Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Hadaan Caqliga Madaxa u deyn lahayn.

Waa shay dabiici ah in  bin aadamka ay dhibaatooyin iyo mushkilado kala duwani la soo gudboonaadaan. Tan intii  adduunyada la taagayna sharka iyo khayrku waa is barbar socdeen. Maalmaha adduunkana midiba waa cayn. Mucjisadu dunida kama dhamaato, wax waliba waa suurtagal in ay isbedelaan. Mararka qaar guuldarada iyo jabka ayaa guul noqda, dibudhaca ayaa horumar dhala. Mugdigaa nuur laga dhex arkaa. Dadkana waxa dabcigiisa ka mid ah in ay ku kala aragti duwanaadaan fasirka xaaladaha hadba la marayo oo qaarba dhan wax ka eegaan, iyagoo la kaashanaya aqoontooda iyo waayo aragnimadooda. Arin shalay quruxbadnaa oo la higsan jiray ayaa maanta la arkaa in uu culays keeno oo la maareyn kari waayo xalna loo heli kari waayo. Tusaale ahaan: In xoog iyo xabad wax lagu raadiyaa, cidi kama fekerin dhibaatada ka iman karta, hada waa ta la xakamayn kari la’yahay!.

 

Aduunyaduna sideedaba waa fursado oo waxa suurtowda hadii fursadi ku dhaafto in aanay mar danbe dib kuu soo marin. Ma laga yaabaa xalkii qadiyada soomaliya xiligay ugu haboonayd in  la soo gaaray?. Mise waaba la soo dhaafay iyadoon la tebin?.  Oo maxa lagu garan karaa xilliga xalku fudud yahay iyo ka kale?.

 

Erayadan kor ku xusan ayaa si lama filaan ah maskaxdayada ugu soo noq-noqday anoo raba in aan wax ka tilmaamo. Xal u helida mushkiladeena. Dalkii la oran jiray Soomaliya iyo ummaddiisii waxay noqdeen agoon aan cid daryeesha helin iyagiina aan isu tudhin. Qaarkood waa goosan cidla ku ambaday, qaar kalena waa maxmiyado dusha laga ilaashado, kuwa kalena cadho ayey is madax mareen oo birta ayey iska asleen iyaga oo waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan aanay kala cadayn. Tolow miyey waasheen? Ma waali danbe! Sow kuwii hore maryaha u dhigtay? Maya markan diintii ayaa madax martay.!! Tanaa ka daran wixii hore oo dhan!!. Mise malaha waxaynu raadinayno ayaynaan weli isla fahmin.

 

Odhaah duug ah ayaa tidhaahda hadaad su;aasha badh garato waxa la arkaa in aad jawaabta hesho. Waxan qoraal hore ku tilmaamay in aanay diinta Islaamku ahayn sababta burburka iyo ismaandhaafka keentay. Ee beladu meel kale salka ku hayso. Inteynaan xal meel kale ka raadin waxa haboon in aynu si miyir qabta u fekerno, maskaxdana aad uga shaqeysiino. Haa maskaxdeena. Waa in la xadidaa oo la qeexaa waxa la raadinayo waa in uu jiraa ‘HADAF’ hadaf cad oo u muuqda cid walba, kaasoo ka sareeya danaha yar yar ee la raadinayo. Waa in ay suurto gashaa in hadafkaa la qeexaa, lagu soo celceliyaa, hadafyada yar yar ee ka sookeeya oo dhana isaga awgii looga talaabsadaa. Waa in si uun la isula fahmaa HADFKA weyn. Marka intaa la isla fahmo waxa fududaanaysa in la isla wad wado wadada ugu dhow ee lagu gaadhi karo hadafkaa isaga ah.

 

Dhib ma aha in dadku kala aragti duwanaado. Ilaahayna waxa uu baniaadamka ku manaystay shay ay kaga gedisanyihiin noolaha kale. Kaasoo u suurto geliya in ay kaga hortagaan waxa walba oo la soo gudboonaada. Sidaa awgeed ayaa dadka waxa la saaray mas’uuliyad culus oo aanu la wadaagin noolaha kale. Dhibtaadana waxa lagaga gudbaa caqliga wanaagsan islamrkaana dhibtaa lafteeda  ayaa laga bartaa casharo badan iyo duruus wax anfaca oo mustaqbalka laga tilmaan qaato.

 

Waxa kale oo weliba  la tilmaamaa in haddii aan dhib jirin aan horumar la gaareen.  Markasta oo mushkiladi timaado waxbaa laga bartaa. Sidaa ayaana dadyawga hore u maray ku taaba qaadeen.

 

Caqligu waa hibo Eebe bixiyo ka ugu qiimaha badan waa ka aadnaha lagaga fadilay makhluuqaadka kale oo dhan. Waa ka lagu garto waxa xun iyo waxa san, waa ka lagu badabaado haddii si wanaagsan looga shaqaysiiyo.

 

Laakiin innaga Masaiibada ugu weyn ee ina haysataa waa innagoo weli u socona iyadoo madaxeenu hooseeyo oo xaga dhulka xigo lugaheenuna cirka jiraan! Arinkan maqluubka ahina waa ka ilaa hada aynu tubtii u la’nahay oo aan maalinba haadan uga sii lulanaa.

 

Hadaan Caqliga Madaxa u deyn lahayn……?!!!  

 

W/Q: Faarax. X. Maxamed

Farahmohamed2@yahoo.co.uk

Daabacaadda Waayaha.net




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software