Dhinaca kale marka sawir guud laga bixnayo gobolka Gedo waa gobol xuduud wadaag la ah labada dal ee Kenya iyo Ethiopia,waxaana ku oolaa xeyihii ciidamada ee loogu tala galay in laga difaaco dalka Soomaaliya oo ay labada dal ee deriska ahba kaga maqan yihiin dhul iyo dad,guud ahaan xeyahaani hadda sanaddaha aafada, waa waaq la’ (cidla) oo afkay kala hayaan waxay deegaan u noqon karaan hadba ciddii dani ka hayso ileen qarankii meesha meesha waa ka baxay ciidankii loogu tala galayna mar hore ayuu gaajo iyo silici kala huleelay.
Gobolka Soomaalidu degto ee Kenya isagu inta badan waxaa uu ahaa gobol ku xiran dalka Soomaaliya dad ahaan iyo weliba dhinaca ganacsiga,inta badana dawlada Kenya isuma war hayaan oo xukunkeedu kuma xoog weyna marka laga reebo ciidan xooggan xuduuda ilaaliya iyo xooggaa booliis ah oo ciqaab looga dhigo hadba ninkii gobolka loo soo baddlayo, haddii Soomaaliya faraha ay ka baxday oo hubkii gacanta wax ma garatada ka buuxsamayna baqdin badan ayaa jirta welina xad gudubku waa yaryahay oo qolona kuma dhiiran karto inay xadka Soomaaliya talowdo.
Ethiopia iyadaaba tabcaan ah oo keligii taliyihii Mingistu waatii illaahay mucaradka ku kacshay oo ilkaha biinso ay kaga saareen oo uu meesha ka cararay qolyahaan meesha qabsaday ee EPRDF-na waa qaxooti oo Soomaaliya iyo Eritera ayey ka yimaadeen oo iyagaaba bad ku jira oo waxay la tacaalayaan qowmiyadaha kale ee Ethiopian oo waxay daboolayaan gol daloolooyinkooda xukunkoodana way adkaysanayaan,markaas haddii labada xuduudood la eego qolona lama socoto waxaa Soomaaliya ka socda marka walbase waxa jira dareen laga qabo Ethiopian-ka oo iyagu intaas Soomaaliya il gaar ah ku eegaya.
Sababtu maxay tahay?.
Marka laga hadlayo sababta keentay in Ethiopian-ku il gaar ah ku eegaan arinta Soomaaliya ayaa la tilmaamaa dhawr arimood, waa mida kowaade hogaanka dalka Ethiopia waxbadani Soomaaliya kagama qarsoona oo horay ayuu ugu noolaa waxaana jiray dareen ah in haddii halkaas mucaarad ka abuurmo ay dawlada curdinka ee EPRDF tigimada u siibi karaan,waxaana ay si gaar ah shaki ugu qabaan qawmiyada Oromada gaar ahaan jabhadii Waaqow Guuto ee (United Oromo People Liberation Front) (UOPLF) oo horay halkaas saldhigyo ugu lahayd.
Waxaa iyana baqdin weyn ay ka qabaan ururka ONLF ee ka dagaalama gobolka Ogadenya ee Soomaalidu degto ee dalka Ethiopia,oo usan xiriirkoodu wanaagsaneyn oo sidoo kale Soomaaliya saldhigyo horay ugu lahaa xilligii qaranku jiray.
Waxaa soo baxay oo car cartiisa qaba ururka Al-Itaax oo ah urur diimeed mintid ah oo wixii oo dhan isku fuuqsaday shacbiyada badana haysta,una arka in Ethiopian-ka laga saaro dalka Soomaaliya ee ay haystaan aysan banaanayn inay gumaystaan dad Soomaali ah oo islaam ah.
Qaybo dadka ka mid ah ayaa iyana qaba in ujeedada Ethiopia u micilisanaysaa ay tahay inay qabsato dalka Soomaaliya oo ay muddo dheer ku taamaysay haddana maanta ay daleel ka heshay wixii kale oo sheegtanaana ay mar marsiiyo yihiin,dadka fikirkaan qabana waa dadka Soomaalida ugu aqoonta roon siiba rag odayaal oo siyaasada Soomaaliya muddo dheer ku soo jiray oo uu ka mid yahay Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen.Waxaana guud ahaan arintaas lagu macneeyey in Ethiopia wakiil uga ahayd dawlada Maraykanka Soomaaliya oo iyadu cuqdi weyn u qaaday kolkii qaar ka mid ah askarteeda dariiqyada magaalada Muqdisho lagu jiiday.
Marka ay timaado in Ethiopia ay ka dacwooto dhibaatooyinkan sida mucaarad ee lagaga soo abaabulo gudaha Soomaaliya iyo in waxyeelooyin kale soo gaaraan ayeysan jirin dawlad dhexe oo arintaas ay uga dacwooto,waxaana dawlada Ethiopia itaalkeeda isugu gaysay sidii meeshaas aan wax dawlad ahi ugu soo bixin oo waxay samaysay hogaamiye kooxeedyo ay hubka isugu dhiibto si iyagu isugu mashquulaan oo isu laayaan.
Itixaand Al-Islaami,ONLF, OLF iyo UOPLF guud haan dawlada Ethiopia waa is fara saareen godob colaaldeed ayaa jirta mana ahan mid qarsoon,waa curdin oo ma tabar badana waxaana ay ku khasban tahay wixii xukunkeeda iyo qaranimadeeda ay ku bad baadsan lahayd ama qaybi oo xukun ha ahaato ama hubka oo laysugu dhiibo ha ahaato.
Marka aan u soo noqon dagaal beeleeyadii ka curtay gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled Xaawo, ayaa dagaalkii ugu horeeyey Caydii la dhaqaajin waayey kii xigayna sidoo kale laakiin kii 3aad ayaa lagu biyo keenay oo sutiga loo qabtay lagana saaray degmada Beled Xaawo waxaana waqtigaasi magaaladu noqotay mid holcaysa.
Dagaalkaan ayaa sidaan horay u soo sheegnay waxaan taliye ka ahaa Gen: Axmed Warsame,waxaase ugu hooseeya laba Col: oo beesha u dhashay oo lagu kala magacaabo Col: Cabdi Cabullaahi Kululi iyo Yuusuf Kaanti,waxaana Ciidamadii Caydii isugu gurteen dhanka degmada Doolow oo qiyaastii 40 KM waaqyi bari kagan degmada B/xaawo.
Dagaalka Beled Xaawo Gen: Caydii lagaga saaray ayaa ahaa mid xasuusta dadka reer Gedo ku soo noqo noqda waxaana ku geeriyooday tira dad ah oo aan cadad iyo xisaab toona lahayn oo uu ku mid ahaan Col: Shabeel oo taliyaha ciidanka Caydiid oo horay loogu eedeeyey maalmo ka hor dil ugu gaystay isla gobolka General Biixi,nabsigu waa cawaan cidlana kuma haro kan lagu eedeeyey inuu dilay waxa uu ahaa kii uu bad baadin lahaa,kan isaga dilay waa kii bad baadin lahaa, halkaas waxaa ka dhacay mushkilo galaafay aqoontii iyo da’yartii aan aqoonta lahayn xigmaduna waa caadifad qabiil.
Waxaa iyana magaalaga lagu gubay ilaa 7 gaari oo kuwa dagaalka ah halka lagu qabsaday ilaa 35 kale oo isu jira xamuul iyo kuwo qoryo saaran yihiin,waxaase xusid mudan inaan gobolka laga heli karin hal gaari oo wixii matoor dhaqaaqayey uu Caydiid la wareegay,waxaa la sheegay in malayshiyaadkiisu rarteen xataa baabuur dugowday oo mudo fadhiday.
Laba maalmood ka dib ayaa dagaal aan sidaas u xooganayn lagaga qabsaday Gen Caydiid degmada Doolow, waxaase dagaalkii inta laga warqabo gobolka ugu xoogganaa uu ka dhacay halka lagu magacaabo Fuud Anbiyo kaasi oo ay ku dhinteen 160 ruux ilaa 200 oo kalena ay ku dhaawacantay,waxaa ka mid ah ragga dhaawcu soo gaaray dhanka reer Gedo labadii nin ciidamada watay ee Kaanti iyo Kululi waxaana halkaas isagu hogaanka kaga soo booday Barre Aadan Shire Hiiraale.
Generalka iyo Malayshiyadiisii kulaylkaa taabtay waxana uu isugu gurtay dhanka degamada Luuq,laakiin waxay u egtahay marankan in deegaanku la dirayo oo qof iyo geedba col u yihiin,maalin ka dib ayaa iyana laga saaray degmada Luuq hase ahaatee ma ahayn dagaal dhimasho badan sida Fuud Anbiyo iyo Beled Xaawo waxaana odaygii kolonyo u galay dhinaca degmada Baardheere oo uu u arkayey meel ku haboon dhanka difaaca,waxaana hadda uu ku tala galay inuu difaaciisa halaas ka xirto.
Rogaal celis,aar shabeel,wadaadadii oo fidnada fiirsan kari waayey sheikh caan ahaa oo dhintay……la soco asbuuca danbe.
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,UK