Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dhibaatada Soomaaliya ka taagani ma aha mid Diineed

Waa ay badan yihiin sababaha loo aanayn karo burburkii soomaaliya ee sababay in ay meesha ka baxdo wixii ugu qaalisanaa ee ummadi lahayd ’qaranimadeedii’. Waxa in badan oo wax garad ahi isku raacsantahay in: Ujeedo la’aan, Hogaan xumo, Damac, Xagjirnimo, Doqonimo…. iyo ‘Qabiil’ ama Qabyaalada’ uu yahay eedaysanha koowaad ee mushkilada aabaha u ah.  Hadana  waa lagu kala gedisnaan karaa fasiraada qabiilka iyo qabyaalada laftooda. waxase lawada qirsanyahay in dhibtu aad u balaadhantahay noqotayna mid muda aad u dheer qaadatay oo ay adagtahay in la helo cid kale oo la barbardhigi karo dunida aynu ku noolnahay. waxa kale oo iyana is weydiin leh ma jiraan sabobo kale oo loo aanayn karo in ay arinta sii murgiyeen oo ka dhigeen waxa aan hore dunida u soo marin oo soomaalida u gaar ah! Aniga aragtidada way jiraan waxanan ugu horaysiin lahaa ‘Jahliga’. Aqoondarada haysata bulshda soomaaliyeed waa mid naxdin leh, kana haysata dhinacyda kala duwan ee nolosha oo dhan. Tirada yar ee wax baratayna fursad uma helin ama lama siin in ay safka hore yimaadaan.

 

Hadaan taa intaa aan ku dhaafno ma jirtaa dhibaato kale oo xaga diinta lala xiriirin karaa oo ummadan haystaa, taasoo kaliftay in mid ka mid ah waxyaabihii midayn jirey ee ummdani ay beri ku faani jirtey ay lafteedu mushkilad noqotay. Dawr intee le’egse ayey diintu ka qaadatay burburkii qaranimadii soomaaliya?  Waa su’aal baaxad weyn oo falanqayn karo, darka wadaadadu (islaamiyiintu)  ka qaadan karaan soo celinta qaranimadii soomaliya. Amaba in jawaab loo helo dagaaladan soo cusboonaaday ee lagu galayo magacyada diimeed.

 

Tirada dadka soomaalida inaksta oo aan tirakoob sugan lahayn waxa lagu qiyaasaa in ay ka hooseeyaan 10 milyan. Waxase sugan in ay dhammaan dadka afsoomaaliga ku hadlaa yihiin dad ku abtirsada diinta islaamka oo ab ka ab iska soo dhaxlay,  qarniyo badanna ‘Sunni’ ahaa  gaar ahaana ku abtirsada madhabta Shaaficiyada. Inkastoo aan aqoon badan loo lahayn culuunta kala duwan ee diinta Islaamka, hadana sida lawada ogsoonyahay diin kale ama fikir kale oo lid ku ah diinta islaamka kama hirgelin soomaaliya. Firqado iyo madaahib kala duwanina ma jirin, marka laga reebo dariiqooyinkii kala duwanaa. Intaa waxa raacda in dadka soomlidu ay jecelyihiin ku dhaqanka diinta oo ay kaga horeeyaan dalal badan oo muslim ah oo weliba af carabi ku hadla.

 

Isbedaladii siyaasadeed ee ugu waaweynaa ee taarikhda soomaaliya soo maraa waxa ka mid ahaa kacaankii ay hogaaminayeen ciidamada qalabka sida ee 21kii Oktobar 1969. Kacaankaa oo ku talaabsaday isbedelo badan iyo horumar la taaban karo dhinacyada kala duwan ee bulshada, hadana waxa uu ka tegey dhibaatooyin laga soo kaban waayo markii danbena sabab u noqday burburkii dalka. Dhaliilaha kacaanka waxa ka mid ahaa uguna xasaasinaa, markii uu xawliga iyo dardarta ku socday waxa uu ku dhawaaqay xeerar ka hor imanayey lidna ku ahaa shareecada islaamka. Islamarkiiba waxay iska horyimaadeen wadaadadii isu taagay in ay difaacaan axkaamtii shareecada ee markaa sida tooska ah loo garab maray. Waxa isla waqtigaa bilawday dareen ay hor kacayeen culimo waaweyn oo magac ku lahaa bulshada, culimadaa in badan waa la toogtay qaar kalena xabsiga ayaa loo taxaabay.

 

Dilkii culimada iyo dareenkii markaa jirey waxay sabab u noqdeen in uu abuurmo baraarug hor leh xaga barashada iyo ku dhaqanka diinta islaamka, baraarugaa oo ku baahay dalka oo dhan markii danbena dhaliyey in ay samaysmaan dhaqdhaqaaqyo islaami ah kuwaasoo si tartiib tartiib ah u noqday ururo. Ururadaa oo markii hore duruufihii jirey awgood si qarsoodi ah u faafin jirey afkaartooda iyo aragtidooda wacyigelineed, dadweynuhuna aanu wax badan kala socon ujeedooyinkooda, waxay si muuqata u soo shaacbaxeen oo debeda yimaadeen bilawgii burburka, dabaayaqadii sideenaadka ayey  si toos ah u soo ifbaxeen, markii dalku burburayna aad ayey u xoogaysteen. Waxa xusid mudan in qaar ka mid ah ururadaasi ay ka qayb qaateen dagaaladii sokeeye oo dagaal foolka fool ah iskaga horyimaadeen jabhado beeleedyo, oo dagaalo lagu hoobtay ay ka dheceen gobolada Bari iyo Kismaayo. Si kasta ha ahaatee, ururada u janjeera xaga diinta inkastoo aanay ka madhnayn damac siyaasadeed iyo awood raadis hadana weli si toos ah uma soo bandhigin aragtidooda siyaasadeed iyo hanaanka ay rabaan in ay wax ku hagaan mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.

 

Mudo dheer oo dalka soomaaliya ku jirey jaah wareer siyaadadeed ayey saaxada ka maqnaayeen (dhanka siyaasada) dhaqdhaqaayadii kooxaha wadaadada ahi hor kacayeen oo aanay wax saameyn ah ku lahayn. Waxayse mar kale dib ugu soo noqdeen bilawgii qarnigan cusub. Inkastoo aanay sidii hore u abaabulnayn hadana waxaa soo baxay duruufo ay dadka kaga dhex muuqan karaan. Si kastaba ha ahaatee waxa lawada ogsoonyahay tan iyo intii ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ka taaba galeen magaalada muqdisho, markii danbena ay gacanta ku dhigeen in badan oo ka mid ah koonfurta soomaliya bartamihii 2006da waxa xoogaysaytay miisaanka ay ku leeyihiin kooxaha islaamiyintu siyaasada murugsan ee somaaliya. Hadaba iyada oo lawada ogsoonyahay mushkilada daba dheeraatay ee dalka ku habsatay iyo baaxadeedeeda ugu weynina ka jirto caasimada iyo koonfurta dalka ayaa qofka beryahan indha indheeya wadciga lagu jiro waxa la moodayaa in arinka la isku hayaa uu yahay mid diineed. oo halka bergii hore jabhadaha soomaalidu ay la bixi jireen magacyo uu ku jiro xarafka “S” hada waxa soo baxay magacyo kale oo wadaado duub xirani hogaaminayaan kuwaasoo bedelay kuwii berigaa lagu jabhadayn jiray. Waxase muuqata sidii ururadii mucaaradka ee berigii hore ugu guuldaraysteen in ay keenan aragti lagu hiran karo oo mustaqbal wanaagsan horseedi karta, ayaa waxa kooxaha maanta iyagana ka muuqda astaamihii kuwo la mid ah. dagaalo sookeeye oo aan ujeedo lahayn oo magac diineed lagu galo! ismaandhaaf aan la fahmi karin waxa uu ku salaysan yahay iyo xagjirnimo aan xad lahayn.

 

Marka dib loo milicsado  silsilada taxanaha ah soomaaliya waxa hubaal ah in diinta islaamku aanay ahayn halka dhibtu ka jirto shuqlna ku lahyn xaaladan habawga ah ee hadba geed cuskanaysa. Hadaan si kale u dhigno ma jirto dhibaato xaga diinta ah oo salka ku haysa khilaafaadka iyo is maandhaafka siyaasada soomaliya. Ilaa xilli dhawna waxa la oran karaa diinta islaamku waxay ahayd shayga keliya ee dadka u bed qaba ee ay u soo joogsadaan. Dhaliishase waxa is kaleh wadaadada hada hormuudka ka ah dhaqdhaqaaqyda siyaasada soomaaliya oo aan hayn barnaamij wadani ah ama hannaan siyaasadeed oo dadka iyo dalka lagu samata bixiyo.

 

Waxana la odhan karaa dhibtu waxay ka timi, faham darada haysata guud ahaan soomaalida, gaar ahaana kooxaha islaamiyiinta in badan oo ka mid ah,  sababaha kor ku xusan iyo qaar kale oo badan ayaa loo aanayn karaa in ay salka ku hayso mushkiladan gaamurtay, xalkana waxa laga raadin karaa fahamka sababaha dhexdooda.

 

Faarax Maxamed 

Farahmohamed2@yahoo.co.uk 

FG: “Waxan soo dhoweynayaa wixii tusaale, talo wadaag iyo falanqayn ah ee ku saabsan arinkan”. 

 

Maqaalkani ka turjumi mayo shabakada wararka Waayaha.net waxa leh qorraaga ku saxiixan

 

 

 

   

 




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software