Waxaa maanta shacabka soomaaliyeed marqaati ka yihiin in aan dagaalka laysku haysto magaalada muqdisho meelaba diini kasoo gelin ee macnuhu yahay adigu madaxnimada kuma wanaagsanid ee anigaa kaa mudan.
Hadaba shacabka reer muqdisho ma waxay doorbidayaan inay maalin walba qaxaan
Oo ay nin macangaga oo maleeshiyo wata iyo mid mintida iyo mid mooryaana
Maalin walba madfac la dhextaagnaado taasi waxay muujinaysaa inaysan shacabka muqdisho Waxgaradka iyo masuuliyiinta reer muqdisho lahayn muruq iyo maskax ay naftooda ku maareeyaan , macnaha aan taas uga jeedo waxay tahay shacabka reer soomaaliland waxaa maanta heerkay joogaan gaadhsiiyay maskaxdooda ee dad dibad uga yimid iyo nin madaxnimo u dirira toona ma keenin maanta midhaha nabada ay guranayaan waxayna kula soo baxeen muruqooda markay mooryaan iyo mici ku dhiiglaba iyo midig ku dhiiglaba Banaanka iska mariyeen, sidoo kale shacabka reer puntland waxay ku gaadheen martabada iyo horumarka ay maanta taagan yihiin iyaga oo fiirsaday maslaxadooda inay ku jirto Isfahan iyo wadahadal iyo wada xaajood oo aan nina muruq nin kale ku muquunin Karin.
Waxaa maanta shacabka muqdisho ka muuqda rafaad balse waxaan dhihi karnaa
rafaadkaasi waa mid ay laftoodu ka qayb qaadanayaan waayo qofka marka ilaahay dareen iyo maskax damiir xumaanta iyo samaanta kala sooca uu siiyo waa uu ogaan karaa meesha dantiisa iyo noloshiisa iyo naftiisa iyo nabadiisaba ku jirto , hadiise uu ka doorbido inuu u nacamleeyo oo maalin kasta sacabka u tumo niyada iyo qalbigana ka taageero nin wada geeridiisa iyo dhibatadiisa nin ay isku beel yihiin oo nacab ah
wax naxariisana aan u falayn waxaan u malaynayaa inaysan weligeed nidaam iyo nabad waartaa muqdisho ku negaan doonin.
Maanta waa ridoobay iyo gaaluu raacay iyo waa reer hebel oo dan gaara iyo aarsi
wataa way dhamaatay xaajadu waa anigaa kaa xoog wayn iska kay celi iyo shacabka waa inay aamusan Filinkana fiirsade ka ahaadaan sida uu sheegay axmed godane oo aan awood u lahayn inuu eraygaas hargaysa ka yidhaahdo iyo bali gubadle oo oo awoowgisii shanaad ku dhashaay U malayn mayo inuu axmed cabdi godane uu raali ka yahay in nin keliya oo ay ehel yihiin ku dhinto deegaankiisaa iyo dhulka uû kasoo jeedo markaa maxay tahay sababta maalin walba dagaaladu mashruuca ah ee mar kasta ka dhaca soo magaalada muqdisho waxay ila tahay Muqdisho mindhaa qiyaamihii ayaa ka bilowday .
Waxaa meesha ka baxday dhawristii nafta ilaahay diintiis ku sheegay in la xurmooyin dhiiga muslinka masaakinta ah ee aan wax galabsan waxaa meesha ka baxday in nin cumaamad sitaa noocuu doonaba ha ahaadee umada wax uga sheego diinta waayo diinta ninka aysan ka xarimayn inuu dadka dilo dhaco masaakiinta iyo maatida iyo dhalaanka iyo duqaydana madfaca la dhacaya kuwana biraynayaa miyaa ka dhagaysan karnaa diin ayaan wada sheekadu waa damac doone.
Xasan daahir aways oo qoraale hore oo aan ugu magacdaray raadraaca taariikhda
hogaamiyayaasha diimeed ayaa waxaan ka mid ahaa qoraalada rag ay xabsi wada galeen inaan inta badan kasoo qoray taariikh xasan daahir aways una hanwaynaa ragas oo qaarkood waagay ku jireen xabsiga dhexe iyaga oo aan diinta aqoon fiican u lahayn uu kula talin jiray inay bartaan una yaqaanay inuu yahay wadaad daacada ayaa waxay hada ii sheegeen ilaa waqtigii uu xidhnaa hadafkiisa inuu ahaa kursi doon uuna u arkay xalka ama wejiga keliya ee uu ku kasban karo umada inay tahay inuu muujiyo dedaal diimeed balse hadaan moodayno ayay dhaheen sida maanta ka muuqata wlaahay waxba kamaanaan dhagaysaneen Waxaa xasan afka ku hayn jiray aayadaha ka hadla alle ka cabsiga iyo taqwada iyo kuwa ka hadla xadgudubyada diinta waxaana had iyo jeer ayay saaxiibadiis ii sheegeen inuu jeclaa inuu ka booriyo oo ku waaniyo in muslimiinta is xaqdhawraan haddii laba dhalinyaro khilaaf ku dhexmaro sida caadada maxaabiista ah aad ayuu inuu uag xunyahay muujin jiray waxaa uuna odhan jiray isu samra saaxiibkii ayaa ii sheegay inuu maanta ka arkayo websiteyada idaacadaha iyo tvyada caalamka xasan daahir oo ilaaway wanaagii iyo aakhirada oo uu mar walba ka sheekayn jiray isaga oo halhayska xasan ahaa aduunyada ka dhigta jid laga gudbayo oo haku mashquulina waxaan odhan karnaa dhamaan dariiqyadii siyaasadeed iyo kuwii diimeed iyo kuwa dagaal ee taariikhda xasan daahir waxaa ku dahaadhnaa kuna qarsoonaa damaca kursiga iyo inuu maqlo waa madaxweyne ama magaciisa ay ka hormarto madaxweynaha soomaliya mudane xasan daahir aways balse maanta ayuu shaadhkiisa dhabta ah lasoo baxay shareeco doon maaha waynu aragna sheikh wanaagiisii ku sifoobayna maaha Waxaan odhan karnaa waa sida ay saaxiibadiis ii sheegeen nin ku lumay dhalanteedka aduunyada iyo dharaaraha nolosha dhamaanaysa.
Axmed godane oo sida aan ka warhayno ah xarakada alshabaab ninka madaxda ka ah ayaa waxaa uu kasoo jeedaa soomaliland gobolka hargaysa ama waqooyi galbeed degmad bali gubadle waxaa uu ka mid ahaa dhalintii snm ee markii danbe isu bedeshay alitxaadka Waxaa la yaab ah inuu sheeganayo amiir , waxay soomaalidu ku maahmaahdaa ninkaad kabo ka tolanayso kuwiisa ayaa la eegaa baligubadle waa xadka itoobiya waxaana looga baahna axmed inuu ileeyn waa dalkiisii iyo dadkiisii halkaas ka bilaabo , hadii uu yahay ruux raacayaa dariiqa rasuulka nebigeenii calayhi salaatu waa salaam waxaa uu digniinta ka bilaabay reer cabdimudalib , ka dibna reer banii haashim ilaa uu quraysh oo dhan isugu yeedhay markaas waxaan odhan lahaa haka soo bilaabo arab sheikh isaxaad ilaa reer sheikh isaxaaq ilaa uu soomaaliland beelaha soohdinta la leh markaas ayaa bulshada soomaaliyeed si sharafle jihad iyo diinba uga dhagaysanaysaa haddiise ay xaalku yahay muqdishaa bukta oo dad masaakiina oo doolarka lagu siri karaa joogaan soomaliland waxeeda hayska qasato
Waa xaajo tuurleh waxaana toosin karayaa shacabka iyo waxmagaratda afka duubaan ee hooyoyinkood iyo eedooyinkood aabayaashood walaalahood iyo uabadkoooda lagu gorgortamayo loogana dhigay inay gaalo yihiin. Markaa dirirta axmed godane waa ninba danleh ee aan dabar jaro doqonta reer koonfureed waxaa ku badan damiinada aan dadnimada lahayne duqayda koonfureedna waa dad aan aqoon siday dadkooda u qabsadaan Danta axmed godanena waa dilaal ka yimid dibada dalka soomaliya dano iyo ujeedooyin dad kalena damacsan una adeegayaa dalal kale oo aan soomaali ka mid ahayn.
Sida muuqata mudadii koobnayd ee uu xilka dawlada midnimada qaran hayay
Madaxweyne shariif waxaa muqdisho ka muuqatay deganaan marka laga reebo todobaadkan oo dagaalo aan jiho iyo weji loo raaco lahayn oo ay kooxo diimo sheeganayaa oo bedelay hogaamiye kooxeedyadii waxaa hadaba ka muuqata deganaan iyo dulqaad badan Mudane shariif marka waxaa is weydiin leh oo aan qoraalkayga ku soo koobayaa Dadweynaha reer muqdisho maaha dad indho la, mana ah dad daman ah oo aan wax dareemi Karin way arkaan qofka dilaya iyo kan doonayaa, ma waxay dani ugu jirtaa dagaal ujeedo iyo dan gaara ay ku helayan dad gaara iyo koox gaara waxaan doonayaa inaan isweydiino sadex su,aalood oo kala ah,
Dadweynaha reer muqdisho Ma damaca sheikh xasan daahir , ayay dani ugu jirtaa?
Dirirta iyo dagaalka axmed godane miyay dani ugu jirtaa Mise daganaanta iyo dawladnimada sheikh shariif wado ayay dani ugu jirtaa?
Jawaabtu waxay u taala dhamaan shacabka soomaaliyeed
Ëe daneeyaa danaha soomaaliyeed wabilaahi tawfiiq
Ilaahay ayaa mahad leh
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
abdirihiin1@hotmail.com
Maqaalkan waxaa iska leh qorraaga ku saxiixan waayaha.net kama turjumayo