Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
COLAADDA ITOOBIYA IYO ERITREA: WAA HALISTA GEESKA AFRIKA

Guluf colaadeedka u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Eritrea, wuxuu si xoog leh u saameeyay guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana Soomaaliya. Dhowr iyo tobon sano ka dib, markii dhidibada loo aasay midowga labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea oo ku aadanaa sanadkii 1952, waxaa soo if-baxay khilaaf siyaasadeed oo xoog leh, ka dib markii Xayle Silaase, Boqorkii Dalka Itoobiya ka xayuubiyay Eritrea, maqaamkii ay ku lahayd xeerkii lagu unkay midowga labadaas dal. Marka laga ambaqaado xeerkaas, waxaa Eritrea loogu oggolaaday Ismaamul Hoosaad Lagu qeexay in ay u madaxbanaanaato maamulka booliska, sugidda ammaanka iyo canshuuraha. Hase yeeshee talaabada uu qaaday Xayle Selaase, waxay u googol xaartay bilowga dhamaadka midowga ( Federalka) labada dal, oo ugu dambeyntii burburay sanadkii 1993, ka dib markii Eritrea ka xorowday taliska Itoobiya iyo iyadoo weliba ay foodda la gashay jawi dagaal iyo dhiilo aan dhamaad lahayn.Waxaa la odorisi karin in labada dal ay goor dhow ku naaloodaan nabad iyo caano. Colaadda u dhexeeysa labadaas dal, wuxuu saansaantiisu bilowday, durba markii Taliyaaniga lagu jebiyay Dagaalkii 2aad ee Adduunka oo qaar ka mid ah dadka Eritrea ay qayb ka noqdeen ciidankii Taliyaaniga uu ku duulay dalkaas Itoobiya. Sida aynu ka warqabnona, Taliyaanigu waxaa hore loogu jibiyay dagaalkii ADOWA ee sanadkii 1896 oo Itoobiyaanku si weyn ugu gacan sareysay. Guushaas militari ee Itoobiya gaartay, waxay sababtay in ay isu caleemo saarto in ay tahay “Awoodda Gobolka” (Regional Power). Hase yeeshee colaadda labada dal wuxuu si rasmi ah u bilowday sanadkii 1962, markii jabhaddii xoreynta Eritrea (ELF) ee lagu aasaasay magaalada Qaahira ee dalka MASAR ay howl galo ka bilowday gudaha Eritrea. Ka sokow qadiyadda gumaysi la dirirka ee ay wadaageen Soomaaliya iyo Eritrea, haddana xiriirka labada shacbi, wuxuu soo korayay tan iyo 1930meeyadii, ka dib markii Gumaysiga Taliyaaniga u adeegsaday qaar ka mid ah dadyowga Eritrea howlgaldii uu ka waday Soomaaliya. Xukuumadahii Soomaaliya ka hanaqaaday tan iyo sanadkii 1960kii, waxay garab iyo gaashaanba u ahaayeen halgankii shacbiga Eritrea ugu jiray gobonimadooda, gaar ahaan halgankii jabhadda xorenta Eritrea ee uu hoggaaminyay Cismaan Saalax Sabbi,oo Dowladdii Soomaaliya ugu yaboohday in uu xafiis ku yeesho bartamaha Magaalada XAMAR. Soomaaliya oo keliya kuma koobneyn gacan siinta Eritrea, balse waxaa kale qaadiyadda gobonimadeeda u hiiliyay dhamaan dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dalalka Sacuudiga, Kuweyt, Suudaan, Yaman, Masar Imaaraadka Carabta iyo Soomaliya, oo kaalin waxtar leh ka soo qaatay gobonimada dalkaas. Halkii uu u mahad celin lahaa dalalkii hiilka iyo hooda u horay gobonimada dalkiisa, Issaisa Afewerki, madaxweynaha Eritrea, wuxuu booqasho lama filaan oo kedis ah ku tagay dalka Israa’iil, isla maalmihii dadka Eritrea u dabaaldegayeen xuriyaddooda oo ku aaddanaa sanadkii 1993, taasoo guuldaro ku noqotay guud ahaan dunida Muslimka, gaar ahaanna dalalka Carabta. Eritrea, dadka ku nool 60% waa muslimiin, inta kale ee soo hartay oo ah (40%) waxay aaminsan yihiin diimo kala duwan oo tan ugu badan ay tahay diinta masiixiga (Christian) oo madaxweynaha dalkaasi ka soo jeedo. Xiriirka Eritrea la wadaagto dunida Carabta, iyo guud ahaan kan Muslimka aad buu u liitaa, gaar ahaan dowladihii safka hore ugu jiray gobonimadeeda. Eritrea, waxay bishii Disember ee sanadkii 1995 duulaan gardaro ah ku qaaday dalkaas Yaman, iyadoo markaa gacanta ku dhigtay Jasiiradda HANIISH oo ka mid ah jasiiradaha dalka Yaman ee Badda Cas. Hase yeeshee mar dambe oo Qarammada Midoobay(UN) soo dhex gashay, iyadoo laga baqayay in xiisadda dagaalka uu sii xoogaysto ayaa Eritrea garwaaqsatay sanadkii 1999 in jasiiraddu ay dib ugu celiso dalka Yaman. Sidoo kale Eritrea waxay ka mid ahayd xoogaggii u hiiliyay jabhaddii koonfurta Suudaan ee John Garang, oo weliba ciidan xoog leh soo dhigtay soohdinta ay la wadaagto dalka Suudaan. Nassib xumo aad u weyn ayay ahayd in Eritrea ay ka mid noqoto dowladihii ka faa’idaystay Qaran-dumkii ku dhacay Soomaaliya. Eritrea, waxaa lagu eedeeyay in ay ka mid noqotay dowladihii doorka ku lahaa qalalaasaha ka jira Soomaaliya, iyadoo hub isu dhiibtay kooxaha Soomaalida. Maantana waxay taagan tahay in Eretrea lagu eedeeyay in Soomaaliya ay ka dhigatay aagg (Front) labaad ay kaga duusho Itoobiyaanku, iyadoo adeegsanayso Xoogagga Maxkamadaha Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, wuxuu maanta marayaa heerkii ugu hooseeyay 34kii sano ugu dambeeyay, ka dib markii iyada (Eritrea) iyo Itoobiyaanku ay ka mid noqdeen dowladihii ku xadgudbay go’aankii Goloha Ammaanka ee Qarramada Midoobay oo tirsigiisu ahaa 733, ee soo baxay sanadkii 1992, kaasoo mamnuucayay in Soomaaliya la soo geliyo hub iyo saanad militari. Eritrea, wuxuu inta badan hubka ugu yimaada dalka Israa’iil, iyadoo weliba ay siiso tababarka ciidanka iyo kaalmada xagga dhaqaalaha. Sidaa darteed lama maleyn karo in Eritrea hubkeeda u gudbiso kooxo kale, haddii markaa Israa’iil oggolaansho laga helin. Wargeyska Al-Thawra ee ka soo baxa dalkaas Yaman, waxay dhowaan faafisay maqaal dheer oo la xiriiray in Israa’iil weerarka ay ku qaaday Kooxda XISBULAAH ee dalka Lubnaan ay ka soo duushay saldhigga ay ku leedahay Jasiiradaha Eritrea ee Badda Cas ee DAHLAK iyo FATMA. Sida ku cad heshiis sanadkii 2005 ay wada galeen Israa’iil iyo Eritrea una wada saxiixay labada dal Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Yitzhak Rabin iyo Issaias Afewerki, wuxuu tilmaamaya in Eritrea ay u fududayso Israa’iil adeegsiga jasiiradaheeda ku yaal koonfurta Bad Cas oo tiradoodu ay dhan tahay 360 jasiiradood, kuna fadhiyaan dhul baaxaddiisu lagu qiyaasay 1080 km. si ay ugu kuurgasho dhaqdhaqaaqa saliidda iyo militri ee isu goosha Badda Cas iyo weliba dhaqdhaqaaqa Al-qaacidda iyo Islamiyiinta Soomaaliya ay ka wadaan Badda Cas iyo guud ahaan kan Geeska Afrika. Sidaa darteed, colaadda Eritrea iyo Itoobiya markii ugu dambaysay ka holcay sanadahii 1998-2000, khatarteedu kuma koobnaan doonto Soomaaliya oo keliye, balse ay ku fidi karto gobolka oo dhan, iyadoo Israa’iil si weyn uga fa’idaysan doonto. W.Q Cismaan Amiin Axmed Osmanamin2004@yahoo.com



   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software