Saar
Goobtu way camiran tahay. Waxa la tumayaa saar. Rag iyo dumarba la is daawanayaa. Waa goob la isku barto. Waxa tijaabo ba’ani ku socotaa kii wiil ahaa—kii geel-jire ahaa. Wiilushuna waa ceeb-ka-carar. Oo geesinimo muujinayaan. Waa la tumayaa. Sacabada la tumayaa. Cagta la tumayaa. Calyada la tuurayaa. Siigada la kicinayaa. Waa saar. Waa jidbo. Ama weyrax. Wiilashu way dheellayaan. Tooreeyo hawada sare ku dooxayaan. Tijaabo ayaa ku socota. Way xujaysan yihiin. Gabdho ayaa meesha tuban. Waa goob lagu ceeboobo. Ama lagu soo caan-baxo. Gabdhuhu wax bay isla meerinayaan. Waa xujo:
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!
Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan. Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Waa dhaqan aan dhammaad laheyn—sida dagaalka sokeeyaba uu u jiitamayo. Dhiig. Dhiig. Dhiig.
Sanaddu waa 1991. Dhiiggii dagaalladii sokeeye ayaa qulqulaya. Aniso waa gabar afar iyo toban jir ah. Waxa ay u qaxday Kismaayo. Dugsi ayay gashay. Quraanka iyo culuun kale raacataa. Gabadhu ma oga,e, waxa ay raadaarka ugu dhacday wadaadkii axaadiista u meerinayay. Magaciisu waa Shiikh Kakane. Waa shan iyo labaatan jir.
Lix bilood ka dib, waxa ay Aniso xifdisay Quraanka barkiisa. Waxa ayna billowday in ay dersiga u meeriso ardayda ku cusub hingaadda iyo kuwo ku jira Juz Cammaha. Waxa ay laheyd firfircooni maskaxiyan ah iyo faham qoto-dheer. Inkastoo ay ku jirtay da’dii is-beddelka jirka, haddana Aniso waxa ay noqotay ardayad ka soocan gabdhaha faceeda ah. Ma sheeko badneyn, mana aqoon haasaawe iyo shukaansi.
Sanaddu waa 1992. Aniso waxa ay ku sugan tahay Dhoobley. Oo Kismaayo ka soo qaxday sidii Xamar. Intii ay Kismaayo joogtay ayaa nolosheeda wax weyn iska beddeleen jir ahaan. Dherer ayaa u siyaaday, waxa ayna noqotay gabar u bisil guurka iyo dhalmada. Shiikh Kakane ayaa Aniso ku arkay deegaanka Dhoobley.
“Salaamu calaykum, Aniso,” ayuu yiri Shiikh Kakane, “goormaad timid?”
“Macallin siddex beriyaan joogaa,” ayay tiri Aniso oo dhulka xishood la eegaysa.
“Maashaa Allah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ani dhowr isbuuc camalaan joogay. Aawayna reerkaagii? Ma kula soo qaxeen?”
“Haa, hooyadeeyaa ila socota,” ayay Aniso tiri, “aabbo Xamar ayaa madfac ku dilay.”
“Allaha u naxariisto,” ayuu Kakane yiri, “hadda maxaad damacsan tihiin?”
“Ma’aqaan,” ayay tiri Aniso oo xushmad hoos la eegaysa, “ma’aqaan.”
In yar ayaa la kala aamusnaa. Waxa uu Shiikh Kakane marba isha ku xadayay Aniso, oo dhulka indhaha ku haysay. Shiikh Kakane waxa uu xifdiyay Quraanka, cilmiga Axaadiista waxa uu ka raacday Bukhaari iyo Muslim, kitaab towxiidka ayuu soo meersaday, naxwaha Carabiyadda ma xiiseeyo. Dhanka maadiga, Shiikh Kakane waxa uu ka soo qalin-jebiyay dugsi sare ee ku yaalla Xamar. Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu noqday mid ku dhex-jira diinta iyo dugsiyada Quraanka. Masruufkiisana sidaas ku soo saartaa.
“Ukhtiiy,” ayuu Shiikh Kakane cod dabacsan ku yiri, “Uxubbuki fillaahi.”
Aniso way xishootay. Wadnahaa gilgilmay. Afkii baa juuqda gabay. Naxdin.
“Ilaah wuu banneeyay jaceylka,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waana sifo ka mid ah sifooyinkiisa sare. Aayadahiisana waxa ka mid ah in uu jeceyl dhex dhigay zawjka iyo zawjadiisa.”
Aniso hal mar ayay madaxa kor u qaadday, oo Shiikh Kakane ka il-buuxsatay.
“Ilaah dartii zawjadeyda ma ku noqon laheyd?” ayuu Shiikh Kakane yiri.
Aniso way muusootay. Oo indhaha gadgadoomisay. Waa sheeko ku cusub.
“Ilaah dartii ukhtii,” ayuu Shiikh Kakane ku celiyay, “aan isku guursanno.”
“Aniga ma’aqaan meesha laga bilaabo sheekooyinkan,” ayay Aniso ku afeefatay, “laakiin soo waalidka la iskama dooni jirin? Hooyadeey maad la hadashid?”
Shiikh Kakane waxa saaqay neecaw qabow. Wuu muusooday. Dhiirranaaday.
“Anisooy haddaan sheekadaan hooyadaa u sheegno,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waxay igu xujeynaysaa xoolo aan awood u laheyn. Soo ma aragtid xero qaxooti ahaan labadeenu ku cagaarannay? Maan qarsano meherkeena, hadhowtiina aan hooyadaa ducadeeda ka dalbano?”
Aniso waa ay aamustay, oo arrinku ka daadegi la’yahay. Shaki iyo tashwiish ayaa galay.
“Wiilal badan iyo gabdho badan oo wadaado ahba,” ayuu yiri Shiikh Kakane, “sidaasoo kaleey sameeyaan.”
Aniso waxa ay eegtay Shiikh Kakane. Waxa uu xiran yahay khamiis anqowga ku jooga, waxa madaxa illaa garbaha u saaran cimaamad guduudan, kabo janbal ahna gashan yahay. Waxa ay iyadu xiran tahay jilbaab isku joog ah. Indho-shareer ma xirato.
“Ukhtiiy,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “gaaba-gaabeeyaa qaxootigan la isku mehersadaa.”
Sanaddu waa 2006. Waxa wadnihii Soomaaliya ku soo duulay Amxaaro. Ciidankii Maxkamadaha waa loo xoog-sheegtay. Soomaaliya waxa buuxiyay askari gaal. Hayeeshee wixii duullaankii Amxaarada ka danbeeyay waxa is-beddelay waaqicii dalka iyo dadka. Waxa sahlanaaday dilka. Dhiig. Dhiig. Dhiig. Sidii goob lagu tumayo saarka. Shacabkii waxa ay noqdeen shaybaar lagu tijaabiyo cududda ciidan ee Amxaarada iyo dowladda oo isku dhan ah, iyo wadaaddada oo dhan kale ah. Waaqaca shacabku waa: Cidi uma maqna, ceelna uma qodna.
Sanaddu waa 2007. Aniso waa soddon jir. Xamar ayay waa hore ku soo noqotay. Waxa ay dhashay hal wiil keliya. Magaciisu waa Muxidiin. Waa shan iyo toban jir. Waxa uu lixaadka iyo dhererka ka raacay hooyadiisa. Waxa ay wiilkeeda ku haysay faro-adag. Akhlaaqdiisa ayay ku dadaashay. Quraanka ayay bartay. Axaadiista ayay u meerisay. Gaajadiisa iyo dheregtiisaba garab-taagnayd. Waxa ay ka dhowraysay in uu noqdo qori-qaad dadka dhaca. Ama dila. Waxa ay ku mashquulisay tacliin iyo tacab adduun. Marna meel cilmi laga raacdo ayay u direysay, marna wuxuu kala shaqeynayay biibito ay shaah iyo macmacaan ku gaddo. Muxidiin waxa lagu yiqiin af-gaabni—sidii hooyadiisa. Waa xaafid. Waa muxadas. Waa baari. Waa xil-kas.
Wiilku ma yaqaanno aabihiisa. Aniso waxay Muxidiin u sheegtay in aabbihiisa la la’yahay. Aniso markii ay guursatay Shiikh Kakane, waxa ay isla noolaayeen siddex bil keliya. Iyadoo uur yar leh ayuu Shiikh Kakane ka tagay horaantii sanadda 1992. Waxa uu ku biiray xoogagga al-Itixaad. Waxa uu safka hore ka galay dagaalladii u dhexeeyay al-Itixaad iyo Kulmis ee Boosaaso. Shiikh Kakane dib uguma uusan soo noqon xaaskiisii joogtay qaxootiga Dhoobley.
Sanaddu waa 2008. Aniso oo biibatadii shaah karinayso, ayaa waxa isa soo dul-taagay nin gar weyn leh. Waxa ka muuqata sunnada. Gaari cabdi bile ah ayuu la socday. Waxa gaariga saarnaa raxan dhallinyaro ah, oo cimaamado guduudan wejiga ku duubtay. Waa al-Shabaab. Aniso qacdii horeba way garatay ninka. Afkii ayaa kala tagay. Yaab. Waa Shiikh Kakane. Waa wiilkii shan iyo labaatan jirka ahaa oo afartan jir noqday. Dhereg baa ka muuqato. Calool yarna ka soo kuusan tahay.
“Ma nooleydna?” ayay Aniso si dabacsan u tiri.
Inta hoosta ka soo galay, ayuu ag-istaagay.
“Al-xamdulillaahi,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waan noolahay.”
“Xaggeed igu ogeyd?” ayay Aniso tiri.
“Allaah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Allaaha wax arsaaqa.”
Aniso qosol bay iska doontay.
“Aniga arsaaqo kuma weydiine,” ayay Aniso tiri, “xaggeed xaqayga ku ogeyd?”
Intuusan jawaabin, ayaa waxa meel gees ah ka soo baxay Muxidiin oo bac sokor ah soo gaday. Aniso waxa ay eegtay Muxidiin. Muxidiinkuna dareen ma qabin.
“Hooyo aabahaa salaan,” ayay Aniso ku tiri Muxidiin oo bacdii sokorta sida.
“Aabbahey?” ayuu Muxidiin yiri labo jeer, “aabbahey?”
Wiilkii oo weli rumaysan la’ hadalka dhegehiisa ku soo dhacaya ayaa waxa salaan u soo taagay Shiikh Kakane. Muxidiin wuxuu salaamay aabbihiisa. Lex-jeclaysi la’aan.
“Magacaa, aabbe?” ayuu Shiikh Kakane weydiiyay wiilkiisii curadka ahaa.
“Muxidiin,” ayuu ku jawaabay wiilku.
“Anigu aabbahaa ayaan ahay,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waxaan hadda….”
Intuusan hadalka dhameystirin ayaa waxa looga yeeray gadaal iyo kooxdii wadatay gaarigii cabdi bilaha ahaa.
“Abuu Muscab,” ayuu darawalkii yiri, “saanta soo fududee.”
Aniso waxa durbadiiba u caddaatay in uu Shiikh Kakane leeyahay xaas iyo caruur kale.
“Muscabna yaa waaye?” ayay tiri Aniso.
“Waa Muxidiin walaalkiisa,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “fiiri walaaley, in badan ayaan ku raadinayay, laakiin waan garan waayay meelaan kuugu soo hagaago.”
“Markii horeba inaad iga tagto ma’aheyn,” ayay Aniso tiri, “qaxootiga dhib ayaan kala kulmay, hooyadeyna way ku indho-beeshay. Markaan ku sugi waayayna waan iska kaa fasaqay.”
Shiikh Kakane uma ekeyn ruux diyaar u ah in uu dhageysto dhibtii xaaskiisa ay kala soo kulantay qaxootiga. Labo xaas ayuu qabaa, siddex kalena horay ayuu u soo furay.
“Wax walba waa qaddar Alle,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “laakiin maadaama aad wiil ii heysid, weli wax baa isugu kaaya jira.”
Shiikh Kakane waxa uu eegay Muxidiin. Muxidiinkuna waxa uu babinayay burjikihii shaahu dul saarnaa. Iskuma uusan mashquulin in uu dhageysto doodda waalidkiisa.
“Waryaa Muxidiin,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “weligaa xabbad cadowga ma ku ridday?”
Markuu intaa yiri ayaa Aniso indhaha galka ka soo baxeen. Muxidiin inta istaagay ayuu babiskii dhulka ku tuuray, una soo dhowaaday aabbihiisa.
“Maya aabbe,” ayuu Muxidiin ku jawaabay.
“Anisooy wiilka maxaad faciisa uga reebtay?” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ma u jeeddaana wiilashaas gaariga saaran, kulli waa mujaahidiin dar Alle u dagaalamaya. Maraykankaa ka baqa.”
Muxidiin waxa uu eegay wiilashii al-Shabaab ee ka dhakoolnaa gaarigii cabdi bilaha.
“Anisooy ma waxaad rabtaa in cadowga Islaamka uu maalin iyo habeen na laayo,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “markuu daalana uu ku nasto shaah uu wiilkaygu kariyay?”
“Abuu Muscabow i maqal,” ayay tiri Aniso oo ka cabsi-qabta in laga wato wiilkii ay rafaadka ku soo korinaysay, “lix iyo toban sano ayaad iga maqnayd, sidii aan ku noolaana aadan ka war-qabin, caruurna waan kuu dhalay oo aadan masruuf igu siin jirin. Ima furin, ima dhaqan—cidlo iyo qaxootina iiga tagtay. Miyaadan billaa caleyk ka xishooneyn in aad inta maanta ii timaaddid aad sidaan oo kale iila hadashid?”
“Anigu adduun iyo dheeldheel kaagama maqneyn,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waxa aan u shaqeynayay diinta Allaah. Ogowna wiilkayga lama doonayo in uu noqdo naaga-naageys shaah u kariyo Amxaaro. Waa in uu difaacaa diintiisa. Waa in uu jihaadka galaa. Waa in uu geesi noqdaa. Waryaa Muxidiin, miyaadan dooneyn in uu Allaah kugu arsaaqo shahiidnimo? Inuu Allaah kuu guuriyo xuurul-ceyn? Waad baaluqday, ee caruur ha is moodin. Nin rag noqo!”
Aniso inta wiilkeeda gacanta ku dhegtay ayay u jiidday gudihii biibitada. Waxa ay u naceysay in uu sii dhegeysto doodda ka dhaxeyso labadiisa waalid. Aniso durbadiiba waxa ay ku soo noqotay Shiikh Kakane oo sidii u taagan.
“I dhageyso, Abuu Muscabow,” ayay Aniso tiri, “Ilaah haddaad taqaanid nabadda noogu dadaal. Oo wiilka ammaan sii. Oo salka ha ka kicin. Oo xaq kuma lihid maadaama aad dayacday markuu tabarta la’aa, ee haatan markuu tabar yeeshay damac yuusan kaa gelin. Oo haddii ay diinta run kaa tahay isku xishood oo ha noo xoog-sheegan.”
Shiikh Kakane inta eegay gaarigii cabdi bilaha ahaa ayuu ku soo jeestay Aniso.
“I maqal anna,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Ilaah talada guriga waxa uu u dhiibay ragga. Marka….”
“Gurigeed ka hadleysaana?” ayay tiri Aniso oo hadalka ka dafeyso Shiikh Kakane, “ma reer baa noo dhaqan? Sidaad iiga tagtay anigoo uur leh hadda ayaa kuu socod ah. Taladana waxay kaa soo wareegtay maalinkii aad cidlo qaxooti ah iiga dhaqaaqday.”
“Hadalkiyoo kooban,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “wiilkeyga shaah uma karin karo Amxaaro iyo murtad—waa igu ceeb, diinta Islaamka ayay ceeb ku tahay, raginamadiisa ayay ceeb ku tahay. Munkarka waxa lagu suuliyaa gacanta—ee gacanta Shareecada yaysan ku soo gaarin.”
“Abuu Muscabow illeen ruuxii xaqa Alle guta ayaa un xaqiiqdana arka,” ayay Aniso yaab la tiri, “goormaad wiilkaaga siin jirtay masruuf uu kaga maarmo in uu shaah gado? Yaase yiri meesha Amxaaro keliyaa wax ka gadata? Mise inoo heysaa shaqo dhaanta shaah-karinta? Walaalow kurbo iyo welwel cusub haygu furin ee ammaan aan kaa helno.”
“Hadalkaaga wuxuu u egyahay hadalada gaala-raaca,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “laakiin wiilkeyga lama doonayo in uu doqonimo ku weynaado ama munaafiqnimo. Taa ma yeelayo.”
“Oo waayahaye ma nolol baad u haysaa?” ayay Aniso tiri, “mise nolosha ayaa ah in uu al-Shabaab ka mid noqdo? Yaa Muslim ahoon garta u dhiibannaa?”
“Anisooy mujaahidiintu way i daahsadeen,” ayuu Shiikh Kakane hadal ku soo jaray, “ee waan isku soo noqon doonnaa insha Allah. Wiilkana sida u dhaan! Mujaahid ka soo saar.”
“Horta see ku ogaatay in aan halkaan joogo?” ayay Aniso weydiisay Shiikh Kakane.
Shiikh Kakane waxa uu u rucrucleeyay gaarigii cabdi bilaha ahaa. Shirka hore ayuu galay, shaagagii gaariga waxa ay kiciyeen bus iyo siigo, il-biriqsina ku libdhay.
Aniso waxa ay luxday madaxeeda. Oo cabbaar sii eegaysay gaarigii.
“Adduunyadaan wareer badanaa,” ayay Aniso is-tiri, “waa wareer iyo cimri degdeg.”
Muxidiin wuu jiifaa. Aniso way jiiftaa. Waxa soo jeedda Aniso hooyadeed. Way indho la’dahay. Wardigii Jimcaha ayay akhrinaysaa—oo Suubanaha ku sallinaysaa. Waxa iyadana beryahakan saaqay welwel ay ka qabto in xoog ama sasabasho looga kaxeysto wiilka ay ayeeyada u tahay. Wiilka indhaha u ah. Wiilka weesada u soo dhaammiya. Suuliga ku haga. Xaafadda dhex-marsiiya. Suuqa uga soo adeega. Wiilka ay uga sheekeyso nolosheeda beri-samaadkii iyo waayo waayo. Wiilka ay jeceshahay. Cad ku yaallana ah.
Diiqii arooryaad markuu yeeray, Aniso way kacday, Muxidiinna ka daba kacay. Waa irsaaqo-doon. Biibatadii ayay isu diyaariyeen. Markii ay damceen in ay illinka ka baxaan, ayaa waxa Muxidiin u yeertay ayeeyadiisa.
“Wiilyahow,” ayay Ayeeyadu tiri, “ha hilmaamin shukriga Baariga Weyn.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri, “al-xamdu wal-shukru lillaahi.”
“Qalbiga Ilaah ku haay,” ayay Ayeeyadu tiri, “Ilaahna wuu ku xasuusan doonaaye.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri.
“Intaan noolahay kuguma ogi qori in aad qaaddid,” ayay Ayeeyo tiri, “Ka carar dhiigga Muslimka ah. Ka carar kitaab-gaablowga diinta ku dhuumanaya. Fitanta ka carar.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri.
Saa ayeeyadiisa inta soo haahaabatay, bay madaxa gacanta ka saartay, dhunkatayna.
Muxidiin wuu baxay, hooyadiisoo bannaanka ku sugaysayna ka daba tegay.
Sheekadan Gaaban ee Saar la soco qaybta labaad Barri haddii rabi Idmo
Qore: C/Laahi Jano
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iimelkan iigu soo hagaaji: buugiyoqalin@hotmail.