Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Barnaamijka Xukuumada Puntland u gudbisay golaha wakiillada

Barnaamijka Xukumada gudbisay Madaxweynaha Puntland-na ka hor-akhriyey ayaa u qoreyd sidatan

Barnamijka Xukumadda DGPL 2009-2012 Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Garowe, 28 January, 2009

HORDHAC:

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin:
 
Asallaamu Calaykum Wa Raxmatu Allahi Wabarakaatuhu,

Gudoomiye, sida aan ka wada warqabnno waxaa 1998-dii la dhisay Dawlad Goboleedka Puntland oo ay ku bahoobeen 5 Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle (Bari, Sanaag, Nugaal, Sool, Mudug iyo Degaanka Buhoodle). Arintaaas waxaa keenay baahi loo qabey qaab dhismeed cusub oo matalikara masiirka bulshadeena.  Qab dhismeedkaas ayaa markii ugu horreysay la taaba geliyay, iyadoo la adeegsanyo habraaca dhaqanka oo lagu dheehay waayaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa lama huraan noqotay in lala jaan qaado wacyigii xilligaas jiray, iyadoo la doonayo in aayaha iyo masiirka dadka reer Puntlnad  meel lagu ogaado, si ay u helaan maamul tayo leh oo suga amniga, una horseeda ummadda horumar dhaqan-dhaqaale (socio-economic development).

Dhismaha DGPL wuxuu kale oo ahaa qaab-dib-u-heshiisiineed ee loo yaqaan hoos-ka-dhis kor-u-dhis, una horseedi kara deegaamada kala ee Somaliya inay dhistaan maamul goboledyo kan oo kale ah, taasoo noqota qaabka keliya oo Somali la isugu kenikaro Nidaamka Federaaliga oo Dawlad Dhexe oo midaysan  lagu gaari karo. Aakhiritaanki, fikrigan nadiifka ah waxaa la isaga raacay shirkii di-u-heshiisiineed ee Kenya, 2002-2004, oo beesha caalamka hormuud ka aheyd, ummada Somaliyedna aqoonsatay.  

 Miradhalka himiladaas waxaa tusaale u noqday doorashoyinka demoqaradiga ahaa ee dhowaan ka dhacay Puntland, laguna soo doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen 08/01/2009.

Dorashadaas waxay masuuliyad culus dusha u saartay heyadaha dawliga ah ee Puntland ayna ugu horreyaan Xukummadda iyo Golaha Wakillada cusub oo laga sugayo  is-beddel dhab ah oo lagu higsado himilooyinka mustaqbalka ee dadkeenna, una horseedi kara amni, xasilloni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale.

Sidaas darteed, waxaa loo baahanyahay inaan wada aqoonsanno in Xukumadda iyo Golaha  Wakiillada ay maanta horyaalin caqabado waaweyn oo dhinac kasta ah, xag siyasadeed (DFKMG), amniga, dhaqaalaha iyo bulshadaba. Waxa aan qarsoonayn xaaladda dhabta ah ee jirta.

Haddaba, waxaa la inoo ka baahan yahay – Xukumad, GW iyo shacaba, inaan u wada howlgalno sidii aynu uga gudbi lahayn marxaladdan adag uguna talaabsan lahayn waddada horumarka.

Hadafka aan higsaneynana laguma gaari karo si sahal ah, Sidaas darted, waxaa kuligeen laynoo ka baahan yahay in aan qaadano go’aamo ad-adag oo muhiim u ah hurumarka shacabka Puntland. Taasi waa lagama maarmaan, mar hadaan dooneyno in aan la nimaadno is bedel dhab ah oo ka turjumaya himilooyinka aan higsaneyno.

Qorshaha guud ee xukumaddu wuxuu taabandoona dhinacyada kala duwaan ee nolosha-siyasadeed, amni, dhaqaale , bulsho iyo ilaalinta deganka, dadkeena iyo dalkeena.

SIYAASADDA GUUD                                                                                                                  

1. GOLAHA XUKUUMADDA
                          
Waxaa si rasmi loo  magacaabay 18 wasiir, 23 Wasiir-ku-xigeen iyo 2 Waasiir Dawlo taasoo jirta ayaa hadan waxaa Golaha Xukuumadda ka bannaan jagooyin aan weli la magaacaabin, dhakhsana loo soo buuxin doona markii la helo dadkii ku haboonaa, haddii Alle Idmo.

Xukuumadu waa garowsan tahay dareenka shacabak Puntland ee ku aadan tirada xukuumada. Waxaa tirada xukuumada sababay duruufo badan iyo wacyiga lagu sugan yahay. Sidoo kale waxaa  sababay in wasaarado isa saarnaa la kala qaaday, sida xanaanada xoolaha, beeraha iyo daaqa iyo daryeelka deegaanka oo u baahan wasaarado gooni ah si hawl dhab ah loo qabto.

Dhanka kale, Xukuumadan aan soo dhisay ma ay wada gaari karto deegaamada iyo beelaha dhammaantood, laakiin waxay daaweysay wax tirsasho badan oo horay u jirtay.

Xukuumadan waxqabadkeedu wuxuu noqondoonaa mid muuqda oo lala xisaabtamo. Waxay xukuumaddu tix gelinaysaa kala madax banaanida iyo wada shaqaynta hay’adaha dawladda sida, Golaha Wakiiladda, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka.  Waxaa ka hawlgeli doona dad aqoon, waayo aragnimo iyo karti u leh maamulidda iyo hogaaminta hay’adaha dawliga ah (Government Institutions).

Hay’aduhu waxay ku hawl galayaan waajibaad shaqo oo qeexan (Job description). Ku waasoo la tilmaami doono qaabka wada shaqaynta iyaga iyo hay’adaha kale oo ay isku ujeedada yihiin, sida garsoorka iyo ammniga, hay’adaha adeegga bulshada, hay’adaha waxa soo saarka iyo dakhliga IWM. 

Waa muhiim in aan leenahay siyaasad qorshaysan oo ka tarjumi karta danta gaarka u ah  shacabka reer Puntland, midda guud ee Somaliya, xiriirka caalamiga ah iyo xiriir wanaagsan oo aan la yeelano dawladaha deriska ah.

Xukuumadu waxaa ay dardar gelineysaa gedi-socodka demoqradiya oo ay ugu horeyso  dhameystirka Dastuurka cusub oo ka tarjumidoona danta shacabkeena, aftina loo qaado 18 bilood gudohood, haddi Alle idmo.

Waxaa kale oo ammuurtaas barbar socondoona in la qoro ugu horreyntii  xerka  axsaabta badan, furitanka axsaabta, magacaabidda guddiga doorashooyinka iyo dejinta xeerka dorashada (electoral commission and electoral law), taas oo loola jeedo dardar gelinta hanaanka geedi socodka dimuqoraadiyadda (Democratization Process). Taasi waxaa ay Puntland u horseedaysaa, Ilaah idankiis, in laga gudbo nidaamka qabaliga ah ee toban jirsaday, kaas oo sababay caqabado badan oo qaarkood la dhaafi kari waayey iyo in lagu tallaabsado nabad buuxda, horumar iyo iskaashi buuxa ee dhinacayada kala duwan.

Xagga siyasadda ku wajahan Qaran Somaliyeed, xukuumada Puntland waxay ilaalineysaa  nidaamka fedaralka  oo ah  mid reer Puntland hore u  go’aansadeen, sidaasna  saldhig  ugu  noqday xukuumada  Federalka ah ee KM ee hadda jirta oo la dhisay 2004tii.
Sidaas darteed, waxaa xukuumudu aaminsan tahay daafacaadda nidaamka Federalka ah ee Dawlad Qaran ee Somaliya, oo wax ka hooseeya dadkeenu marnaba aqbali karayn. 

Xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka ahi waxuu ku dhisnaan doonaa nidaamka Federaalka ah ee hadda kala dhiman oo dhameystirmidoona  marka ay soo dhismaan maamullo Puntland oo kale ah oo ku wada howlgala Xeer Federal ah oo ay si buuxda Puntland uga hawlgasho diyaarintiisa si ay u ilaashato daneheeda ku saleysan awood qeybsiga. Taasi waxay tahay inaan cid dibedda ka ah maamulka Puntland aysan  ku matali doonin marnaba diyaarinta xeerkaas.
Middaas oo ay hadda dhacday in diyaarinta Xeerka Federalka ah ay DFKM iyadu iskeed ugu magacawday dad aan maamulka Puntland soo dirsan oo aan u aragno inay ilaalinayaan oo keliya danaha  Dawladda Federalka KM.

Waa muhiim, waana siyaasadda xukuumadda in aan kula dhaqanno Dawladaha aan deriska ka nahay xagga berriga iyo xagga baddaba siyaasad ku saleysan is- xurmeyn, deris wanaag iyo wax-wada-qabsi ku aadan danaha naga dhexeeya oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga  ganacsiga iyo adkeynta amniga.

Waxaan iyadana dardar gelineynaa xiriirka  wadashaqeynta   aan la leenahay Beesha Calaamka,  ha ahaadeen deeq bixiyayaasha (donors) ama hey’adaha kale oo calamiga ah (UN agencies and  INGOs) si ay si buuxda uga hawlgalaan degaanka Puntland mar labaad, iyadoo la sugi doono haddi Alle idmo amaankooda.  Taasi waxay fududeyneysa in dib loo bilaabo mashaaricdii kala go’day iyo  kuwa cusubba.

2.  AMNIGA:

 Amnigu waa asaaska nolosha adamaha ama noolaha oo dhan. Waxaana muhiim aha inaan xoogeenna oo  dhan saarno, dawlad iyo shacabba, sugidiisa si wadajir, loogu wada  hawlgalo melmarintiisa. Taas oo ah gundhigga siyasadda amniga ee xukumadaan. Haddaba, waxaa xukumaddan ka go’an:
 
• Sugidda iyo xojinta amniga dalka oo dhinac walba ah; sida difaaca xuduudaha DGPL iyo xojinta amniga gudaha, la dagaalanka burcad badeedka, afduubka berriga iyo tahriibta, si loo yareeyo dhibaatada dadka loo gaysanayo, nabadeynta beelaha, daryeelka iyo ilaalinta deegaanka.

• Adkeynta midnimada iyo amniga DGPL iyo soo celinta qeybaha hadda maqan, sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo la adeegsanayo  qorshe cad oo laga baaraandegay oo tala wadaag ah.

• Helidda ciidan TIRAKOOBAN oo dhab ah, lana arki karo, oo aan aheyn kuwa  waraaqaha mushaarka keliya ku qoran (jooge maqane). Waxaa xukuumaddu durba ku tallaabsatay magacaabid  iyo hawlgalka guddi nabadgeliyo oo madaxbannaan (independent security commission) oo loo xilsaaray tirakoobka, diiwangelinta iyo dib-u-habeynta  ciidamada Drawishta, Poliska iyo Asluubta.  Tirakoobkani wuxuu ka mid yahay tallaabooyinka Xukumaddu ku talagashan tahay inay ku saxdo ammaanka iyo dhaqaalahaba. Waxaa looga golleyahay in la helo ciidan kooban oo la bixinkaro mushaarkiisa iyo kharashyaadkiisa kale, dabadeedna la tababari karo, si loo helo ciidan taya leh oo hanankara nabadgeliyada dalka.

3. DHAQAALAHA:

Sal-u-dhigidda iyo hurumarinta dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland  waa arrin muhiim ah. Dhaqaaleheenu wuxuu ku salaysanaan doonaa:
• dhiiri gelinta suuqa xorta ah  oo dar dar gelinaya maalgelinta lahaanshaha gaarka ah (private sector);
• dakhliga dawliga ah (Public sector revenue), oo aan hadda is bixin karin;
• dhaqaalaha hay’adaha caalamig ah ka soo gala dalka oo hadda mashaariicdii oo dhan istaagtay ammaan darro darteed.

Waxay xukuumadani fulin doontaa, haddii Alle idmo:

• In la helo miisaaniyad isu dheeli tiran, oo kharashku uusan dakhliga ka badnayn, lana balaariyo ilaha dakhliga dawladda, dakhliga baaqdana la soo xereeyo, si kor loogu qaado mushahaarooyinka, iyadoo la eexinayo kor u qaadidda maciishadda hoosaysa ee dadwaynaha. Haddaba, waxaa durbadiiba Xukumaddu ku tallabsatay in la tirakoobo shaqaalaha iyo ciidamada Dawladda, si loo ogaado inta dhab ahaan ka howlgasha hey’ad walba oo dawli ah, dabdeena la jaangooyo inta wasaarad ama hey’ad waliba u bahaan tahay. Tasi waxay wax  weyn ka tareysaa tayenta shaqada la qabanayo iyo awood u helidda bixinta musharooyinka.

• Inay dar dar geliso suuqa xorta ah, si loo dhiiri geliyo maalgashiga debedda, loona helo horumar dhaqaale oo shaqo abuurid leh.

• Inay xukuumaddu la dirirto, xakamaysana, sicir bararka iyo lacagaha been abuurka ah oo dalka la soo geliyo, ama  lagu sameyn jiray gudihiisa.

• In la dhiiri geliyo horumarka khayraadka dabiiciga ah ee beeraha, iyadoo biyo mareenada waawayn ee dalka  looga faa’ideysanayo  maalgalinta mashaariicda beeraha.

• In si xawli ah loogu hawl galo badbaadinta deegaanka oo ay faro kulul ku hayaan cashiimaysiga, dhuxul shidida, boholaha, qashinka magaalooyinka iyo wasakhda biyo  mareenada.

• In hay’adaha caalamiga ah lagu dhiiri geliyo inay dalka dib ugu soo noqdaan iyagoo amaankooda la sugayo si mashaariicdii baaqatay iyo kuwa cusub loo bilaabo.
• In xukumaddu ku dadaasho inay tartiib tartiib u buuxiso farqiga dhaqaale (Economic gap) oo ay hadda buuxiyaan hay’adaha caalamig ah, si looga kaaftoomo ku tiirsanaantooda.

• In la soo nooleeyo  qorshihii shanta sano oo la dhamaystiray, si loogaga qaybtamo barnaamijka dib u dhiska iyo horumarinta Somalia oo loo yaqaan (Reconstruction and Devolvement Plan for Somalia).

4. ARRIMHA BULSHADA:

Horumarka bulshadu waa sababta dawladiba u dhisantahay, taas oo xil ka saaran yahay in ay xal u hesho dhibaatooyinka hortaagan daryeelka caafimaadka iyo hurumarinta waxbarashada bulshada. Xukuumadu waxay qorshe ka samayndoontaa arrimaha  waxbarashada iyo adeega caafimaadka asaasiga ah ee reer miyaga (Rural integrated primary education service  and health care).  Xukuumadu waxaa kale oo ay muhiim u aragtaa in ay ku talaabsato:

• hagaajinta adeegyada bulshada; waxaa xukuumadani hirgalinaysaa  qaab habaysan oo ay u wada hawl galaan dhinacyada (different sectors) kala duwan ee wadaaga horumarinta adeegyadaas, sida xukuumada, hay’adaha dadweynaha, kuwa caalamiga ah  iyo xirfadlayaasha sare.

• u gogol xaaridda xiriir dabacsan oo wanaagsan oo wasaaraduhu kula shaqeeyaan, hay’adaha caalamiga ah ee ku  hawllan in ay u adeegaan bulshadeena. Xukuumaddu waxay xil iska saaraysaa adkeynta nabadgelyadooda.

• Gaarsinta adeegyada muhim ka ah deegamada ka fog wadada dheer ee isku xirta magaaloyinka waa weyn.  

5. HESHIISYADII XUKUMADDII HORE GASHAY:

Sida aad la wada socotaan waxaa jiray heshiisyo  horey loo galay, khilaafna ka jiray, xagga Xukuumada, Golaha Wakiilada iyo cabasho ka imanaysay dadweyne.  Heshiisyadaas Xukumaddii hore ayaa la gashaya shirkado ajnebi ah iyo kuwa wadani ah. Mabd’a ahaan waa aqoonsanahay heshiisyadaas, hase yeeshe, dib ayaan u eegidoonaa iyadoo  la waafajinayo danaha dadkeena iyo shuruucda Puntland.

6. DARYEELKA DEGAANKA:

Waxaan nahay bulsho weligeedba nolol ahaan ku tiirsanayd kheyraadka debiciiga ah ee dalkeena, sida xoolaha , daaqa, biyaha, kallunka, ugaarta, dhirta iwm. Sidaas darted daryeelka degaanku wuxuu xukumaddan u leeyahay mudnaanta koowaad, waxaana loo sameeyay Wasaarad gaar ah oo ka hawlgaasha degaanka. Waxaana taas ugu wacan muhiimada daryeelka degganka oo dunida oo dhami  hadda u soo jeesatay daryeelkiisa (Environmental protection is a global issue). 

Waxaa xukuumada ka go’an taaba gelinta hanaan wanaagsan oo lagu ilaaliyo arrimaha degaanka oo hadii aynaan wax ka qaban dhibaatada deegaanka, sida waxyellada caafimaad, xaalufinta dhulka, burburka doxooyinka boholaha noqday, dabargoyinta kheyraadka badda, ugaarta iyo qashinka iyo sunta lagu shubo biyamareenada iyo badahaba.

Wabilaahi Towfiiq

Dr. Cabdiraxmaan Max’ed Maxamuud (Farole)
       Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software