Yaa Gobonimo lagu Sifayn karaa?
yaase Gunimada Lagu Sifayn karaa
Geyigeena Soomaal Sideese Lagu kala Garan Karaa?
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Waxaa soomaaliya inta badan kala sheegtaan gobonimo iyo gunimo iyada oo deegaanada qaar iyo dadyawga qaar iyagu isku tilmaama gobta soomaaliya kuwa kalena ku tilmaama gunta soomaaliya hadaba maanta waxaan doonayaa inaan qoraalkayga kusoo bandhigo gobta iyo gunta inaysan ahayn sida loo yaqaan iyo sida aay sheegtaan dadka qaar waxaan kala cadaynaynaa erayga Gob iyo erayga Gun!!!
Waxaa inta badan lagu fasirayaa inay gobonimada iyo gunimada ku timaado dhalasho ama abtirsiimo balse eray ahaan afsoomaaliga haddii loo fiirsho arinkaasi waa beenabuur iyo qalad laga galay macanaha dhabta ee erayga Gun iyo Gob waxaay ku timaadaa gobonimada iyo gunimada dhaqan iyo ficilka qofka qoyska beesha iyo qawmiyada.
Gobonimo waxaa lagu fasiraa sidan:-
Qodobka 1aad= dad samir badan oo u isu dulqaata oo aan u dhaqmin sida xayawaanka oo ah qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa ee isfahan iyo odhaah iyo wada hadal waxii dhexmara ku dhameeyaa.
Qodobka 2aad= Gobtu waa dad ka dhawrsada ceebta ilaashada karaamada balanta iyo qawlka haday xitaa dhibtoodu ku jirto fuliyo , ilaaliya dhaqanka iyo tolnimada xididnimada iyo derisnimada kana fogaado wax kasta oo sumcadooda wax u dhimayaa ama raad ku reebaya ama taariikhda u gelayaa
Qodobka 3aad= Gobtu waxay ku dedaalaan ilaalinta qaranka iyo midnimada iyo in
magaca soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa aanu noqon mid baa, aba waayo waxay ka caagan yihiin inay qaataan cad qudheed iyo soor quudheed cadawgooda iyo inay ciyi iyo dhameel geed saran lagu siro mana fuliyaan dano dad kale iyo dano dal kale
waxay ku dhaqmaan dantooda iyo sida ay u arkaan maslaxdooda intay dilaan walaalkood kuma soo qaataan qandaraas waxaan qofka dhaqankaas leh loo yaqaan qof guna oo caade qaate ah oo dadkiisa iyo dalkiisa siisana soor ama nolol gaaban oo maalmo ah, waxayna yeeraan ama dhahaan qofka dabeecadaha noocaasa leh magacaa ba hebeloow (ileen nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday) waa halkii uu abwaanka hadraawi ka yidhi gabaygiisa gudgude (gobonimo waa quus ninkii gawska dhaafsaday ,guri ba,ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fule ninkii gaar u faashaday)
Qodobka 4aad= gobtu waxaa lagu yaqaan hubsiimo iyo inaysan ku degdegin talaabo kasta iyo ficil kasta oo ay qaadanayaan kana fiirsadaan kana arinsadaan kana
ergeeyaan kana afeef dhigtaan si aan beri magac xumo iyo sumcad xumo ugu dhicin
waxaanay halhayska iyo hadafka ay ka duulaan uu ahaadaa mar walba ( hubsiimo halbaa la siistaa) iyo (gobonimo waa u dhalasho) ee arintaas aan ka dhawrsano si aanay sumcadeena wax ugu dhimin (hadaan lakala roonaan roob ma dayo) ee yaynaan ku dayin nimaankaas , waana dad cafis iyo samaxaada yaqaana sidii diinteenu sheegtay iyaga oo wax walba oo lagu sameeyo ka aarsangoosan kara ayay ka doorbidaan inay ka xaaltamaan oo ay cafis iyo wanaag qaataan
Nabad iyo samaan iyo heshiis ka taliyaan dhibaato iyo dagaal iyo khilaaf iyo iska
hor imaadna ka digtoonaadaan maadaama nabada wax lagu waayo aan colaad lagu keeni Karin Maahmaah soomaaliyeedna waxay tidhaahdaa(inta nabadu joogtaa ninba laba nin le,eg yahay halka maahmaah gobeed kalena tidhaahdo raga gogoshiisu waa nabad Qodobka 5aad= Gobta waxaa ka xaaraana inay ku duulaan dhul aysan lahayn inay qaataan xoolo aysan lahayn inay sheegtaan magac ama wax aanay lahayn waxaanay u caado ah isku kalsoonaadaan iyo inay aaminaan waxay yihiin iyo waxay haystaan wax dhawraan diinta dhaqanka iyo dadnimada dhalashada iyo dhamaan wax kasta oo wax dhimaala keeni kara Waxayna dhawraan sida dhulka iyo deegaanka loo kala dego waxay ilaaliyaan soohdinta ha ahaato mid dhuleed mid dhaqan iyo mid diimeed waxayna ka foojigan yihiin wax kasta oo keeni kara magac xumo , taariikh madaw , iyo hagardaamo iyo hadimo laga taliyo.
Qodobka 6aad= Gobta waxaa u caado haday xaalada noqoto in lays barbardhigo ama laka doorto laba arimood waxay inta badan dadka gobta ah asiibaan oo doortaan samaan iyo xumaan inay doorbidaan samaanta oo ka dheeraadaan xumaanta waxay adkeeyaan heshiiska iyo wada noolaanshaha waxayna ka dhintaan in cadaw dalkooda kusoo duulo ama la adoonsado ama laga xukumo madaxa iyaga oo xora waxayna ilaashaadaan xornimadooda midnimadooda qaranimadooda iyo gobonimada , halka uu ka yidhi abwaan soomaaliyeed (Nin Dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide ) marka ay xaalku noqdo gobonimo u dirir gobtu waxaa u dabeecad nolol xun iyo geeri xornimo inay dhintaan geeri xornimo iyo gobonimo leh.
Hadaba gobta waxaa ku lid ah gunta) Gunimada waxay soomalidu ku fasiraan dhalasho ama abtirsiimo balse maaha ee waa dhaqan iyo afcaal xun oo la caadaysto iyo iyada oo aan shaqsiga ama kooxda ama qoyska ama qawmiyada ama qarankaasi dhawrin wanaaga kana doorbidaan xumaanta.
Erayga gunta waxaa u fasiraynaa sida uu ku yahay af soomaaliga
Qodobka = 1aad Guntu malaha wax xad ah ama xuduud ama seere ama soohdin malaha mid diimeed mid dhuleed iyo mid dhaqan toona waxayna dabeecadaas kala mid yihiin noolaha xayawaanka aan u naqaan ama duunyada malaha sabab ay ka celinaysa xumaanta iyo gefka waxayna wax ka fahmaan dhuunta waxayna wax ka gartaan caloosha , waxaana loo yaqaan magacyo badan sida , caadeqaate, inangumeed, qaayinuwadan, sooryahan, iyo calooshiisa ushqaystay ama calooshiisa la ciyaar waxaa qofka bani aadamka ah ka duullaa maskaxda balse iyaga waxay ka duulaan caloosha oo meesha ay cunto ama dhadhan kasoo gelayo ayay aadaan , waxaa uu qofka wax uu diida damiirka oo ka damqada waxyaabaha xunxun ee naftiisa wax u dhimaya balse gunta malaha wax damiira oo wax diida wax waliba waa la caadi hadii ay dhadhamo sooreed ama maal ama madaxnimo magac uyaal ka.
Qodobka 2aad=Guntu malaha saaxiibtinimo ama derisnimo ehelnimo, xididnimo iyo
wadaniyad ama dadnimo waxaa keliya ee uu yahay hadafkooda ama ujeedkooda saxda dangaara meeshii dantaas ay ka helaan ayaa ah maharahooda ama haykalkooda nololeed Siyaasadeed iyo mabda,eedba waana dabeecada rasmiga ah ee guntu ku caanbaxday Waxaa guntu lagu gartaa midabyeeynta iyo mabda,a la,aanta iyo iyaga oo aan qofnaba iyo dhexdooda isu quudhin nolosha oo mar walba xaajadoodu tahay ama hadafka iyo majaraha ay higsanayaan ujeedadooda dhabta iyo saamaynta noloshooda inaysan wanaag oo dhami dhibo odhaahdan ama tixdan ayaa koobaysa xaqiiqda dhabta ee higsiga gunimada oo ah Laba qaylo dhexdood,baa qado noogu jirtaa ,o qasaraanu rabnaa , samaha waan qaladnaa ,qas aayaan ku ridnaa,xumahuna waa qasdigeena , qorshe weeye gumeed , ee qof kastowba ogow , qiil ma wayno xumaato, waxkastoo la qaloocsho, iyo qalalaase abuurka , qaybta weeye gumeed, ee qof kastowba ogow
Qodobka 3aad= Guntu waxaa lagu gartaa abaaldari iyo ilowshiiyo badan hadaad u
hiiliso iyo hadaad gacan qabato iyo hadaad taageerto intaba midnaba ma dhawraan oo waxay ku ilaawaan maalinta ay dhamato danta iyo ujeedada gaarka ah ee ay kaa
leeyihiin nooc alaale nooca ay doonaanba ha ahaadaan mana gudaan abaal lagamana helo garasho in loo galay abaal (guntu ma leh abgaal gudis, ama garasho dheeroo, ma
garwaaqsadaan beri ruuxii galadayee u guntaday wanaagood, gorof weeye madhanoo,guunyadii la siiyiyo garabkii mar loo falay , ruux gadaal u eegiyo , maleh geesi gudi kara gunimada ilaahiyo guulaan ka magan galay).
Qodobka 4aad= Guntu ma garqaadato oo ma keenaan qiraal in laga gar leeyahay ama laga saxan yahay mana laha samir iyo dulqaad waxayna ku adkaystaan mar walba dhinaca xun iyaga oo ku mintidaya go,aan aan naftooda iyo naf kale toona dani ugu jirin Ciil aan dhamaanayn cuqdad iyo ciladi waa gunta caadadoo, colaaday abuuraan, nabaday careeyaan haddii lays cardaadiqo caasha laysla wada galo , guntu waxay ku caan tahay cabsi oradka hore iyo ciidan xumadi weligeed cararka iyo baqaha jaan waa camal gumeedoo cisse maleh , caqliyo maqal , inta nabadu caamkiyo, caanuhu ay buuxaan.
Qodobka 5aad= Gunta waxaa u caado ah inay sheegtaan mar walba guul ama inay iyagu yihiin dadka ugu mudan dadka ay la nool yihiin ugu saxan uguna wanaagsan iyaga oo dhinac marayaa wax kasta oo xeer ah iyo wax kasta oo xaqa ayay isku qanciyan afkaar iyo sheeko aan u cuntamayn bulshada ay la nool yihiin
Riyo ruuxa weheshada , runta aan dareemayn, raadraaca taariikh , rugba aanan ku
lahayn misna raadinayuun xumo, ku ragaada samahoo dhibku raaxadiis tahay, raganimo ka dheeroo rahuu meel la joogaa
Hadaba waxaan qoraalkayga kusoo afjaryaa deegaanada soomaaliyeed sida loo kala dego Ayay waxay u kala qaybsan yihiin Dad Gob ah iyo Dad Gun ah
Hadaba yaa gunimada ku sifoobay ?? arimaha aan kor ku soo sheegtay yaase
gobanimada ku sifoobay ??
Arimaha aan kor sheegtay su,aashan jawaabteeda waxay u taala qofkasta oo soomaaliya oo aqriya inuu ka jawaabo
Fiiro Gaara :- qoraalkan maaha mid wajahayaa dad gaara ama deegaan gaara waa
qoraal khuseeya qof kasta oo leh dhaqamada aan soo sheegnay ama haku sifoobo
qodobada gunimada iyo qodobada gobonimada !!!
Horta yaa gunimada leh?
Gobonimo u gaar tahay?
Side baan ku garanaa ?
Dadyahaw loo gorfeeya?
Gobtaana aan u sheegnaa?
Gunimana ku baranaa ?
Gobta waxa u caado
Garaad fiican weeyaan
Dad garaaba weeyaan
Gedi samaha wada jecel
Geed ka fuula xumahoo
Ku gadaaman sharaftoo
Ka gaabsada xumaatada
Guntana waxaa u caado
Gunuus aan dhamaaniyo
Guux xumaan ka buuxdiyo
God daloolo badanoo
Marna aan garawshiiyo
Garta inay u aqaataan
Guurtidu siday tidhi
Garanayn dadkaygoow
Wabilaahi Tawfiiq
ILaaahay ayaa mahad leh
Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
Maqaalakni ka turjumi mayo shabakadda wararka Waayaha.net