Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Xaal Marin Professor Cumar Cali Farjac

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.

 

Professor Cumar Cali Farjac, oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo ka dhiidhiyay dhibaatooyinka lasoo darsay Deegaanada Puntland, doortayna inuu uga soo tanaasulo xirfaddiisii iyo meheradiisii, taasoo uu Barre Sare ka ahaa jaamacad ku taala Mareykanka, si uu dadkiisa wax ula qabto, ayaa waxaa dhacday in xaleysto illaa shalay shaashadaha Soomaalida lagu arkayay inuu ahaa Musharaxa kaliya ee aanan wax cod ah helin. Arintaas ayaa ku noqotay dad baddan oo aqoon u leh Prafassoorka arin aan la qaadan Karin. Farjac waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa raggi wax ka dhigi jiray Kulliyaddii Dhaqaalaha ee Xamar, sidoo kale iskuulkii Xisaabaadka iyo cabbiraadda. Wuxuu kaloo ahaan jiray la taliye sare wasaaraddii Qorsheyta Qaranka Xilligii Dowladdii dhexe

 

Runtii Farjac waxaa uu meesha la tagay maskax ka horeysa golaha wakiillada, taasoo ay ku adkeyd inay fahmaan halka uu ka hadlayo Farjac. Waxaa iyadana meesha aanan ka marneyn in uu jiray isfaham la’aan prafassoorka iyo dadka reer Puntland qaabka ay wax u doonayeen.

 

Farjac wuxuu meel walboo uu tago hadal hayey sidii loo badali lahaa nidaamka Puntland, isagoo aqoonyahanda ku qalqaalin jiray inay waddanka taagan. Farjac wuxuu watay qorshe aad u heer sareeya oo uu doonayey inuu la wadaago dadkiisa. Nasiib darro ma dhicin in laga faa’ideysto.

 

Haddaba waxaan leeyahay Farjacoow weli wey kuu baahan tahay Bulshada reer Puntland, codka golahan wakiiladana kama tarjumayo codka shicibka, fadlan  go’aankaagii ahaa in aad la shaqeyn doonto ciddii ku guuleysata Doorashada, ka dhabeey, oo maamulkan cusub la shaqeey. Waxaan aaminsanahay inaad tahay shaqsi ay maanta Puntland u baahan tahay.

 

Sidoo kale iyaguna raggi Musharixiinta ahaa ee sanadkan u tafaxeytay inay qabtaan hogaanka Puntland, oo aan isleeyahay waxey ahaayeen rag u qalmay inay kaalintaas qabtaan, laakiin Ogaada gari labo nin kama wada qosliso. Maanta Puntland wey idiin baahan tahay ee sidii aad ugu soo diyaar garoowdeen inaad ugu shaqeysaan dadkiinii fadlan uga dhabeeya.

 

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Faroole waxaan kula talinayaa inuu raggaas ka faa’ideysto, oo uu ama xukuumadiisa wasiiradda cusub ku daro ama uu ka dhigto la taliyayaashiis qaaska ah, gaar ahaan Janaraal Ilkojiir, Nuuradiin, Muxayadiin cali Yuusuf, Aadan Gaadaale iyo Farjacba..

 

Puntalnd inshaa’allaah guul ayeynu u rajeynaynaa iyo bulshadoo soo dhaweysa maamulka cusub, lana shaqeysa una duceysa.

 

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software