Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Qoraaga hadalkiisa ah Puntland Dhankii Loo saaraba waa Boog maxaa ku qarsoon

Soomaalidu waa wada siyaasi,hadana siyaasadda qalad ayey ka fahmeen, oo waxay ka qateen ama la noqotay in wax la burburiyo ama la dhaleeceyo qof siyaasadda markaa ku jira, haseyeshee Dunidda aqoonta ku horumartay qofka si wanaagsan ayey waxa ugu sheegaan , iyagoo adeegsanaya, qirayana qofkaasi wanaaga uu qabtay, haseyeshee, waxay raaciyaan anigu sidaas iyo sidaas ayaan u maarayn lahaa, sidaa ayaan wax u samaynlahaa, maxaa yeelay umma fiicna dhaqaalaha ama nabadgelyadda ama hawshu laga faaloonayaa meesha ay ku haboonytahay.

 

Haddaan usoo gudbo mawduuca qoraalkaan Puntland waxaa ka dhacay falal aad u xun, malaha markaas boogi majirin, ama wax lama dhaleecayn karin ama wax loolan siyaasadeed ah lama geli karin.

 

Waxaa qoraaga ka dhadhansan kartaa in uu cid Puntland uu isagu ogyahay usoo wado anigoo ka soo qaatay hadaladiisa.

 

(Waa in lagu dhiiradaa gedo iyo tabo raali geliya bulshada, mustaqbalkana loona aayo. Tusaale ahaan, M/weynihi hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi taariikhdu abid waxaa ay xusi doontaa in uu ahaa halyey jeexay tub awood wareejineed (legacy of power transfer), reer Puntland-na ay abid abaal ugu hayn doonaan .

 

Dhacdooyinka Puntland ka dhacay  Mammuladdii hore haddaan soo qaado, ama ka dhacay magaalooyinka aan filaayo in qoraagu ka soo jeedo.

 

•Malaha Boog ma ahayn xiligii Abdullahi Yusuf, inta doorasha xaqi ahi dhacday in dagaal dhacay, oo mammulkii jiray lagu baabiyey.

 

•Malaha Boog ma ahayn In maalin cad Isim Qiima iyo sharaf ku leh Puntland lagu dilay si bareer ah.

 

•Malaha Boog ma ahayn  in magalooyin dad wada dhashay deganyihiin lagu duulay oo Isimo kale u sacaba Tumayeen.

 

•Malaha Boog ma ahayn in xabsiyadda dadka lagala baxo.

 

•Malaha Boog ma-ahayn in Parlamaan qoryo lala horfariisto.

 

•Malaha Boog ma ahayn in isbaarooyin la dhigto.

 

Mammulka hadda jiraa dhaliil waa leeyahay, waxaanse qabaa arinta nabada iyo maqnaanshaha Laas canood in aan mammulka lagu eedaynkarin sababahaan awgood

Dawladdu waa daafacday dhulka Puntland, hase yeshee haddii ninkii daaficlahaa Dabacayuun soo ka xaystay cidamadii dhexdoodana khalkhal kala galay miyeysan adkayn in ay adagtahay inta lahelaayo dad iskuduban.

 

Xilliyadii Yusuf iyo Xaashi marna Soomaaliland Lascaanood kuma riyoon

 

Midan nabadgelyadda magaalooyinka haddii magaala madaxdii ayadu biloowday falal amaan daro ah soo magaalooyinka kale ku dayan maayaan.

 

Mammulka hadda jiraa waxaaa uu qabtay oo wanaaga lagama helin mammuladdii soo maray Puntland.

 

Xafiisyo Dawladeed ma jirin mammuladdii hore xataa hal wasaaradda ma dhisin

Waxaa la taagay Airporo, waxaa socda mashaariic dhaqaale sida xoolaha, kallumaysiga.

 

Waxaa dhismay Magalooyinka Puntland oo dadka gurya loo dhisay sida Garoowe iyo Xafuun.

 

Waxaa la hellay nabad oo lakala badbaadiyey in dadweynuhu isku dhaco.

 

Arimahaas oo dhan qoraagu ma arag ee waxaa uu jeclaystay in bal mar uun nin isaga la jifa ah uu booska ku fariisto.

 

Guriga madaxtooyada Boosaaso oo lagu xasuusto Cadduur xilligii Col C/lahi

 

Mohamed Abdullahi Omar

Faysal1@hotmail.com

aragtida akhrstaha maqaalkan ku saxiixan ku turjumi maayo shabakadda Waayaha.net

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software