Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Burburkii Qaran ilaa Qoys (Qaybtii 1aad)

         

“Berigii hore dhibtu soomaalida dhexdheeda ayey ka iman jirtay,waxayna isku dili jireen wax iyaga dhex maray,laakiin maanta arimuhu meelo Soomaalida ka fog ayey ka imanayaan”

 

Waa qoraalo taxana ah oo aan ka soo qaatay Buug aan xilligan qoraalkiisa wado lana magac baxay “Burburkii Qoys ilaa Qaran. Waa qoraalo aan ku eegayo  sababihii  keenay   burburkii ka dhacay Soomaaliya kaas oo ilaa maanta socda.

 

Burburka ka dhacay Soomaaliya  waa mid ka  soo bilowday Qarankii wuxuuna  hoos u daadegay ilaa qoyskii,waxaa  burburay dhamaanba qaabkii dhisme ee bulshada,waxaa burbur  baaxad weyne soo gaadhay dhaqankii ,siyaasadii  iyo dhaqaalihiiba,waxaa iyana meeshaba ka baxay waxay la odhan jiray dantii guud iyo dareenkii dadnimo.

 

Inta aan qoraaladan wado waxaan si kooban idiin fahansiin doonaa erayada ay ka mid tihiin Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga-Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qoriga-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan.

 

 Ma jirto cid garanaysa burburka ka  dhacayey  Soomaaliya 19 kii sano ee ugu dambeeyey inta uu baaxad leeg yahay,lama garanayo inta uu leeg yahay qasaaraha naf iyo maalba leh ee dhacay 19 sanadood ugu dambayeey.

 

Ma jirto cid garanaysa xilliga uu dhamaan doono burburkaa ilaa maanta socdaa,kaas oo la odhan karo xilligan wuxuu galay weji cusub oo kii hore ka dhib badan,ka qasaare badan,weliba  ma jirto cid garanaysa ujeeda uu leeyhay kan hadda soconayaa.

 

Soomalida badan keedu waxay isku raacsan yihiin in dagaalkaa 19 sanadood   ka soconayey Soomaaliya  in uu  salka ku hayo “XUKUN DOON”,jidkii la doonaba  ha loo mare, waxaa jira dad aan sidaa u badnen oo rumaysan in arinku aanu ku koobneyn oo keliya xukun doon balse uu ka qoto dheer yahay.

 

Dadka qaar ayaa iyana rumaysan in burburka ka socda Soomaaliya uu salka ku hayo fara gelin shisheeye, waa laga yabaa in  ay sax tahay,waana wax dhici kara  in haddii Soomaalida laysu daayo in ay is afgaran lahaayeen.

 

Dadka qaarna  waxa Soomaaliya ka socda waxay ku macneeyeen  abaal marinta ,dunuub  ay hore ummadda Soomaaliyeed u gashay,balse aad moodo in cida dunuubtaa gashay qaarba si u macneynayaan.

 

Dadka qaarna waxay rumaysan yihiin in burburka jiraa uu salka ku hayo Qabiil iyo Qabyaalada, dadka sidaa u fekeraya waxaan xasuusinayaa in weligeedba ay Soomaalidu u dagaalami jirtay  qabiil balse waxa hadda socdaa way ka baaxad weyn yihiin Qabiil iyo Qabyaaladba.

 

Dadka qaarna  waxay rumaysan yihiin,sidan ay dani ugu jirto oo ay ku helayaan hanti iyo xoolo fara badan,waxaana u badan dadka loo yaqaan ganacsatada.

 

Dadka qaarkoodna  markay meel ay u qaadaan garan waayeen sida wax u socdaan,afka ayuunbay gacanta saareen, oo waxay miciin moodeen aamus.

 

Dadka qaarkoodna waxay ka badin waayeen in sheegaan sida wax u gaadheen iyo sida dadka rayidka ah wax u gaadheen,hadalkoodana waxay ku soo koobaan xabada joojiya.

 

Dadka qaarkoodna waxay  miciin moodeen in ay shiriyaan Beelo,hadaladoodana waxaa ka mid ah haddii aanu nahay odayada beesha reer hebel,balse waxaan jirin wax ay qaban karaanba.

 

Dadka qaarna waxay hadda isweydiiyaan suaasha ah waar yaa na dilaya?,taas oo aan filayo in  loo baahnaa in mar hore lays waydiiyo.

 

Dadka qaarkoodna waxay  taageero hagar la,aan ah la garab taagan yihiin Kooxo iyo shaqsiyaad  aanay xataa fahan sanayn waxa ay aaminsan yihiin iyo waxa ay doonayaan midna.

 

Dadka inta soo hadhayna waxay  taladoodu noqotay FADHI KU DIRIR,suaasha keliya ee ay isweydiiyaana waa “maxaad wax war ah haysaa?”,marka qaarkoodna hadalka ayaaba ka duula oo waxaaba laga yaabaa in ay ku dagaalamaan suaashii ay isweydiiyeen.

 

 Mudadii 19-ka sano ahayd ,waxaan moodayey in waxa keliya ee u badbaaday Soomalida  ay DIINTA ahayd,laakiin xilligan aynu hadda ku jirno waxaa soo if baxaya burbur ku soo wajahan DIINTA oo ahayd halkii keliya ee aan islahaa waa inoo badbaadaysaa, haddii aan loo wada gurman-na waxaan filayaa in halkaa ay ka soo socdaan HALAAG  aan hore noociisu u soo marin ummadda Soomaliyeed,waa waajib cid kastaba saran.

 

Hadal iyo dhamaan  burburka ku dhacay   Soomaalida  way ka siman tahay  gudaha iyo mid dibad joogaaba way balaadhan tahay,layskuma raacsana sida ay wax u jiraan,lamana doonaayo in si loo wada xaliyo ee aynu eegno halka ay ku dambayso.

 

 Eeg erayadan waxaa tiriyey Cabdillahi  Suldaan Timo Cade 1967.

 

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorki iyo waxyiga, diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

 

--la soco qaybta 2aad  oo  aan u bixiyey soomaalidu sidii  ay ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay---

 

 F.G. markasta waxaan marti idiinka ahay wixii talo,tusaalle iyo taakulaynba ah.

 

Mahadsanidin

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Maqaalkani ka turjumi maayo shabakada wararka Waayaha.net waxaa leh qorraaga ku saxiixan

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software