W.Q
Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan..
Dad-weynaha reer Punt-land ee Soomaaliya maamul goboleedka u dhisan ayaa khamiistii dhoweyd Md. C/Raxmaan Max’ed Faroole u doortay hogaanka maamulkaas, waxaan shaki ku jirin in maamulka cusub uusan dhaxlayn nidaam iyo maamul siyaasadeed oo uu raaco, waxaan hor yaala howlo badan oo runtii ad-adag oo uu ugu horeyso ammaan darrada iyo musuqmusaaqa baahay ee gaaray doc kasta ee ka mid ah nolosha mujtamaca reer Punt-land.
Sida nin walba ka marqaati kacayo oo aan cidna isku khilafsanayn waxaa 10kii sanao ee maamulkan uu dhisnaa laga bartay qaab doorashada maamulka iyo in xilka madaxnimo laysu soo rashaxo, doorashadii toddobaadkii hore dhacdayna waxaa si dhib yar looga dheehan karay heerka bislaanshaha siyaasadeed ee uu gaaray maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Punt-land.
Hasa yeeshee maamulladii soo maray Punt-land ayaa waxaan jirin wax weyn oo ay ka qabteen adeegyada kala duwan ee bulshada, waxaana moodaa in xilkaas balaaran ay maamulladii hore faraha uga qaadeen hay’adaha aan dowliga ahayn (Non Governmental Organizations) NGO-yada taasina waxay aad u wiiqday awooddii iyo saamayntii uu maamulka ku lahaa bulshada hoos timaadda.
Hay’adahan oo runtii dad badanna shaqaaleeyay adeegyo badanna meelaha qaarkood ka sameeyay ayaa haddana waxaan shaki ku jirin inay dhib intaas ka badanna wataan, sida marar kala duwan meelo badan oo dalka ka mid ah ka dhacday in ay galaan howlo xukumadda leedahay, ama qaarkoodba ay si camiilnimo ah ula shaqeeyaan dalalka ay deeqaha ka helaan iskana hor keenaan maamulka iyo dowladahaas.
Waxaa kaloo iyadana soo caam baxay ganacsi madax banaan oo nidaam la’aantii maamulladii jiray aawgeed noloshii ku adkeeyay dadkii xoogsatada ahaa iyo dan-yartii, shaqaalaha dowladda laftooda ayaa sida dhici jirtay hay’adaha qaarkood waxay ku shaqayn jireen muddo bilooyin ama ka badan si mutadawacnimo ah iyagoon mushaar qaadanayn, taasina haddii ay soo noqnoqoto waxay horseedi doontaa in nidaamka taagta daran ee ku dhisan dul-qaadka shacabka uu burburo.
Dakhliga soo gala guud ahaan maamulka wuxuu ka soo jeedo oo keliya canshuuraha ka soo baxa dekedda iyo gigooyinka diyaaradaha ee ka jira deegaanka mana jiro wax kale oo dakhli ah oo ka soo baxa ilo kale oo wax soo saar, sidaa daraadeed ayaa loo bahanyahay in cashuuraha la ururiyo si gaar ah indhaha loogu hayo waxayna dad badan oo maamulada la soo shaqeeyay xaqiijinayaan in haddii cashuurahaas oo qura la ilaaliyo isla markaasna lala dagaalo lacgaha been abuurka ah ay taasi daboolayso mushaarrada shaqaalaha iyo nolosha mujtamac.
Marka laga hadlayo is-bedellada xooggan ee ku dhacay dhaqanka mujtamaca ayaa maamulka cusub waxaa hor yaal howl adag oo la xiriirta wax ka qabashada dhaqammada dalalka shisheeyaha ka yimaada, waxaa jira dad badan oo shisheeye ah oo aan cidna la socon xaaladdooda joogitaan ee dalka kuna haysta mehrado aan ku haboonayn mujtamaca, marka la fiiriyo magaalooyinka waaweyn ayaa waxaa ku badan sandaqado lagu daawado aflaamta aan anshaxa ku wanaagsanayn, waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ganacsi oo xagga maan-dooriyaha ah iyo waliba isticmaalkiisa, waana arrin taabanaysa aayaha dhallin-yarada iyo caruurta yar-yar.
Arrimaha guud ee Soomaaliya ayaa hogaanka cusub ay tahay inuu kaalintii wanaagga iyo samihii looga bartay maamul goboleedka uu halkii ka sii ambo qaado isagoo waliba gacan muuqata ka geysanaya howlaha dib-u-heshiisiinta iyo hab kasta oo lagu gaari dib u soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed
Waxaa jira khilaafaadka xagga xuduudda ah ee Somali land iyo Punt-land, arrintan oo ah dhibaatada dad badan oo labada gobol ka soo kala jeeda ay wadnaha farta kaga hayaan ayaa loo baahanayahay hogaanka cusub uu si xil-kasnimo ku jirto uu hogaanka cusub u waajaho iyadoo xataa haddii loo baahdo Isimmada labada gobol talada wax laga siinayo ama iyaga laysu dirayo.
Maamulka cusub oo runtii madax-weynaha lagu doortay cod aad u badan ayaan Illaahay uga rajaynaynaa inuu ka soo dhalaalo xilka iyo ammaanada loo dhiibtay iyadoo ay dadka badankii ku han-weynyihiin khibaradda aqooneed iyo qoto dheeraanta xog-ogaanimada madax-weynaha cusub ee Khamiistii la doortay Dr: C/Raxmaan Max’ed Faroole ..