Filan waa kuma ahayn dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya, natiijadii ka soo baxday baratanka loogu jiray jagada madaxweynenimada Soomaaliya oo Sheekh Shariif ku guulaystay. Xiriirka Sheekh Shariif uu la lahaa Maraynkanka iyo guud ahaan reer Galbeedka ma ahyn mid liitay. Maalinba maalinta ka dambaysayna wuu soo korayay, iyadoo loo soo maray qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida dalalka Qatar, Masar iyo Jabuuti oo sheikh Shariif dhowr jeer ku soo noqnoqday.
Dadka indhaha ku hayay dhaqdhaqaaqa sh.Shariif tan iyo 6dii bilood ee uu gacanta ku hayay magaalada Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya, waxay qirayeen in uu jiro isbeddal xagga fakarka siyaasadda ah oo ku imaanayay qaar ka mid ah hoggaanka maxaakiinta oo uu ka mid yahay Sh. Shariif.
Ciidamada Ameerikaanka ee ku sugnaa Xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Carbeed, iyo kuwa Itoobiyaanka oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya, ayaa bisleeyay xaalad kicinaayay, dareen ku qasbaayay in Hoggaanka Maxaakiinnta ay uga cararaan Muqdisho, dhanka Koonfurta, iyagoo ka baxsanaayay weerada daran ee uga imaanayay Itoobiyaanka.
Markii Hoggaanka uu soo gaaray magaalada marsadaha leh ee KIsmaayo, waxaa xoojiyay dareenkii jiray, duqayntii diyaaradaha Maraynkanka iyo weerarka Itoobiyaanka ay ku hayeen aagagga hoggaanka maxaakiinta lagu tuhmaayay in ay ku jiraan. Weeraradaas, waxaa daba socday xiriir xagga taleefoonka ah oo u dhaxeeyay Safaaradda Maraynkanka ay ku leedahay Nairoobi iyo Sh. Shariif intii uu ku dhex jiray Keymaha Raaskambooni, si loogu fududeeyo in uu ka tilaabo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Dhacdadan, waxay sii xoojisay kala shakigii markii horebe ku dhex jiray labada garab ee maxaakiinta: Garabka mayalka adag oo uu hoggaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo garabka Qunyar socodka ah oo uu hoggaamiyo Sh. Shariif.
Waayo aragnimo siyaasadeed ayay u ahayd labada garab ee maxaakiinta, marka laga eego guud ahaan dagaalada ka socday Muqdisho iyo Jubbada Hoose. Ugu yaraanna waxay ka heleen cashar noloshooda ku cusub, marka loo kuur galo sida ay u wada shaqaynayeen muqaabaraadka Ameerikaanka iyo kuwa Kenyaanka ah iyo sida Sh. Shariif looga dhex saaray nolosha dhibka badan ee kaymaha Raaskambooni, loona geeyay tuulada Amuuma ee ku taal xadka dhinaca Kenya, oo markii dambe loo soo gudbiyay Wajeer oo Booliska Kenya waraysi kula yeeshay, ka hor inta aan loo soo duulin Magaalada Nairoobi.
Sh. Shariif, intii uu ku sugnaa Wajeer, wuxuu la kulmay Ku Xigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, mudane Faarax Macallin, oo asiga u soo raacay Nairobi. Faarax Macallin oo xiriir wanaagsan la lahaa Sheekh Shariif, wuxuu ciyaaray door ah in marnaba gacanta loo gelin Itoobiya oo si weyn u doonaysay.
Maalintii Sabtida ahyd taariikhduna ku beegnayd 31/01/2009, shariifkana loo dhaariyay jagada madaxweynenimada Soomaaliya, maalintii xigtay ee Axadda wuxuu ka dagay Addisababa, isagoo ka qaybgalayay shir madaxeedka Afrika (AU) oo ugu socday xarunta uruirkaas ee Addisababa.
Sh. Shariif, waxaa gegida dayaaradaha ee Addisababa loogu soo dhoweeyay si diiran oo heer sare ah. Shirka, wuxuu uga dhex muuqday sidii xiddig (Pop Star) oo kale. Wuxuu ahaa shaqsiyad indhaha qabanaayay, sidaas waxaa yiri Jamaal Nekruuma, oo isaga shirka goob joog ka ahaa.
Jamaal Nekruuma, oo ah qoraa ku xeel dheer arrimaha Afrika, ayaa dhowaan ku faafiyaya majaladda Al-ahraam ee ku hadasha afka ingiriisiga, maqaal uu ka diyaariyay shir madaxeedkaas. Nagruuma oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri Shariifka oo u eg nin haysta kalsoonida Ameerikaanka, wuxuu kasbay dareenka madaxweynayaasha Afrika, isagoo markaas ka helay soo dhoweyn iyo qaddarin heer sare ah. Majaladda waxay intaas sii raacisay Shariifka oo haystay dhalashada Maraynkanka (American Citizen) wuxuu u ekaa qof loo soo diyaariyay sida KARASAAYGA Afqanistaan oo kale. Madaxweynayaash cusub ee ku soo biiray Naadiga (Club) madaxweynayaasha Afrika, keli kuma ahayn madaxweyne Sh. Shariif, balse waxaa ku wehliyay madaxweynayaal kale oo ku cusub Naadiga shirar madaxeedka Afrika oo dhamaantood si diiran loogu soo dhoweeyay, kuwaas oo ka mid ahaa madaxweynaha Zaambiya mudene Rupiyah Banda, madaxweynaha Koonfurta Afrika mudane Kglema Motlonthe iyo madaxweynaha Gaana mudane John Atta-Mills, hase yeeshee si gaar ah isha waxay qabanaysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
In Madaxweynaha, uu yahay daba dhilif Ameerikaan ah, Karasaaygii Geeska Afrika iyo haddii uu ka dhabeynayo ballanqaadkii (commitment) uu galay intii uu ku jiray oloaha doorashada madaxweynenimada iyo khudbaddiisi doorashada, taasoo ahayd in uu tirtiridoono siyaasadda awood qabsiga dulmiga ku dhisan iyo hayb sooca, iyo in uu hormrin doono xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah iyo suggidda ammaanka dalka,, waxay u baahnaan doontaa in laga dhursugo. Haddiise uu ka dhabeeyo, waxaan shaki ku jirin in ay u horseedi doonto Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrikana nabadgalyo, xasilooni, deriswanaag,iyo iskaashi.
W.Q.Suxufi sare
Cismaan Amiin
Waayaha.net,London,UK