Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
DHili-dhili waa dhankuu u dhaco dhis ama dhac( Puntland)!

Ciyaarta laadhuuga ama dhiliga ninba si ha ugu yeero e’ waa ciyaar marka la ruxayo qurubta ama shaxanka yar ee 6 geeska ah aan la ogayn halka ay u dhici doonto iyo dhibcaha darajo ee ay ku siinaysaa inta ay leeg tahay laakiin inta badan waa nooc ciyaareed aan xirfadeedu nasiib ka marrayn  ama hal bay kugu casuntaa ama dhawr lixaad oo badin keena ayey kugu soo dhoweysaa adiga iyo nasiibkaa.!  

 

Marka laga hadlayo siyaasadda ayaa inta badan waxaa lagu tilmaamaa nooc siloon oo  qamaarka ka mid ah inay tahay, waxaana qamaarka noocaan ah cayaara hogaanka ugu sareeya ee maamulka siyaasadda, waxaana maamulku tabartiisa maskaxdiisa isugu geeyo iyadoo uu la tashiyo badan samaynayo isla markaasna meelo badan ka eegaya habkii uu ku meel marin lahaa ajandayaasha siyaasadeed ee hor yaala, isaga oo aan ka war hayn waxaa uu kala kulmi doono shar iyo khayr  xubnaha uu soo xulay ee ay xukuumaddiisu ka koobnaan doonto. 

 

 Soomaaliya oo ka mid noqotay meelaha dunida ugu hooseeya xagga dhaqaalaha maamul dawladeed oo taabbo galayna uusan ka jirin ku dhowaad 20 sano ayaa inta badan hadana waxaa hareeyey musuq maasuq baahay oo ay abuuraan mas’uuliyiinta hay’adaha sama-falka kuwaasoo si khaldan ugu tagri fala dhaqaalaha loogu yabooho dadka dagaallada ku tabaaloobay, isla markaasna sida marar badan dhacda ka itaal roon maamulada jira jabiyana qawaaniin kasta oo lagu dhaqmo. 

 

 Maamulka cusub ee Punt land iyo golihiisa wasiirada  oo ay wali  u dhimantahay wax badan oo ka mid ah dhismihii hoose ee agaasinka iyo maareynta hay’adaha xukuumaddu leedahay ayaa durba waxaa muuqata in muddada yar ee uu dhisanyahay dadku ay ku faraxsanyihiin hanaanka siyaasadeed ee uu wax u bilaabay, waxaana dadku rajo fiican ka qabaan inuu hogaankani noqdo mid hana qaad ah oo taabo gala isla markaasna boogihii hore dhaya.  

 

Iyadoo dadka reer Punt land sida lagu yaqaano ay yihiin dad bisil oo aad u dul qaad badan sidoodana ah mujtamac is maamula, is ixtiraama, dhaqan u leh dhexdooda inay is xurmeeyaan, ayeey hadana waxay caam ku yihiin inay leeyihiin nidaam ku dhisan kala dambayn iyo is maamul.

 

Waxaana lagu yaqaan in ay u hogaansamaan madaxdooda, ilaaliyaan qawaaniinta in kastoo aalaa sida la tilmaamo aysan helin madax u cuntanta dadka sifahaas leh, waxaa iyadana jira weli xanuun weyn oo ay dareemayaan  oo ay uga tageen maamulladii midkan ka horeeyay, sida dilalka abaabulan, dagaalo laga dhex abuuro dadka, ammaankii guud oo faraha ka baxay, dhaqaalihii oo lagu tagri  falay, lacago been abuur ah, deegaannadii qaarkood oo gacanta ka baxay, aajnabi faro badan oo aan laga war hayn mehradaha ay ka qabtaan dalka siiba kuwa Itoobiya ka yimaada, caafimaadkooda oo aan laga war qabin…

 

Tan iyo intii la doortay Maamulakan cusub ee uu gar-wadeenka u yahay Dr C/raxamaan Max’ed Faroole ayaa  si weyn looga soo dhoweeyay guud ahaan deegaannada Punt land waxaana si dhib yar qof kasta looga dheehan karaa kalsoonida weyn ee ay u hayaan maamulka cusub, iyadoo ay wali suura gal tahay in dadka qaarkood is weydiin karaan  sida maamulka uga soo dhalaali karo howlaha ad-adag ee hor yaala, iyo waliba culayska dhaqaale darro iyo nidaam xumo ee uu dhaxlay.

 

Maamulka cusub oo in badan oo xubnihiisa ah ay yihiin qurbo joog dibadaha ka yimid waxay in badan ku celcelinayeen inay u yimaadeen siday u badbaadin lahaayeen jiritaanka Punt land oo muddadii u danbaysay xaaladdeedu ahayd giraan gebi ka lulata, waxaana dadka badankii ka muuqda niyad sammi aad moodo inay rajo fiican ka qabaan is-bedel dhan kasta ah iyo horumar la gaaro.  

 

Dadka siyaasadda lafa gura ayaa aaminsan in Dr Faroole wax weyn oo muuqda uu ka qaban doono maamulka Punt land xisaab adagna uu kula  dhaqmi doono hay’adaha dawliga oo iyagu horay magaca ay huwanyihiin ugu boobay hantidii ummadda shaqo muuqatana aan qaban jirin, waxaa iyadana ay halis ka imaan kartaa hay’adaha dowladaha ka awoodda badan ee loogu yeero hay’adaha aan dowlaiga ahayn (NGO), kuwa deeq bixiyeyaasha ah (Donors) oo iyagu dhaqanka looga bartay uu yahay in dalalka burbursan sida Soomaaliya ay iyagu maamulaan iyagoo ka fa'idaysanay maqnaanshaha maamulka dowladeed iyo baahida mujtamaca.

 

Maamulka Puntland isagoo maanka ku haya in hay'adahan ay dhamaantood si dadban ama toos ah ugu shaqeeyaan war-doonka dalal shisheeye (Intelligences) ama ururada fidiya diimaha (Missionaries)  ayaa loo baahanyahay inuu mujtamaca uu ka xoreyo inay ku tiirsanaadaan hay'adahan, isla mar ahaantaasna uu xaddido qaab kasta oo ay ku soo fara gelin karaan arrimaha siyaasadeed.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa looga baahnyahay inay la socoto dhaqdhaqaaqa ururadan oo runtii marar badan lagu eedeeyay gacanta ay ku leeyihiin khilaafyo badan oo ka jira meelo badan oo dalka ka mid ah iyadoo ay waliba dhibaatadooda ka qaylinayaan dalal waaweyn oo dowlado iyo maamul u dhisanyihiin, waxaana wasaaradda laga rabaa inay indho gaar ah ku hayso ururadaas, iyadoo aan waliba laga maarmayn in wax qabadkooda uu hoos yimaado wasaaraddaas, isla markaasna ay barnaamijyadeeda iyada soo mariyaan.

 

Maamulka ayaa sidoo kale laga dhowrayaa inuu gacan gargaar u fidiyo Jubbada hoose isla markaasna uu diyaariyo hanaankii ay isugu xirnaan lahaayeen labada gobol, iyadoo aan loo baahnayn in colaado hor leh dib u bilaabmaan ama dagaalladii sokeeye dib loogu noqdo, waxaana hadda muuqata in gobolku ka raystay maamulkii Barre- hiiraale ee ku salaysnaa  reer nacbaysiga, waxaana soo bidhaamaysa fursad nolol oo dadka magaallada Kismaayo ku dhaqan ay u baahanyihiin gargaar xagga dhaqaalaha ah iyo xiriir dhow oo xagga bulshada, siyaasadda iyo ganacsiga ah.

 

Waxaana shaki badan iyo tuhun ay reer Kismaayo ka qabaan socdaalka qarsoodiga ee Gen. maslax iyo Gen. Morgan ay ku wada joogaan magaallada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta in dadka reer Kismaayo ay qabaan rajo xumo la xiriirta gacanta ay ka heli karaan Punt land iyadoo ay mar kasta aaminsanyihiin in Kismaayo ay noqon doonto meesha ugu dambaysa ee dagaalladu ka sii socdaan dalka Soomaaliya. 

 

 Dr. Faroole ayaa sida uu waxa uga qabto Punt land  ay noqon doontaa mid lagu qiimeeyo oo mudnaanteeda leh marka laga hadliyo mujtamac weyn ee Soomaaliya, waxaa kaloo Faroole laga  rabaa inu kaalin ka ciyaaro arrimaha murgay ee Soomaaliya isagoo gacan ka geysanaya howlaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta guud ee dalka lakiin aan dayacayn xilka ay u dhiibteen reer Punt land.

 

Dr C/raxmaan Max’ed Faroole iyo maamulkiisa ayaa laga filayaa inuu dad-weynaha u diyaariyo sidii ay awoodooda gacantooda u soo geli lahayd, waxaa looga fadhiyaa inuu sameeyo xafiisyo bixiya Aqoonsi (ID), tiro koob ku sameeya deegaannada, iyo inuu u sii gogol xaaro sidii ay doorasha soo socoto iyaga u dooran lahaayeen madaxdooda.

 

Manhajka wax-barashada ee Puntland ayeey muhiim tahay in ardayda lagu baro (CIVICS)  duruusta la xiriirta dowladaha hoose iyo habka dhismaha dowladda,  sidaasoo kale waajibaadka qofku ku leeyahay dalkiisa iyo waajibaadka dalka ku leeyahay qofka, doorashada macnaheeda sababaha doorashada loo qabto.   

 

Aqooyahan reer London ah oo dhowaan tegay gobollada Puntland ayaa isagu qaba inaan lagu deg degi Karin saadaal laga bixiyo mamulkan muddada yar jira ee Dr Faroole, waxaase uu aad u ammaanay shacabka Punt land oo uu ku sheegay dad aad u akhlaaq badan laakiin muddo dheer hoggaan la'aani haysay "30 sano Puntland ma arag hase ahaatee dadka aan hadda soo arkay waxay ahaayeen dad akhlaaq badan oo mudo dheer hogaan la'aan ahaa” ayuu yiri ninkaan oo aan is-magacaabin, hasa yeeshee waxaan shaki ku jirin in maamulka cusub iyo shacabka Puntland ay hor yaalaan howlo adag oo u u baahan is-kaashi buuxa oo labada dhanba ah, haddii taas la waayo ayaa waxaa hubaal ah in ay is eedayn badan bilaaban doonto balse ay runtu tahay in eedda la wada qaadi doono.

 

 

 

Abdirazak Yassin Caanogeel,London,UK

Axmed-Yassin Max’ed Sooyaan, Minnesota,USA

Waayaha.net

 

 

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software