Isbeddal siyaasdadeed oo ku eg bishimaha afka ama in lagu quudiyo oo keliya warbaahinta, wax maka tari kartaa xasilooni darida baahday ee ka jirta dalka? Ama rajo intee la eg ayaa laga qabi karaa in siyaasaddaas cusub ay waddada u xaarto in dowladda Soomaaliyeed ay ku hesho aqoonsi sharciyeed oo caalami ah?
Su’aashaas iyo kuwo kaleba ayaa in dhoweedba udub dhexaad u ahayd doodaha (debates), faaqidaadyada (analyses), iyo faalooyinka lagu qaadaadhigo amni xumida iyo xalka qalalaasaha siyaasadda ka jirta Soomaaliya.
Waxaan waayo arag u soo noqonay, 18kii sano laga soo gudbay, dhowr iyo toban shir oo loo qabtay kooxaha ku hardamaya talada soomaaliya. Hase yeeshee dhammaan waxay ku dhammaadeen guuldaro.
Waxaa maqnaa garasho siyaasadeed oo huwan maslaxad waddaniyadeed , iyo maqnaanshaha dhaqan dowladeed oo u adeegi karta guud ahaan masaalixda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidaas darted, inta ay maqan tahay garashadaas fog, waxa nagu adkaanaya najaxinta shir kasta oo la qabto.
Tan iyo intii Madaxweynaha Soomaaliyeed uu booqday xarunta Qarammada Midoobay bishii Abriil ee kal hore, waxaa isbeddal ku dhacay fakarka xagga siyaasadda ah, marka laga eego ururada iyo waddamada daneeya Soomaliya, dowladda iyo mucaaradkaba.
Waxay noqotay in laba middood la yeelo: In Dowladda iyo mucaaradba ay qaadaan tilaabo dhab ah oo xagga nabadda u janjeerto ama gebbi ahaanba in dowladdu afka dhulka gashato. Taasna natiijadeedu waxay noqon doontaa qalalaaso siyaasadeed iyo mid bini’aadamnimo oo baahsan.
Marka laga ambaqaado siyaasaddaas cusub, waxaa labada dhinacba, (waa dowladda iyo mucaaradkaba) ku qasbanaadeen in oraahdooda iyo ficilkooda uu ka tarjumo heshiis nabadeedkii ay ku gaareen dalka Jabuuti.
Marka aad u kuurgashid luqadda ay adeegsanayaan labada dhinac, waxaad dareemaysaa in uu isbeddal dhacay iyo isu soo dhowaaansho, iyo weliba in loo dhaga nuglaaday baaqyada dhaadheer ee ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan, codsiyada iyo sharuudaha ay wataan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo doonaya in ay wax ka qabtaan murugada ka jirta Dalka.
Waxay kaloo u ek tahay, in la isla meel dhigay istiraatijiyada lagu fulinayo siyaasaddaas cusub, oo ku salaysan: In lagu sameeyo go’doon siyaasadeed (political isolation), shaqsiyaadka loo arkay in ay horjoogaan hanaqaadka siyaasaddaas cusub oo ku salaysan laba qodob oo waaweyn oo kala ah: La dagaalanka waxa Ameerikaanku ugu yeero argagixiso iyo yagleelidda Qaran Soomaaliyeed (State Building) oo si casri ah u shaqeeya.
Shaqsiyaadka farta ku gudan oo la doonayo in laga fogeeyo siyaasadda, waxaa loo malayn karaa in uu ka mid noqdo Sheekh Xasan Daahir Aweys, (waa haddii uu diido in uu soo raaco dhabbaha nabadda iyo waanwaanta), sidaas waxa dhowaan ka dhowaajisay Gabadha la yiraah J. Fraser, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ameerikaanka ee ugu qaabilsan arrimaha Afrika . Taas beddelkeeda xukuumadda Nuur Cadde ay ka xayuubiso xilka Guddoomiyanimo ee uu hayo Maxamed cumar xabeeb, kaasoo ka mid ah sharuudaha dahsoon ee mucaaradka.
Si kastaba ha loo rogrogo siyaasadda cussub, Maxamed Dheere wuxuu qiime sare ugu fadhiyaa Dowladda Cabdulaahi Yuusuf iyo Ameerikaankaba. Wuxuu udub dhexaad u ahaa siyaasadda ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixiso. Sidaas darted in Maxamed Dheere laga aamuso iyo in jago kale loo dalacsiiyo, waxay u baahan tahay in laga dhursugo.
Sidoo kale shaqsiyaad kale oo ka biya diiday fakarka xubnihii kale ee BARLAMAANKA XORTA ah, ayaa la fili karaa in ay ka mid noqdaan raga la rabo in laga fogeeyo masraxa siyaasadda Soomaaliya. Hase yeeshee taasi qudheedu in nabaddu ay saacidi karto, waxay u baahnaan doontaa hubsiino badan.
Waxaa laga maarmaan ah guud ahaan in dib u eeggid lagu sameeyo siyaasadda Ameerikaanka ee ku wajahan Gobolka Geeska Afrika, sidaas waxaa qaba Peter J Quaranto, oo ah qabiir u kuurgala siyaasadda Geeska Afrika iyo guud ahaan siyaasadda Ameerikaanka ku wajahan waxa loogu yeero “la dagaalanka argagixisada”
Qubaro badan oo ku xeel dheer siyaasadda Ameerikaanka ee Geeska Afrika oo uu ka mid yahay KEN MENKHAUS, oo wax badan ka qoray siyaasadda Ameerikaanka ee Soomaaliya, isla markaana howlgalkii UNOSOM kala talin jira arrimaha siyaasadda intii u dhexaysay 1993 iyo 1994, ayaa qaba in aan marnaba isla saanqaai Karin siyaasadda Maraynkanka ee la xiriirta “Qaran Dhiska”(Satate Building) iyo la dagaalanka argagixisada.
Bulshooyinka Gobolka, ayaa had iyo jeer ka muujiya shaki iyo welwel siyaasaddaas iyo sida Ameerikaanka ula dhaqmo dalal badan oo adduunka ah, gaar ahaan dalalka soo korayo.
Kooxaha Al-shabaab iyo Is-bahaysiga garabka Sheekh xasan Daahir Aweys, ayaa iyaga laftigoogada u baahan in ay la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo wax ka tari karta arrimaha murugsan iyo amni xumida ka jirta dalka. Haddii taasi ay ka madax adeegaan, waxay u ekaanayaan, kooxo iyagoo aan is ogeyn ku martigelinaya in dalka ay soo galaan Quwado Shisheeya oo hubkooda iyo saanadooda u dhan tahay.
Suurogal ma ahan, bulshooyinka addunkana oggolaan maayaan, in gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay yeelato laba maamul dowladeed. Haddii fowdadaasi ay socotona waxaa suurogal ah in ay dhacaan tacdiyo ka dhan ah xuquuqda dadka, oo mas’uuliyaddeeda qaadiddoonaan kooxahaas, mucaaradka iyo muxaafidkaba.
Qarammada Midoobay, waxay dhowaan go’aamisay in lala dagaalamo burca badeedda ka jirta xeebaha soomaaliya, waxay kaloo (UN)ka oggolaatay in Soomaaliya loo soo diro ciidan suga nabadda iyo xasiloonida. Durba dhowr dowladood ayaa ku dhowaaqay in ay ku yaboohaan ciidan ka qayb qaata ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed oo qaarkood horeba u joogay. Waxaa ka mid ah dalalkaas Kanada, Holland, Maraynkanka, Faransiiska, Jarmalka, Isbeyn, iyo Ingriiska.
Taasi micnaheedu waxay noqon kartaa in Qarammada Midoobay ay la wareegto qaybo ka mid ah “sofraanitiga” Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca xeebaha. Maaddaama Dowladda Soomaaliyeed aysan awoodi karin in ay damaanad qaaddo ammaanka xeebaheeda, isla markaana difaaci karin maraakiibta isu goosha xeebaheeda. Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed ay awood u heli karin kontroolka iyo difaacidda dhammaan sohdimaheeda badda, beriga iyo hawadaba.
Waxaad mooddaa in garashadii naga xirantay, oo aanan kala sooci Karin masaalixda guud naga dhaxeeyo iyo siyaasad ahaan qofka waxa uu rabo iyo sida uu ku gaari karo hadafkiisa siyaasadeed: Ma qori caaraddiis, mise qallin caraddiis?
W.Q:Cismaan Amiin Axmed
Waayaha.net,London,UK