Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dr Faroole liishaanka ma lahelay toogashadiisa koowaad ee uu ku doortay agaasimaha madaxtooyada?

Waa su,aasha ugu badanyd ee maanta dhex taalay dadka reer Puntland oo iyagu dhowaan doortay hogaan cusub oo ay ka rajo qabaan inuu la kowsado shaqsiyaad nadiifta oo wax ka qaban kara dhibaatadii baaxadda lahayd ee gobolku soo maray su,aasha manta lays weydiineyey ayaa ahayd Dr Faroole liishaanka ma lahelay toogashadiisa koowaad ee uu ku doortay agaasimaha madaxtooyada?nin noocma ah ayuu doortay iyo weliba aqoontiisa?.

 

M/weyanaha cusub ee maamulka Puntland ayaa waraysiyadiisii ugu horeeyey ku sheegay inuu samayn doono is badal muuqda oo wax ool ah,iyadoo nin walba lagu tix gelin doono aqoontiisa shaqsiga ah,waxaana dadka lagu kala sooci doonaa buu yiri aqoontooda,waxa iyana uu meesha ka saaray in haba yaraatee uusan aqbalayn nin gacanta la soo qabtay oo shaqo lala raadinayo.

 

Dadka reer Puntland oo iyagu khadyaan ka taagnaa horumar la,aantii 10-kii sano ee ugu danbaysay ayaa aad uu farxay mar hadii wax uun is badal ah ay imaan doonaan la sheegay, laakiin waxan mar walba iyadu caddayn in Dr faroole balanta uga bixi doono iyo inuu ka soo bixi doono maadaama hoggaamadii ka horeeyey ay sidaas oo kale wax ballan qaadi jireen,waxaase jirta rajo fiican oo ay ka qabaan marka  shaqsiyan la eego M/weyanaha cusub oo isagu raggi tallada Puntland soo qabtay kaga duwan xagga aqoonta (qalinka) maamulka iyo weliba shaqsi hal adag oo ka soo dhalaali kara waxaa uu damco.

 

Waxaa dadku diiradda ku hayaan boggaga wararka iyo idaacadaha iyagoo dheg nuugsanya maxaa soo yeeri doona?iyo yaa la magacaabi doonaa?waxase ay u muuqataa in dadku iska ilaaween nidaamkii qabiilka iyadoo aritaasi uu aad u shiiqiyey markii la sheegay in tayada iyo qalinka mudnaanta koowaad la siin doono,waxaana quus taagan rag hurdada ka soo toosiyey kuwo olelihii 1974 wax qoris ay ugu danbaysay,waxaase iyagu ka rajo qaba in wax dhismaan oo dhibtii iyo silicii ay ka raystaan dadka reer Puntland ee shacab weyanaha ah oo kaashanaya dadka aqoonta leh ee shaqada loogu yaboohay.

 

M/weyne Faroole ayaa talaabadii ugu horaysay ee uu qaaday waxaa uu ku doortay agaasimaha madaxtooyada maamulka Puntland oo uu doortay Cali-barre Jaamac Gibin horay u ahaa guddoomiyaha gudigii doorashada ee xarbiga u galay in Faroole ku soo baxo jagada M/weyanaha is badalna uu yimaado.

 

Cali-barre Jaamac Gibin waa nin noocma ah.

 

 Waxaanu isku daynay inaanu raadino shaqsiyan aggaasimaha loo magacaabay ninka uu yahay iyo weliba tayadiisa qof ahaaneed,halka uu bulshada kaga jiro iyo bal sida  looga yaqaan idil ahaan gobollada Puntland.

 

Cali ayaa ah  nin leh aqoon sare oo dhinaca diinta ah iyo weliba maadiga  waxanu ku jiraa dad yar oo fara ku tiris ah oo aan aqoontooda meelna ugala hayaamin gobollada Puntland tan iyo intii bur burku ka dhacay dalka Soomaaliya, isagoo goboladaas ku soo laabtay sanadii 1992-dii isagoo markaas  soo dhamaameeyey shahaada labaad ee jaamacada MR dalka India ,waxaanu intaasi ka shaqanayey dalka gudihiisa iyo dibadiisa  gaar ahaan hay’adaha aan dawliga ahayn ee sama falka oo ilaa hadda uu ka yahay sarkaal sare.

 

Marka shaqsiyan la tilmaayo ayaa agaasimaha lagu sheegay nin dabeecad wanaagsan kaftama dadkana aad u dhex gala,oo uusan dadku u kala soocnayn “Cali waxan la shaqeeyey Mudo fiican,waxaanu ahaa shaqsi rabi ku manaysay tayo iyo aqoon haddana dad wad leh oo bulshadu aysan u kala soocnayn” sidaas waxaa yiri Max’ud Yuusuf Cali Xoosh oo noo sheegay inuu  mudo dheer yaqaanay agaasimaha  lana sheeqeeyey.

 

Dhinaca kale agaasimaha ayaa la sheegay guud ahaan saaxiibo badan ku leeyahay gobollada Puntland aad looga yaqaano,waxaana u badanaa oo uu ka shaqanyey gobollada Mudug,Nugaal,Sool iyo Bari oo uu inta badan uu u tegi jiray tabar bixin dhinaca dhinaca nabadgelyadda ah mar uu u shaqnayey hay’adii Peace and Life.

 

Waxaa isna sidaas oo kale ku sheegay shaqsi wanaagsan oo aqoon leh Prof Cali Cabdulle Cismaan (Cali Garoowe) ,waxaanu sheegay inkastoo ay muddo dheer is moogaayeen hadii uusan badalmin uu ahaan nin wanaagsan oo wax qaban kara aqoon fiicana lahaa.

 

“Muddo dheer ayaan hadda moogahay Cali-barre hadii uusan badalmin waxaa uu ahaan shaqsi fiican oo isagoo kale si fara ku tiris ah lagu helo” ayuu yiri Prof Garoowe,intaas raaciyey in hadda muraayada madaxtooyada Puntland aysan ahayn mid qayiran oo mad madow leh.

 

Agaasimaha ayaa la ii xaqiiyey inuu yahay shaqsi ka soo dhalaali kara shaqada loo magacaabay isagoo ah shaqsi aan ku imaan garab iyo isagoo gacanta la soo qatay,ee shaqadan ku mutaystay aqoontiisa  qof ahaaneed.

 

Dhinaca  kale Cali-Barre ayaan ka marayn dhinaca siyaasadda xilliyaddii ka shaqanayey gobollada Puntland waxaana na loo xaqiijyey inuu markii ugu horaysay ee Puntland la dhisayey uu isu taagay inuu M/weyne halkaasi ka noqdo waxaase arintaasi uu ka tanaasulay waqti yar ka dib intaan doorashada la aadin,waxaa iyana sidaas oo kale uu u tar tamay M/weynenimo xilligii doorashdii Jaamac Cali Jaama oo iyana laga guulaystay.

 

Maamulka Puntland ayaa intii uu jiray waxaa soo maray agaasimayaasha Madaxtooyadda Ismaaciil Xaaji Warsame xiligii halkaasi uu ka talinayey C/llaahi Yuusuf iyo Eng Caydaruus Cismaan Yuusuf (Keenadiid) iyo Eng Khaliif Nuur Cali Qonof iyana ahaa maamulkii hadda ugu danbeeyey ee M/weyne Cadde Muuse Boqor.

 

Maamulka hadda loo doortay ayaa waxaa u afbanaan xabaal bilaash ama god weyn oo buuxintiisu u baahan tahay xirfad yaqaano aqoon u leh ciidda ay isticmaalayaan nooca ay tahay kana taxadaraya talaabo kasta oo ay qaadayaan si an fashilan u imaan.

 

Weli lama saadaalin karo shaqadan cusub ee agaasimaha loo magacaabay inay tahay mid uu ka soo dhalaali karo iyo kale hase ahaatee waxaa rajo fiican laga muujiyey inuu yahay nin shaqadaas ka adag.

 

Dadka reer Puntland ayaa waxaa is weydiinayaan Dr Faroole liishaanka ma lahelay toogashadiisa koowaad ee uu ku doortay agaasimaha madaxtooyada?nin noocma ah ayuu doortay iyo weliba aqoontiisa?.

 

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha.net,London,UK

 

 

 

 

 

 

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software