Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Shacabka Puntland oo u dhaxeeya Maamul xumida Cadde iyo shakiga Maxkamadaha

Waxaa wax aad loola yaabo ah in ninka lagu magacaabo Gaa-Gaab oo ah wasiirka maaliyadda Puntland uu Madaxweyne Cadde u magacaabo gudoomiyaha gudiga nabadgalyada gobolada bari iyo karkaar, waayo waa ninka u sababta ah dib u dhaca iyo horumar la’aanta Puntland waxa uuna lunsaday hantidii Dowlad goboleedka Puntland ,taas oo kaliftay in xaaladda dhaqaale iyo horumarka gobolka ay marba marka ka danbeyso ka sii dareyso. Ummadda Soomaaliyeed waa ka soo daaleen in la handado oo wixii la doono lagu khasbo,gaar ahaan dadka Puntland u dhashay waxaa caburin ku hayey muddo dheer Dowladdii kacaanka aheyd , nidaamka manta ka jira Puntland waxa uu doonayaa in uu muquuniyo shacabka reer Puntland. Gaagaab ayaa waxa uu mamnuucay in dadka ku dhaqan Boosaaso ay kulamo yeeshaan xitaa haddii ay noqdaan kuwa aan aheyn siyaasad sida aroosyada iyo xafladaha. Hadaba waxaa su’aashu tahay maxaa kalifay baqdinta aadka u weyn ee Maamulka Cadde ka qabo Maxaakimta Islaamiga ah?.mase jirtaa in dadka ku dhaqan Puntland ay doonayaan maxkadaha?. Runtii waxaan filayaa maaha su’aalo ay jawaabtoodu ku adag tahay reer Puntland waayo waxaanu ognahay in reer Puntland ay filayeen in markii Cadde qabtay xukunka ay arkaan isbedel dhinac walba ah hase yeeshee waxaa muuqata in ay ka sii dartay xaaladii Puntland taas oo ay sabab u tahay in meesha ay weli joogaan ragii la shaqeyn jiray maamulkii Cabdullahi iyagoo weliba ka awood badan sidoodii hore ,waxa ayna ogyihiin in shacabaka dhexdiisa aysan ku laheyn wax sumcad ah ,dadka Puntlandina ay door bidayaan in ay helaan cid u bedesha Madaxweyne Cadde,Gaa-gaab,Xaaji Bikiin ,Xaabsade ,Cali Cabdi Awaare iyo kuwa kale ee lamidka ah,taas oo kaliftay in ay ka baqaan in gudaha Puntland uu ka dhaqo Afgambi iyaguna ay ka cararaan Puntland sidii ku dhacday dagaal oogayaasha uu ugu danbeeyey Barre Hiiraale. Dhinaca shacabka Puntland waxa ay ku wareersan yihiin arimaha Maxkamadaha Islaamiga ,waxaana ka dhashay in ay u qeybsan yihiin qeyb taageersan iyo kuwa diidan,sabatbtuna waxa ay tahay Maxkamadaha Islaamiga ah oo Mowqifkoodu uusan waadix aheyn waxa ayna dadka diidan is weydiinayaan maxey hayaan oo ay anaga noo keenayaan?. Runtii waa nasiib darro in Maxkamaduhu markii ay qabsadeen Muqdisho ka dib wax horumar siyaasadeed aaney ka sameyn dalka gudihiisa marka laga reebo dagaalo ay ku qabsadeen meelo ka mid ah wadanka gudihiisa,mana filayo in haddii aney siaasadooda wax ka bedelin ay suurtogal u noqoneyso in ay maamulkooda gaarsiiyaan Puntland iyo Somaliland. Waxaan jeclaan lahaa in Maxkamaduhu ay jawaab u helaan arimaha ay is weydiinayaan reer Puntland kuwaas oo ah: Maxkamadahow waxaad ka xoreyseen Muqdisho iyo Kismaayo dagaal oogayaal ,hadaan nahay reer Puntland dhibaatadaa ma aanaan qabin.,waxaad baabi’iseen Isbaarooyinkii ka jiray Muqdisho iyo nawaaxigeeda ,anagu ma aanaan aqoon muddo dheer wax isbaarooyin ah marka laga reebo kuwa Dowladda ee koontaroolada Magaalooyinka ka jira,waxaad ugu yeerteen in ay soo doontaan hantidooda dadkii Muqdisho looga dhacay, waxaadna furteen oo nadiifiseen dhamaan wadooyinkii Caasimadda ,hadaanu nahay reer Puntland hanti Soomaaliyeed ma aanan heysan magaalooyinka Puntland oo idilna si nabad ah ayaa loogu kala socdaa,Hadaba waxa cusub oo aad noo keeneysaan maxey yihiin!!!. Waxaan weliba idin dheer nahay Puntland oo leh dhamaan adeegyadii iyo nidaamyadii dowlad looga baahnaa in kastoo ay gacanta ugu jirto dad aan ku habooneyn in ay shacabka Puntland hogaamiyaan,laakiin hadaad tihiin Maxkamadaha weli uma aydaan sameyn Maamul Magaaladda Muqdisho mana aydaan Mideyn Maxkamadaha ku dhisan qabiilka ee ka jira Muqdisho,sideed marka u dooneysaan in shacabka Puntland uu idiin soo dhaweeyo????. Walaalayaal waxa aad ku dhawaaqeysaan oo ah in la qaato kitaabka Allah waa arin wanaagsan qofkii kitaabka Allah diidana waa gaal,laakiin ogaato kitaab afka laga sheego oo aan la dabakhinna waa munaafaqnimo ,marka shacabku waa bisil yahay diintana waa rabaan laakiin marka hore bal tusa oo dhaqan galiya kitaabka Allah idinkoon ku mashquulin in aad Magaalooyin kale qabsataan ,waxaana idinku filan oo aad heysataan Caasumadii Soomaaliya iyadaa kitaabka Allah ka hirgaliya,waxaa la hubkaa markaa in aad ilaa Hargeysa aad socod ku tageysaan idinkoo meel walba ay idiin joogaan dadkii u dhashay oo diyaar idiin ah. Laakiin xiligan sida aad ku socotaan waxa ay sabab u noqon kartaa in Cadde iyo Gaa-gaab ay helaan dad ay ku beer laxawsadaan in Maxkamaduhu ay qabiil yihiin doonayaanna inay qabsadaan puntland. Waxaan kaloo Gaa-Gaab u sheegayaa in aan la joogin xiligii dadka la caburin jiray ,kamana aad hor istaagi kartid shacabka waxa ay doonaan in ay raacaan. Waxaan sidoo kale Culima Awdiinka Puntland kula talinayaa maadaama ay Maxkamaduhu garan waayeen inay shacabka iyo culimada Puntland la xaajoodaan, in Culimda Puntland ay u diraan ergo Maxkamaha Islaamiga ,ergadaas oo kala soo xaajoota waxa ay Maxkamaduhu damacsan yihiin iyo waxa ay duulaanka ugu yihiin Puntland. Gaba-gabadii anigu waxaan u arkaa in Maxkamaduhu ay yihiin xalkii Soomaaliya uga bixi laheyd musiibadan ku habsatay ,kubaduna manta waxa ay ku jirtaa gacanta Maxkamadaha fadlan haluminina fursadan qaaliga ah oo aad manta haysataan,kana waantooba argtida ku dhisan xoog ku muquuniska ,xikmad iyo dulqaadna lahaada. Allahna waxaan ka baryayaa in uu idiingargaaro hadaad xaq ku socotaan ,hadaad weji kaa ka duwan wadataana in Allah idin hanuuniyo hadduu kheyr idinku ogyahay haddii kalena shartiina umadda ka qabto. Cabdi Salaad Wabillahi Towfiiq. Rayiga akhristuhu ka turjumi mayo shabakada Waayaha.net



   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software