(WYNET)London:-Madaxa ugu sareeya diinta Masiixiyada ee dalkani aamisnyahay oo lagu magacaabo Dr Williams ayaa ugu baaqay xukuumada dalka inay ogolaato in dadka islaamka ahi ay yeeshaan gobo ay u isticmaalaan arrimahooda hoose,taas oo uu isagu ku sheegay inay la tahay arrin lagama maar maan ah.
Dr Williams oo BBC-da u warramayey ayaa yiri ma wanaagsana inaan dadka islaamka ah ee dalkan u dhashay ku waajibanay waxaynu inagu doonayno waa inay xukuumadu ogolaato xuquuqda ay Muwaadiniintaasi leeyahay.
Dr Williams oo la waydiiyey sababta uu arrintaas usoo jeediyey ayaa yiri anagu waxaan aqoon dheer u leeyahay shareecada Islaamka,waxaana arkaa in dalkeenu xooga saarayo waxa saxaafadu islaamka ka sheegto ee uusan doonayn inuu arko sida ay diinta islaamku qabto.
Ma jiro ruux caqli leh oo diidaya in diinta islaamka ay isku maamulaan dadka Islaamka ah ee dalkaan,iyadoo aan laga dhigayn sida looga dhaqmo qaar ka mid ah dalalka Islaamka ayuu yiri Dr Williams.
Ma ahan in dadka Islaamka ah ee dalkan ku dhaqan lakala dooran siiyo dalka ay ku noolyihiin dhaqankiisa iyo dhaqankii ay kusoo barbaareen,waxaan u arkaa in loo baahanyahay in khiyaar la siiyo dadkaas ayuu ku daray Dr Williams hadalkiisa.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay R/wasaaraha dalka Gordan Brown ayaa gonofka ku dhuftay hadalka kasoo yeeray Madaxa Kaniisada Dr.Roan Williams,wuxuuna ku baaqay in Qawaaniinta dadlkaan loo baahanyahay inay cid walba ka sarrayso.
Axsaabta Mucaaradka ee dalkaan ayaa iyaguna ka hor yimi codsiga Wadaadkaan diinta Masaxiiyada aaminsan,waxayna ku sheegeen hadalkiisa mid aan macne weyn samaynayn.
Wadaadkan oo dalka si weyn looga qadariyo ayaa isagu soo jeediyey in dadka Islaamka ah loo ogolaado inay yeeshaan Maxkamad shereecada fulisa oo ku dhamaystaan arrimahooda hoose gaar ahaan,arrimaha la xiriira,Guur,Furriinka,xisaabaha iyo dhamaan wixii ku saabsan arrimaha Qoyska oo dhan.
Siyaasiyiinta dalka ayaa iyaguna u arka inaysan macquul ahayn dalka laga dhaqan galiyo laba Qaanuun oo aan islahayn,aysana maskaxda gali karayn in laba diinood ka shaqeeyaan.
Arrinta Odaygaan ayaa buuq iyo isqabqabsi siyaasadeed ka dhex aloostay dadka dalka ku dhaqan oo iyagu u arkay in wadaadku uu dhaafay wadadii lagula ballamay inuu raaco,waxayna soo jeediyeen in Madaxda Kaniisadaha laga Mamnuuco inay ka hadlaan wax Siyaasad ku lug leh,taasi oo iyaguna ay ku andacoonayaan inaysan Siyaasad galin ee ay ka hadleen arrin diin ku lug leh.
Axmed Xayrdaac
Waayaha.net
Xayrdaac@waayaha.net