Dagaalladii lagu qaaday dalalka Ciraaq,Afganistan, Lebanon iyo daanta galbeed ee Gaza ayaa lagu weeraray hub casri ah oo dunida mamnuuc ka ah in la isticmaalo,hubkaan ayaa waxaa ugu khatar sanaa Yuraaniyam aan la barxin (depletes uranium), Budada cad ee dadka nolosha ku gubta ee loo yaqaan (phosphors), carpet bombs oo isna aan dhir dhagax midna reebayn iyo weliba cluster bombs.
Hubkaan casriga ah ayaa gumaadka binu aadanka ee uu markaas gaysto ka sokow waxa uu ka tagaa dhaxal fool xun oo aysan abid illaawin bulshada dhibka loo gaystay oo ay ka mid yihiin cudurka dilaaga ah ee kaankaro (Cancer ) noociisa dhuuxa gala ee loo yaqaan (leukaemia),dhalashada ubadka oo aan caadi noqon (dhalaanka oo kala dhantaalanaan ku dhasha) iyo bumbooyin haraadiya oo sii laaya dad iyo duunyo inta harta haba ugu darnaadeen jiilka soo koray.
Miinooyinka aan weli qarxin ee soo hara oo u eg khudaar iyo weliba waxyaalaha caruurtu ku ciyaarto ayaa inta badan ujeeddada ka dambaysaa ay salka ku haysaa dalka loo isticmaalay inuusan weligii noqon mid degan oo aan wax nabad ahi ka hana qaadin.waxaa intaasi jira dhimasho, dhaawac iyo weliba xanuuno ay ka tageen.
Waxaa iyana intaasi raacda khilaaf ay abuuraan dhibaatooyinkani u dhexeeya bulshada goobaha la weeraray ku nool sida uu sheegay khabiir ku takhasusay hubka noocayadiisa kala gedisan,taasi oo dadku ku carwasaadaan hogaankooda markaasi jira kolka ay dhibtu ka badato eeddii dagaalkana iyaga wax laga siiyo..
Puntland,Dr Faroole,miinooyin sida khudradda loo ekaysiiyey cajiib!!.
‘Hashu maankayga gadaye ma masaar bay liqday! marka aad muuqaal ahaan isu eegto M/weyanaha Maamulka Puntland kolkii uu loolankiisa siyaasadeed ku jiray iyo hadda oo uu shaqada bilaabay ayaa waxa u dhexeeya farqi weyn oo la oran karo waxaa keenay shaqada baaxada weyn ee uu dhex muquuray maamulka de’da yar ee aan weli 3 bilood dhamaysan.
Laakiin marka ay timaado su’aalaha layska weydiin karo howl-qabadkiisa shaqo ee ku aadan arimaha u yaal ee u baahan in guud ahaan wax laga qabto ayuusan shaki ku jirin inuusan jirin haba yaraatee wax la oran karo marin habow ama surma seegto uu sameeyay maamulka.
Maamulka oo shaqada ka bilaabay meel hungo ah ayaa xilligii yaraa ee uu jiray waxaa uu u shaqeeyey si xowli ah, waxaana qabsoomay waxyaabo badan oo la taaban karo oo ay ugu horayso mishaar bixinta shaqaalaha, amaamud xagga soo celinta ammaanka ah, waxaase weli turaanturooyin ku ah dhibaatooyin dhawr oo isla markiiba soo booday, una baahan in lagaga gudbo qaab farsamo oo taxadar ku jiro.
Waa wax caadi ah kolka is badal maamul uu yimaado ama nidaam loo guurayo midna laga guurayo in lagala kulmo dhibaatooyin xooggan oo hawl adag laga maro, waxaana dhibaatooyinka ugu weyn uu nidaamka cusub kala kulmaa dabeecadaha iyo qaab maamuleedyada uu ka tagay nidaamka la bedelayo; sida dadkii waxa gaarka ah ku haystay oo ka hor yimaada, iyo weliba iyadoo ay waqti badan u baahantahay in nidaamka cusub uu bulshada wax qabadkiisa ka gado.
Kooxaha inta badan aan la soo loodin karin ayaa waxaa ka mid ah kooxihii maamuladii horay u jiray ku qabay dhaqaalaha xooggan iyo ciidamo ay si gaar ah u leeyihiin oo iyana markaasi waayay awoodihii dheeraadka ahaa ee ay lahaayeen oo aysan filayn inay ka heli karaan maamulka markaasi yimid
Dhibaatooyinka ugu weyn ee hadda soo food soo saaray Dr Faroole ayaa waxaa ugu waa weyn kooxaha ay ka mid yihiin,Aaran-Jaan, Ashaahada la dirir, iyo Weliba AL-xabiib ama Somcana,dhamaan kooxahan ayaa la curtay maamuladdii soo maray Puntland iyadoo koox weliba ay maamuladaasi ku lahayd door muuqda oo wax ku ool ah haba kala awood roonaadeene.
Aaran-Jaan
Aaran-Jaan, sida magacabu ku baxay waa koox da’ dhexaad ah oo ka kooban beelaha Puntland, waxayna u badan yihiin magaalada Garoowe ee xarunta ah, marka la fiiriyo hab-nololeedkooda siyaasadeed waxay u muuqdaan dad ka duwan dadka kale muuqaal ahaan waa niman aad u cayilay ama qaarkood ay baruur xad dhaafa ah fuushay (obese), waxay magaalada ka fariistaan meelo gaar ah, waxay wataan gawaarida la yiraahdo MARK II oo hal midab ah (cadaan). Mid kasta oo iyaga ka mid ah wuxuu leeyhay dhowr xaas iyo guryo waa-weyn oo qurux san. Kooxdaas hamigoodu ma dhaafsana sidii ay ku heli lahaayeen hanti iyo dhaqaale kobocsan oo ay yeeshaan. Iyaga ahaan waxaa ka dhexeeya xiriir fiican iyo wada shaqeyn sare, laakiin waxaan jirin ula jeedo siyaasadeed iyo wax maslaxad ah oo ay u hayaan umadda reer Puntland waxaana dabeecad iyo dhaqan u ah inay oo ay si gaar ah xoogga u saaraan inay maamul kasta oo yimaada shukaanta soo fariistaan ninkii doonaaba gar-wadeen ha ka ahaadee.
Aaran-jaan ay waxaa ka dhexaysa isku xirnaan aad u xoog badan marka la eego qaabka ay sheekada u wadaagaan, hasa ahaatee marar badan waxaa muuqanaya in isku xirraantooda aysan lahayn macna la mid ah muqaalka dhaqankooda tusayo, mana laha wax wada qabsi dan la gaarayo ku salaysan (Collaboration), mana jirto wax mujtamacu ka dheefo, laakiin si kastaba ha ahaatee kooxdan Aaran-jaan ayeey u suuro gashay inay gacan saar la yeeshaan maamul kasta oo yimaada.
Isbadalka hadda yimid ee Puntland Aaran-jaan waxay ka qaateen qayb libaax waxayna ku guulaysteen inuu soo baxo musharrixii ay taageerayeen ee Dr C/raxaan Max’ed Faroole, waxaase is weydiin leh ma waxaa jiray heshii dhex maray iyaga iyo M/weyanaha intii uu loolanka ku jiray, mise Aaranka ayaan weli ku baraarugsanyn nidamka maamulka cusub ee hal ku dhegiisu ahaa ISBADAL?.
Intii uusan maamulku gaarin laba bilood ayaa durbadiiba waxaa soo booday eedaymo loo jeedinayo Aaranka (Aaran-jaan) oo la sheegay inay doonayaan in M/weynaha ka go’doomiyaan bulsha weynta inteeda kale iyadoo weliba ay agagaarka soo geli waayeen rag wax ku ool ah oo iyagu maal iyo mansab midna aan raadinayn balse soo safriyey aqoon iyo talo wixii ay ku biirin karaan maamulka murjuca ah ee ban-ka-uunka wax ku bilaabay iyagoo adeegsanya xeellado qabiil oo laga soo min guuriyey maamuladii hore.
Goob jooge magaciisa qariyay ayaa noo xaqiijyey in safarkii ugu danbeeyey ee Dr Faroole uu ku aaday dalka dibadiisa uu isugu yeeray intii markaas ka joogtay Aaran-jaan waxaana uu mahad ballaaran uga celiyay shaqadii ay la soo qabteen mudadii uu loolanka madaxtinimada ku jiray, wuxuuna si cad oo aan leexleexasho lahayn ugu sheegay inay jiraan dhibaatooyin badan oo laga sheeganyo (Aaran-jaan) loona baahan yahay in kuwooda shaqeeyana ay shaqadooda qabsadaan wixii kalena ay dhaafaan dabeecadda ay caadaysteen ee ah is dhoodhoobka madaxtooyada si ay u sahlanaato shaqada maamulka.
Waxaa iyana jira khilaaf aan sidaasi u buurrayn oo soo dhex galay qaybo ka mid ah Aaranka iyo M/weyne ku xigeenka C/samad Cali Shire taasi oo ku aaddan awood marooqsi kooxdani ku doonayso inay ku af-duubto hawsha uu gaarka u leeyahay Mr Shire, waxaana arintaas soo dhex galay M/weynaha oo sheegay inuu xallin doono kolka uu ku soo laabto magaalada Garoowe ee xarunta ah.
Aaran-jaan ayaa lagu tilmaa dad xarfaan ku ah qaabka loo hantiyo maamulada hoggaanka qabta waxaana ay ka abbaaraan hadba halka ay u jilicsan yihiin. Dr Faroole oo lagu tilmaamo shaqsi hal-adag oo aan ka leexan wixii ay ula muuqato ayaa la sheegayaa in si aad ah uga feejiganyahay hab-dhaqanka kooxdan oo ah inay qofka mas’uulka ah ka soo galaan xagga guriga in kastoo hadda lafteeda ay muuqato in kooxdu ay buux dhaafiyeen xaruntii madaxtooyada oo ay xanibaad ku hayaan hanaan socodkii howlihii xafiisyada.
Punt Land Intelligence Service (PIS)
PIS oo Puntland looga yaqaan magaca Ashahaado La Dirir,
waa dawlad ka madax banaan Puntland, waxayna amarka iyo dhaqaalahaba ka helaan Ciidamada Mareykanka ee jooga Jabuuti. Waxaa madax ka ah ninka la yirahdo Diana (Cismaan C/llaahi Maxamuud Cadde). Dadka u shaqeeyaa waxay u badan yihiin dhalin yaro aqoon aan lahayn, guud ahaana isticaamala maan dooriyaha, xiriir fiicanna lama laha bulshada ku dhaqan Puntland, waxaana u
dhexeeya cadownimo gaamurtay iyaga iyo culumada diinta, bulshada inta ay xiriirka la leeyihiin waa dad ay isu keentay dhalasho ama arrimo dhaqaale.
 |
| Cismaan C/llaahi (Diana taliyaha PIS |
Waxa leeyihiin awood xad dhaaf ah,oo inta badan xataa aysan waxba kala socon maamulladii hogaanka hayay dhibaatooyinka ay gaystaan, marka aad ka soo degto garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa iska dhinac shaqaynaya ciidanka illaalada ayraboorka iyo PIS Ashahaado La Dirir, PIS-tu qofka kasta oo gigada diyaaradaha ka soo dega ayeey baasaboorkiisa fiiriyaan oo waraysa ka qaadaan isla markaasna qofkii ay doonaan faahfaahintiisa ayeey u gudbiyaan sal-dhigga Sir-doonka Maraykanku ku leeyahay dalka Djibouti ama haddii loo bahdo ay u taxaabaan xaruntaas.
Marka aad eegto qaab shaqeedkooda ayaa madaxaaga waxaa ku soo dhacaya dhibaatooyinkii ay u gaysteen sirdoonka Maraykanka xilligii dagaalkii qaboobaa dalalka Laatiin America sida uu buugiisa “Hidden Agenda” ku qoray weriye John Pilger oo isagu inta badan wax ka qora wadamada dhibaatooyinka dagaalada halakeeyeen.
Ciidanka sirdoonka Maraykanka ayaa xiligaasi waxay dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta kala dagaalami jireen dalalkii laatiin America sida uu qoray John Pilger, iyagoo inta badan adeegsanaya dad ay dhaqaale siiyaan oo u dhashay isla dalkaas si ay dhinaca aqoonta iyo dhaqaalaha aysan uga soo kaban waxana ay awooda saari jireen inuusan soo bixin qof aqoon iyo fahan fiican leh si uusan uga hor imaan danaha gaarka ah ee dalka Maraykanka.Arintaan ayaa waxaa ay sababtay in dadkii aqoonta lahaa qaarkood ay isaga cararaan dalalkaas qaar kalana la laayo waxaa guud ahaan mudo dalalkaasi qabeen (brain drain) maskax guur ilaa uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa laakiin waxaa jira weli raad reeb arintaasi uga tagtay.
Saraakiishii hore ka tirsanaa sir-doonkii dowladda ayaa badankood waxay rumaysanyihiin in Ashahaado- La-Dirir aysan dhab u fahamsanayn hawsha ay hayaan halka ay salka ku hayso, raad reebka dhaxal ay ee ka tegayso, iyo dhibaatada muuqata ee ay dadka ku hayaan. Kooxdan ayaa waxay aad awoodda saaran qabashada dadka ku xeel dheer aqoonta diinta si ay ugu gudbiyaan ciidammada sir-doonka Maraykanka ee ay ka hoos shaqeeyaan, waxaana arrinta uga sii daraya kooxda Ashahaado-La-Dirir oo aan badankood fahamsanayan macnaha diinta iyo qiimaha culumada. Sidaa daraadeed waxaa dhacda in culumo badan isaga cararaan goobihii ay dadka diinta ku barayeen ama misaajiddadii ,intii aan carari karinna ay waardiye joogta ah iska hayaan oo iska difaacaan, laakiin waynu ka war haynaayoo ili ma dhowri karto il kale, waxaana dhacday in marar badan ay kooxdan ku habsadeen oo qafaasheen dad culumaa'u diin ah sida wadaadkii dhowaan rabshadu ka aloosantay ee Sheekh Cismaan Max’ed Shire.
Somcana Ex Harte group
Kooxdan Somcan (Ex-Harte Group) asal ahaan waxaa la asaasay xilligii M/weynihii ugu horeeyey ee Puntland C/llaahi Yuusuf Axmed uu talada hayey, waxaana la siiyay madax banaani gaar ah iyo awood dheeraad ah oo aan biyaha badda gobolka Punt land cid aan iyaga ahayn aysan ka hadli karin, isla markaasna ay rukhsad ku siin karaan ama ay ugu diidi karaan maraakiibta rabta inay ka kaluumaysataan xeebaha gobolka. Dhaqaalaha ay kooxdan soo saaari jirtay ayaa sida ay xaqijiyeen xog-ogaal ku dhow-dhowaa howlaha kooxda ayaa waxaa shirko ku ahaa madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo C/weli Cali-Taar, waxaana jiray oo ilaa iyo hadda dad badan ay qabaan tuhun aad u weyn oo ahaa in maraakiibtaas qaarkood ay biyaha gobolka ku qubi jireen wasakhda khatarta ah (toxic and nuclear waste products).
 |
| Taliyaha madaxa banaan Taar |
Arintani waxaa ay dhalisay buuq xoog leh, oo xataa baarlamankii xilligaas jiray ayaa dood ka yeeshay arrinta maraakiibtaas, hase ahaatee aakhirkii waxaa madaxa-wyne Yuusuf uu kala jaray wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland iyo maraakiibta u sheqeeya SomCan, waxayna kooxda maamul ahaan si toos ah u hoos tagtay madax-weyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu si gaar ah ula xisaab tami jiray. Markii uu xilka madax-weynenimada qabtay Cadde Muuse Boqor ayaa isla markiiba waxaa soo booday muran kale markii uu Cadde Muuse isku dayay in Shirkadaan muddada meesha iska dhuuqaysay uu ku bedelo mid kale ee uu isagu wato, muran iyo is rasaasayn magaalada Boosaso dhexdeeda ah ka dib waxaa arintii la wareegay shirkad lagu magacaabi jiray Al-xabiib oo iyaguna ay madax-weyne Cadde Muuse dan-wadaag ku noqdeen wixii nacfi ah oo jira (share of the pie), kuwaasoo iyagana muddo kooban xoogaa urursaday, waxaase shaqadii dib ugu soo noqday isagoo sita magaciisii hore laba markabna wata C/weli Taar oo isagu horay muddo dheer halkaasi uga talinayey haddana weli gacanta haya.
C/weli Cali Taar oo ay madax-weynihii hore Cabdullaahi yuusuf qaraabo dhow ahaayeen ayaan lahayn wax aqoon ciidan la xiriira wuxuuna ka mid ahaa Qurbo-joogta u dhalatay gobolka Punt land ee ku noolaa dalka Canada, wuxuuna ka mid ahaa dhalin yaro badan oo xirfadda tagsiilanimada uga shaqaysta magaalada Toronto, waxaa in badan lagu sifeeyaa inuu leeyahay dhaqan aad ugu dhow-dhow kan qabqablayaashii Muqdisho ee waxba loo aabo yeelayn danta guud ee ummaddu wadaagto.Haddii aad rabtid inaad wax ka ogaato Taar akhri waxyaabaha uu ka qorey magazine la yirahdo Macleans. http://www2.macleans.ca/2009/01/12/this-cabbie-hunts-pirates
 |
| Abdiweli maahan xirfadle askari laakiin waxaa uu leehay ciidan u gaar ah |
Waxaa iyadan fadeexad weyn ku noqonaysa maamulka cusub ee hadda xilka la wareegayhaddi ay dhabowdo in wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda ee maamulka cusub ee madax-weyne C/Raxmaan Faroole uu marakiib lacag ka qaatay oo uu rukhsad u siiyay inay biyaha Puntland ka shaqeystaan, iyadoo waliba ay maraakiibta saaranyihiin ciidan ah reer Puntland, taasina waa midda dhalisay in ay isku dhacaan Taliyaha madaxa banaan C/Wali Cali Taar oo isaga laftiisa qaba tuhun ah in wasiirka Kaluumaysiga uu maraakiib lacag ka qaatay isagana kula tartamayo badda.
Marka gebi ahaan kooxahaan la qeexayo ayaa kaliya waxay ku kala duwan yihiin Somcana oo uu hor boodo C/weli Cali Taar, Ashahaada la dirir oo ka amar qaata Diana, iyo Aaranjaan aan lahayn hogaan toos ah oo loogu soo hagaago, laakiin sida la sheego ku midaysan fikir ah sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale aan xisaab ku salaysnayn ciribtana ku haya ku xad gudubka xeerarka maaliyadda iyo guud ahaan cahdiga Punt land.
SHaki la'aan, waxaa aad u adag sida maamulka Faroole wax uga qaban karo kooxahan, waxaa sidoo kalana uusan shaki ku jirin in haddii uu maamulka isku dayo inuu indhaha ka qabsado ay taasi horseedi doonto in xaladihii qalafsanaa ee siyaasadeed mar kale degdeg gobolku u gu laabto, nidaamka iyo yididiilada muuqatana ay qumbacasho ku dhacdo.
Wax ka qabashada arrimahan iyo sida uu maamulka u maareeyo waxay noqon doonaan tijaabo ay runtii digniin u noqonaysaa dad badan oo ku qanacsanaa nidaam darradii uu gobolku ku jiray, waxayna soo dedejinaysaa suuro galna ka dhigaysaa in si dhib yar looga gudbo nidaam darradii iyo musuqmaasuqii naafiyay Punt land.
Muddada gaaban ee uu hadda shaqaynayay maamulka cusub iyadoo uu waliba xilligu yahay waqti abaar ah oo kulul ayaa hadana waxaa muuqatay ifafaalo wanaagsan oo muujinaysa in nidaamka cusub wax ka bedeli doono duruufaha nololeed iyo ammaanba ee mujtamaca Punt land, waxaa guud ahaan muulka horyaala inuu mujtamaca Puland tuso ammaankooda inaysan magan ugu ahayn cidna qaynuunkana uu ka sareeyo qof kasta, kooxaha aan soo sheegnayna ay noqdaan kuwo u hogaansan xeerarka u yaala Punt land isla markaasna aysan dhicin in qof caadi ah uu heshiis la soo galo dowlado shisheeya dowladana uu ka ansaxsado, waxaana maamulka hadda looga baahnyahay inuu sharaxaad ka bixiyo eedda ku wajahan wasiirka kallumaysiga iyo khayraadka badda.
Waxaa kaloo maamulka hor yaala inuu cadeeyo awoodda uu ku leeyahay PIS ama kooxda Ashahaado la dirirka loo yaqaan, haddii aysan u shaqayn Punt landna uu maamulku qeexo sifaha joogitaankooda ciidda Punt land, waayo waa wax la garan karo in maamulka uu isagu ciyaaro doorkaas haddiiba ay lama huraan tahay in ciidan noocaas ah uu joogo gobolka.
Dad-weynaha Punt land oo runtii filaya in nidaamka cusub uu ka soo dhaali doono balan qaadyadiisii, waxayna dhinacooda indhaha ku hayaan isla markaasna ay ka dhur sugayaan is badelladii ay filayeen sidii looga dhigi lahaa kuwo taaba gala, waxayna uga fadhiyaan madax-weyne Faroole iyo maamulkiisa is bedelkii ay hal-ku-dhegga u ahaa xilligii ay ku jireen ololaha doorashada.
Dr Faroole ma kuguulaysan doonaa miinada khudaarta loo ekaysiiyey mise waa la mood noqnsae weyday iyo awr ku kacsi sida maamuladii isaga ka horreeyey?
Abdirazak Yassin Caanogeel,London,UK
Iyo Axmed-Yassin Max;ed Sooyaan Minnesota,USA.
Waayaha.net
Fikifikaaga ku soo dir anogeluk@hotmail.co or allayaqaan99@yahoo.com