Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Jidbo diimeed iyo Qabiil qaran dhan baa qabri ugu jira Qaybtii 12aad

Kolkii uu qarxay dagaalka Sokeeye ee Soomaaliya waxaa guud ahaan dalka ka bilowday qax baahsan oo nin walbaa beeganayey halka beeshiisu ku badan tahay ama asal ahaan uu ka soo jeedo haddii uuba helo wax uu ku guuro ama dhaqaale uu ku cararo, gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya isaga waxaa intaas u dheeraa waxaa ka soo jeeday M/weyihii Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre oo isaga laftigiisu magan galay gobolka oo uusan muddo arag isagoo ay weheliyeen madax kale oo fara badan oo dawladiisa ka tirsanayd. 

Marka aad si hoose u eegto waxaa xusuusta qalbigaaga ku soo dhacaya qiyaamaha kolka quraanku ka sheekaynayo,maxaa yeelay waxaa caruurtiisii ka cararay aabbe halka hooyana go’doontay iyadoo adeeg ku maqan aabbihiina caruurtii sii qaxiyey isagoo ilaaway hooyaddii caruurta dhashay,waxaa sidaas ku kala maqan reer musiibadan dhacday ay kala erisay rutii waa xilli murugo leh,guud ahaan dadkaani waxba ma galabsan waxaa ay dhibane u yihiin qabiil (Qabyaalad). 

Ragii mudada u shaqaynayey dawladii keligii talis ahayd markii maanafaysto ku soo baxday oo iyada laftigeedu aan wax muuqada dalka u hayn laakiin arintoodu ku koobnay oo keliya in dalka laga eryo keligi taliyaha kursiga ku raagay ee dalka baabiyey oo arintii shaqaysay  dadkiina kacay hogaanka keligu talisku waxay ku dadaaleen sidii ay ku bad baadi lahaayeen talada meel fog kama raadin,waa halka Soomaalidu u nugushahay iyo in cajilada qabiil dadka la geliyo, runtii iyaga laftigooda xirfadin waa u shaqaysay oo denbiila kastaa qabiilkiisuu dhinac ka raacay waana tii ay isku yaacday. 

Ragga siyaasada ka faalloodaa eedayn weyn ayey u jeediyeen maanafaysto oo waxay tilmaameen in ururkani keliya ay diyaariyeen sidii xukunkii sii dhimanayey loo ruux togi lahaa balse aysan ka fakarin mustaqbalka umada iyo wixii badal noqon lahaa,waxaa kale oo aysan iyana cabirin dadka Soomaalida oo qaba cudurka aan daawada dhaw ka lahayn dalka Soomaaliya ee Qabiilka.   

Gobolka Gedo aad baa loogu qaxay waa buux dhaafay guud ahaan gobolku, guri walbana waa la degay,waxaa soo gaaray 60% dadkii Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya ka soo qaxay ee gobolka u dhashay, Max’ed Siyaadna waxaa saldhig u ah Buur Dhuubo oo waxaa niyada kaga jirta mar baad buurtii Villa Soomaaliya dib u tafi doontaa waa riyo lama oga inay shaqayn doonto iyo kale,xaraarada qabiilkuna halkii ugu saraysay bay joogtaa. 

Doorashadii Cali Mahdi waa tii Caydiid ciida kaga shubay oo uu yiri (cadkeerow ama ku cunay ama ku ciideeyey) oo xamar ay ka holocday ,waxaana uu istusay Gen Caydiid waxaa kaliya ee dadku kugu raaci karaan adiga oo badda ku dara qabaailka kaa soo horjeeda Kismaayo ilaa Gedo,waana u suuro gashay,waxaase dharbaxada ugu weyni ku dhacay gobolka Gedo oo isugu eersaday macalinka Buurta u dhafadhiya. 

Dhamaadkii bishii Julay sanadii 1992 waa xilli aad looga xasuusto gobolka Gedo,waxaana weerar dhabar jebin ah oo uu soo qaaday Gen Cadiidii hal mar gacanta ka baxay guud ahaan gobolka waxaana la qabsaday,Buur dhuubo oo saldhig u ahayn Max’ed Siyaad Barre ,Doolow,Garba haaray,Beled Xaawo iyo Luuq 30kii Julayna waxaa xadka talaabay Max’ed Siyad Barre iyo ciidamadiisii. 

Muraqa laba suule ninba si ku ah waxaa intaas hoosta ka guuxayey saraakiil reer Gedo ahaa oo islahaa ilaahow kan  idin dhaafi si aad idinku ugu qayb qaadataan unkanka dawladnimo ee xiligaas la rajaynayey oo markaas Soomaalidu ma rajo dhigin (nin weliba haruub toshiye haamo gooniya),waxaase murugo iyo niyad jab ay ku tahay kuwo badan oo macalinka mudo la soo kifaaxay iyo kuwo caadifad qabiil buux dhaafisay oo qabiilka Daaroodka ah. 

Kolka Gerneralku carada qabsaday waxaa jiray rag badan oo maxaabiis ahaan loo qabsaday loona qaaday dhanka magaalada Muqdisho,waxaa iyana jiray rag saraakiil ah oo la toogtay oo uu ka mid ah Jeneral Max'ed Biixi oo dilkiisa loo aaneeyey inuu gacantiisa ku dilay korneyl Shabeel iyadoo weliba sida laga soo xigtay goobjoogayaal Caydiid uu ku yiri ha dilin Jeneral Bixii sarkaal lama dilee! isna uu ku dhego adaygay oo uu sheegay inuu ka aarsanayo,(ninkii seef ku dirira seef baa disha) dagaalka oo dhan lagama fakarin,hase ahaatee tani waa mid keeni karta raad reeb,Jenanka la dilay iyo Cornelka  eedu raacday labadaba waxay darajada ku qaaten cashuurta hooyada xaabada xaabada dhabarka ku keentay,waxay eersadeen naftoodii hooyadii darajada keentayna tacadi bay u gaysteen oo waa dulmane aan waxba awoodin. 

Runi runbay geyday odaygii cagtuu furay,reer Gedana go,aan bay bay gaareen waxaana talo lagu gunaanaday in heeryada ay iska tuuraan belaayada ku habsatayna ay iska kiciyaan, waxaa yimid saraakiil fara badan oo uu ka mid yahay Jernal Axmed Warsame Col Cabdiweli Max’ed Aw-Xuseen  iyo weliba Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo horay loogaga soo cararay difaac uga xirnaa halka lagu magacaabo Warmo Xun ee gobolka Shabeellada Hoose, Caydiina uu dhabar jebin ku dhaafay, waxaana Barre la yaab ku noqotay kolkii uu BBC-da ka maqlay in Gedo uu qabsaday Caydiid Macalinkiina xadka dhaafay,waa dal aqoon waxaa uu ka lugeeyey hubkii gaadiidka saaraa iyadoo isaga iyo ciidamadiisii lugta  maaleen ilaa Beled Xaawo bil bay ku qaadatay.

“allaahu akbar waan ku tukanaa kuma ciyaaro”nabadoon Carta Gurme oo jawaabayey Gen Caydiid degmada Beled Xaawo la soco 7aaka danbe.

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha.net,London,UK

 

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software