Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed (arag sawiro xusuus kugu reeba)

W/Q Abdulfatah Abdullahi “Gacmadheere”  

 

Waxaana daabacay: Shirkadda Scansom Publishers, Stockholm, ka kooban 254 bog.

Isbn: 978-91-976364-9-4.

 

Buuggan waxaa hordhaciisa qalinka ku duuqay Xasan Sheekh Mumin, gabayaa, mu’alif iyo qoraaga: {Leopard Amoung the Women: Somali Play Shabeel Naagood, London @1974, Oxford University Press.}

 

Buuggani wuxuu wada dulmarayaa guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaybaha ay u kala baxdo. Kulligood maansada hadday ahaan lahayd gabay, guurow, jiifto, geeraar, shirib, wiglo, hirwo, dhaanto, buraanbur iyo heello. Kan ugu dambeeya, heellada laga wada askumi karo mid kasta sideeda hore midkood ama isku dhafkood. Dhinaca kale, heellada waxay ka soo jeedaa hees dhaqameed haddaan ka soo qaadano mitaalkan caanka ah ee heesaha u gaarka ah marka awrta la rarayo loo yaqaan salsal:

 

o-Libaax iida ma daayo

o-Geel hareeri ma daayo

o-Haboonow labadeenuna

o-Habeen guure ma dayno..!

 

•-Onkod roobka ma daayo

•-Aarna taaha ma daayo

•-Anna taa ma ilaawo

•-Jacayl ood rogan maayo

•-Oon hilaac bixin maayo….!

 

Sidaas ay tahay waxaa ayana meesha ka maqnayn baab dhan oo  ka baaraan degayo dabarka jaanjooyo maansada hadday ahaan lahayd xili (wakhti), meel (makaan) iyo saab (time, place and space) iyo qalabyada lagu isticmaalo. Aynu soo qaadano midkan:

 

-Ogobay salowga taaha

-Iyo sowdka dhaantada

-Codkeennaa sameeyee

-Midba saacad weeyee…!

 

Sida hadda ka horow la aaminsanaa, in maansada Soomaaliyeed tahay jaantaa waran. Arrintaas maanta buuggan ayaa warkaas ka dhigay wax kama jiraan.

 

Intaa waxaa dheer hees dhaqameedka ayana baab gooni ah ayaa lagu kala gurey sida: hees carruureed, xooleed, hawleed iyo badeed.

 

Tusaale haddaynu ka soo qaadano hees dhaqamedka waxaa inoo soo baxaysa dhaqanka iyo hiddaha aynu ka soo jeedno:

 

Diin god gel, god goroyo gel, goroyo god gel iyo god diin gal.

 

Hees carruureedkan waxa loo yaqaanaa “Carrab jalqin.” Waa hees carruurta lagu baro inay ku ciyaaraan si carrabkoodu ku leylsamo afkana ku bartaan. Afafkan qalaad waxaa loo yaqaanaa khaasatan af Ingiriiska “Tongue Twisters.” Su’aalbaa imanaysa sida afkayagu ma qornee oola mid noqday afafkan aad qadiimka u ah? Sidaa waa la moodaaye, xaqiiqadu af Soomaaliga aad ayuu u fac weyn yahay afafka kalena haddii uusan ka sarreynin waxba uma oga ee ceebtiisu waxay noqotay inaan la qorin kaliya.

Qaybahaas idil waxaa la isugu keenay geedka suugaanta markii ugu horeysay hab garaaf (graphic). Waxaa weheliya habka curinta sheekooyinka hadday ahaan lahayd maqal iyo muuqaal. Waxaa lagu khatimay labo lifaaq kala ah: taariikhda qoraalka farta Soomaaliga iyo afka Maymaayda oo dhowaan la qoray.

 

Ugu dambayntii, isku soo wada duub, waxaan filayaa inuusan buuggani ku hungoobi doonin qofkii dareen suugaaneed leh ama kii jecel inuu fahmo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Hadda ka hor, tix iyo tiraab meel lagu jaan gooyey lama wada arag. Suugaan qofka u kuur galadaneeya meel uu wax ka bilaabo ama uu ka barto ayuu heli karaa baan is leeyahay.

 

Hadal haamo ma buuxshee!Akhris wanaagsan

 

Qoraha

 

Abdulfatah Gacmadheere

 

 

Naqdin

 

Maahmaah soomaaliyeed ayaa ku soo biyo shubanaysa: “Gartaada inta aanad geedka tegin baa la naqsadaa.” Anigu haddaan is iraahdo gar cadaawe isku qaad waxaan durbaba soo saari  lahaa dhowrkan soo socda:

 

1)-Buuggan dadka wax ka faa’idaysan karaa aad bey u kooban yihiin. Ujeeddada ugu weyn ee aan is lahaa waxaad ahayd farriintaada gaarsiisaa dadka intiisa badan waxaa ii caddaatay inaan midaa sidii aan rabay la helin.

 

2)- Khaladaad fara badan oo asalaan ka soo jeeda naxwaha af Soomaaliga ayaa ku jira, ha joogto midka madbacada. Kan dambe ee madbacada, khaladkeedu waa il duuf ka yimi kii saxnaa ayaa laga tegay, dambigeedana anigaa iska leh.

 

3)- Dulucda iyo nuxurka maansada oo ay tahay ruuxa dhageysanaya inuu la soo baxo halka ay iska eg yihiin iyo meesha iska seegan yihiin sida labadan midna guurow midka kalena gabay:

 

Minaan dayey wax ii raaya maleh raadna kuma yaalo

 

Waxaan soo miliilicay dhul aan maalba soo galine

 

Anigu haddii aan is iraahdo sharax ka bixi waxaan ka tegayaa ujeeddadii hore ahayd  isku miisaanka laba maanso (Comparative Analysis).

 

Ilaa haddeer intaa aan ku joogiyo, waxaase mudan akhristayaasha sharafta leh in wixii  khalad aad aragtid waa la soo dhoweynayaa. Shaki waxaan ku jirin inay qaniimad ii noqonayso daabacadda xigta haddii Eebbe idmo.Akhris wanaagsan

  

Qoraha

 

Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere

goleconsulting@gmail.com

 

Buuggan waxaad ka heli kartaan Yurub meelahan hoos ku qoran:

 

Sweden Bashiir I. Osman +46-(0)858-358171

(Finland & Norway)                  +46-(0)70-7476978

 

Denmark  Said A. Mohamud +45-(0)39-673126

 

Netherlands Mohd Said Ali   +31-(0)40-246-5466

 

London A/man Gurey    +44-(0)207-837-9154

                                                    +44-(0)7939-892-047

 

London Mohd Abdullahi +44-(0)-208-801-9457

                                                   +44-(0)-794-006-3962

 

Switzerland  Hashi Y. Osman +41-(0)-43536-2347

                                                     +41-(0)-76332-2625

 

Italy Mohd Abdikariim  +39- 055-5357233     

                                               

Adduun weynaha intiisa kale waxaad ka dalban kartan:

http://www.scansom.com

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software