Lodon (WNT)-Waxaan rabaa in aan is barbar dhigo xaalkeena Soomaaliyeed marka laga eego dhanka dhaqanka qabaaileed iyo heshiis caan ahaa oo ay qurayshi kala saxiixatay ka hor soo saaristii Rasuulka (SCW) ama casrigii lagu tilmaamo (casrul-jaahiliya).
Xilful-fuduul waxuu ahaa mid ka mida heshiisyadii ugu qaalisanaa ee ay qurayshi dhexdeeda ka gashay waxuuna ku yimi ka gadaal markii nin Yemen ah oo reer Subaydina u dhashay oo ganacsade ahaa alabtiisii nin Quraysh ahi ka dhacay, markaas ayaa ninkii Yemeniga ahaa gabay isla taagay goob ay fadhiyeen rag badan oo Quraysh ahi kacbada agteeda waxuuna yiri”reer aala fihriyow, madluum badeecadiisii lagu dhacay waadigaan calooshiisa reer iyo ragna ka fog baan ahay….” bilowgii gabaygu tixdaas bay ahayd waxaa u jawaabay oo meeshii ka kacay Zubayr bin Cabdul-mudalib oo ahaa nabiga(SCW) adeerkiis oo yiri” Waxaan ku dhaartay in aanu u fariisno heshiis lagu ciseeyo qariibka kuna magacawno fuduul…..” Saas ayaa lagu fariistay looguna soo ceshay ninkii xoolihiisii oo ku maqnaa caas bin waa’il (camar bin caas aabihii) markii heshiiskii dhamaadayna Zubayr ayaa hadana tixdan raaciyey ”Waxay fuduul ku heshiisay kuna balantay in maka uusan jookin daalin !”.
Fadhigu waxuu ka dhacay guriga Cabdlaah bin jadcaan markaas waxaana fadhigaa isagu yimi Qurash wax garadkeedii waxay gaareen heshiis qoraal ah oo oranayey “ In nin alle ninkii lagu dhaco,ama dulmiyo,ama lagu tacadiyo xuquuqdiisa dhulka ay Qurayshi degto gaar ahaan Maka ay far kaliya ka noqonayaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen gardaradaa iyo dulmigaa una wada guntanayaan sidii ay ugu hiilin lahaayeen garta ama xaqa” markuu ka hadlayey rasuulkuna wuu amnaanay heshiiskaas waxuuna yiri “ waxaan xaadirey heshiiskii fuduul oo aan dhaafsan lahayn geela cas-cas, hadii islaamka isagoo kale la iigu yeeri lahaana waa aqbali lahaa”
Inkastoo uu yaraa nabigu marka uu heshiiskaa xaadirey, hadana aad buu u amaaanay maxaa dhacay waxii ka soo baxay waxay ahayd wax qiimo badan oo tilmaamaya in umadii markaas eebe dejiyey gurigiisa agtiisa ay haayeen dad qiimo badan una qalma booskaas.xilful fuduulna saas ayuu kaga galay taariikhda baal dahab ah,kuna noqday mid caan ka ah carab dhexdeeda.
Waxaa hadaba is waydiin leh qabaa’ilka Soomaaliyeed oo inta badan eebe isaga dhigay fidno dhexdooda sida alle yiri” saas ayaan fidno uga dhignay qaarkood qaarka kale” ma jirtaa wax heshiis ah oo abbaaraya dhanka samaanta iyo wanaaga oo u dhigma kaas la gaaraya casrul- jaahiligii? ma jiraa qabiil wax wanaagsan isku raacay waxuunba ?waa laga yaabaa in reer isku raaco inay dulmi falaan, dhiig muslin oo xurmo leh daadiyaan balse waa yartahay in la helo qabiil isku raacay inay dhan ka wada noqdaan dulmiga dadkoodu gaysto ama lagu galo xeryahooda, in badan oo wax disha waan soo dhoofinaa kuwa wax dhacana wadankey ku xaragoonayaan , saas ay tahayna aanu isku tirinayno muslinka, oo Rasuulku(SCW) markuu ka hadlayey ku qeexay muslinka “Muslin waa ninkii Muslimiintu ka amaan hesho afkiisa iyo adinkiisa”.
Waxaaba caadi ah ama wax aanu ku faano noqotay boobka, dhaca, dilka, waxaana moodaa in dhaqankii miyiga oo ku salaysnaa inta badan qaanuunka kaynta “xooga, oo kan awooda lehi cuno kan liita ”ama “ninkii xooglaa reerka u hari”in uu ku fiday hada magaalooyinka inta badani lagu tirin jirey meel kala danbayn iyo nidaam ka jiro ayaa ku socda meel gel gelin ah oo aan ammaan ka jirn haddii aan laga gaarin,sida magaallada nabada ku caan baxday ee Boosaaso.
Fu,aad Xuseen
Waayaha.net,Lodon,UK