Garashada qofka garaadka saaxiibka u ahi waa garan karaa, dagaalada noocaasi ahi raad reebkooda,sida naxdin,waali,qarow maskaxda ku soo noq noqda iyo weliba asay ay qaadeen dumarkii laga geeriyooday,meel walba aqoonta ayaa taagan aabayaashood uu galaaftay dagaalka macna laawe,waxaana soo kordhay culays la saaray wadaadii oo ehelkoodu ku cadaadinayaan inay dhibka soo food saartay la qaybsadaan kana difaacaan.
Kolkii jananku uu tegay demada Baardheere oo uu ka samaystay saldhigiisa ugu weynaa,waxaa laftigiisa ku yimid mushkilad hor leh oo kaga timid mooryaantii la socotay ay qaarkood gadoodeen oo ay muunaameen tola’yeey Shabeel dhimay ma laga tegayaa isagoon loo aarin iyo jaran jarada ayaad nagu dhaafaysaa oo dantaada ayaad u socotaa
Waxaa hal mar soo soocmay beesha uu ka soo jeeday Col Shabeel iyo wixii horay soo raaci karay waxaana ay soo qaadeen dagaal roggaal celis ah,kaasi oo dib ugu qabsadeen degmada Luuq ayna ku laayeen dad aad u fara badan oo aan cadadkooda naloosheegin waxaana ay isku dayeen inay horay u sii aadaan dhanka tuulada Beled Xaawo laakiin waxaa arintaa 40 KM kaga horay tegay wadaada oo ay soo kartay cabashada iyo dhega hadalka ehelkooda iyo iyaga oo isla qaatay in kuwaani yihiin fidmo laysu soo diray ee laga hor tago layskana celiyo.
Dagaalka oo magaciisa looga yaqaan gobolka Gedo Aar Shabeel oo macneeheedu yahay (u aar gud shabeel) ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Shaatalow oo koonfur Bari kaga began degmada Beled Xaawo waxaana galay wadaada oo soocan, oo aan qabiilku wehelin maxaa yeelay maaysan ogalayn in qabiilku dagaal la galo haddiise ay dhaco waxaa ku xirraa shuruudo.
Shuruudaha ayaa waxaa ka mid ahaa
1)In qofku uu is daahiriyo oo is nadiifiyo.
2)Inuu salaadana tukado.
3) Inuu jihad niyowsto oo uusan u daalamin caadifa ama Xamiyo qabiil.
4)Iyo inta aan weerarka la qaadin la abhiyo kooxda caasiga ah ee weerarka soo wada.
Wadaada ayaa waxaa hofaaminaya wadaad caan ka ahaa gobolka oo dhalin yaro ahaa,oo ku geeriyooday dagaalka waa Allaha naxariistee Sheekh Muxumud Axmed Tiiri.horay waxaa uu ahaa ardaydii Jamaal Cabdinaasir oo waxaa aad u yaqaanay luqada Carabiga,ka dibna waxaa uu ku biiray Ciidankii xoogga dalka Soomaaliya,waxaana uu ka mid ahaa illaadii M/weyne Max’ed Siyaad Barre ee koofiyad Cas.
Tiiri ayaa hal mar iska soo taagay illadii Max’ed Siyaad Barre waxaanu ku xiiray xerta Sheekh Daahir ee Masidkii Ceel Hindi,waxaanu ahaan nin ay fudud yihiin raacashada kitaabta maadaama uu horay u yaqaany af-ka Carabiga,waxaanu noqday nin si deg deg ah wax u bartay waxaana uu degay qaliyada iyo wadanaha dhalinta reer Gedo waxaana hal mar isla yeertay Sheekh Muxumud Axmed Tiiri.
Waxaa caado ah haddii wadaadadu gacan qaadan waa ka gacan culus yihiin mooryaanta is eryanaysa waana ka dhab talaabada ay qaadayaan,waxaa ay ka hortageen kooxdii soo aargoosi doonatay laakiin waxaa ka dhacay illaahow iga sabata bixi waxaani waxaani wax la arkay maahane.
Waxaa wadaadadu ka qabsadeen ciidamadii Caydii 12 baabuur oo kuwa dagaalka ah waxaana dagaalkani noqday kii ugu danbeeyey ee ciidamada Caydiid ay ku galaan gobolka Gedo waxaase ay galaafteen Sheekh Tiiri iyo 17 dhalin yaro ah gaarigii ay saaraayeen qabsadyiin xabada baasuukada halkaasna ay ku basbeeleen.
Wadaadadu waxay saldhig weyn iyo deegaan ka samysteen degmada Luuq xeradii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Libaaxyada oo maanta saldhig u ciidamada Ethiopian-ka ee gacanta ku haya qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya,waxaa kale oo iyana ay degeen wadaadadu xeryo meelo kale oo aad fu fara badan oo ka mid ah gobolka Gedo.
Xilligaan waxaa ay soo jiiteen oo ku dayday dad aad u fara badan waxaana dadku ku raaceen, guusha markaas ay gaareen iyo dhaqaale ay haysteen ka sokow waxaa ay dadka kala dagaalameen xaqdarada waxaana ay ugu yeereen xaqa,waxaa salaada bilaabay kuwo weligood aan naweytu oran, waxaana wacad ku maray inay dhinac joogsadaan kuwo aan weligood diinta hiil u gelin.
Guud ahaan arintaan waxaa kobciyey muxaadarooyinka qiirada leh ee ay siinayaan ragga caqliga leh iyo weliba nadaafadii oo badatay nin walba surweelkaa u gaaban waa carfayaa oo cadaygaa u dheer laakiin weli waxbaa maqan,waxaa jirta jidbo xad dhaaf ah oo badanaa lagama sheekeeyo xagga hurumarka diinta ee wax laga sheekeeyo waxaa ugu badan waa bidci, khuraafi iyo daaquud,markaas baa nin walba inta cabaysmay waxaan ka cabsanysaa inuu kaa dhex baxo.
Inta badan marunka dimeed diintu waa ka dayrisaa laakiin laba labo ayaa laysu haystaa oo xilliggii hore ee ay cusbaayeen waxaa dhibta weyni ka dhex aloosantay culumada oo ragii hore waxaa ay dareemeen in raggin tir trayaan dawlad ka hor istaagaysaana aysan jirin,waxaase hadda u muuqataa wadaadada Al Itixaad booskooda ay xirteen layskaba ilaaway wadaadadii dawlada (Sheekhul dawlah).
Macnaha ereyadan:
Mooryaan:Waa eray jabadaha noocaan oo kale looga yaqaan koonfurta Soomaaliya.
Dhul jiif/Day day: waa erey waqooyi galbeed looga yaqaan
Jirri/marya calas:waa sida looga yaqaan Puntland.
Lasoco qaybaha danbe
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,UK