Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Cadde weli qalinka ma gabin dadkuna u eg qaaruun la rogayo saxaafadu waa sidee?

Boosaaso (WNT)Marka la eego guud ahaan gobollada Puntland wax walbaa waa geba gabo oo waxay u eg yihiin inay iska soo dhamaadeen marka dhinac kasta laga eego heerka xumaata sida ammaan darrada iyo dhaqaale xumida waxaanse isagu gabin qalinka oo weli wareegtooyin uu dad ku magacaabyo soo saaraya M/weyne Cadde Muuse Boqor.

 

Waxaa inta miyirka qabtaa is weydiinaysaa ragga intaas la magacaabayo xaggee loo magacaabayaa mar haddii aysan jirn hay’ad maanta si toos ah waajibkeeda u gudan kartaa maamulka Cadde Muuse?, fowdaduna gaartay meeshii ugu saraysay,qof shaqaale ah oo mishaar qaataana uusan jirin.

 

Waxaa dadka la yaab ku noqotay kolkii qaybo ka mid ah wasiirada Cadde Muuse oo uu ka mid yahay wasiirkiisa maaliyada Max'ed Cali Yuusuf (Gaa gaab), wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo xariirka caalamigha  Cali Cabdi Awaare iyo Amniga C/llaahi Siciid Samatar, la sheegay inay ka arinsanayeen sidii sicir bararka loo xadidi lahaa iyo sidii ammaanka wax looga qaban lahaa,waxaa lays weyiinayaa haddii dadku gobolku uu yahay mucsur aan waxba qabsan karin iskana rogi karin belada ku dul habsatay ma ka xishoon waayeen dul joogta fiirinaysa talaaba kasta oo ay qaadaan.

 

Ammaanka

 

Ammaarada waa heerka ugu liita tan iyo in la yag leelay maamulka Puntland waxaana muwaadin kastaa ku hamiyaa salaada subax ama tan cishaha hadii aad aadid armaa jidka laguu gala oo naftaada aad weydaa wax qaato sida Mobile iyo saacad yeelkoode,Laascaanoodna mar horaa la ilaawey oo waa tii dabayaaqadii Deyrii dhoweyd uu qaatay maamulka Soomaaliland.

 

Waxaa iyana taas dheer qaraxyo lala beegsanayo hadba meeshii la doono oo aan cid loo qabtaa jirin,iyadoo weliba dadka gobolku og yihiin cida arimnahaas ka danbysa,waxaana xusid mudan in guud ahaan dhacdooyinkaan laga soo min guuriyey koonta Soomaaliya laakiin waxay la saan qaadeen  oo ay ka mid yihiin dhaxalka uu ta tegi doono Cadde muuse Boqor hadiiba uu yeelo in hal mar dadka uu dhinac u dhaafo.

 

Sicir Bararka

 

Waxaa lagu sameeyaa magaalada Boosaaso lacagaha been abuurka halka lagu magacaabo Guatanamo  ,waxaana si sidoo kale sidii xoon shiniyaad ugu soo dega isla magaallada Boosaaso diyaarado sida lacago la soo sameeyey guud ahaan waxaa lacagahani lagu xaalufiyaa boqonko biilka ee dan yarta dibadaha loo soo diro haddana waxay ka arin sanyaan sidii sicir bararka sidii loo joojin lahaa cajiib! Xaggee iska daba marsan tahay maxaa haray oo ay ka arin sanayaan.

 

Waa debigii ugu weynaa ee laga galo bulsho adduunkaan aynu saaranahay ku nool,iyadoo weliba Cadde uu toos ah u qirtay inuu leeyahay makiinado lacagta u sameeya,waxaase qaadan waa ah nimankan u bareeray denbiga intaas leeg inay gabaan in xataa ay mishaarooyinka oo siin waayaan shaqaalaha u shaqeeya iyaga iyo weliba ciidankii ammaanka u sugi lahaa.

 

Waxaana gaajo kala huleelay guud ahaan shaqaalihii hay;adaha kala duwan ee maamulka iyadoo lacagaha kolkii ay xaalufiyaan iyadoo doolar ah  gastaan dalka isu taga imaaraadka carabta,u daranaa waa waxaysan raandhiis danbe ka lahayn.

 

Saxaafadda

 

Waxaa taas ka sii daran saxaafada ka hawl gasha gobollada Puntland oo iyadu laftigeedu caado ka dhigatay inay dadka u garba duuban mushkilada maamulku ku hayo oo run ekaysiiya mu,aamarada ay walaaqayaan xinjira dhuuqyada sida bareerka ah denbiga uga galay bulshada Puntland ee nabsigu u hoyday una harlay.

 

Inkastoo saxaafada qaar aan la eedayn karin sida SBC oo iyada uu leeyahay mid ka mid kuwa taariikhdu ka sheekayn doonto waa Cali Cabdi Awaaree oo isagu u sargooyo waxaa ay wiilshadu sheegi lahaayeen haddana waxaa arintii isugu soo biyo shubatay in Cawaale Jaamac Salaad oo kaliya uu ka haddlo dhacdooyinka gobolka oo weliba aan isaga la garan karin in arintiisu aargoosi ay ka madax banaan tahay maadaama muddo uu xaq daro ugu xiraa maamulkaas.

 

Maxaa la gudboon saxaafada?

 

Waxaa  xil ka saaran yahay suxufiga  dhawrista iyo ilaalinta muwaadin kastaoo isaga warkiisa ama akhriya dhegaysta oo ay ka mid yihiin kuwa danbiilayaasha ah waxaana la doonayaa in dhacdo kasto runteeda loo tago iyadoo laga eegayo danta guud caddaalladana la dhawrayo oo laga fogaanayo wixii xaqdaro keeni kara.

 

Mararka qaarkood waxaa jirta arin dan guud ah oo aan la shaacin karin haddii suxufigu uu u arko  inay bur bur horseedi karto ama naftiisa halis ku tahay,laakiin mar walba waa inuu tashi kala sameeyaa tafaftiraha wararka hay’adiisa iyo shaqsiyaadka kale ee iyagu cabiri kara waxaa ka iman kar dhacdadaan.

 

Waxaa maanta dawladaha aduunka hogaanka haya waa saxaafada laakiin waxay gaareen heer bisayl dhaaf ah oo ay farta ugu yeeraan M/weyna yaasha adduunka ugu awooda badan laakiin waxaa ka mamnuuc ah weriyuhu inuusan xadka dhaafin oo uusan geli wixii shaqdiisa ka baxsan haddii kale waxaa uu mudan karaa shaqdiisa uu waayo,sharf darri iyo weliba inuu ciqaab muto.

 

 

Maxaa la guddboon dadka reer Puntland

 

Kacdoon! laakiin waa kacdoon nooc ma ah?,mid ay ku diidan yihiin dhibta xoogga badan ee u gaystay maamulkani fikirkoodana si saliim ah ay ugu cabirayaan iyadoon wax yeelo jirin,sida kacoonada Yurub ee loogu magac daro gaduudka iyo Jaalaha iyadoon cid wax ku noqotaa aysan jirin balse ay sawiro,calaamado iyo codba ku cabiraan dhita markaas ay tabanayaan, dabadeedna ay ku gaaraan danta ay ka leeyihiin.

 

Maxaa ka xaaraan ah

 

Rabsho,tuugo iyo weliba qabyaallada,waxaana ay meel uga soo wada jeensanayaan ninkii lagu qabto isagoo xumaan faraha kula jira maadaama meesha laga saarayo xumaan gaamurtay.

 

Gunaanad

 

Marka gunta iyo dhumacda hadalka loo tago ayaa weli Cadde uusan gabin qalinka oo waxaa uu isu ekaysiinayaa isaga iyo wasiiradiisu weli wax uun hawl ah inay hayaan waxaase u eg kuwo la rogayo dadka gobolka haddii aysan sida ugu dhaqso badan isaga qabadan belaayadan ku dul habsatay ee dhiigooda dhuuqaya.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

editor@waayaha.net

 

 Cudurdaar:Shabakada Waayaha.net waxay raali galin ka bixinaysaa magaca Wariyaha Cawaale Jaamac Salaad ee maahan Ayaanle.

 

 

 

 

 

 

 

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software