La yaab ma leh malaheyga hadii ruux xumad qandho garaaceyso halkii ugu sareysay, ay dad la ehel ahi ku madaxwareeraan sidii ay usoo dajin lahaayeen ama dawadiisa u heli lahaayeen ruuxaan xumadeysan.
THE INDEPEDENCE OF SOMALILAND IS NOT ONE WAY STREET
La yaab ma leh malaheyga hadii ruux xumad qandho garaaceyso halkii ugu sareysay, ay dad la ehel ahi ku madaxwareeraan sidii ay usoo dajin lahaayeen ama dawadiisa u heli lahaayeen ruuxaan xumadeysan, asagu waa moogyahay wax walba oo waqtigaas lagula tacaalayo, balse mida uu quuddareynayo waa ilaah oo ka samabixiya maanta midan, halka dhinaca kale ay dhaceyso in xaquuqdii iyo xilkii ruuxan xanuunsan ay dadi dhabarka uritaan, ayagoo marba waxa ay doorbidaan isku daya in ay kula tacaalaan bukaankaas, taasi waxa u daliil ah oraahdii Soomaaliyeed ee oranaysay ?Ruux bukaa Boqol u talisay?.
Hadaba hadii aan bukaankaas dabiib loo helin, ayaa waxa dhaceysa sidii Somalida caadada u aheyd in maalin habar aleel luleysa loo geeyo, maalina midkaloo wan galaalan inta ay ku qasho, dhiigiisana ugu qubeysa, kagadaalna haragiisii huwisa, subaxda xigta marka xumadi jabi waydo, ayaa loola kalahaa, oday sixirfurka ku dheereeya, iyadoo sidoo kalena dhacdo inwadaad tuftu kheyre lagu tilmaamay qaalmo lasoo siiyo, si isna xirsiyo tiro badan midba meel uga soo lulo bukaankaas, ugu danbeyna jirkii ruuxaan ay noqoto meel la saray oo toobin lagala daalay iyo meel dabi dilay, sidii habar iyo oday walba oo loo geeyo dhamac ugu shidanayay.
Habeenka danbe ayaa sida dhacdaa waxa ay noqoneysaa in xanuunkii sida yar ku bilaabmay uu ku fido ruuxaan Boqol u talisayda ku jiray, waqtigiisiina uu ku lumay, sidii wan galaalan todoba jeer lagu dul wareejinayay ama habari aleesha ugu tuureysay, ayadoo wax aan jirin marba ishaareysay.
Taa waxaa daliil ugu soo qaadanayaa hadii nabaradii taliskii Somaliya u talin jiray kasoo gaarey umad ka mid ah dadkii ku dhaqnaa waqooyiga Soomaaliya, ma waxay dawadiisu noqotay Gooni ugoosad loo magacbaxshay Somaliland?
Tani ma tahay mid dhaqtari ku qoray in xanuunka nabaradii dadka gobalkan gaarey dawadiisu tahay Goonigoosadka Somaliland? Mise waa nin bukaa boqol u talisaydii oo aleeshii la tuuray, ayaa tilmaantay?
Ma la baaray oo xitaa hadii tani dawo noqoneyso, ma la fiirshay waxa kale oo ay ayadu keeni karto (Side effects), sooma dhici karto in ay kelyaha daaweyso, balse Wadnaha iyo Beerka banaanka dhigto, MARKA MAXEY NOQONEYSAA KELYEEY DAAWEEYSAADEEDU?
Sidoo kale miyaa hadii nabarada noocaan ahi talis ka gaaraan umadii uu xukumayay, ay mar walba noqoneysaa in Dawada dadkan lagula tacaali lahaa tahay Goonigoosad?
Maxaase marka xanuun ka daran taas ku yimaado umad kale dawadiisu noqonaysaa, hadii xanuunadii ka sahlanaa dawadooda lagu sheegay Goonigoosad?
Dhakhtarka Goonigoosadka xanuun sadexsano socday ku daweeyay, maxay tahay dawada uu u hayo xanuunka labaatan sano qarani la daalaadhacayo?
Dulucda waxa ay u muuqaneysaa in arinta gobalkani tahay mid ragi uga faa?iideysteen qandhadii markaa jidhay in ay yiraahdaan Somaliland weeye xalkeedu, ayagoo wax kale oo ay xeeriyeen ayan jirin, sidoo kalena xaquuqdii iyo xilkii dadka Gobalkan subax sidii ay ayagu jeclaayeen ugu takrifaleen.
Hadaba maka turjumeysaa aragtida noocaan ahi tii ay ku caanka ahaayeen dadka gobalkani, mise qiimihii iyo wanaagii u muuqday ragii waxtarka ahaa ee gobalkan ayaa waxa ka sareeya kuwa hada dhakhtarada ku noqonaya dawada ay ka dhigeen Somaliland-ta?
Halgamayaashii dadnimada lahaa ee ka soo jeeday waqooyi galbeed, miyaysan aheyn in riyadii iyo damiirkii dadnimada ku dhisnaa ee ay u rabeen in dadkooda iyo Soomaaliweynba dhaxalka u noqdo mid dube ay la dhaceen kooxdan Goonigoosadka xalka u arkey?
Shiikh Bashiir miyaa oraahdiisu aheyd mid uu dawo ugu doonayay Somaliland-ta, mise sharaftii iyo wanaagii uu diiday in uu dhaafsado daba gucleynta gumeysiga, ayaan maanta qoraynaa taariikh ka mudan oo la sheego?
Ma dardaarankii ina Timacadaa mudnayn in la isxusuusiyo, oo marka ay timaado wixii uu ka digayay, runtuna oranayn waayeel muxuu ka yiri, markaasna la is xusuusin tixdan
?DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE? allow kuu naxariiso
Ma Cabdi Gaheyr, gabeygiisii aan ka xasuusto tixda
?INA CUMAR QAROONEY, ADUUN QAYLO BIXINWAAYE?
oo uu tiriyay markii xaaskiisa uu xasuusiyay in Ingiriis meel walba oo uu haystay laga saaray xorna noqotay, halka uu ku harayna tahay Waqooyiga Soomaaliya oo kaliya, uu Ingiriis ka jawaabay Gabeygaas asaga oo ku doodaya in wali qooriga Suweys asagu haysto, ayaan inta daah saaro ku carbiyaa caruurta aragti ka hooseysa tii u muuqatay akhyaartaas.
Ma ninkii Gabyaaga ahaa ee Reer Hargeysa oo Ingiriis inta uu u yeeray ku yiri Jarmalka Jabay gabey ka tiri, muujina sida aan u jabinay, jawaabtiisu noqotay
GUDAHA CEELKA HARGEYSA
WALIGEY GEES UMA DHAAFIN
INTA AAN WAX GASIINTIYO
INTAAN GAAJO KU SEEXDAY
HADII AAN ISKU GEEYO
MALAHA WAA ISKU GOW?E
ENGLAND BAA GUBANEYSEE
MAXAA IIGA GIDHIIS AH
MAR HADAAN GURIGEYGA
GIRLIGAANKA GARIIRIYO
GARNEYL LOOLA TAGEYN
ENGLAND BAA GUBANEYSEE
MAXAA IIGA GIDHIISHA
MAXAA LABO GAAL
OO ABTIRSIINYO GUDBOON
MIDNA GUUSHA U SIIN
MIDNA AAN U GAASIRI
Inta aan dunsiibo hugiisii dugsiga badnaa ee uu noo dhigay, ayaan nolal ka raadinaa heeryo daldalool badan.
Miyaanay kuu muuqan in xusid iyo taloraacba ay mudan yihiin aragtida fog ee ragani xambaarsanaayeen, inta aan maanta kuwa ku jooga in ay masaxaan raadka dhabta ah ee indhaha u ahaa dadka Gobalkaas dhalanteedkooda raaceyno.
Fahamkii Faarax Nuur hadii aad gadaal u fiirisid ayaa waxa kuu muuqanaya halka cabirka iyo miisaankiisu ku qotamay in marnaba aysan aheyn dawo uu ka raadsho dudo gaar ah, waxaana iftiinkiisii ka dheehankartaa tixihiisii muga dheeraa, ee aan ka xasuusto midan hoose
INGIRIIS, AMXAARO IYO TALYAANI WEY EKEYKAMIYE
ARLIGAA LAKALA BOOBAYAA NINKII U ITAAL ROONE
ANSE ILA AH AAKHIRU SABAAN ILIGYADIISIIYE
WAA DUNI NINKAAD AAMINTAA KUU ABEESYAHAYE
WAA DUNI AKHYAARTII LAHEYD IIB KU DOONTAHAYE
WAA DUNI LAKALA IIBSADEY OO AAN NALA OGEYSIINE
ANSE ILA AH AAKHIRU SABAAN ILIGYADIISIIYE.
Halgamaagii Maxamad Cabdalla Xayeesi, oo ka mid ahaa aasaasayaashii SYL, miyaan himiladiisii inta aan dabeysha raacino, u durbaantumeynaa damac ragi maalmo u arkeeen in ay ku dakeyn karaan.
Inta aanan xusin ee magaca iyo maamuuska u soo jiiday dadka gobalkan, ayagoo ka runsheegaya aragtida fog ee xambaarsaneyd dareenkoodii muqliska ahaa kuna dhisnaa Islaaamnimada, Somalinimada iyo wadaniyada, ayaa ciida ka badan.
Hadaba taariikhdaa dahabiga ah, miyaan midkaloo daahsaareysa maanta qornaa, ilama ahan in la isdhaafsan karo ninkii yiri qarnigaan labaatan iyo koowaad ayaan taariikh abuurayaa iyo kii qarniyo ka hor hogaanka u ahaa waxa aan ku faaneyno maanta.
Uma arko ka turjumida xaalad waqti iyo maalmo go?an ku fadhida in laga dhigo xaqiiqda dhabta ah ee umad aayaheed jiheyn karta, waana taas meesha ilduufka xero taraarka ah uga dhaceen ragii rabay in ay cagta saaraan sawirka runta ah ee dadka Gobalkan .
Marka aan u soo laabano xaalada Jamhuuriyada isku magacaawday Somaliland ee manta, ayaan hadii aan si tafaftiran u faaqidno imaanayaan su?aalo dhowr ah, kuwaasoo aan filayo in hada ay tahay waqtigii ugu fiicnaa oo aan isweydiin laheyn.
Isweydiinmeyno waxa salka u ahaa aasaasida Somaliland, oo sida aan filayo inta badan maqaalkan qeybtiisa hore ayaan kusoo sharaxay, ee waxa mudan in aan hada isweydiino waxa ay tahay 19sano kadib ma noqotay dawadii mustaqbalka u ahaan laheyd dadka Gobalkan Somaliland?
Ma la isku fiirshay faa?iidada dadka Gobalkani ka helayaan midnimada Soomaaliya iyo Goonogoosadnimadaba?
Aayaha Danbe ee dadka Gobalkan maxaa lagu saleeyay, hadii albaabkii Goonigoosadnimada wali fure loo helin?
Hadii dadka Gobalkan u wada dhashay qaar ka cagajiidayaan Goonigoosadnimada, ma mudan yihiin in lagu madaxgaraaco? Hadiise la isku madaxgaraacayo, maxaa looga dudayay taliskii umada wada madaxgaraaci jiray? Miyaani tani noqonayn oraahdii aheyd ?DULMI DIID OO DULMI DOON BAAN ARAGNAY?.
19kii sano ee Somalilandnimada calankeeda lababinayay, waxa la wada xasuustaa in raggii horfulaha u ahaa aragtidan ay dadka Gobalkan u horseedeen sadex dagaal oo dhiig badan ku daatay, tanoo sababtey in ay isku laayeen dadkii shacabka ahaa ee wada dhashay, hadaba maanta ma noqoneysaa in aan mar afraad u ogalaano in shacabka walaalaha ahaa madaxa la iskugu gasho aragti asalnimadeeduba gurac ku jiro?
Hadiibase ay tahay mid dadkii wada dhashay ee walaalaha ahaa madaxa la iskugu galinayo, in jiritaankeedaba la laalo maxaa ku jaban?
Hadaba Gunaanadka Qormadani waa in uu noqdaa mid aan si wada jir ah u oraneyno ?Waa xiligii xornima uraadinta Somalilandta dhabaha halka dhinac ah ku jiheysnayd uu dhamaaday, iyadoo gadaal loogu soo celinayo dhabihii ab iyo ansaxa ay u lahaayeen, awoowayaashii qaaliga ahaana uga geeriyoodeen?.
Isla fahamnay midaas, marka waa xagee meesha ugu quman ee aan ugu gacan haadinayo dadkan xudunta u ah midnimo Soomaaliyeed oo dhalata marlabaad?
Marnaba dhicimeyso in ay doodeydu ku qotanto in aan idiinku habarwaco koonfurta ibtiladeeda la kalasaari la?yahay in aad sideeda u dhaqantaan, belse mida la wadaqirayo waa usoo istaagida xaalada murugeysan ee gebi ahaanba Soomaaliya hadii aad gacan ku yeelataan wax ka qabashadeeda in wax isbadeli lahaayeen mar hore.
Uga qaybqaadashada xaaladan si hufan oo maskaxfurnaan iyo ikhlaasnimo ku dhisan, ayaa dad badani qabaa in sadexqayboodow laba Soomaaliyi wanaag ku noolaan laheyd, halka gabalka sadexaadna ayba imaan laheyd xili waqtiga iyo waayahu carbinlahaayeen.
Waxaan qormadan uga baxayaa halkudhiga cinwaanka u ah ee ?THE INDEPEDENCE OF SOMALILAND IS NOT ONE WAY STREET? oo ah mid aan ka soo miguuriyay siyaasiga Scotish-ka ah, ahna hogaamiyaha xisbiga u taliya Scotland ee SNP, Alex Salmond, mar qadiyada Scotland-ta wax laga weydiiyay ku jawaabay ?THE INDEPEDENCE OF SCOTLAND IS NOT ONE WAY STREET?, tanoo mar uu si tafaftiran uu u sharaxayay uu yiri ?Xornimada aan u raadineyno Scotland waa mid ku qotonta dano, hadii goonigoosadnimada ay nooga muuqan waayaan danahaas, oo waxa aan ka heleyno tahay midnimada UK-na in aan gadaal u soo laabano oo aan midnimada UK wax ku qaybsano, wax naga maanacayaa majirto?.
Shaki kuma jiro hadaba in dadweynaha ku dhaqan Soamaliland danaha ay ka helayaan midnimo kala dhaxeysa Muqdisho, Kismaanyo iyo Boosaaso, ay uga waxtar badan tahay mid Hargeysa uun lagu soo afmeero, waana taa tan mudan isweydiinteeda.
Muhyadin Husein Eid
alcarab1@yahoo.co.uk
Daabacaadda Waayaha.net