Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Maxaa la gudboon Maamulka Puntland

Sida aynu la soconno waxaa isbedel weyn ku yimid hab siyaasadeedkii Soomaaliya taas oo ku timid markii koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu ka dhashay kacaan ay hogaaminaayaan Maxkamadaha Ismaaliga kuwaas oo ka takhalusay dagaal oogayaashii mudada dheer hortaagnaa in Soomaaliya ay Dowlad ka dhalato. Hadaba kacdoonkaas waxaa soo dhaweeyey dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ,iyagoo ay maxkamaduhu sheegeen in ay isugu yeerayaan dhaman umadda soomaaliyeed si ay uga tashadaan mustaqbalka dalkooda una dhistaan dowlad soo celisa sharaftoodii iyo jiritaankoodii . Dhacdada cusub sooma aaney jiidan shacabka Soomaaliyeed oo kaliya laakiin waxa kale oo ay soo jiidatay caalamka gaar ahaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya,waxaana wadamadaasi ay bilaabeen in ay xiriir la sameeyaan Maxaakimta ,waxaana lagu marti qaaday wadammo badan, taas oo ay filan waayeen Maxkamaduhu, waxaa lagu marti qaaday Hoteelo waaweyn ,waxaa dhulka loo dhigay karbed casaan ah oo ay ka arki jireen telefishinada ,waxa ay la kulmeen madax sar-sare oo wadamadaas ka tirsan,waxaana laga sheegay telefishinada caalamka oo idil. Nasiib darro waxaa nimankii aanu rajada ka laheyn ee maxkamadaha ahaa u soo dhuuntay sheydaankii lagu yiqiinay in uu bani’adamka khaldo ,waxa uuna ka dhaadhiciyey in aaney jirin cid iyaga uga xaq leh in ay dalka maamusho waxa uuna tusay in ay meeshey tagaanba si sahal ah ay ku qabsan karaan ,waana midda keentay in ay dagaalo badan galaan meelo badanna qabsadaan, waxa ayna hadda duullan ku yihiin gobolada Puntland . Hadba maxaa lagudboon shacabka iyo maamulka Puntland. Ugu horeyn maamulka puntland waxaa la gudboon in ay isugu yeeraan Culimada Diinta,Waxgaradka, Aqoonyahanada iyo Isimada dhamaan qabaa’ilka dega Puntland,kalana tashadaan waxa laga yeelayo Maxkamadahan duulaanka ku ah Puntland una waadixiyaan in Puntland aaney u baahneyn nimankan isku magacaabay Maxkamadaha oo aan wax ajenda ah ku socon ,isla markaana maamulka Puntland ay u ballan qaadaan shacabkooda isbedel dhab ah iyo in ay qaadanayaan talada loo soo jeediyo, haddii kale waxa dhici doonto in maalinba reer ay soo qoraan bayaan kuwa kalena ay beeniyaan taas oo khatar galin karta jiritaanka Puntland iyo in ay kala qeybsamaan shacabka ku dhaqan Puntland iyada oo uu reer walba dhexdiisa noqonayo kuwa raacsan maxkamadaha iyo kuwo diidan,haddiise dadkaa aan soo sheegay la isugu yeero ayna soo saaraan go’aan ay u dhan yihiin waxaa baaba’aysa in la yiraahdo reer hebel ayaa bayaan soo saaray. Waxaan u sheegayaa reer Puntland maanta waxa aad tihiin dad wada jira oo leh hal Maamul wax kastoo uu maamulkaa yahayba ,ma waxaad dooneysaan in aad u kala qeybsantaan reer-reer ay reer waliba maxkamad leeyihiin ,waayo waxaa maxkamadaha lagu yaqaan in ay dadka u kala soocaan qabaa’il ay qola waliba Maxkamad leedahay sida lagu yaqaan Muqdisho,taasna waxa ay lid ku tahay nadaamka lagu yaqaan hab dowladeed ,marka waxaan oran karnaa Maxkamadaha waxbey baabi’iyaan ee wax ma dhisaan. Waxaana daliil u ah in ay doonayaan in ay kala qeybiyaan shacabka Puntland Abshir Bacadle oo gabay u tiriyey Leelkase Markey maxkamadaha raaceen waxa uu ballan qaaday in qabiilkii raaca Maxkamadaha ay qaan ku tahay inuu iyagana gabay u tirinayo. Marka la fiiriyo hal ku dhigga maxkamadaha ee ah in ay doonayaan kitaabka Allah maahan in ay dagaal ugu keenaan reer puntland in ay kitaabka qaataan ,waxaa jirta qaacido fiqhi ah(cilmiga diinta) oo oraneysa in haddii adigoo wanaag doonaya aad aragto in uu ka imanayo dhib aad u weyn ay haboon tahay in aad wanaagaa aad sameyn laheyd aad iska deyso,marka ma waxaad dooneysaan Maxkamadahow in aad sababtaan dagaal lagu hoobto?. Waxaa jirta xadiis Nabiga laga wariyey(SCW),markii la furtay Makka ayaa nabiga ku tukaday Kacbada dhexdeeda,Caa’isha(RCH) ayaa damacday in iyadana ay ku tukato gudaha Kacbada markaas ayuu Nabigu (SCW)yiri ku tuko banaanka Kacbada waayo waxa ay ka tirsan tahay Kabcada ,waxa uuna u sheegay in uu jeclaan lahaa in uu kacbada dumiyo oo uu ku soo daro inta ka maqan ,laakiin waxa uu u sheegay Caa’isha in uu ka baqayo in Qureysh oo markaa Islaamkoodu cusbaa ay diinta ka baxaan. Marka sabab ha u noqonina in dadka aad diinta ku dirtaan. Sidoo kale shacabka iyo Maamulka Puntland waxaan kula talinayaa in ay qaataan kitaabka Allah iskuna maamulaan kana waantoobaan bayaanada maalinba reer soo qorayaan. Wabillahi towfiiq. Abdi Nuur Salaad Fikrada qoraaga maqaalka iska leh ka turjumi mayo shakada wararka Waayaha.net



   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software