Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
GARASHO XIRAN

Isbeddal siyaasdadeed oo ku eg bishimaha afka ama in lagu quudiyo oo keliya warbaahinta, wax maka tari kartaa xasilooni darida baahday ee ka jirta dalka?  Ama rajo intee la eg  ayaa laga qabi karaa in siyaasaddaas cusub ay waddada u xaarto in dowladda Soomaaliyeed ay ku hesho aqoonsi sharciyeed oo caalami ah?

Su’aashaas iyo kuwo kaleba ayaa in dhoweedba udub dhexaad u ahayd doodaha (debates), faaqidaadyada (analyses), iyo faalooyinka lagu qaadaadhigo amni xumida iyo xalka qalalaasaha siyaasadda ka jirta Soomaaliya.

 

Waxaan waayo arag u soo noqonay, 18kii sano laga soo gudbay, dhowr iyo toban shir  oo loo qabtay kooxaha ku hardamaya talada soomaaliya.  Hase yeeshee dhammaan waxay ku dhammaadeen guuldaro.

 

Waxaa maqnaa garasho siyaasadeed oo huwan maslaxad waddaniyadeed , iyo maqnaanshaha dhaqan dowladeed oo u adeegi karta  guud ahaan masaalixda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidaas darted, inta ay maqan tahay garashadaas fog, waxa nagu adkaanaya najaxinta shir kasta oo la qabto.

 

Tan iyo intii Madaxweynaha Soomaaliyeed uu booqday xarunta Qarammada Midoobay bishii Abriil ee kal hore, waxaa isbeddal ku dhacay fakarka xagga siyaasadda ah, marka laga eego ururada iyo waddamada daneeya Soomaliya, dowladda iyo mucaaradkaba.

Waxay noqotay in laba middood la yeelo: In Dowladda iyo mucaaradba ay qaadaan tilaabo dhab ah oo xagga nabadda u janjeerto ama gebbi ahaanba in dowladdu afka dhulka gashato.  Taasna natiijadeedu waxay noqon doontaa qalalaaso siyaasadeed iyo  mid bini’aadamnimo oo baahsan.

 

Marka laga ambaqaado siyaasaddaas cusub, waxaa labada dhinacba, (waa dowladda iyo mucaaradkaba) ku qasbanaadeen in oraahdooda iyo ficilkooda uu ka tarjumo heshiis nabadeedkii ay ku gaareen dalka Jabuuti.

 

Marka aad u kuurgashid luqadda ay adeegsanayaan labada dhinac, waxaad dareemaysaa in uu isbeddal  dhacay iyo isu soo dhowaaansho, iyo weliba in loo dhaga nuglaaday baaqyada dhaadheer ee ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan, codsiyada iyo sharuudaha ay wataan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo doonaya in ay wax ka qabtaan murugada ka jirta Dalka.

 

Waxay kaloo u ek tahay, in la isla meel dhigay istiraatijiyada lagu fulinayo siyaasaddaas cusub, oo ku salaysan: In lagu sameeyo go’doon siyaasadeed (political isolation), shaqsiyaadka loo arkay  in ay horjoogaan hanaqaadka siyaasaddaas cusub oo ku salaysan laba qodob oo waaweyn oo kala ah: La dagaalanka waxa Ameerikaanku ugu yeero argagixiso iyo yagleelidda Qaran Soomaaliyeed (State Building) oo si casri ah u shaqeeya.

 

Shaqsiyaadka farta ku gudan oo la doonayo in laga fogeeyo siyaasadda, waxaa loo malayn karaa in uu ka mid noqdo Sheekh Xasan Daahir Aweys, (waa haddii uu diido in uu soo raaco dhabbaha nabadda iyo waanwaanta), sidaas waxa dhowaan ka dhowaajisay Gabadha la yiraah J. Fraser, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ameerikaanka ee ugu qaabilsan arrimaha Afrika .  Taas beddelkeeda xukuumadda Nuur Cadde ay ka xayuubiso xilka Guddoomiyanimo ee uu hayo Maxamed cumar xabeeb, kaasoo ka mid ah sharuudaha dahsoon ee mucaaradka.

 

Si kastaba ha loo rogrogo siyaasadda cussub, Maxamed Dheere wuxuu qiime sare ugu fadhiyaa Dowladda Cabdulaahi Yuusuf iyo Ameerikaankaba.  Wuxuu udub dhexaad u ahaa siyaasadda ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixiso.  Sidaas darted in Maxamed Dheere laga aamuso iyo in jago kale loo dalacsiiyo, waxay u baahan tahay in laga dhursugo.

 

Sidoo kale shaqsiyaad kale  oo ka biya diiday fakarka  xubnihii kale ee BARLAMAANKA XORTA ah, ayaa la fili karaa in ay ka mid noqdaan raga la rabo in laga fogeeyo masraxa siyaasadda Soomaaliya.  Hase yeeshee taasi qudheedu in nabaddu ay saacidi karto, waxay u baahnaan doontaa hubsiino badan.

 

Waxaa laga maarmaan ah guud ahaan in dib u eeggid lagu sameeyo siyaasadda Ameerikaanka ee ku wajahan Gobolka Geeska Afrika, sidaas waxaa qaba Peter J Quaranto, oo ah qabiir u kuurgala siyaasadda Geeska Afrika iyo guud ahaan siyaasadda Ameerikaanka  ku wajahan waxa loogu yeero “la dagaalanka argagixisada”

Qubaro badan oo ku xeel dheer siyaasadda Ameerikaanka ee Geeska Afrika oo uu ka mid yahay KEN MENKHAUS, oo wax badan ka qoray siyaasadda Ameerikaanka ee Soomaaliya, isla markaana howlgalkii UNOSOM kala talin jira arrimaha siyaasadda intii u dhexaysay 1993 iyo 1994, ayaa  qaba in aan marnaba isla saanqaai Karin siyaasadda Maraynkanka ee la xiriirta “Qaran Dhiska”(Satate Building) iyo la dagaalanka argagixisada.

 

Bulshooyinka Gobolka, ayaa had iyo jeer ka muujiya shaki iyo welwel siyaasaddaas iyo sida Ameerikaanka ula dhaqmo dalal badan oo adduunka ah, gaar ahaan dalalka soo korayo.

 

Kooxaha Al-shabaab iyo Is-bahaysiga garabka Sheekh xasan Daahir Aweys, ayaa iyaga laftigoogada u baahan in ay la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo wax ka tari karta arrimaha murugsan iyo amni xumida ka jirta dalka.  Haddii taasi ay ka madax adeegaan, waxay u ekaanayaan, kooxo iyagoo aan is ogeyn ku martigelinaya in dalka ay soo galaan Quwado Shisheeya oo hubkooda iyo saanadooda u dhan tahay.   

 

Suurogal ma ahan, bulshooyinka addunkana oggolaan maayaan, in gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay yeelato laba maamul dowladeed.  Haddii fowdadaasi ay socotona waxaa suurogal ah in ay dhacaan tacdiyo ka dhan ah xuquuqda dadka, oo mas’uuliyaddeeda qaadiddoonaan kooxahaas, mucaaradka iyo muxaafidkaba.

Qarammada Midoobay, waxay dhowaan go’aamisay in lala dagaalamo burca badeedda ka jirta xeebaha soomaaliya, waxay kaloo (UN)ka oggolaatay in Soomaaliya loo soo diro ciidan suga nabadda iyo xasiloonida.  Durba dhowr dowladood ayaa ku dhowaaqay in ay ku yaboohaan ciidan ka qayb qaata ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed oo qaarkood horeba u joogay. Waxaa ka mid ah dalalkaas Kanada, Holland, Maraynkanka, Faransiiska, Jarmalka, Isbeyn, iyo Ingriiska.

 

Taasi micnaheedu waxay noqon kartaa in Qarammada Midoobay ay la wareegto qaybo ka mid ah “sofraanitiga” Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca xeebaha.  Maaddaama Dowladda Soomaaliyeed aysan awoodi karin in ay damaanad qaaddo ammaanka xeebaheeda, isla markaana difaaci karin maraakiibta isu goosha xeebaheeda.  Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed ay awood u heli karin kontroolka iyo difaacidda dhammaan sohdimaheeda badda, beriga iyo hawadaba.

 

Waxaad mooddaa in garashadii naga xirantay, oo aanan kala sooci Karin masaalixda guud  naga dhaxeeyo iyo siyaasad ahaan qofka  waxa uu rabo iyo sida uu ku gaari karo hadafkiisa siyaasadeed: Ma qori caaraddiis, mise qallin caraddiis?

 

W.Q:Cismaan Amiin Axmed

Waayaha.net,London,UK

 

 

 

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software