Jeneral Caydiid ragga u dagaallamaya ee uu ku qabsaday inta badan koofurta Soomaaliya waxaa ay ahaayeen rag da’ yar ah oo aan aqoon lahayn laguna soo wacyi geliyey oo qur ah inay wax dilaan,laakiin kitaabka uguma taal in wax la bad baadiyo,oo intaa illaahay xarimay waa u xalaal sida dhaca boobka ,kufisiga IWM.
Caydiid waxaa caado u ah kolkii uu meel qabsado inuu isugu yeero wixii markaas meesha ka carari waaya oo loo sheego inay wax garadka deegaanka yihiin waxaana uu hadalka ku bilaabi jiray isagoo garbaha ay ka taagan yihiin ciidamadiisu (ALLAAHU AGBAR).
Degmada Belled Xaawo ee gobolka Gedo maahan meel looga bartay rabshado noocaan oo kale ah waa dad yara degan oo ganacsato u badan,waxaana iyagoo cayr fara madow ah oo wixii ay haysteen ay dhaceen malayshiyaadka Caydiin ay saakay ay nasiib u yeesheen inuu u khobeeyo Gen Max’ed Farax Caydiid,intii uusan hadalka bilaabin ayuu sidii caadada u ahayd ku dhuftay Allaahu Agbar… Allaahu Agbar isagoo gacanta oo duuban kor u taagaya,waxaana ka daba jiibiyey dadkii meesha fadhiyey oo intooda badan ay baqdin ka tahay ee aysan jacayl uga daba jiibinayn,waxaanse isagu u juuqin Nabadoo Carte Gurme, oo markii Caydiid weydiiyey sababta uu ugu daba jiibin waayey ugu jawaabay oday Allaahu Akbar kuma ciyaaree waanu ku tukanaa.
Nabadoonka ayaa Caydiid goobta uga sheegay 3 hadal oo kooban oo ahaa inuu soo celiyo xoolihii uu qaatay,gobolka Gedana uu muddo 3 casho ah isaga baxo iyo qodobka kale oo ahaa haddii uu intaas samayn waayo inuu u diyaar garoobo beesha gobolka Dagaalkeeda,Caydiid hadalkii nabadoonka waxaa uu ka soo qaatay oday darooryey.
Caydiid isagu markaas waxaa uu isu arkaa nin guul weyn oo lama ilaawaan ah gaaray waxa uu is leeyahay macalinkii haddii aad xadka dhaafisay madaxnimo qarka ayey kuu soo saran tahay oo wax danbe oo kaa hor imaanayaa ma jiraan guud ahaan qabaa’ilkii ka soo horjeeday xuuda Kenya ayey dhaafeen.
Degmada B/xaawo Malayshiyaadka Caydiid waxaa ay ka degeen meelaha ugu muhiimsan sida Xeradii taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya 3-da Gees ee magaalada laga galo shaqsiyan Generalkuna waxaa uu degan yahay Al-beergada C/nuur oo ah meesha oo ku taal geeska Bari ee magaalada Laga soo galo.
Meel walba abaabul ayaa ka socda hogaanka Ciidanku waa General Axmed Warsame,waxaa meesha ugu saraysa taagan xaraarada colaadeed ee gobolka,waxaase culayska ugu weyn ee Caydiid dareemaya weeye ka sokow abaabulka beesha ciidankii uu ku soo dhaafay Warmo Xun ee hogaamaniyey Col Barre Aadan Shirre Hiiraale,aadna u tiro bandaa ciidan taba barana u badnaa.
Marka dhinac kale laga eego waxaan iyagu badaas hayn wadaadada oo u arka shaydaamo diriraya,welina uma jiir nixin dhibka reerka ay ka dhasheen uu ku dhigay Caydiid,marka dhinaca diinta laga eego cilmiyan waa qabaan in ninkaan fidma walaha layska qabto ee aan waxba reebayn,haddana waxaa ay diidan yihiin inay marna arin qabiil ku lug yeeshaan,waa laba daran mid dooro,waxaase laga yabaa in ka fursan waa uu yimaado.
Waxa intaas u dheer is abaabul iyo is qaabayn ay urursanayaan waa wadaadadee dadka tayada leh oo ay degaan meelaha ciidan ahaan ku haboon,sida xeryihiin ciidamada iyo meelaha kale oo ay u arkaan inay yihiin meel muhiim ah.
Xerada Malkaariyey ee 7 KM koonfur bari kaga beegan degmada Beled Xaawo horay waxaa u deganaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliya haddase waxay deggan ciidanka Al-Itixaad ah oo si tar tiib ah ugu bilowday sandii 1991 maskaxda ka danbaysaana waa Sheekh Max’ed Xaaji Yuusuf oo ah nin caalim ah aad looga danbeeyo,waxaa uu xiriir fiican uu la leeyahay meel kasta oo ay joogaan wadaadadu haba u weynaato xarunta Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa xerada oo magaallada u muuqata ku jira 300 oo wiil oo deegaanka u dhashay oo la garanayo,dheg jalaq uma siiyaan waxaas Soomaaliya ka dhex socda,waxayna u arkaan gaalo laysku jaan jaamay,waxaase ay ku dadaalaan inay ka wataan cidii talo ka maqlaysa oo ay mucaskarkooda ku biiriyaan,arintaani waxay u ekayd mid gobolka looga guuxay,waxaase soo kordhay duulaanka Caydiid oo wax badan baa is badalay,waxaa marba marka ka danbeeya sii kululaanaya dagaallada sokeeye.
Xog ogaal ayaa noo sheegay in ciidamadii Caydiiday isku dayeen inay hubka ka qaataan ragga meesha deganaa hase ahaatee xabad ay is weydaarsadeen Caydiidna arinta soo dhex galay oo wadaadada la hadlay oo u sheegay inuusan iyaga dan ka lahayn ammaan ballaarana ay kala helaan.
Waxa iyana xusid mudan inkastoo ku biiridda wadaadada iyo muscaskarkoodu ay u furrayd shaqsi kasta oo dani ka hasay haddana waxaa wadaadadu awooda sari jireen shaqsiyaadka bulshada ugu magaca weyn marka dhinac kasta laga eego sida dhaqaalaha,tacliinta iyo ragga cuqaasha ah ee beelaha u taliya,waxaa iyana intaas dheeraa oo ay soo xero gelin jireen ragga lagu tilmaamo inay aad u dagaalamaan iyagoo siyabo kala duwan uga faa’iidaysanya.
a)dagaalka wax fiican bay ka tarayaan waa rag dagaal yahano ah.
b)waxaa lagu soo biirinayaa diinta islaamka si uusan bulshada kale dhib ugu gaysan.
Dagaalkii ugu horeeyey ayaa lagu qaaday xarumaha Gen:Caydiid ee degmada B/xaawo laakiin laguma guulaysan in meesha laga saaro,oo waxaa dhintay dad badan,wadaada laftigoodu culays xooggan ayey dareemeen oo ku aadan finada aan kala go’ lahayn ee socota.
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,UK