Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Cabdulwaaxid Khaliifoow Halkee ayaad noo waddaa

Marka hore mahad idilkeed Allaah ayaa iska leh, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib akhyaarta iyo akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

 

Sideedaba qofka Qoraaga ah wuxuu ku wanaagsan yahay in uu mar walba ilaaliyo miisaanka cadaalada, oo uusan marna is oran bal si aad shacbiyad u kasbato xuquuqda ummad leedahay ku tumo, oo wax kama jiraan kadhig ummad dhan oo wax walba isugu jira. Sideedaba qof inuu dadkiisa mar walba ku taagnaado, oo uu ummad kale isku daya inuu sumcad uga raadsado baabi’in dadkiisa, taasoo aanan cadaalad ku fadhiyin runtii waa mushkilo. Rasuulkeenii (C.S.W) wuxuu xadiis saxiixa ku yiri, walaalka u hiili gar iyo gardaro., oo saxaabadu markey layaabeen oo ay dhaheen, rasuul Allow garanay marka laga gardaran yahay, oo sidee ugu hiilinaa marka uu gardaran yahay. Rasuulku wuxuu ku jawaabay xumaanta uu ku jiro ayaad ka qabanaysaan oo taas ayaa hiilo u ah.

 

Cabdulwaaxid Khaliif waa nin dhalinyaro ah oo aan rumeysanahay in uu yahay aqoonyahan, Qoraa weyn, kana mid ah raggi ugu horeeyaya ee bilaaba in qoraalada Soomaalida loogu soo gudbiyo Boggaga Soomaalida. Waa nin waliba qoray buugaag baddan. Haddaba taas oo jirta ayaa haddana cabdiwaaxid inta baddan qoraaladiisu waxey u baddan yihiin Dhanka Belo u doroska  (Negative) ka ah, oo weliba aad moodo in uu hal dhinac oo bulshada ah uu mar walba ku ifiyo Torchka, taaso ay dhici karto in uu wax baddan kaga qaldan yahay arintaasi.

 

Cabdiwaaxid qoraaladii uu aadka ugu soo baxay waxey ahaayeen kuwii uu ku daba dhigtay Cabdullaahi Yuusuf, kuwaasoo uu had iyo jeer xooga saari jiray siduu u soo bandhigi lahaa qaladaadka iyo xumaanta Cabdullaahi. Wey jireen qaar baddan uu Cabdulwaaxid qoraalada ku saxsanaa, oo uu runta ku asiibay. Sidoo kale waxaa jiray qaar baddan oo ku talax tag ahaa. Haddaba cadaaladu waxey qabtaa ama sida ay ayaad Quraan ah uu micnaheedu ugu dhaw yahay { Xaqa hakaga leexanina, naceyb aad ummad u qabtaan }. Waan qirayaa Cabdullaahi Yuusuf oo ahaa madaxweyne Soomaaliyeed, in uu lahaa qaladaad iyo Xumaan fara baddan, oo uu weliba ay jiraan tacadiyo loo aaneynayo. Sidoo kale Cabdullaahi Yuusuf wanaag iyo ammaan baddana wuu leeyahay, oo runta in leyska indho tiro ma haboona.

 

Sidaas si lamid ah Cabdiwaaxid hadda waxeynu ku aragnaa isagoo durba dhaliilaya ama xumaanteeda soo bandhigaya dowladdan cusub oo uu garwadeenka ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Waa dowlad cusub macaga dhigan ummadoo idil weli dhegtaa utaagan, oo waad arkeysaa kuwo kheyr u rajeynaya, kuwo habaaraya iyo kuwo ka aamusay ba. Cabdulwaaxid wuxuu sidoo kale aad udhaliilay Ra’iisal wasaaraha cusub, oo uu ku tilmaamay inuu ahaa lataliye Cabdullaahi Yuusuf, oo middaa dhaliil uga dhigayo. Wuxuu kaloo sheegay inuu kasoo jeedo Maxamuud Saleebaan.

 

Ra’iisal wasaarahan cusub ummad intii garaneysay, haddey noqon lahaayeen kuwo ay arday isla ahaayeen, kuwo ay isla soo shaqeeyeeyn iyo kuwo ay isku magaalo joogi jireenba wey ammaneen, oo waxey wada qireen inuu yahay nin ku haboon jagada loo magacaabay. Cabdulwaaxid wuxuu kaloo waayo hore daba dhigtay Puntland guud ahaan, isagoo xitaa Jiritaanka Puntland qalad u arki jiray.

 

Cabdulwaaxid qoraalkiisii ugu dambeeyay oo ahaa kii igu dhaliyay inaan qoraalkan ka qoro , ayaa wuxuu u rajeeyaya in ay dowladda Shiikh Shariif mari doonto jidkii kuwii hore oo uu yiri inshaa Allaah wey bur buri doontaa. Qoaraalkaas wuxuu ku jiraa Somalitalk. Hadalkaas waxaan ka jeclaa isagoo yiraahda Allaha  xaqa tuso, intii uu habaari lahaa

 

Haddaba anigoo u nasteexeynaya walaalkay Cabdulwaaxid, oo aan aaminsanahay inuu yahay nin aqoonyahan ah, ahna qoraa weyn, in uu qoraaladiisa Dhanka wanaagsanna bal wax ka eego. Runtii Negative ka baddan waa laga wanaagsan yahay, oo ogow baabka islaamiga ah ee Cilmujl jarax watacdiil, oo qofka lagu leeyahay sheeg wanaagiisa iyo xumaantiisa. Marka Cabdulwaaxid waan soo dhaweynayaa qoraaladaada ee walaalow dadka uga faa’iddee labada dhinacba oo wanaaga qofkna runta ka sheeg oo xumaantiisana ha qarin. Sidoo kale waxu markey cusub yihiin waa sida ukunta oo kale, oo u baahan in la daryeelo.

 

Cabdulwaaxidow ogow Soomaaliya iyadoo idil ayaa qarka waxey u saaran tahay inay baab’do oo maanta waxaa la raadinayaa sidii wax leysugu soo dhaweyn lahaa, oo bal wax uun loo badbaadin lahaa, ee adigu sabab ha u noqon kala firxadkaa ku dhacay Soomaali. Ogow qalinku wuxuu ka mid yahay hubabka nooca ugu culus, ee Cabdiwaaxidow dadka mar walba u horseed wanaaga iyo sidi soomaali leysugu keeni lahaa..

 

Qoraalkeygi waa iga intaas, haddii aan sameeyaya hadlo meel ka dhac ah ama gaf ah hala iga raali noqdo, oo waxaan ka bixinaya xaal marin. Runtii qoraalkeygu waa iga nasteexo.

 

Qalinkii: Cabdixakiim Jaamac Jooje

Qoraalka waxaa uu ka turjumayaa qoraaga ku saxiixan

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software