Soomaaliya waxa ay noqotay guud ahaan gel gelin aan maamul ka jirin kol haddii aan maamul jirin dadku ugaar ayey sii noqonayaan oo waxay sii ilaawayaan sharcigii iyo kala danytiin jiilka markaas bur burka indha ku kala qaadayna umaba bilowna waxaana markaas maskadoodu qabatay dhibta ka jirta dalka oo ay la jaan qaadeen “ratiba ratiga ka horeeyuu saan qaadkiisa leeyahay” waa maah maah soomaaliyeed, iyagu eed maleh ninkii bad baadin lahaa buntuq buu garabka surtay waxaa uu u sitaana waa il mirig laha isaga hiilka uga fadhiya laba kala bariday kala war la aqoon darraa jirta.
Marka loo noqdo bulsha weynta Soomaalida ayaa nin walba oo markaas wax is bidayey waxaa uu isku deyey halka ay kula haboon tahay inuu xukunka raadiyo wadaad,waranle iyo qab gale dagaal, koox weliba waxay salabka ama sees u dhigtay oo amaamuday wax uun jabhad ku sheeg ah oo markaas matasha reerka ay ka soo jeedaan, wadaadadu waa Al-ITIXAAD AL_ISLAAMI qabiilku waa ka xaaraan oo maahan rag u heellan ,laakiin marna kama marna inay majaraha u qabtaan siyasaasada dalka Soomaaliya laakiin xeel badani kama muuqato xoogga waxaa kuugu xun kii xariga kaa gooya.
Marka wadaadada loo eego hogaamiye kooxeedyada waxaa ay kaga duwan yihiin waxyaabo badan oo bulshada bad baado u noqon karay,sida aqoonta iyo barashada diinta islaamka,balwad la,aanta iyo abuur dhaqaale oo dad badani shaqo ka heleen, waxaa intaas dheeraa bulshada inteeda badan oo waxooda ku aaminay marka xagga ganacsiga la aado ,waxaa jiray koboc illo dhaqaale oo aad u tiro badan waxaana ay tan ku soo jiiteen shacbiyad badan oo ilahaas dhaqaale shaqo ka hella mar haddii aan dawlad dhexe jirin oo aan haba yaraateen wax kaabayaal dhaqaale ahi jirin marka muuqaalka guud la fiiriyo waxaa ugu sharaf iyo qurux badan dhalinta wadaadada ka tirsan oo busaaradi kama muuqato (nasiibkii aan laga faaiidaysan).
Mar la eego kuwa la socda hogaamiyey kooxeeyada waa dad reer miyi u badan busaarad badan waxaana xalaal u ah intii xaaraanta ahayd sida kufsiga,dilka dhaca,dulaamo beelo kale lagu bara kiciyo iyo maandooriyeyaasha noocuu doono ahaado, mararka qaar waxa ay weeraraan hogaamiye kooxeedkooda iyaga oo raadinaya waxay ku qayilaan ama wax ku cunaan ma u malaynaysaa inay cid kale bixinayaan?.
Waxaa dad badani is weydiinayaan maxaa wadaadadu qoriga u qaateen oo jidkan ay ugu socon waayeen,waxaana la aaminsan yahay haddii ay sidan ku socon lahaayeen in hogaamiye kooxeeyadu muddo gaaban ku awood beeli lahaayeen oo aysan heleen cid u dagaallanta oo nin walbaa iyaga isu dhiibi lahaa ,waxase dhibtu ka timid qoriga iyo seefta galka ka maqan.waxaana tani fursad siisay ragga jilaafada siyaasadeed ay ka dhexayso wadaadada iyagoo isticmaalaya xirfad kasta oo lagu fur furi karo ama lagu dumin karo iyadoo laga duulayo dhanka qabiilka.
Xeelladan waxaan aad khabiir ugu ah hogaamiye kooxeedyada oo ay gabaabsi ku yihiin dadkii u dagaallamijiray oo qaybina dhimatay qabina wadaadada galeen ,mararka qaarkood kolka ay ku duulaan beel kale qab qalayaashu ku qaadaan iyagoo magac qabiil isticmaalaya warankana layska aslo oo ay qayladu wilato waxaad ku arkaysaa maqaaxiyaha iyo baararka dhalin yaro qax weynaysa oo fadhida oo aan dheg jalaq u siinayn wixii dhacay “laba muslin haddii ay seef iskala hortagaan kan la dilay iyo kii wax dilay labaduba waa ehelu naar” ayey qabaan dhalintani,”cimaamad gaduud waa isoo karay qabiil hebel bay la shaqeeyaan” waa hal hays guud qabyaallada iyo inta ku shaqaysata.
Soomaalida bur burintu waa u fududahay laakiin dhismuhu waa ku adag yahay,”ninkii ruug isku dhufntaa isagaa u dhutiya” hogaamiye kooxeedyada la garay waxaa qayb weyn ka yahiin finka iyo boogta Soomaaliya u soo hoyatay bal wadaadka meel saar! hub iyo dhaqaale waa ka buuxaa waxa isaga raacin waa gaal haddii hubka laysu qaatana cid walba ka adag laakiin laga xeellad badan oo mayaqaan qaab siyaasadeedkii uu dadka ku hanan lahaa wixii deg deg lagu dhisaa deg deg bay ku dumaan iyadoo laga duulayo sharci qoran oo dhisme qaran looga sii amba qaadi karo.
Waxay u ekayd intaan bur burkii dawladii dhexe ee Soomaaliya dhicin in meel walba ay gaartay dacwada wadaadada fiditaankeedu xawaare aan caadi ahayn bay ku socotaa waxase ay sii karaar qaadatay kolkii dagaalku dhacay oo waxay ka raysatay caburiskii xarigii dawladii dhexe ee Soomaaliya,hase yeeshee wax weyn baa ka dhiman isfanka iyaga iyo dad weynaha caadiga ah oo waxaa la dareemayaa meeshii ay qabsadaan caburis ,takooraan ay dadka ka soocan yihiin,ad adayg iyo weliba xukun deg deg ah oo aan laga fiirsan ama dil ha ahaado ama dhanka caqiidada ha ahaado meeday soo jiidashadii iyo walaalsigii qof kasta?.
Xeel dhaarayaal aqoon yahan ah oo ka mid ah raggii dacwada lagu furay ayaa waxay aamin san yihiin in arintu ahayd aqoon yari iyo weliba in hogaanka sare ee wadaadada rag ka mid ahaa aysan u bislayn marka laga hadlayo in maamul la asaaso iyadoo salka laga soo bilaabayo lana tartiib dhaqaajinayo oo aan xawaaraha laga badaniney waana halka mar walba dhibtu ka imanaysay.
Runtii waa laba mushkilo aan midna xal lahayn dhalintii waa batrool kabriid dulsaaran yahay ninkii (20 jir inuu geed ka booduu talo ka boodaa) bad baadada looga fadhiyey waa nin cabeeyey,culumada eed lama wada saari karo oo waxaa jiray rag bislaaday oo mar walba arkayey miraha ka soo bixi karay haddii xabadu afka qoriga ka boodo, belo hor la qabtay leedahay ee daba la qabto ma leh,si kastoo aad talo u keentid meeyey dadkii qaadan lahaa kan dhibta imaan karta gartay isagaa laftigiisaa go'doon ah.
Guud ahaan marka dalka Soomaaliya oo idil la eego waxaa jooga wadaadada , waxaa ka jirta dacwo waase kala xoog weyn tahay oo gobollada waa loo kala tiro badan yahay,waxaa meelaha dawcada ay ugu xooga weyn tahay ka mid ah goblka Gedo oo u muuqda mid aad u fir fircoon marka hawl galka wadaadada lagaga eego.
Waxaa isu hillaacday oo dabkoodu isu baxay Raas Casayr ilaa Raas Kaanbooni,gobolka Waqooyi bari Kenya,Mabasa ilaa Nairobi ilaa gobolka Gedo waxaa jirta isku xiraan guud oo laga war qabo meel walba oo wadaad joogo iyo waxaa uu ku caawa baryey, meel walba waa xero askareed gabadhibii miyaga joogtay ee timaha tidcanayd xijaabkaa garay gacan gabar laga salaamana mar horaa u danbaysay,waa guulo la taaban karo lamase calfan.
Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya waxay dhedhemiyaan cadaab kii ilaahay laga magan geli jiray kolkii la kala qaxay oo ay ugu weyn yihiin collaad,abaaro iyo badda oo lagu maashooday oo dadka doonyuhu la deganayaan.
Waxaa laga qaxay Kismaayo ilaa Baydhabo,waxaana dadka u xallaaloobay bakhtiga,waxaan indha adduunka soo jiitay gaajadii gobollada Baay iyo Bakool,waxaana malayshiyaadkii Caydiid gareen ilaa xadka Kenya,iyadoo bililiqaystay wixii hanti dadku haysteen.

La soco Gobolka Gedo iyo wadaadada, Ethiopian iyo Cumar Xaaji Masale, shirkii Sodari iyo waxay Ethiopia ka tiri.
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,UK