Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Jidbo Diimeed iyo Qabiil qaran dhan ba qabri ugu jira, kacdoonadii wadaada ee Ethiopia Qaybtii 8aad

Is urursi iyo ka kabasho dagaalkii Halooye waxaa saldhig cusub laga unkay deegaanka Qorra,xalladu waa xumaatay rag badan baa dhintay dhaawac fara badana waa jiraa laakiin marka xagga niyadda laga eego uma eka in haruub ka daatay culumada maxaa yeelay horay ayaa loogu tarbiyadeeyey in ninkii dhintaa uu shahiiday oo uu jannada gelyo waxaana in badan ku hamiyayaan inay geeriyoodaan si ay jannada u gallaan.

 

Waxay u ekaatay in meelo badan dab ka holcay oo gobolka mid ah Soomaaliya kamaba damo laakiin waxaa uu ka mulufaaday (qiiqay) meelo badan oo Ethiopia ka mid ah waxaana soo korortay arinta wadaadada,iyadu  u eg mid la asal guurinayo oo aan laga ogolayn gobolka marka laga eego dagaallada dhacay iyo sida aan haba yaraa wax wada hadal ahi u jirin,waxaana marakan la isticmaalayaa xeellad kasta oo lagaga  takhalusayo ninkii iyaga lagu tuhmo ma la oran karaa gacan aan ahayn ururkii yaraa ee dalka qabsaday ee PRDF abaalkana u hayey Somaaliya ayaa meesha ku jirta?.

 

Magaalooyinkii ay ku badanaayeen culumadu ayaa waxaa laga qortay rag u basaasasa dawlada waxaa ugu weyn oo hadda wax lagu baadi goobaana waa cajiladihii muraaxarooyinka ahaa ee fiidiyoga ahaa ama kuwa layska arko,waxaana qofkii ninka wadaadka cid isugu dhow yihiin la weydiinayaa ma taqaan ninkaan xaggee joogaa?. Ilaa qaarna dagaalka u istaageen inay ku dhintaan qaarna isaga haajireen dhulkii ay ku dhasheen waxna u soo barteen,waxaa dhacday laba khasaaro oo aan laga soo waaqsan cilmi guuris iyo asal guuris khasaaraha yimid ma la orankaa waxa uu ahaa mid aan tabaysnayn (xeellad ku dhisnayn) oo aan laga fiirsan gumaystaha guunka ah  ee qarniyaasha jiray saaxiibo waaweyna dunada ku leh kuwaasi sahlay in kolkii Mingustu baxay dalku dawlad yeesho kursina aan xafiiskiisa laga qaadin halka Soomaaliya ay isku maratay layskuna daawanayo.

 

Waxaa iyana aan lagu xisaabtamin in dawladahii iyo boqortooyoonkii soo maray dalka Ethiopia ay xoog iyo muquunis ku hayaan 30-ka milyan ee qowmiyada Oromada ee iyada laftigeeda haruublaha la raacsiiyey miyaanse la eegin gacmaha shisheeye ee arinta ku jira.

 

Marka aad weydiiso laba kooxood ee weerarka lala tiigsaday ee Oromada iyo Al-Itixaad ayaa mid walibaaba waxay sheegaynaysaa in Ethiopia waxaan aysan iyadu lug lahayn arintana ay ka danbayso dawlada Maraykanku oo guud ahaana ay arimahaani yihiin shax loo soo dhiibay tigreega oo ah islaam la dirir.

 

Qowmiyada Oromada ayaa iyadu qabta in dagalkii weynaa ee tigimada loogu siibay rajiimkii Mingistu ay qaybta ugu weyn ka soo qaateen ilaa 5 magaalo oo waaweyna ciidamadoodu ka saareen rajiimkaas laakiin kolkii qarka u soo fuleen magaalooyinka ,Hararge,Siidaama,Casala iyo Baali oo ay soo geli lahaayeen in Maraykanku u yeeray labadii Jamhadood ee jabhadii xornimo u dirirka dadka oromada (United Oromo People Liberation Front) (UOPLF) ee uu hogaaminayey Waaqow Guuto oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee Oromo ah ee xabad kala hortaga dawlada Ethiopia sanaddii 1962-dii iyo OLF oo ay isaga sareeyeen Galaasi Dilbo iyo Gudee Jaala in ciidamadoodu aysan magaalooyinka gelin si aysan isugu dhicin ciidamada EPRDF maxaa yeelay isma yaqaanaan, dabadeedna xeyo banaanka looga sameeyo kuwa Oromada.

 

Khayaanada labaad ayey ku sheegeen in maalmo yar ka dib 8 xero ay lahaayeen ciidamada Oromadu amar lagu baxiyey in la soo qoro magacyada ciidanka si loo qaybiyo raashin iyo lacag,waana in nin walbaa magiciisa diimeed la soo qoro ee aan la isticmaalin magacyada dhaqanka sida Qurac iyo maygaag.

 

Nin walbaa Haruubkiisa ayuu xoolaystay waxaa lays yiri maanta ayaa fakhri kuu kuugu danbysa waxaana qoris lagu bilaabay sidii la sheegay raga xeryaha ku jira, kolkii magacyadii la geeyey 80% waxaa yeesheen magacayada muslimka waxaana arintaani kaliftay inaan la aqabalin  rag intaas tiro leeg oo muslim ah oo aan lagu darin ciidamada Ethiopia waa sida ay  qabto qawmiyada Oromo waana  arintaas mida keentay bay yiraahdeen in dagaalka lama filaanka ah nala ku qaado inkastoo uu mar walba jiro xunkun jacayl iyo in shaqsi kastaa isagu muraayada iska arko.

 

Wadaadada ayaa iyana qaba in arinta lagu weeraray ahayd arintii joogtada ahayd ee xoraynta dhulkooda sidii Ethiopia ay uga madax banaan lahaayeen, uu kolkaas Maraykanku talo ku siiyey in ururada kale oo dhan xal laga gaari karo laakiin ay humiin tahay in kooxdan yar inta aysan dhulka ku faahin la asal guuriyo taasi oo sida ay sheegeen meelo badan oo dunida ah ka socotay.

 

Dhinaca dagaalkii Halooye kuma ekaan oo kaliya is farasaarka maalintaas dhacaye waxaa dawlada Ethiopia guntida u xiratay sidii raggaan dagaal aysan ka soo waaqsan loogu qaadi lahaa,iyadoo laga abbaarayo dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta,waxaana iradaha loo laabay ganacsiyo ay ku lahaayeen dalka Ethiopia oo uu ugu muhiimsanaa xafiisk magaallada Dirir-dawe C/salaam Cismaan C/salaam oo isagu barqo isaga cararay magaalada Dirir-dhabe waxaana uu ku biiray ragga duur galka ah ee la radaadinayo. 

 

Qorra waa dhul ku haboon xoollo daaqeenka,beeraha iyo biyaha waxaana ay leedahay dhul haboono xeeladaha askareed,waxaana wadaadadu halkaas u doorteen iyagoo dhinaca xeellada dagaal iyo weliba biyaha,waxana sahankeeda lahaa rag dhul aqoon ah oo iyaga ka mid ahaa.

 

Tigreegu hal bay caan ku yihiin colkii u jaba kama haraan inta qoraxdu soo jeedo, habeenkiise waxay aaminsan yihiin diin ahaan in shaydaanku socdo,waxaa weerar laga daba geeyey raggii saldhiga laga qabsaday,waxaase dhacday dhegay faray oo sida la sheegay dagaalkaas ciidamada Ethiopian-ku si weyn ayey ugu jabeen oo waxa dhintay raga aan tiro lagu koobi karin waxaana la dilay sarkaalkii ciidanka watay gaadii fara badan waa laga gubay.

 

Sida ay noo sheegeen ragga xog ogaal ahi waxaa guusha u sahlay wadaadada Al-itixaad iyagoo markaas filayey in la soo weerari karo xerada banaayey oo sidii maalintii hore dhacay uga tegay dad aad u yar, waxaana ay dhinacyada kaga yimadaan iyo gadaal ciidankii Ethiopian oo uu laba aabur ku dhacay waxaana sida la sheegay ka baxay dad yar.

 

Fasar dheer iyo dhinaca Yeed dhhawac loo qaaday Soomaaliya soco 7aadka danbe Insha Allaah.

 

Jidbo diimeed iyo qabiil? qaybtii 8aad

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha.net,London,UK

 

 

 

 




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software