Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Habdhaqanka Soomaalida,yaa gob ah yaase gun ah?

 Yaa Gobonimo lagu Sifayn karaa?

 yaase Gunimada Lagu Sifayn karaa

 Geyigeena  Soomaal Sideese Lagu  kala Garan Karaa?

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

 

Waxaa soomaaliya inta badan kala sheegtaan gobonimo iyo gunimo iyada oo deegaanada qaar iyo dadyawga qaar iyagu isku tilmaama gobta soomaaliya kuwa kalena ku tilmaama gunta soomaaliya  hadaba maanta waxaan doonayaa inaan qoraalkayga kusoo bandhigo gobta iyo gunta inaysan ahayn sida loo yaqaan iyo sida aay sheegtaan dadka qaar waxaan kala cadaynaynaa erayga Gob iyo erayga Gun!!!

 

Waxaa inta badan lagu fasirayaa inay gobonimada iyo gunimada ku timaado dhalasho ama abtirsiimo balse eray ahaan afsoomaaliga haddii loo fiirsho arinkaasi waa beenabuur iyo qalad laga galay macanaha dhabta ee erayga Gun iyo Gob waxaay ku timaadaa gobonimada iyo gunimada dhaqan iyo ficilka qofka qoyska beesha iyo qawmiyada.

 

Gobonimo waxaa lagu fasiraa sidan:-

 

Qodobka 1aad=  dad samir badan oo u  isu dulqaata oo aan u dhaqmin sida xayawaanka oo ah qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa ee isfahan iyo odhaah iyo wada hadal waxii dhexmara ku dhameeyaa.

 

Qodobka  2aad= Gobtu waa dad ka dhawrsada ceebta ilaashada karaamada  balanta iyo qawlka  haday xitaa dhibtoodu ku jirto fuliyo , ilaaliya dhaqanka iyo  tolnimada xididnimada iyo derisnimada kana fogaado wax kasta oo sumcadooda wax u dhimayaa ama raad ku reebaya ama taariikhda u gelayaa

 

Qodobka 3aad= Gobtu waxay  ku dedaalaan ilaalinta qaranka iyo midnimada iyo in

magaca soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa aanu noqon  mid baa, aba  waayo waxay ka caagan yihiin  inay qaataan cad qudheed iyo soor quudheed cadawgooda iyo inay ciyi iyo dhameel geed saran lagu siro mana fuliyaan dano dad kale iyo  dano dal kale

waxay ku dhaqmaan dantooda iyo sida ay u arkaan maslaxdooda intay dilaan walaalkood kuma soo qaataan qandaraas waxaan qofka dhaqankaas leh loo yaqaan qof guna oo caade qaate ah oo dadkiisa iyo dalkiisa siisana soor ama nolol gaaban oo maalmo ah, waxayna yeeraan ama dhahaan qofka dabeecadaha noocaasa leh  magacaa ba hebeloow   (ileen nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday) waa halkii uu abwaanka hadraawi ka yidhi gabaygiisa gudgude (gobonimo waa quus ninkii gawska dhaafsaday ,guri ba,ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fule ninkii gaar u faashaday)

 

Qodobka  4aad= gobtu waxaa lagu yaqaan hubsiimo iyo inaysan ku degdegin talaabo kasta iyo ficil kasta oo ay qaadanayaan kana fiirsadaan kana arinsadaan kana

ergeeyaan kana afeef dhigtaan si aan beri magac xumo iyo sumcad xumo ugu dhicin

waxaanay halhayska iyo hadafka ay ka duulaan uu ahaadaa mar walba ( hubsiimo halbaa la siistaa) iyo (gobonimo waa u dhalasho) ee arintaas aan ka dhawrsano si aanay sumcadeena wax ugu dhimin (hadaan lakala roonaan roob ma dayo) ee yaynaan ku dayin nimaankaas , waana dad cafis iyo samaxaada yaqaana sidii diinteenu sheegtay  iyaga oo wax walba oo lagu sameeyo ka aarsangoosan  kara ayay ka doorbidaan inay ka xaaltamaan  oo ay cafis iyo wanaag qaataan

Nabad iyo samaan iyo heshiis ka taliyaan  dhibaato iyo dagaal iyo khilaaf iyo iska

hor imaadna ka digtoonaadaan  maadaama nabada wax lagu waayo aan colaad lagu keeni Karin Maahmaah soomaaliyeedna waxay tidhaahdaa(inta nabadu joogtaa ninba laba nin le,eg yahay halka maahmaah gobeed kalena tidhaahdo  raga gogoshiisu waa nabad Qodobka 5aad= Gobta waxaa ka xaaraana inay ku duulaan dhul aysan lahayn inay qaataan xoolo aysan lahayn inay sheegtaan magac ama  wax aanay lahayn waxaanay u caado ah isku kalsoonaadaan iyo inay aaminaan waxay yihiin iyo waxay haystaan wax dhawraan diinta dhaqanka iyo dadnimada dhalashada iyo dhamaan wax kasta oo wax dhimaala keeni kara Waxayna dhawraan  sida dhulka iyo deegaanka loo kala dego waxay ilaaliyaan soohdinta ha ahaato mid dhuleed mid dhaqan iyo mid diimeed waxayna ka foojigan yihiin wax kasta oo keeni kara magac xumo , taariikh madaw , iyo hagardaamo iyo hadimo laga taliyo.

 

Qodobka 6aad= Gobta waxaa u caado haday xaalada noqoto in lays barbardhigo ama laka doorto laba arimood waxay inta badan dadka gobta ah asiibaan oo doortaan samaan iyo xumaan inay doorbidaan samaanta oo ka dheeraadaan xumaanta waxay adkeeyaan heshiiska iyo wada noolaanshaha waxayna ka dhintaan in cadaw dalkooda kusoo duulo ama la adoonsado ama laga xukumo madaxa iyaga oo xora waxayna ilaashaadaan xornimadooda  midnimadooda qaranimadooda iyo gobonimada , halka uu ka yidhi abwaan soomaaliyeed (Nin Dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal, dhashaaday sugtaa  xaajadaad dhawrataa abide ) marka ay xaalku noqdo gobonimo u dirir gobtu waxaa u dabeecad nolol xun iyo geeri xornimo inay dhintaan geeri xornimo iyo gobonimo leh.

 

Hadaba gobta waxaa ku lid ah gunta) Gunimada waxay soomalidu ku fasiraan dhalasho ama abtirsiimo balse maaha ee waa dhaqan iyo afcaal xun oo la caadaysto iyo iyada oo aan shaqsiga ama kooxda ama qoyska ama qawmiyada ama qarankaasi dhawrin wanaaga kana doorbidaan xumaanta.

 

Erayga gunta waxaa  u fasiraynaa sida uu ku yahay af soomaaliga

 

Qodobka = 1aad  Guntu malaha wax xad ah ama xuduud ama seere ama soohdin malaha mid diimeed mid dhuleed iyo mid dhaqan toona waxayna dabeecadaas kala mid yihiin noolaha xayawaanka aan u naqaan ama duunyada malaha sabab  ay ka celinaysa xumaanta iyo gefka waxayna wax ka fahmaan dhuunta waxayna wax ka gartaan caloosha , waxaana loo yaqaan magacyo badan sida , caadeqaate, inangumeed, qaayinuwadan, sooryahan, iyo calooshiisa ushqaystay ama calooshiisa  la ciyaar  waxaa qofka bani aadamka  ah ka duullaa maskaxda balse iyaga waxay ka duulaan caloosha oo meesha ay cunto ama dhadhan kasoo gelayo ayay aadaan , waxaa uu qofka wax uu diida damiirka oo ka damqada waxyaabaha xunxun ee naftiisa wax u dhimaya balse gunta malaha wax damiira oo wax diida wax waliba waa la caadi hadii ay dhadhamo sooreed ama maal ama madaxnimo magac uyaal ka.

 

Qodobka 2aad=Guntu malaha saaxiibtinimo ama derisnimo ehelnimo, xididnimo iyo

wadaniyad ama dadnimo waxaa keliya ee uu yahay hadafkooda ama ujeedkooda saxda dangaara meeshii dantaas ay ka helaan ayaa ah maharahooda ama haykalkooda nololeed Siyaasadeed iyo mabda,eedba  waana dabeecada rasmiga ah ee guntu ku caanbaxday Waxaa guntu lagu gartaa midabyeeynta iyo mabda,a la,aanta iyo iyaga oo aan qofnaba iyo dhexdooda isu quudhin nolosha oo mar walba  xaajadoodu tahay  ama hadafka iyo majaraha ay higsanayaan  ujeedadooda dhabta iyo saamaynta noloshooda inaysan wanaag oo dhami dhibo odhaahdan ama tixdan ayaa koobaysa  xaqiiqda dhabta ee higsiga gunimada oo ah Laba qaylo dhexdood,baa qado noogu jirtaa ,o qasaraanu rabnaa , samaha waan qaladnaa ,qas aayaan ku ridnaa,xumahuna waa qasdigeena , qorshe weeye gumeed , ee qof kastowba ogow , qiil ma wayno xumaato, waxkastoo la qaloocsho, iyo qalalaase abuurka , qaybta weeye  gumeed, ee qof kastowba ogow

 

Qodobka 3aad= Guntu waxaa lagu gartaa abaaldari iyo ilowshiiyo badan hadaad u

hiiliso iyo hadaad gacan qabato iyo hadaad taageerto intaba midnaba ma dhawraan oo waxay ku ilaawaan maalinta ay dhamato danta iyo ujeedada gaarka ah ee ay kaa

leeyihiin nooc alaale nooca ay doonaanba ha ahaadaan mana gudaan abaal lagamana helo garasho in loo galay abaal (guntu ma leh abgaal gudis, ama garasho dheeroo, ma

garwaaqsadaan beri ruuxii galadayee  u guntaday wanaagood, gorof weeye madhanoo,guunyadii la siiyiyo garabkii mar loo falay , ruux gadaal u eegiyo , maleh geesi gudi kara  gunimada ilaahiyo guulaan ka magan galay). 

 

Qodobka 4aad= Guntu ma garqaadato oo ma keenaan qiraal in laga gar leeyahay ama laga saxan yahay mana laha samir iyo dulqaad waxayna ku adkaystaan mar walba dhinaca xun iyaga oo ku mintidaya  go,aan aan naftooda iyo naf kale toona dani ugu jirin Ciil aan dhamaanayn cuqdad iyo ciladi waa gunta caadadoo, colaaday abuuraan, nabaday careeyaan haddii lays cardaadiqo  caasha laysla wada galo , guntu waxay ku caan tahay cabsi oradka hore iyo ciidan xumadi  weligeed cararka iyo baqaha jaan waa camal gumeedoo cisse maleh , caqliyo maqal , inta nabadu caamkiyo, caanuhu ay buuxaan.

 

Qodobka 5aad= Gunta waxaa u caado ah inay sheegtaan mar walba guul ama inay iyagu yihiin dadka ugu mudan  dadka ay la nool yihiin ugu saxan uguna wanaagsan iyaga oo dhinac marayaa wax kasta oo xeer ah iyo wax kasta oo xaqa ayay  isku qanciyan afkaar iyo sheeko  aan u cuntamayn bulshada ay la nool yihiin

Riyo ruuxa weheshada , runta aan dareemayn, raadraaca taariikh , rugba aanan ku

lahayn misna raadinayuun xumo, ku ragaada samahoo dhibku raaxadiis tahay, raganimo ka dheeroo  rahuu meel la joogaa

 

Hadaba waxaan qoraalkayga kusoo afjaryaa  deegaanada soomaaliyeed sida loo kala dego Ayay waxay u kala qaybsan yihiin Dad Gob ah  iyo Dad  Gun ah

Hadaba yaa gunimada   ku sifoobay ?? arimaha aan kor ku soo sheegtay yaase

gobanimada ku sifoobay ??

Arimaha aan kor sheegtay su,aashan jawaabteeda waxay u taala qofkasta oo soomaaliya oo aqriya inuu ka jawaabo 

 

Fiiro Gaara :- qoraalkan  maaha mid wajahayaa dad gaara ama deegaan gaara  waa

qoraal khuseeya qof kasta oo leh dhaqamada aan soo sheegnay ama haku sifoobo

qodobada gunimada iyo qodobada  gobonimada  !!!

 

 Horta yaa gunimada leh?

Gobonimo u gaar tahay?

Side baan ku garanaa ?

Dadyahaw loo gorfeeya?

Gobtaana aan u sheegnaa?

Gunimana ku baranaa ?

 

Gobta waxa u caado

 Garaad fiican weeyaan

Dad garaaba weeyaan

Gedi samaha wada jecel

Geed ka fuula xumahoo

Ku gadaaman sharaftoo

Ka gaabsada xumaatada

 

Guntana waxaa u caado

Gunuus aan dhamaaniyo

Guux xumaan ka buuxdiyo

God daloolo badanoo

Marna aan garawshiiyo

Garta inay u aqaataan

Guurtidu siday tidhi

Garanayn dadkaygoow

 

Wabilaahi Tawfiiq

ILaaahay ayaa mahad leh

Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 Abdirihiin1@hotmail.com

Maqaalakni ka turjumi mayo shabakadda wararka Waayaha.net

 

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software