Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Sidee ayaa looga hortagi karaa Afarta cadow ee Soomaaliya?

Qabiil, Qaad , Qabqable dagaal iyo Qori.

Fariin Ku socoto Guud ahaan, inta weli uu damiirkooda nool yahay.

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii Muxammed ahaa ayeeey korkiisa ahaatay. Kadibna akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta Islaamka  (A.C.W.B).

Dhibaatooyinka iyo masiibooyinka Soomaaliya ku habsaday waxa ay dad baddani ka muujiyaan inay ugu wacan yihiin arimo baddan iyagoo aalaaba fikradaha ku kala duwan. Laakiin sida ay dad baddan oo wax ka qora Arimaha Soomaaliya, oo weliba aan oran karo waa kuwooda ugu rug caddaasan markey noqoto qoraalada Soomaaliya, ayaa waxey isugu soo urriyeen dhibaatooyinka Soomaaliya inay asal u yihiin afarta caddow ee kala ah { Qabiil, Qaad, Qori, iyo weliba qaqable dagaal }. Haddaba qoraalkeyga maanta waxaan diirada ku saarayaa bal marka hore inaan mid mid uga hadlo afartan qodob, kadibna aan wax iska weydiino bal sidi leysaga qaban lahaa.

Qabiil :-Bal marka hore aynu isla eegno Qabiil iyo sidii uu Soomaali meel uga soo haray. Soomaaliyeey qabiil sida uu Rasuulkeenii Muxammed noogu sheegay axaadiista mar uu la hadlayey saxaabadda waxaa uu sheegay in qabiilku uu yahay wax uraya ee ay isaga tagaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay qabiilku inuu yahay sida basasha oo kale, oo ah lakabyo kala sar sareeya, oo markii lakab la qaadaba lakab kale loo tagayo, oo ayan dhammaaneyn. Annagu Soomaali haddeynu nahay kolkii ay bilowdeen dagaaladi sokeeye waxaa markii ugu horeysaysay ba leysu dagaalay caam ahaan, kadiba waxaa leysugu soo noqday reer reer, kadib jufo jufo illaa salkii la soo taabtay. Soomaaliyeey bal ila eega ma jiraan maanta reer Soomaaliyeed aan iyaga dhexdooda isu heysan qabiil qabiil iyo laf laf. Qabiilku waxa hadaf ah ama aydiyoolajiyo ah uu ku dhisan yahay ma jirto, kaliya waa wax ku dhisan xasad, xin, xaqiraad iyo weliba see reer hebel ay wax u qabsan karaan.

Qaadka :-oo ah maandooriye ka mid ah maandooriyayaasha kuwooda ugu qatarsan, sida ay caddeeyeen quburo ku xeel dheer sayniska oo arintaas baaritaan  dheer  ku sameeyay. Qaadku dalkeena waxa uu ku hayaa dhibaatooyin aan lasoo koobi karin, haddii ay noqota xag dhaqaale, caafimaad, qoys iyo weliba sharafti iyo karaamada uu ka qaaday bulshada soomaaliyeed. Qoys kastoo soomaaliyeed oo duma waxa  asal u ah Qaadka. Dhaqaalihii Soomaali ay laheyd waxa uu gacanta u galaa waddamada deriska, kuwaasoo aan si xad laheyn ugu soo daabulaya Soomaaliya diyaarado fara baddan oo keena qaadka. Caafimaad ahaan waxaad meel walboo aad tagto ku arkeysaa dhalinyaro yar yar oo aan weli gaariin Soddonkii oo iyagoo waalan ama isla hadlaya dariiqyada waaweyn ee magaalooyinka dhex socda, laguna leeyahay waxaa sidaa u galay waa qaadka. Waxa aan aad iyo aad uga naxay warbixin ay  soo diyaarisay haweeney u shaqeysa hay’adda caafimaadka Ingiriiska (NHS) oo ku sheegtay in dad u baddan dhalinyaro Soomaali ah ay ka buuxaan isbirtaalada dhimirka ee Ingiriiska, kuwaasoo ay u ugu wacan tahay qaadka iyo qayilaada dhafarka. Habeen iyo maalin qoysaska waxa ay ka calaacalyaan waa dhibaatooyinka qaadka, iyadoo aad maql;eyso odeygi reerka lama araga 2 ama saddex todobaad amaba kasii baddan, oo goobihii qaadka ayuu seexdaa. Lama soo koobi karo sida uu waqtiga uga dilay bulshada soomaaliyeed. Soomaali wixii ay sharaf iyo karaamo iska laheed waxa meel uga dhacay Qaadka. Haddii aan is iraahdo ka hadal dhibatooyinka qaadka runti maaha arin lagu soo koobi karo hal qormo kaliya, ee waa arin u baahan in maalmo baddan lagaliyo.

Bulshada Soomaalida dib ayuu u dhigay naf iyo maalba waana maandooriye

Qabqable Dagaal:- ama dagaal ooge, oo aynu oran karno waa nimanka iyagu asalka u ah burburkii ka dhacay Soomaaliya, iyagoo ummadda ugu beerlaxawsada reer hebel ayaanu idinka difaaceynaa. Nimankaas oo aanan u aabo yeeleyn qaran, shacab, qowmiyad iyo weliba dhul soomaaliyeed, ayaa mar walba waxey wax walba ka hormariyaan danta iyaga ay leeyihiin. Nasiib darada jirta ayaa waxey tahay iyagoo dadka qaarkood ay ku oranayaan, waan ogahay inuu qabqable dagaalka reerkayaga uu qaldan yahay, laakiin ha iska noolado oo reer hebel ayuu naga hor jooga. Soomaaliyeey aynu dib isu eegno, oo dhexdeena aynu xisaabtanno, ma isku diidanahay in reer walba ninka hor boodayaa uu yahay kii reerka ugu shar badnaa, ugu mujrimsanaa, ugu dhiigyo cab badnaa. Miyuusan aheyn kii reerka kala reebay. Waxa wax lala yaabo ah in reer walba ay arkaan boogaha reerka kale ee ayan iyagu hoos isu eegin. Arinta ugu naxdinta badneyd waxa ay aheyd, dunidoo idil marka la arakay qaabka ay Soomaalidu u fekereyso ayaa waxaa la yiri bal halasoo dhiso dowlada ka kooban qabqablayashi dagaal, oo iyagu ayeey talada ka go’daaye. Arintaas oo ayan jirin cid ka dhiidhisay oo ka hadashay, leysma weydiin maxaa ka dhalan doona Mustaqbalka,  oo waalasoo wada dhaweeyay iyadoo reer weliba ay ku xisaabtamayeen inuu qabqablahooda dagaal bal fursad halkaa ka helo. Maanta ayaa la hayaa marka wixii ay kheyr iyo shar ba laheyd.

Qoriga:- oo aan runti kusoo hal qabsanay ulana jeedno hubka Soomaaliya kusoo qulqulaya ayaa iyadana ah caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaali hortaagan, kaasoo uu gacantii u galay waxmagarato aan u naxeyn shacabkii. Waxaad arkeysaa wiil dhalinyaro ah oo aaminsan inaanay nolol jiri karin haddan qori la heysan. Immisaa  Soomaali ay gilaafatay xabado leyska ridayo, immisay qaxooti ka dhigtay, immisay sababteed darteed xabsiyo dunida ah u gelisay,  immisay la kacday Madfac aan loo meel dayin, immisay indhaha tirtay, immisa ku curyaamay, immisay gablan ka dhigtay, maxey hanti burburisay, aaway kaabiyadihii qaranka,  aaway hantidii guud ee ummadda. Xayawaanka Raha ayaa laga sheegay inuu yiri { haddii ay biyo faa’iido leeyihiin, bal halaga eego dabadeyda}, haddaba Soomaliyeey haddii uu hub faa’iido leeyahay bal siduu Soomaali u galay hala arko. Dagaal wiil baa ku dhinta, ee wiil kuma dhasho, waa xigmad hore ay Soomaali horey u tiri.

Qorigii iyo qabiilkii labada maanta Soomaaliya halka taal dhigay

Qormadeydan intaas ayaan kusoo afjarayaa maanta ee la soco qeybta labaad iyo sida arimahan wax looga qaban karo.

Wabilaahi toofiiq
Qalinkii:-  Cabdixakiim Jaamac Jooje

Daabacaada Shakadda wararka Waayaha.net 


 

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software