Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Jidbo Diimeed iyo Qabiil qaran dhan baa qabri ugu jira! kacdoonadii wadaadada ee Ethiopia Qaybtii 9aad


Xalladu waa soo adkaatay waxaana culays weyn la saaray dadka deegaanka oo waxaa loo sheegay ninkii xiriir la yeesha wadaadada inuu geli doono (ALAM BAQA) xabsiga Ethiopia ee qofkii galaa uusan dib uga soo noqon,waxaana tani cabsi ku abuurtay dadka deegaanka ninkii shilimaad loo balan qaadayna waxaa uu la shaqaystay oo uu dhinac ka racay dawlada.

 

Dhib xoog leh baa jira dadka xataa qofkii wanaagsanaa oo aan wax jaajuusayn lafihiisuu u baqayaa,waxaa waaridkii ka cabsoodeen inay dhaawaca caruurtooda daaweystaan,is aaminkii waa yaraaday,waxaana bilaabtay xeelladaha lagu yaqaan dawladaha gumaysiga ee qaybi oo xukun,waxa jira mu,aamaro qabiil oo laysla dhex qaaday in reer hebel ku badan yihiin wadaadada waxaana mararka qaarkood ay noqtay habka keliya ee lagu aarsan karo oo waxaa qofka lagu dhejiyanayaa shaabad wadaad oo hab qabiil lagaga aarsanayo iyadoo la tix raacayo aanooyin iyo xurgufo hore oo laba qof ama reer u dhexeeyey.

 

Sidatani si maahan waxaana wadaadadu talo ku mooseen in dhulkaan laga guuro lana aado dhanka Soomaaliya oo markaas ay ka heli kareen meelo ay dhaawacooda ku daaweystaan, waxaana ay u guureen oo salka gashadeen dhanka degmada Yeed ee Gobolka Bakool.

 

Degmada Yeed ee gobolka Bakool qiyaastii waxay u jirtaa halka wadaadadu markaas ka guureen ee Qorra 400 KM dhinaca koonfureed, waxaana qorshuhu weeye inay u talaabaan dhanka Luuq ee gobolka Gedo ay wadaadada Soomaaliya awood fiican ku leeyihiin.

 

Sanadba sanad buu riixayaa midka dhashaana kii gudbay ka shar iyo shido badan,waxay ka dhex tolantay ciidamadii Maraykanka iyo Gen Max’ed Farax Caydiid, waxaana Muqdisho ka holcaya dagaalo lagu hoobtay, waxaa la raadinayaa in la soo qabto Generaalka laakiin arintaas laguma guulaysan,iskaba daaye waxaa geeriyooday ciidamo fara badan oo isugu jira Pakistani iyo Weliba Maraykan.

 

Kolka ay dhinteen 18 askari oo Maraykankan ah diyaaradna laga soo riday,waxaa isla markiiba soo baxay warar oranaya,waxaa diyaarada  soo riday ciidamadana laayey rag argagixiso ah oo aad u taba baran arintaana waxaa lagu garaynayaa askari kasta waxaa xabaddu kaga dhacay meel halis ah oo uusan ka kici karin.aritaan waxaa ka horeeyey shaki weyn ku abuuray ciidamada Maraykanka ka dib markii mid ka mid ah Towga (waa noo ka mid ah baabuurta gaashaaman oo beeha ka yara duwan) ama gaadiid dagaal oo ay lahaayeen oo ku dhex jiray gaadiid badan oo UN-ku lahaa oo markaas ka baxayey Dekada magaalada Muqdisho lala eegtay miino dhulka lagu duugay oo loo isticmaalay aallada meel shishe laga hago (Remote Cantrol).

 

Dhinaca kale waxaa soo xoogaystay wararka sheegaya in Soomaaliya ay joogaan argagixiso waxaana ay kulan qarsoodiya la yeesheen Osama Bin Ladin oo isagu markaas ku sugnaa dalka Suudaan isaga oo ka soo cararay dalka Saudi Arabia,waxaana isla xilligaas booyad shidaal iyo waxyaabaha qarxa laga buuxiyey la geliyey Xero ay lahaayeen ciidamada American ah.meel walba waa ka shidan tahay laakiin Soomaaliya lala mid maahan oo xaalladeedu waa siday u indha xuntahay uma illaah la’.

 

Yeed laysagama harin haddii nimkii shalay dharbaaxada gaystay haddii laga haro waa isi soo urursanayaan arintuna sahal ahaan mayso,waxaana laga daba geeyey ciidamo cudud leh,waxaana ka dhacay dagaal Taariikhda galay lagaga adkaaday ciidamadii dawlada Ethiopia iyadoo isticmalaysa quwad xooggan oo qalabkeedu u dhamaystiran yahay,haruubkaa tebin,dawladi kaa ildheer si katoo aad u adkaatid mar walba waa inaad ku xisaabtantaa awoodaada ragga,saanada,raashinka siyaasaduna waa shayga mabdiyan looga xeradhigayo yoolka fog ee da' yartu dhiiga u daadisay maxaa loo diyaariyey, weli ma cadda ajanduhu marka laga reebo in lagu dagaallamayo in illaahay kelmmadiisu inay sarayso lagu diriro.

 

Ethiopia waxaa ka go’an meeshii ay doonta ha la gaartee inay in gobolka geeska Africa ama dalkeeda aan wadaad awood ku yeelan waxay isku waraystay wadaadku inuu ka dagaal kulul yahay Jabhadaha dalka ka dirira oo madaxdoodu aysan lahayn mabaadii cadcad oo ay aad ugu adag yihiin sida nimanka mara ku dhegta ah,waxa Ethiopian-ka fajiciso ku noqotay sida ay wadaadadu isugu xiran yihiin iyo sida ay isu maqlaan.

 

Wadaadadu waxay dhaawaca u gudubsadeen dhinaca degmada Luuq laakiin iyagu xeerka ugama furin (kama guurin) waxay adkaysteen difaacooda,Ethiopian-kuna weli ma soo laaban sidii dagaalka Yeed loogu jebiyey.

 

Soomaaliya ilaa Ethiopia meeshii wadaad lagu sheegay far ayaa ku godantay hogaamiye kooxada Soomaalida laftigoodu ma jecla oo waxay ka baqayaan inay tir tiraan oo iyaga laftigooda ay meesha ka saaraan,waa cudur kale oo Soomaaliya u soo baxay.hogaamiye kooxeedyadu iyagii isma rabaa wadaadana ma rabaan bal adigu meel u saar waxaase la hubaa in qaarkood ay Ethiopia iskaashi fiican dhex maray, su,aashu waxaa weeye kala fogaynta hogaamiye kooxeedyada iyo wadaadada ma fikir Ethiopia ka yimid baa mise waa shax loo dhiibay weli wadaadka jidbaysani ma garan.

 

Wadaadada oo Ethiopia ku laabtay oo Yeed ka guuray iyo Gedo oo hal  mar heerayda la booday oo wadaadadu abaabul xoogan ka wadaan la soco 7aadka danbe.

 

Jidbo diimeed iyo qabiil? qaybtii 8aad

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha.net,London,UK

 

 

 

  

 

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software