Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dayax God Galay: Xusuustaydii Xasan Sheekh Muumin

w/q: Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere

 

Xasan Sheekh Muumin wuxuu ku dhashay magaalada Boorame hilaadihii 1930.kii Caa’ilad reer diineed ayuu ka soo jeedaa. Dugsiga quraan ayuu waxbarshadiisa ka bilaabay. Shaqooyin kala duduwan ayuu qabtay. Shaqadiisii dowladeed ugu horeysay wuxuu ka qabtay Raadiyo Muqdisho iyo Wasaaradda Waxbarashada. Raadiyo Muqdisho wuxuu ka ahaa soo saare barnaamij. Taa dambe, waxay fursad u siisay inuu diyaariyo  agaasinka waxna ka alifo barnaamijyka “Riwaayada Raadiyaha,” hab taxane ah dadweynuhu aad u hiigsado. Halkaas ayuu ku soo caan baxay.

 

Hawshiisii ugu horeysay, wuxuu abaabulay Riwaayada la magac baxday: “Hubsiimo hal baa la siistaa.” Isla markiiba xigtay Golaha Murtida & Madadaalada lagu furay:  “Shabeel Naagood,” ayadu noqotay heer caalami. Waxaa turjumay Macalin Goosh (Andrzejwski: Leopard Among the Women, London, @1974, OUP).

 

Waxaa xigay “Gaara Bidhaan” iyo “Ehelunaar Adduunka.” Labadan dambe iyo guud ahaan fikradihiisa, waa labo sheeko mujtamaca taabanaya. Tan hore, waxaa ayaamahaas kulmay, dhalinyaradii wadanka waxbarasho dibada ugu maqnaa iyo soo laabadkoodii ayagoo soo guursaday hablo caddaan ah. Sheekada wadanka jirtay umbuu taabtay, waxay bulshadi ku noqotay: “Meel bugta iyo fartay is og.” (hoos ayeynu kaga hadli doonaa).

 

Midan kale, Ehelunaar Aduunka, ayada wuxuu ka soo naqliyey fikrada suugaanlihii Masar, Najiib Maxfuud, “Al mucadabuun fil ardi,” waana sheekada shaqaalaha ku dulman wax soo saarkakana dhaliya iyo hanti goosadka ribix kaliyah u muuqdo. In la is waafajiyo sidii wax loo sixi la iskuna miisaami lahaa ayuu nishaabay.

 

Xagga waxbarashada sidoo kale, dabyar ma shidin. Wuxuu ku noqday guddigii 1970kii loo xilsaaray qorista af Soomaaliga miraheeda aynu maanta muudsanayno.

Hawshiisa fara badnayd awgeed ayuu ka cudur daartay, ha yeeshee, waxaa loogu bedelay la-taliye u noqdo.

 

Sidoo kale, mahrajaanadii dhalinta dugsiyada kala duduwanaa intooda badan asagaa isku dubariday waxaa ka mid ahaa:

 

-Soomaaliyey sara kacaa

-Isticmaarka surka goynoo

-Oo dalkeena aan ka saarno

 

Haddaba aynu soo qaadano suugaantiisii qaar ka mid ah, halka dadka madaxooda iyo maankooda ruxisay:

 

-Gorayadu ilmaheeda

-Aroori bay dhigtaayo

-Aboodigu ku laayaa

-Shimbirtuna aroos ay

-Ilaxidhoo ammaana bay

-Ubadkeeda seexisaa…..!

 

Halkan waxaa inooga soo baxaya isaseega (iska soo horjeedka) iyo ekaansho ka dhex muuqda labo maanso.  Iyo wax hoos u qarsoon oo ay tahay qofka dhagaysanaya inuu kala soo baxo ubucda maansada. Midaa weeye, ta  dhadhanka goonida u yeelaysa maansada.

 

Halkan ekaanshuhu, waa ubad shimbir iyo gorayo. Ereyga qarsooni waa labo shay oo kala weyn. Shimbir yar iyo goroy aad uga weyn.

 

Isaseegu wuxuu ku jira, habka dhaqanka labadan shimbirood. Midii weyneyd, ubadkeeda meel cidla’ ciirsan ayey uga dhaqaaqdaa, tii yareydna buul geed dhaladii ku yaal ayey uga dul heestaa.

 

Baydkan dambe, adinka ayaan idiin daayey inaad maankiina maashaan:

 

-Ilka weynow maroodigu

-Aradaduu mirtaa buu

-Cadowgu ka ugaadhaa

-Aboorkuna dundumadaan

-Aragnay buu dhistaayoo

-Naftiisa ku ilaashaa.....!

 

Suugaantiisa ka dhammaan meyno,  sidoo kale, dab dhaxamooday, durdur oomay iyo daawo bukootay bal idinkuba eegoo in la helo meel laga maro. Maanta umbay inoo muuqataa inay maanta ciida ku rognay Qaamuus.

 

Aniga dhowaan ayuu dhidibka ila aslay buug, qalinkana ku duugay hordhaciisana. Waxaa intaa dheer subax Ilaahay keenaba, fikrad cusub iyo talo wax ku ool ah ayuu kolba igu soo butaaci jiray. Wuxuu nishaabi jiray halkan isleeyahay waxay u baahan tahay in la is barbardhigo labo maanso aan shaqo isku lahayn. Haddanna wax fara badan wadaaga qaar muuqda iyo mid qarsoon (Compartative Analysis). Inta waxaa dheer riwaayadiisa sare ku soo xusay, “Gaaraa Bidhaan,” waxay isku miisaan wadaagaan riwaayadda Cali Sugule, “Kalahaab iyo Kalahaad.” Ayaguna wakhigooda ayey leeyihiin. Waxaan isleeyahay buuggani wuxuu gaarsiiyo meel uusan haaban lahayn la’aantii, dhinac walba marka laga eego. Waxaan ka qoray, malahayga, dhowr cadad ayey u baahan yihiin in lagu soo wada koobo. Kolayba in aan abaal uga dhigo ayaa i dulsaaran. Asagana naxariis iyo jannada Fardowsa Ilaahay ha ka waraabiyo eheladiisana iyo Soomaalina samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Aamiin!

 

Qoraha

 

Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere

Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed

Cadadka: I

 

Reggio Emilia, 18th January, 2008, Italy.

 

Daabacaada Waayaha.net

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software