Kolka ururka EPRDF cariga uu gacanta u ku dhigay ayuu caam ahaa qawmiyaadka ku bahoobay dalka Ethiopia waxaa uu ku war geliyey in ururo iyo axsaab siyaasadeed ay samaystaan wixii ciidamo haystaana ay ciidamadooda xeyo cayimad isugu gaystaan,waxana qolo weliba deegaanka ka yag leelatay xeyo ciidan oo lagu tabaro jabhada markaas xisbi ahaan loogu gor gortamayo si hor joogayaashu maamulka cusub ay uga helaan cad wax ku ool ah oo cuntami kara deegaankooda ama dadkooda.
Ma la oran karaa mucaskarka ama xerada ciidan ee wadaadadu taas ayey qayb ka ahayd? Marka dhinac laga eego way ka ahayd oo waxaa wadaadadu xafiis u qaabilsan dhinaca siyaadasada ku lahaayeen magaalada Diridhabe kaasi oo uu madax ka ahaa C/salaam Cisman C/salaam,laakiin marka dhinac kale laga eego waxay diidanaayeen inay ku milmaan rajiim saliibi ah oo gaal ah dalkoodana haysta waxaana u guntan in dalka la xorreeyo.
Xafiiskaani waxaa uu la macaamilaa dawlada kalana xaajoodaa arimaha jira isagoo qayb ka ah maamulka dalka ka jira kuna gor gortama ciidamada wadaadada ee xeyaha ku jira,waxaa C/salaam xafiiskiisu uu fududeeyaa guud ahaan arimaha dawlada dhexe looga baahan yahay sida warqadaha socdaalka iyo weliba fiisooyinka,iyadoo meesha aysan ka marrayn ganacsi isna uga socda gobolka.
Xafiisku waa xarun cajiib ah waa goob xog ururineed oo waxaa lagala socdaa guud ahaan dhaq dhaqaaqyada wadaadada,iyadoo uu ku soo hirto shaqsi kata oo ka mid ah wadaadada iyaddoon qabiil iyo qolo midna loo eegin, haddii uu socdaalk ku marayo dalka Ethiopia ama markaas ku hakanayo ama ha ku negaanayo,C/salaam laftigiisu waa shaqsi qalbi furan oo qof walba si wanaagsan u soo dhoweeya waxaana loo ictiraafsan yahay oday biyo kama dhibcaan ah.
Dabayaaqadii 1992 –dii ayaa waxaa soo baxay go,aan ka soo baxay dawlad dhexe federalka Ethiopia kaasi oo lagu sheegayo in guud ahaan ciidamadii xeyaha ku jiray ee horay loo sheegay in xeyo loo samayeeyo ay iska kala tagaan wixii markaas u baahana ay ku biiraan ciidamada dawlada ay u furan tahay, hubkana ay dawlada ku wareejiyaan,ciddii amarkaas ka hor timaada talaabo sharciya laga qaadi doono.
Arintaan ayaa muran xooggan ka dhalisay dalka Ethiopia, waxaana arintaas diiday qawmiyado ay ka mid ahayd Oramadu iyo weliba Soomaalida oo markaa u kala qaybsan ururkii Al-Itixaad Al islaami iyo ONLF oo iyada laftigeedu aysan markaas dawlada isku fiicnayn laakiin iyadu laftigeedu xafiisyo ku leh magaalada Addis-abab, Dirir Dawe iyo Jig jiga.
Dibiga gawrac weyshu ha ku quusatee subax ayaa cir iyo dhul laga weeraray ciidamadii ama jabhadii OLF ee qowmiyada Oromada iyadoo diyaarado hawada taagani ay magarafoono ugu sheegayaan inay hubka dhigaan waxaana maalintaas si sahal ah hubka u daadidiyey in ka badan 4 kun oo nin oo hubaysnaa oo ka mid ahaa jabhadii Oromada waxaana lagu war geliyey ama ciidamada dawlada ku biiraan ama shacab ahaadaan meesha dawlada wadaag ah baa ka dhalatay waxana qawmiyadaas oo Ethiopia ugu tiro badan ay leedahay M/weynaha oo aan awood sidaas ah lahayn.
Oromadu marna midaas ma malayasan marka laga eego tirada ciidan ay hayeen,qaabka ay u hubaysnaayeen iyo weliba iyagoo is bidayey inay yihiin rag laandheere ah dalka ugu tiro badan kooxda yar ee dalka qabsatayna aysan soo wajihi Karin,laakiin arintaasi ma shaqayn.
Wadaadadu arintaas dhegaha ayey ka furaysteen waxaana maalmo kooban ka dib hawl galkii Oromada weerar gaadmo ah lagu qaaday halkii wadaadadu xerada ku lahaayeen ee duleedka waqooyi bari ee magaalada Godey ee mucaskarka u ahayd ee Halooye iyadoo aan xilligaas cududa wadaadu xerada ku dhamayn ee sida la sheegay dad koobani ku sugnaayeen laakiin raggaas wax sidaas ahi kama baxsan waxaana ka mid ahaa ragga geeriyooday laba nin oo caan ka noqday deegaanka Godey oo aqoon sare lahaa oo la kala oran jiray Sheekh C/llaahi Axhmed (Sheekh C/llaahi Bade) oo horay macalin uga ahaa Soomaaliya xeradana dadka diinta ku bari jiray iyo Sheekh C/llaahi Yare oo isna nin caalim ahaa oo xerada Tafsiirka iyo Axaadiista ka akhrin jiray.
Saldhigii Halooye ciidan xooggan oo qalabkoodu u dhamays tiran yahay ayaa cagta mariyey,waxaana lala wareegay wixii halkaas qalab oolaa sida saanadii mila tari iyo agabkii kale ee ciidan, wixii ka firxan karayna waa ka firxadeen,kolka dagaalkaan la eego ayaa waxaa muuqata in wadaadu beerka u dhigeen ay diideen inay dhabarka jeediyaan taasi oo ciidamada Tigreegu ay ku barteen oo sheegeen inaysan marna libiqsan ilaa ay ka dhintaan.
Dhanka kale ciida Ethiopian-ka ayaa laftigeedu dhimasho iyo dhaawac xooggani ka soo gaaray dagaalkan laakiin, marka loo eego tirada iyo qalabka ay ku soo weerareen ayaa lagu tilamaami karaa inay gacan culus ahayd, waxaa furan laba furimood tii hor ONLF iyo tan manta bilaabatay ee Al-Itixaad.
Wadaadada ayaa isugu Guuray dhanka Qorra ee buulaylada fog ee Waqooyi Bari kaga Beegan magaalada Goday oo ku habboon deegaanka xagga biyaha xeellada dagaal iyo weliba deegaanka miyaga oo ganca fiican ka heli karaan.
Dagaalka Qorra oo laysku faraxashay oo saraakiili ku geeriyootay la soco qaybta danbe
Jidbo diimeed iyo qabiil? qaybtii 7aad
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,