Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Mustaqbalka Maxkamaduhu sidee noqon?

Waxaa allah mahadiis in dadka Somaaliyeed 100% ay yihiin dad Muslim ah marka laga reebo wixii ka danbeeyey dagalaadii sokeeye ee ka bilowday Soomaliya 1991 iyadoo la arkay tiro yar oo hunguri doon ah ama caqliga laga xaday oo sheegatay diimo kale ,taas oo aan filayo in aysan waxba u dhimeyn in weli Somalidu tahay 100% muslim. Marka taa laga yimaado waxaa ummadda Soomaaliyeed heysta nasiib darro ah in iyagu islaayeen ,xadkii Allah u xadeeyey oo ahaa in ay dhiigooda,maalkooda iyo naftoodaba badbaadiyaanna ay talaabeen . Muddo 16-sano ah waxaa umadda Soomaaliyeed ay u gacanta galeen rag dagaal oo gayaal ah oo aan u naxeyn ummadda kuna raaxeysta in ay daadiyaan dhiigooda ,magacna ku yeesha ciribtirka shacbka soomaaliyeed ,iyagoo aan raali ka aheyn in la helo dowlad Soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii iyo qaranimadii uu dalku lahaa. Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa suurogal noqotay in isku day fara badan ka dib ay dagaal oo gayaashii dowlad ku soo dhiseen wadanka Kenya laba sano ka hor,dowladaa oo hogaamiye loogu doortay Cabdullahi Yusuf . Cabdullahi Yusuf maaha nin aqoon u leh diinta Islaamka mana fahamsana in la isku maamuli karo shareecada Islaamka oo waxa uu moodaa dadku hadeey Islaam yihiin islamarkaana ay cibaadeystaan wax kaleba aan laga dooneyn ,haddii lagu yiraahdo kitaabka wax halagu xukumana waxa uu cidii tiraahda u arkaa in ay yihiin qolo xag jir ah oo la yimid diin cusub doonayana in ay xukunka qabsadaan . Runtii waa nasiib darro heysta dhamaan wadamada Islaamka waayo nimnka hogaanka u qabta waxa ay ka cararaan shareecada islaamka qaadashadeeda ,iyagoo ka baqaya in reer galbeedku ku takooraan diintaa ay qaateen waxeyna door bidaan in ay raali galiyaan reer galbeedka meeshii ay allah ka raali galin lahaayeen. WAXAA ALLAH QADARKII NOQDAY IN AY SOO BAXAAN MAXKAMADAHA ISLAAMIGA OO CIRIBTIRAY DAGAAL OOGAYAASHII. Maxkamaduhu waxa ay qabteen wanaag aan la soo koobi karin, indhahana laga qarsan karin, mana u baahna in aan halkan ka sheego waxa ay Muqdisho ka qabteen,waxanan ku soo koobayaa in ay aheyd mucjiso iyo wax aan lagu riyooneyn in ay dhacaan. WAXAASE WAL-WAL IGU HAYAA HANNAANKA MAXKAMADUHU WAX U WADAAN. Waxaan ka arkaa walaalaheyga maxkamaduhu in aaney wax barnaamij ah ku socon kaas oo suurtogal ka dhigi kara in Soomaaliya oo dhan ay gaaraan,ma is weydiiseen arimaha soo socda: 1-xagee ku danbeeyey kacdoonka walaalaheen Aljeeriya oo doorasho sax ah ku guuleystay xukunkii Aljeeriya. 2-Xagee ku danbeeyeen walaalaheen Dhaalibaan ee wadanka Afganistaan kuwaas oo ka takhalusay nimankii wadanka isku heystay iyagoo wadanka Afganistaan 80% gacanta ku dhigay. 3-Miyeydaan ogeyn kuwii walaalaheenna aan soo sheegay baabi’iyey in ay idinkana cadow idiin yihiin idinlana damacsan yihiin sidii iyaga kuwaa uga takhaluseen oo kale. 4-Miyeydaan ogeyn in qori iyo dagaal oo kaliya aanu ku imaneyn xalka umadda Soomalaaiyeed,oo ay u baahan yihiin in ay ka nastaan qorigii iyo dilkii ay horey uga soo daaleen. 5-Maxaa ka hortaagan oo u diiday maxkamadaha in ay maamul u sameeyaan magaalada Muqdisho,isla markaana ay mideeyaan maxkamadahaan ku dhisan habka beeleed ,oo ay iska daayaan dagaaladaan aan kala go’a laheyn. 6-Maxaa walaalaheenna haya maamulka maxkamadaha u diiday in ay ergo u diraan gobolada Dalka iyo meelaha ay ka jiraan Maamulada sida Puntland iyo Somali-land. 7-Maxaa u didday in shir weyne ay qabtaan oo ay ku marti qaadaan dhamaan dadka lagu maleynayo in ay wax ka qaban karaan arimaha Soomaaliya sida siyaasiyiinta la yaqaan ,culimada diinta ee caanka ah iyo aqoonyahanada ku xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo cilmiga bulshada. 8-Maxaa maxkamadaha ku kalifay in ay kaligood dhisaan golaha shuurada una magacaabaan dhowr is taqaan oo wada jooga Muqdisho iyo nawaaxigeeda meeshii laga rabay inay ka qeyb galiyaan kalana tashadaan dadka ka baxsan degaanka Muqdisho ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Runtii waxaa ila haboon in maxkamaduhu isku laabtaan oo ay saxaan wixii ka khaldamay waayo waxaad tihiin rajada kaliya oo Soomali sharafteedii dib usoo celin karta ,haddii aad idinka khaldantaana waxaa sabab u noqon doonta in dad ku hadla magac Islaam ay Soomaaliya ka soo bixin 100-ka sano ee soo socda. Walaalayaal allah diintiisa waa u gargaari hadaad idinku daacad tihiin allahna diintiisana u gar-gaareysaan ,laakiin iska ilaaliya in aad natiijada deg-degsataan wax walba u lahaada dulqaad ,una naxariista umadda Soomaaliyeed oo ka dhaadhiciya in aad kitaabka alle wadataan oo aydaan qolo gaar ah duulaan ku aheyn . Walaalayaal waxaa haboon in aydaan jecleysan in warbaahinta la idnka sheeg-sheego ,sida aad la socotaan dhaqamada reer galbeedka waxaa ka mid in ay qofkeey shar la doonayaan ay buun-buuniyaan ,kadibna ay ku sheegaan in uu khatar ku yahay caalamka ama wadamada dariskiisa ah ,kadibna ay weeraraan iyagoo u adeegsanaya cadow gudaha ah iyo mid ay dibadda ka keeneen. Waxaa ila haboon in cidda idiin hadleysa (afhayeen) ay noqdaan dad kooban ama haddii ay suurtogal tahay hal qof ee uusan qof walba wuxuu doono iska sheegin,taas oo keeni karta in u jeedooyinkiina la marin habaabiyo. Sidoo kale waa ineydaan u jawaabin cid walba oo hadasha waayo waatuu imamu shaafici lahaa “hadduu hadlo qofka dabaalka ah ha u jawaabin ,inaad u jawaabtana waxaa ka kheyr badan aamuska”. Ugu danbeyn waxa aad sameyneysaan ha noqdaan kuwa xikmad ku dhisan oo aad ka eegteen dhinac walba talo wadaagna aad ku noqoteen,kana digtoonaada in qolo gaar ah ay waxa ay doonto sameyso,iskana ilaaliya in aad is khilaaftaan hana iloobina qowlkii allah: “ha murumina(dood iska hor imaad ah),waad ku fashilmeysaan awoodiinuna waa ay baa ba’eysaa”. As wr wb By Abdi Nur Muse Qoraaga maqaalkan iska leh ka turjumi mayo shabakada wararka Waayaha.net



   
Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Soomaaliga ahaa ee Xasuuqay Soomaalidii la Shaqaynayay (Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    17 Jun 2013
Wiil Soomaali ah oo dabaq dheer iska soo tuurey ka dib markii loo diiday sharciga!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 Jun 2013
Machcadka barashada xirfadaha ee new generation xaruntiisa Baargaal oo si rasmi ah loo furay    16 Jun 2013
Ururka sahal oo jawaab cad ka bixiyey shirkii shirqoolka ahaa ee Xuseen Carab iyo Max’ud Guure    16 Jun 2013
Daawo:Nin Soomaali oo ku Xasuuqay Soomaali kale dalka Mareykanka‏    15 Jun 2013
Daawo : Dhacdo naxdin iyo yaab leh oo qabsatay odey waayeel ah kadib Markii Wiilkiisa uu ku xabisay deerka gurigiisa‏    14 Jun 2013
Gabar Soomaaliyeed oo maxkamad ku taala Ingriiska ku xukunay 250 saacadood oo iskaa wax u qabso ah!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    14 Jun 2013
Ururka war murtiyeed ururka Sahal xasuuqii DFS iyo wasiirkeeda FIQI    14 Jun 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software