale, soow C/hi iyo Xabashi kama ceyrin Jaamac Cali Jaamac Puntland weliba iyadoo loo doortay sidii C/hi loo doortay oo kale? Isla haddeer waxaa Gaalkacyo jooga Xabashi.

 

Maxay ka wadaan shacabka Puntland waxaan rabnaa in la isku xukumo Shareecada Islaamka? Jawaabtu waa caddahay oo waa ma rabno dastuurka u dhigan Puntland ee ku dhisan dhaqan shisheeye.

 

Maxay culumada Puntland hoosta usoo gashanayaan dagaaloogayaashooda? Waa dhicikartaa qof ama dhowr qof oo ka mid ah maamulka Puntland oo ku jiro Cadde Muuse iney yihiin dad macquul ah. Laakiin soow mar horaba meynaan maqal taliyaha daraawiishta Puntland oo diiddan heshiishka culumada iyo Cadde? Wuxuu yiri waxaan rabnaa dastuurka Puntland! Micnuhu waa ma rabno Shareecada Islaamka! Shaki ma leh in culumadu ay isleeyihiin wax badbaadi laakiin waa iney ogaadaan dhowr arrimood:

 

  1. Waxaa culumada iyo shacabka kacdoonka sameeyey la isku ogaa inaan loo nixin dagaalooge oo bannaanka laga dhigo xukunka Soomaaliya. Marka markii ay wadaadada Puntland xoog, cisi iyo sharaf ku yeesheen Ilaahay kaddib Midowga maxkamadaha maaheyn iney hoosta soo gashadaan dagaaloogayaashooda. Haddii taasi dhacdo waxaan xasuusinayaa xaddiis ku saabsanaa ninkii inta Nabigu (SCW) Sekeda soo aruuri yiri markii ninkii soo noqday nabiga (SCW) ku yiri: intaasna waa sadaqadii; intaanna anaa la ii hibeeyey! Dabadeedna waa tii nabigu (SCW) lahaa: muu fariisto guriga aabbihiis (ama hooyadiis) oo arko in wax loo hibeeyo iyo in kale. Haddii wadaadada Puntland qaataan go’aan iyaga keliya u gooniya haddee ha ogadaan shalay siday ahaayeen. Haddii aan intaas oo naf oo daahir ah loo hurin la dagaalanka dagaaloogayaasha maanta madaxda Puntland sidaas wax uma maqleen.

 

  1. Waxay waddo halaq-mareen ah ka dhigeysaa ama xoojineysaa in wadaadada Somaliland iyaga laftoodu la yimaadaan sheekadaas oo kale oo ay hoosta gashadaan wax la yiraahdo Somaliland. Inkastoo mar horaba qaarkood sidaas laga sheegay. Taasina waxay keeneysaa in midwogii Soomaaliya uu cirka isku laalo.

 

  1. Iyadoo laga dhammeynkaro in madaxda Puntland ay iska tagaan haddii loo afmacaaneeyo in wax lala qeybsado haddee arrintaasi xikmad maaha. Maanta Ilaah baa awood lehe waxaa muuqata in maxkamaduhuna ka xoog badan yihiin dagaaloogayaasha Puntland sidoo kalana shacabkii Puntland ay rabaan Shareecada Islaamka. Marka ma ahayn in madaxda Puntland la hungurigeliyo.

 

  1. Waxaan intaas oo jeer arkey ama maqlay dad raacsan kuwa Xabashida raacay iyo weliba kuwa ducaad sheeganaya oo leh si aan uga badbaadno maxkamadaha Xamar aan maamulkeenna ku dhahno nagu xukuma diinta Ilaahay! Oo ma Ilaahay baa la khiyaami karaa?! Marka ka warran haddii culumada Puntland ay ku dhacaan dabinkaas?

 

  1. Wataas mar horaba taliyayaashii ciidamada Puntland qaarkood diideen go’aankii Cadde taasina keenikarto in dhallinyaro Puntland  u dashay oo wadaado ah ay aadaan Bandiiradley marka shacabkii diyaarka ahaa ay ku wareeraan heshiisyada la leeyahay waxay dhexmareen wadaado iyo maamulka Puntland. Taasina waxay horseedi kartaa dhiig faro badan. Haddii wadaadada Puntland ay ka aamusi lahaayeen maamulka Puntland waxay noqon lahayd in ay naxdin darteed iska cararaan.

 

  1. Miyeysan Gaalkacyo ahayn meeshuu Cabdi Qeybdiid ka doobbinayo? Miyaan isla dorraad la waxyeeleyn masaajid Towxiidka lagu barto oo ku yaal Koonfurta Gaalkacyo? Marka maxkamadihii waxaas la xaalilahaa haddii niman culumo sheeganaya ay ka horistaagaan in wax la qabto soow dhibaato maaha? Sidoo kalana Xabashi ay joogto Gaalkacyo.

 

  1. Shacabka Puntland waa diideen iney Cabdi Qeybdiid oo Ashahaado-la-dirir ah ka dhinac dagaallamaan sidoo kalana u aadaan degaan aysan Puntland xukumin. Hadda qaar maamulka Puntland ka mid ah iyo Xabashi ayaa raba iney yiraahdaan: lafo maroodi waa la isku jabiyaa. Marka waxay rabaan iney wadaadada Xamar iyo kuwa Puntland madaxa isu geshaan. Ninna daraawiishta Puntland ka yeelimaayo iney dadka dagaalkaas jihaad uga dhigaan laakiin waxaan anigu ka baqsanahay inta wadaadada dhexdooda is af-garansho-waa’ ka yimaado la arko wadaado Puntland u dhashay oo shacabka ku leh: iska cesha nimanka Xamar ka soo duulay, diin ma wataane waxay ku socdaan qaab qabiile. Haddee ogoow, dadka diinta loo tiiriyo waxaa loo maqlaa si ka fiican sida loo maqlo dagaaloogayaasha.

 

  1. Waxaa dhicikarta inta maamulka Puntland uu culumada Puntland maaweelinayo in ciidamo Xabashiyeed soo galaan Puntland dabadeedna culumada la xirxiro ama la yiraahdo aamusa, iska daa iney wax ka badan qabtaane.

 

Ma ahayn in culumadu isku dayaan in maamul ay u dhammaatay ay wax la qeybsadaan oo ay dhidibbada u adkeeyaan. Waxaa fiican in culumadu ogaato in saacad kasta oo maamulka Puntland uu sii jiro ay la mid tahay in uu sii jiro maamulka Meles Zenawi ku hayo Puntland oo sii jira. Waxaan rajeynayey in mar horaba maamulka Puntland meesha laga ceyrsho oo la dhiso maamul caddaalad ah oo Ilaah yaqaan, waxna ku xukuma Shareecada Islaamka. Haddii taasi dhicilahayd waxaa sahlanaanlahayd in haddii Zenawi isku dayo inuu ciidamo soo gesho Puntland ay shacabka ku jihaadilahaayeen laakiin hadda wuxuu soo gelinkaraa daqiiq kasta haddaan Ilaah naga qaban.

 

Run ahaantii shaki iigama jiro in culumada Puntland ay kheyr-doon iyo dhib-yareyn ka tahay heshiiska ay la gaareen maamulka Puntland. Waana caadi in wixii hadal iyo is-afgarad lagu helikaro aan dagaal lagu raadin. Marka waxaan Ilaahay ka baryeynaa iney kheyr ku dhammaato. Anigu waxaan sidaan horay u sheegay aamminsanahay in dagaaloogayaashayadu aysan ka duwaneyn kuwii Xamar marka waa inaan fahannaa khiyaamooyinka iyo xargaha ay noo daadinayaan. Marka haddii xawaarihii iyo fididdii ay maxkamaduhu ku socdeen ay culumo iyagoo kala ah hakiyaan haddee iyagaa Ilaahay la hortagaya, shacabka Soomaaliyeedna waa la xisaabtamidoonaa. Marka waxay ku fiicneyd in wadaadada Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan iyagu yihiin walaalaha koowaad iskuna xiranyihiin intii mid kasta hoosta soo gashanlahaa dagaaloogaha qabiilkiisa ah. Marka godkii wadaadada Afganistaan u dhashay laga qaniinay yeynaan mar kale la inaga qaniinin. 

 

F.G Mala yaabteen indho-adaygeyga aan afka la galayo culumadaas waaweyn?! Runtii waxaa nooga horreeyey Cumar Binu Khidaab (RC) oo ku dhegay go’a nabiga (SCW) mar nabigu (SCW) rabay inuu ku tukado meydkii munaafiqii weynaa ee C/hi Binu Salool. Markii dambe waxaa Ilaahay soo dajiyey Aayado ka hadlaya inaan lagu tukankarin munaafaq la yaqaan. Marka arrintaas dantaa igu khasabtay maahee, daliil uma ahan in qaabkaas qof kaa cilmi badan aad wax ugu sheegikartid.

 

 

NASRIGII ILAAHAY WAA YIMID

WABILLAAHI TOWFIIQ

ASSALAAMU CALAYKUM

Qoraaga magaalkan iska leh ka turjumimayoshabakada waayaha.net

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software