Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
THE INDEPEDENCE OF SOMALILAND IS NOT ONE WAY STREET (waa Soomaali)

La yaab ma leh malaheyga hadii ruux xumad qandho garaaceyso halkii ugu sareysay, ay dad la ehel ahi ku madaxwareeraan sidii ay usoo dajin lahaayeen ama dawadiisa u heli lahaayeen ruuxaan xumadeysan.

 

THE INDEPEDENCE OF SOMALILAND IS NOT ONE WAY STREET

 

La yaab ma leh malaheyga hadii ruux xumad qandho garaaceyso halkii ugu sareysay, ay dad la ehel ahi  ku madaxwareeraan sidii ay usoo dajin lahaayeen ama dawadiisa u heli lahaayeen ruuxaan xumadeysan, asagu waa moogyahay wax walba oo waqtigaas lagula tacaalayo, balse mida uu quuddareynayo waa ilaah oo ka samabixiya maanta midan, halka dhinaca kale ay dhaceyso in xaquuqdii iyo xilkii ruuxan xanuunsan ay dadi dhabarka uritaan, ayagoo marba waxa ay doorbidaan isku daya in ay kula tacaalaan bukaankaas, taasi waxa u daliil ah oraahdii Soomaaliyeed ee oranaysay ?Ruux bukaa Boqol u talisay?.

 

Hadaba hadii aan bukaankaas dabiib loo helin, ayaa waxa dhaceysa sidii Somalida caadada u aheyd in maalin habar aleel luleysa loo geeyo, maalina midkaloo wan galaalan inta ay ku qasho, dhiigiisana ugu qubeysa, kagadaalna haragiisii huwisa, subaxda xigta marka xumadi jabi waydo, ayaa loola kalahaa, oday sixirfurka ku dheereeya, iyadoo sidoo kalena dhacdo inwadaad tuftu kheyre lagu tilmaamay qaalmo lasoo siiyo, si isna xirsiyo tiro badan midba meel uga soo lulo bukaankaas, ugu danbeyna jirkii ruuxaan ay noqoto meel la saray oo toobin lagala daalay iyo meel dabi dilay, sidii habar iyo oday walba oo loo geeyo dhamac ugu shidanayay.

 

Habeenka danbe ayaa sida dhacdaa waxa ay noqoneysaa in xanuunkii sida yar ku bilaabmay uu ku fido ruuxaan Boqol u talisayda ku jiray, waqtigiisiina uu ku lumay, sidii wan galaalan todoba jeer lagu dul wareejinayay ama habari aleesha ugu tuureysay, ayadoo wax aan jirin marba ishaareysay.

 

Taa waxaa daliil ugu soo qaadanayaa hadii nabaradii taliskii Somaliya u talin jiray kasoo gaarey umad ka mid ah dadkii ku dhaqnaa waqooyiga Soomaaliya, ma waxay dawadiisu noqotay Gooni ugoosad loo magacbaxshay Somaliland?

 

Tani ma tahay mid dhaqtari ku qoray in xanuunka nabaradii dadka gobalkan gaarey dawadiisu tahay Goonigoosadka Somaliland? Mise waa nin bukaa boqol u talisaydii oo aleeshii la tuuray, ayaa tilmaantay?

 

Ma la baaray oo xitaa hadii tani dawo noqoneyso, ma la fiirshay waxa kale oo ay ayadu keeni karto (Side effects), sooma dhici karto in ay kelyaha daaweyso, balse Wadnaha iyo Beerka banaanka dhigto, MARKA MAXEY NOQONEYSAA KELYEEY DAAWEEYSAADEEDU?

 

Sidoo kale miyaa hadii nabarada noocaan ahi talis ka gaaraan umadii uu xukumayay, ay mar walba noqoneysaa in Dawada dadkan lagula tacaali lahaa tahay Goonigoosad?

 

Maxaase marka xanuun ka daran taas ku yimaado umad kale dawadiisu noqonaysaa, hadii xanuunadii ka sahlanaa dawadooda lagu sheegay Goonigoosad?

 

Dhakhtarka Goonigoosadka xanuun sadexsano socday ku daweeyay, maxay tahay dawada uu u hayo xanuunka labaatan sano qarani la daalaadhacayo?

 

Dulucda waxa ay u muuqaneysaa in arinta gobalkani tahay mid ragi uga faa?iideysteen qandhadii markaa jidhay in ay yiraahdaan Somaliland weeye xalkeedu, ayagoo wax kale oo ay xeeriyeen ayan jirin, sidoo kalena xaquuqdii iyo xilkii dadka Gobalkan subax sidii ay ayagu jeclaayeen ugu takrifaleen.

 

Hadaba maka turjumeysaa aragtida noocaan ahi tii ay ku caanka ahaayeen dadka gobalkani, mise qiimihii iyo wanaagii u muuqday ragii waxtarka ahaa ee gobalkan ayaa waxa ka sareeya kuwa hada dhakhtarada ku noqonaya dawada ay ka dhigeen Somaliland-ta?

 

Halgamayaashii dadnimada lahaa ee ka soo jeeday waqooyi galbeed, miyaysan aheyn in riyadii iyo damiirkii dadnimada ku dhisnaa ee ay u rabeen in dadkooda iyo Soomaaliweynba dhaxalka u noqdo mid dube ay la dhaceen kooxdan Goonigoosadka xalka u arkey?

 

Shiikh Bashiir miyaa oraahdiisu aheyd mid uu dawo ugu doonayay Somaliland-ta, mise sharaftii iyo wanaagii uu diiday in uu dhaafsado daba gucleynta gumeysiga, ayaan maanta qoraynaa taariikh ka mudan oo la sheego?

 

Ma dardaarankii ina Timacadaa mudnayn in la isxusuusiyo, oo marka ay timaado wixii uu ka digayay, runtuna oranayn waayeel muxuu ka yiri, markaasna la is xusuusin tixdan

 

?DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE? allow kuu naxariiso

 

Ma Cabdi Gaheyr, gabeygiisii aan ka xasuusto tixda

 

?INA CUMAR QAROONEY, ADUUN QAYLO BIXINWAAYE?

oo uu tiriyay markii xaaskiisa uu xasuusiyay in Ingiriis meel walba oo uu haystay laga saaray xorna noqotay, halka uu ku harayna tahay Waqooyiga Soomaaliya oo kaliya, uu Ingiriis ka jawaabay Gabeygaas asaga oo ku doodaya in wali qooriga Suweys asagu haysto, ayaan inta daah saaro ku carbiyaa caruurta aragti ka hooseysa tii u muuqatay akhyaartaas.

 

Ma ninkii Gabyaaga ahaa ee Reer Hargeysa oo Ingiriis inta uu u yeeray ku yiri Jarmalka Jabay gabey ka tiri, muujina sida aan u jabinay, jawaabtiisu noqotay

 

GUDAHA CEELKA HARGEYSA

WALIGEY GEES UMA DHAAFIN

INTA AAN WAX GASIINTIYO

INTAAN GAAJO KU SEEXDAY

HADII AAN ISKU GEEYO

MALAHA WAA ISKU GOW?E

ENGLAND BAA GUBANEYSEE

MAXAA IIGA GIDHIIS AH

 

MAR HADAAN GURIGEYGA

GIRLIGAANKA GARIIRIYO

GARNEYL LOOLA TAGEYN

ENGLAND BAA GUBANEYSEE

MAXAA IIGA GIDHIISHA

 

MAXAA LABO GAAL

OO ABTIRSIINYO GUDBOON

MIDNA GUUSHA U SIIN

MIDNA AAN U GAASIRI

 

Inta aan dunsiibo hugiisii dugsiga badnaa ee uu noo dhigay,  ayaan nolal ka raadinaa heeryo daldalool badan.

 

Miyaanay kuu muuqan in xusid iyo taloraacba ay mudan yihiin aragtida fog ee ragani xambaarsanaayeen, inta aan maanta kuwa ku jooga in ay masaxaan raadka dhabta ah ee indhaha u ahaa dadka Gobalkaas dhalanteedkooda raaceyno.

 

Fahamkii Faarax Nuur hadii aad gadaal u fiirisid ayaa waxa kuu muuqanaya halka cabirka iyo miisaankiisu ku qotamay in marnaba aysan aheyn dawo uu ka raadsho dudo gaar ah, waxaana iftiinkiisii ka dheehankartaa tixihiisii muga dheeraa, ee aan ka xasuusto midan hoose

 

INGIRIIS, AMXAARO IYO TALYAANI WEY EKEYKAMIYE

ARLIGAA LAKALA BOOBAYAA NINKII U ITAAL ROONE

ANSE ILA AH AAKHIRU SABAAN ILIGYADIISIIYE

 

WAA DUNI NINKAAD AAMINTAA KUU ABEESYAHAYE

WAA DUNI AKHYAARTII LAHEYD IIB KU DOONTAHAYE

WAA DUNI LAKALA IIBSADEY OO AAN NALA OGEYSIINE

ANSE ILA AH AAKHIRU SABAAN ILIGYADIISIIYE.

 

Halgamaagii Maxamad Cabdalla Xayeesi, oo ka mid ahaa aasaasayaashii SYL, miyaan himiladiisii inta aan dabeysha raacino, u durbaantumeynaa damac ragi maalmo u arkeeen in ay ku dakeyn karaan.

 

Inta aanan xusin ee magaca iyo maamuuska u soo jiiday dadka gobalkan, ayagoo ka runsheegaya aragtida fog ee xambaarsaneyd dareenkoodii muqliska ahaa kuna dhisnaa Islaaamnimada, Somalinimada iyo wadaniyada, ayaa ciida ka badan.

 

Hadaba taariikhdaa dahabiga ah, miyaan midkaloo daahsaareysa maanta qornaa, ilama ahan in la isdhaafsan karo ninkii yiri qarnigaan labaatan iyo koowaad ayaan taariikh abuurayaa iyo kii qarniyo ka hor hogaanka u ahaa waxa aan ku faaneyno maanta.

 

Uma arko ka turjumida xaalad waqti iyo maalmo go?an ku fadhida in laga dhigo xaqiiqda dhabta ah ee umad aayaheed jiheyn karta, waana taas meesha ilduufka xero taraarka ah uga dhaceen ragii rabay in ay cagta saaraan sawirka runta ah ee dadka Gobalkan .

 

Marka aan u soo laabano xaalada Jamhuuriyada isku magacaawday Somaliland ee manta, ayaan hadii aan si tafaftiran u faaqidno imaanayaan su?aalo dhowr ah, kuwaasoo aan filayo in hada ay tahay waqtigii ugu fiicnaa oo aan isweydiin laheyn.

 

Isweydiinmeyno waxa salka u ahaa aasaasida Somaliland, oo sida aan filayo inta badan maqaalkan qeybtiisa hore ayaan kusoo sharaxay, ee waxa mudan in aan hada isweydiino waxa ay tahay 19sano kadib ma noqotay dawadii mustaqbalka u ahaan laheyd dadka Gobalkan Somaliland?

 

Ma la isku fiirshay faa?iidada dadka Gobalkani ka helayaan midnimada Soomaaliya iyo  Goonogoosadnimadaba?

 

Aayaha Danbe ee dadka Gobalkan maxaa lagu saleeyay, hadii albaabkii Goonigoosadnimada wali fure loo helin?

 

Hadii dadka Gobalkan u wada dhashay qaar ka cagajiidayaan Goonigoosadnimada, ma mudan yihiin in lagu madaxgaraaco? Hadiise la isku madaxgaraacayo, maxaa looga dudayay taliskii umada wada madaxgaraaci jiray? Miyaani tani noqonayn oraahdii aheyd ?DULMI DIID OO DULMI DOON BAAN ARAGNAY?.

 

19kii sano ee Somalilandnimada calankeeda lababinayay, waxa la wada xasuustaa in raggii horfulaha u ahaa aragtidan ay dadka Gobalkan u horseedeen sadex dagaal oo dhiig badan ku daatay, tanoo sababtey in ay isku laayeen dadkii shacabka ahaa ee wada dhashay, hadaba maanta ma noqoneysaa in aan mar afraad u ogalaano in shacabka walaalaha ahaa madaxa la iskugu gasho aragti asalnimadeeduba gurac ku jiro?

 

Hadiibase ay tahay mid dadkii wada dhashay ee walaalaha ahaa madaxa la iskugu galinayo, in jiritaankeedaba la laalo maxaa ku jaban?

 

Hadaba Gunaanadka Qormadani waa in uu noqdaa mid aan si wada jir ah u oraneyno ?Waa xiligii xornima uraadinta Somalilandta dhabaha halka dhinac ah ku jiheysnayd uu dhamaaday, iyadoo gadaal loogu soo celinayo dhabihii ab iyo ansaxa ay u lahaayeen, awoowayaashii qaaliga ahaana uga geeriyoodeen?.

 

Isla fahamnay midaas, marka waa xagee meesha ugu quman ee aan ugu gacan haadinayo dadkan xudunta u ah midnimo Soomaaliyeed oo dhalata marlabaad?

 

Marnaba dhicimeyso in ay doodeydu ku qotanto in aan idiinku habarwaco koonfurta ibtiladeeda la kalasaari la?yahay in aad sideeda u dhaqantaan, belse mida la wadaqirayo waa usoo istaagida xaalada murugeysan ee gebi ahaanba Soomaaliya hadii aad gacan ku yeelataan wax ka qabashadeeda in wax isbadeli lahaayeen mar hore.

 

Uga qaybqaadashada xaaladan si hufan oo maskaxfurnaan iyo ikhlaasnimo ku dhisan, ayaa dad badani qabaa in sadexqayboodow laba Soomaaliyi wanaag ku noolaan laheyd, halka gabalka sadexaadna ayba imaan laheyd xili waqtiga iyo waayahu carbinlahaayeen.

 

Waxaan qormadan uga baxayaa halkudhiga cinwaanka u ah ee ?THE INDEPEDENCE OF SOMALILAND IS NOT ONE WAY STREET? oo ah mid aan ka soo miguuriyay siyaasiga Scotish-ka ah,  ahna hogaamiyaha xisbiga u taliya Scotland ee SNP, Alex Salmond, mar qadiyada Scotland-ta wax laga weydiiyay ku jawaabay ?THE INDEPEDENCE OF SCOTLAND IS NOT ONE WAY STREET?, tanoo mar uu si tafaftiran uu u sharaxayay uu yiri ?Xornimada aan u raadineyno Scotland waa mid ku qotonta dano, hadii goonigoosadnimada ay nooga muuqan waayaan danahaas, oo waxa aan ka heleyno tahay midnimada UK-na in aan gadaal u soo laabano oo aan midnimada UK wax ku qaybsano, wax naga maanacayaa majirto?.

 

Shaki kuma jiro hadaba in dadweynaha ku dhaqan Soamaliland danaha ay ka helayaan midnimo kala dhaxeysa Muqdisho, Kismaanyo iyo Boosaaso, ay uga waxtar badan tahay mid Hargeysa uun lagu soo afmeero, waana taa tan mudan isweydiinteeda.

 

Muhyadin Husein Eid

alcarab1@yahoo.co.uk

Daabacaadda Waayaha.net

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software