Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
MA QABYAALAD BAA WAX LA DUGSADO MUDAN?!

Ugu dambayntii waxaan soo gaarnay xilligi aan garwaaqsan lahayn dhadhanka ay leedahay qabyaaladda: Macaan ama Qaraar.

Waxyeelada ay qabyaaladdu na gaarsiisay ka dib markii aan ka leexinay tubteedii dhaqanka, kuna hoggaaminay ku dhexmillidda siyaasadda iyo maamulka dowladda, waxaa nagu adkaatay in aan kala garan weynay dhibka na haysta in ay sabab u tahay siyaasaddii oo la qabyaaladeeyay, ama in ay sabab u tahay maqnaanshaha hiddo dowladeed oo casri ah, ama isku dhex millidda labadaas dhaqan dhaqaale.

Waxay ila tahay, qabyaaladda iyo ku dhaqankeedaba, bulshooyinka horumaray ee dunida in ay u tahay marxalad ay soo gudbeen oo keliya ku hartay buugaagta taariikhda, kuwa kalena oo Soomaalidu ay ka mid tahay, qabyaaladdu, waxay ka mid noqotay laf dhabarka nolol maalmeedka iyo siyaasaddaba, iyadoo weliba muhiimaddeeda la gaarsiiyay heer awoodda siyaasadda iyo midda maamulka dowladda lagu kala qaybsado.

Isku dhex millidda labadaas dhaqan dhaqaale:- Waa tan qabiilka oo ah hab nololeed biddaa’i ah iyo tan hanaan dowladeedka, waxay dalal badan gayaysiisay dib u dhac dhaqaale, siyaasad iyo mid bulsheed oo baaxad weyn.

 Maamul dhowladeedka casriga ah, waxay na soo gashay, iyadoo aan weli si fiican noogu duxin micnaha iyo qaabka ay u shaqayso.  Waxay ka mid ahayd xadaaradahii uu saan-cadduhu u soo waariday dalalkii ay gumaysanayeen. Welina si dhab ah looma garan habka ay u shaqayso iyo mas’uuliyadda ay gudanayso iyo adeegyada ay u qabanayso muwaadiniinta.  Xeel dheerayaasha Cilmiga Bulshada, waxay isla qireen in dadyowga dalalka soo korayo qaarkood aan lagu qancin waxa ay tahay “Dowlad”, ilaa imminkana, dadkaas waxay si xoog leh u rumaysan yihiin milgaha haybta qabiilkooda, isla markaana ku qanacsan maamulka hoggaamiyayaasha dhaqanka…kaasoo marar badan loo aaneeyn karo guuldrida qarammo badan (Failed States).  Waxaad dib u eegtaa xaaladdii ay ku dambeeyeen maamul beeleedyadii dalka soo maray gaar ahaan:- Saldanadii Abuubakar Fakhruddiin ee Xamar ka hanaqaaday muddo imminka ku dhow 678 sano iyo toddobadii imaaradood ee ka dambeeyay, tii Ajuuraan, tii Silcis oo xarunteedu ahayd Degmada Afgooye,  Salddanadii Galedi, iyo tii Suldaan Cali Yuusuf ee HOBYO, Boqor Cismaan (Gobolada Bari), Maamulkii Nasiib Buunddo ee (Jilib iyo Nawaaxigeeda), iyo kuwo kaleba, in  maamulkooda ay fidaan waxaa hortaagnaa qabyaaladda.

In la qabyaaladeeyo siyaasadda iyo maamulka Dowladda (Institutional Tribalism) waa halis inteeda la eg,  Dalkanna ku hoggaamiso dib u dhac dhan kasta ah, isla markaana ay dadka dhaxalsiiso burbur Qaran iyo maaliyadeed, qalalaaso siyaasadeed iyo kala dhantaalid bulsheed.  Mas’uuliyadda iyo cawaaqib xumida ka dhalata siyaasaddaaas,  waxaa dhabarka u dhiganaaya kuwa horboodayo agaasinkeeda.  Eeg waxa ka dhacay Dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii hore, gaar ahaan labada Qabiil ee ugu tunka weyn Dalkaasi “Kikuuyo” iyo “Luo”, waxay qarka u saareen Dalkooda in laga waayo Qariiddada Afrika, sida Soomaaliya Callankeeda looga waayay Fagaarayaasha Adduunka, muddo 18 sanadood.

Qabyaaladdu, door weyn ayay ka ciyaartay dib u dhaca dhaqaalaha, cilmiga iyo bulshda Afrika iyo meelo badanba.  ADDUUNKU, wuxuu waayo arag u soo noqday, sida looga gacan sarreeyay  nidaamkii ka jiray Dalka Koonfurta Afrika ee ku dhisnaa  midab takoorka (apartheid) iyo burburka ilaa hadda ku dhex socda Dalkaas Lubnaan, in loo   aaneey karo awood qaybsiga ku dhisan heeb sooca iyo diimaha.

Maamuladii soo maray qaar ka mid ah gobolada Dalkeena iyo kuwii loo yagleelay Qaranka, guuldaridii ku habsaday, waxa  sabab looga dhigi karaa qabyaaladda iyo maqnaanshaha maamul dowladeed la saan qaadi karay dunida casriga ah.  Sidaas darted, suurogal ilama ahan in ay shaqayso awood qaybsi ku dhisan heeb sooc (4.5), isla markaana ay dalka ku hoggaamiso caddaalad bulsheed loo dhan yahay iyo horumar.

Nidaamka awood Qaybsiga ee Dowladdan Ku meel Gaarka ah lagu soo dhisay, wuxuu bulshada Soomaaliyeed u qaybiyay saddex koox bulsheed (Three Social Group):- Kuwo leh xuquuq dhamaystiran, kuwo leh xuquuq dhiman iyo kuwo aan xuquuq lahayn. Fadlan eeg maqaalkii uu faafiyay GAATAMO (Marka Cadeey.com) oo cinwaankiisu ahaa NULL AND VOID.

Dugsi ma leh Qabyaaladdu wax ay dumiso mooyee.
 

Suxufi Sare Cismaan Amin Axmed
osmanamin2004@yahoo.com

Daabacaadda Waayaha.net

 

  

                                                        


 


 

 


 




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software