Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
FATWO KU XUKUN

Anagoo labaataneeyo reer Masar ah oo Xaj u-nimi sanadkii 1955 ayaa sheekhii na dawaafinayey Xaramka ee ducada noo akhriyey wuxuu la soo baxay cod-baahiye ama microphone si aanu codkiisa u maqalo oo aan ducada uga daba qaadno. Dadka xiligaa dawaafayey Kacbada oo ay dhamaantood uu ku cusubayd qalabkan sheeku adeegsadey ee cudkiisii sare u qaaday ama microphone-ka ayaa dacwad gaadhsiiyey sheekhii Fatwada u qaabilsanaa xaramka si uu arintan soo korortay wax uga yiraahdo.

Sheekii ayaa nala horgeeyey anagoo gacanta ku sidana aaladii codka dheeraynaysey ee nalagu soo dacweeyey, sheekii oo kursi dhulka aad uga sareeya ku fadhiya ayaa intu ka sarakacay rakadii u samaystay yiri maxaa keenay inaad adeegsataan qalab “Bidco” ah oo aan hore loo arag kasoo codkiinaa ka weyneeyey intii ilaahay ugu tala-galay Shiikhayagii oo ahaa nin da’ah diinta ku xeel dheeraaday ayaa yiri Sheekhoow waxaan ku weydiiyey ma aragtay weligaa qof Muraayado ama Ookiyaalo gashan si uu wax ugu arko, shiikhii baa ku jawaabey haa sheekhaygii ayaa yiri maxay taraan muraayadahu, sheekii fatwadaa ayaa ku jawaabay dadkay ayay u waa -weyneeyaan walxaha si ay si wacan ugu arkaan, hadaba anaguna wax kale ma samayn ee dadkii baan u waaweyneyney codkii ama hadalkii si ay ducada u maqlaan oo iiga dabaqaadaan, shiikhii fatwada oo u muuqday mid qanacay ayaan noo soo celiyey cod-baahiyehayagii oo uu damacsanaa markii hore inuu naga tuuro! – Sheekadaa waxaa weriyey Sheekh Yusuf Al Qaradawi mar laga waraysanayey baraamijka Al Shariicaha wal xayaah ee ka baxa Aljazira Axad kasta.

Nin Weriye ah oo Somali ah oo aanu saaxiib nahay ayaa ii soo qoray e-mail isagoo iga dalbanaya inaan u soo weydiiyo culimada sucuudiga fatwo fasaxaysa in budhcad badeedu weerari karto ama qafaalan karto maraakiibta sunta ku daadiya badaheena ama kuwa sida sharci darada ah uga kaluumaysta.

Mar laga doodayey in aysan haboonayn in gabadh aan qaan gaarin loo guuriyo oday da’ah ayaa culimada diinta qaarkood waxay ku cel-celiyeen in ay banaantahay arintaas oo aan lahayn daliil sharci ah oo xaaraantimaynaya in gabadh yar la guursado oo weliba hadii la doono loo guuriyo nin awoowgeed la da’ah.  Sheekh Cabdul Muxsim Al-cumbeykan oo kamid culimada waaweyn ee Sucuudiga ayaa isagoo ka jawaabaya hadalkaa yidhi:-

“Inkasta oo aan lahayn daliil cad oo xaaraantimaynaya guursiga gabdhaha yar-yar hadana iyadooo la qiimaynayo dhibta soo gaadhi garta gabadha yar iyo waxyeelada ay arinkaasi u keeni karo bulshada iyo qoyskaba wuxuu xaq u yeelanayaa masuulka wadnkaas ka taliyaa inuu soo saaro sharci xaaraantimaynaya guursiga gabdhaha aan qaan gaadhin ama in laxadeeyo da’da gabdhaha lagu guurin karo. Taas waxaa tusaale u ah ma jiro sharci diini ah oo mamnuucaya inaad ka istaagtid “Samafalaha” ama Traffic Lightka marka uu cas yahay ama guduudan yahay laakiin markii la arkay dhibaatada ka imaan karta in mar keliya baabuurtu wada socota ayaa la xaraantimeeyey in marka nalka ama laydhka ishaaradu cas yahay aad istaagto.

Haddii aan Samaafale jireen dhib badan baa dhici lahay

Waxaa taas ka sii daran mar sheekh reer Kuwait ihi fatwooday in garsoorayaasha ciyaaraha sida kubada cagta, kolayga miiska iwm ay ilaahay u toobad keenaan maadama ay wax ku xukumaan waxaan ilaahay soo rogin sidaa darteedna ay ku sifoobeen kuwa wax ku xukuma wax shareecada  ilaahay garab marsan.

Markaad intaasoo dhan fiirisid waxaa arkaysaa sida diintii loo majara-habaabiyey ee loogu khasbay inay gasho meel kasta oo ay geli karto iyo meel ayan geli karinba, waxaana la tuuray fekerkii iyo adeegsigii caqligii ilaahay bini’aadmiga kaga saramariyey uumiyaha intiisa kale, waxaa la baadi doonay qiilal iyo marmarsiinyo fatwooyin lagu xukumaya wax kasta.

Markii Rasuulku (CSW) Madiina u soo hijroodey, dadka reer madina waxay ahaayeen dad timirta beerta, marka ayaa rasuulku arkay CSW iyagoo laba geed oo Timir ah isku talaalaya, dabadeedna wuxuu yiri "umalayn maayo inay taasi wax tarayso" taasoo ay u qaateen inaan Rasuulku CSW raali ka ahayn arinkaas, kadibna way joojiyeen isku talaalidii dhirta, waxaa dhacday in sanadkaa aan wax timir ah la helin oo timirtii soo go’i lahayd la waayey – kadibna rasuulku wuxuu yiri xadiiska caanka ah ee oranaya  “Antum Aclamu bi umuuri dunyaakum” “Idinkaa dadka ugu badiya maamulida aduunaydiina, sidaa ayaana lagu fasaxay isku talaalida geedaha timirta ah.

Sida ilaahay quraankiisa ku sheegay bini aadmiga waxaa loo doortay inay noqdaan maamulayaasha koonkan “Khulafaa”, waxaana lagu rakibay  maskax fekeraysa oo dhinacyo badan wax ka eegi karta, taasoo ilaahay kula xisaabtami doono go’aamada ay qaadato maalinta qiyaamaha, nama haboona in wax kasta uu insaanka soo mara uu Fatwo la beegsado.

Walaahu Aclam

Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia

xariri@hotmail.com

Daabacaadda Waayaha.net

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software