MADIGII XASSAN DHUUX "AYL"
Qaybtii I:
Waxa ay aheyd gabal dhac qoraxdu godka cirifka galisay kuna gadaantay cirka falaaro gaduud dahabi ka birqahayaan iyada oo ay ka sokeyan daruuro si teelteel ah ula siman falaaraha shimbiro hoyaad ahina hadba dhinac u dawaafayaan iyada oo dhulkuna u muuqanahayay guri faynuusi kasii baqtiyayso oo marba marka ka danbeeysa kii gudcur ahaana gaafaha u soo roganahayay si habsami leh, sawaxanka kaliya ee baxayay ayaa waxa ay aheyd jaanta rag deegaan wadaag ah oo ku so ururahayay guri qoys ka mid ah deegaanka, kaas oo ahaa raaska Xassan Dhuux ka soo jeeday.
Xassan Dhuux waxa uu ka soo jeeday qoys xoolo dhaqato ah kuna noolaa hawdka ka koreeya degmada Eyl halkaas oo ay la yaaleen beelo badan oo ka soo doogsanahayay diraac daba dheerayd oo la hartay dad iyo duunyo badan. Xassan Dhuux waxaa uu la ildarnaa daqaro ka soo gaarey diraacdaas oo qoys ahaan kala dhantaashay nolashii barisamaad ay ku noolaan jireen. Nabarada uu la taahayey Xassan Dhuux marka laga soo tago duunyadoodii ay salfatay diraacdaas ayaa waxa ugu weynaa geeridii aabihii DUQ-Odawaa oo qoys ahaan u ahaa udubka ay ku dhisnaayeen marka ay noqoto hogaan ay ku higtaan, hormoodna u ahaa nolashii mugdiga badneyd ee aysan kuu bidhaameyn rajo aad maalin uun nafta u sheegtid in aad higsan doontid. Xassan Dhuux waxa u horseedayay in uu fakir iyo culays saaro naftiisa waxa ay aheyd isaga oo ahaa curadkii aabihii diraacdu la hartay, taas oo ku soo furtay mowjado culays ka tan badan awooda Xassan Dhuux xanbaarsanaa.
17jirka Xassan Dhuux ah tiiraanyada haysatay ee huqda iyo hinifka hoose ku beeraysay marka uu dhexmarayo dadkii ay oodwadaagta ahaayeen waxa ay aheyd dhaqan foolxun oo ilaa iyo maantadan oo la joogo 2006 ka fuqi la qalbiga daciifka ah ee aragtida guracani hagayso taas oo aheyd in uu ahaa waxa Soomaalidu ugu yeerto Madiga isaga oo ay la dhasheen labo gabdhood kuna kala magacownaa Xaali oo 16jir aheyd iyo Xirsiyo oo gu’gani 15kii sanno maalin u dheertahay.
Aafada diraacdaasi u geysatay qooskii Xassan Dhuux ayaa waxa uga darnaa jixinjix la’aanta dadkii deeganwadaagta ay ahaayeen oo deymoonahayay gabalka u dumay qoys ka mid ah dadkii loogu jeclaa deegankan abaartan ka hor, waabase sida ay tahaye “ Jabka qollo waxa uu faa’iido u yahay qollo kale” dhibaatadii qoyska Xassan Dhuux dhidibada u siibaysay waxa ay dhinaca kale fursad dahabi ah u ahayd in badan oo ka tirsanaa beelihii ka agdhawaa oo wax badanna ku taamahayay sidii Duq Odawaa ay oodwadaag soke ula noqon lahaayeen iyaga oo mar walba ogsoonaa in ka agdhawaanshaha Duq Odawaa ay ku qasbayso in ay dhaafsadaan wax ay ka jecelayeen naftooda oo ahaa Qaalmihii Geela ee Dheemanka ahaa waqtigaas.
Hadaba xilli Qoyskii uu ka tagay Duq Odawaa ay hareysay Daruur xanbaarsan murugo iyo walwalbadan kuna saleysneyd sida ay u saldhigan lahaayeen nolol cusub ayaa guuxa ka soo yeerahaya inbadan degaanadii ka agdhawaa reer Odawaa waxa uu ahaa kaaf iyo kala dheeri, durbana waxa bilaabantay sidii lagu baabi’in lahaa Aqalkii ku abtirsanahayey Aabihii abaartu la hartay, markan majirto Duunyo laga dhaco reer Odawaa oo Diraacdii ayaaba salfatay balse waxa ay mindidu fuushantahay dadkii uu ka tagey ee dayaca iyo darxumada la tabaaleysnaa, waxa loo soo tafaxeytay markana waa labadii Muraayadood ee roob la dhaca u ekaa kuna abtirsanahayay Duq-Odawaa iyada oo ehelnimaduna ay aheyd Dariiqii lagu aasayey Magacii ODAWAA.
Odafadii Reer Odawaa ayaa waxa ku batay cagta in badan oo ka durdurso islaheyd daleelsha banaan ee ay ugu soo dhaceen Xassan Dhuux iyo geenyooyinkii la dhashay, waxa soo buuxshay duleedka Qoyskii Odawaa Ehelo, Qaraabo iyo Saaxiibo aan hore loo aqoon iyagoo wada sheeganahaya in xigto soke ahaayeen Duq-Odawaa, maxuma imaanshaha iyo sheegashada qaraabonimada ay xiligan wada abuuranahayaan, balse waxa aad moodaa in Caqliga ay kuwada socdaan uu ka soo duxayo hal maskax oo oraneysay Bilcaantiinan kala ah Xaali iyo Xirsiyo Waxa ay xulan yihiin hebel iyo hebel oo kala ah labo Kuray oo doobnimo ku gaamuray lagalana bakheylay in qaalmo laga baxiyo Guurkooda, Maantana dhimashadii Aabihii Gabdhahan iyo Xeradooda oo maran ayaa ka dhigtay Xirsiyo, Xaali iyo Walaalkooda Xassan Dhuux ah Hilib Ceeriin oo Hororo Ibni’aadam ahi ku soo haliilayaan.
Marka laga tago arrinta Gabdhaha ayaa Deeqda ay u wada fidinahayeen Xassan Dhuux laftigeedu waxa ay aheyd mid arxan iyo beernugayli ka fog yahay, nin walibana waxa uu aaminsanaa in Qalanjooyinka oo ay kaxeystaan iyo Xassan Dhuux oo qowsaar u noqda ay tahay waxaagii oo Alle wax kuugu darey.
Hadaba Ardaagii reer odawaa ayaa waxa ka baxaya sawaxan rag “yaa lagaa badin iyo barbarkay ka baxdaa waa bakeylo qaleen” u soo tagey iyadoo qaylo hadal togaaleysi ahina ku dhex marayo rag aan waayahan is arag oo awrtoodii kala fogaatay, ayaa waxa dhinaca qorax u dhaca ka muuqday gacan haatis fog waxana loo soo jeediyay xalene haduu u dhaqaaaqayna waaba duq xadiyo oo hooyadiis ah, ahna afada odawaa ka geeriyooday ee “asaydu “ ay u saarantahay waxa ayna cod naxariisu ku jirto ku tiri raga geedkii aabahaa fadhiga u ahaa gee labo ariga ahna mindida ha la saaro, balse way u cuntami weyday 2 ka mid ah 5 neef ee caawa xeradooda ku jirta in asxaab xiniyo taabad uu ka dhexeeyay lafaheeda ay fiiqdan iyada oo dhinaca kalena uusan awood u laheyn in uu hadal ku celiyo hooyadii xadiyo ayuu aqbal ugu jiiday, “ waase Somali iyo dhaqankeed in reer aan cawa aduun wax ay isku furtaan jirin oo hadana geeri gashey in ay u soo wada fariistaan iyagoo dhibaato hor leh u soo jiidahaya”, ragii ayaa wax hormood u noqday Xassan Dhuux, isagoo hoos geeyey geed raga in ka mid ahi Duq odawaa kula shaawiri jireen, ragina manta ayba u kow tahay iyadoo daqiiqado ka dibna fujaano shah ahi ku soo qulqulahayeen.
Raga goobta ku sugan ayaa waxa ku jira Cali Kowtan oo ah duqa ugu xoolo badan dudayda meesha wada fadhida geesihiisana ay ka muuqdaan labo qawsaar oo uu dhalay kii guur ahaana gablan uga sugan, iyada oo lagu xanto bakheylnimo ay garaadxumo wehelisso ayaa waxa u sii dheer in uu ahaa raga duq-odawaa ka ganafeeyey madalaha waxgaradka in uu salka dhigo kadib ashtakooyin beelaha oodwadaagta ah ay ka soo gudbiyeen, balse caawa waa shidan yahay ninkii odeyga ahaana uma muuqdo (waa Odawaa) oo god buu galey, gurigiisiina damac baaba ka soo galay oo waakan hareerihiisu ay ka muuqdaan rag gaawo xoor ahi, isagoo ugu sheekeeyey in gu’gani yahay kii reer kowtan kor iyo hoosna gacantoodu gaarto, raga ayaa badankood kala siman aragtida kowtan oo nin ayan ku lamaneysnayn kurey guurdoon ahi majirto, balse waxa si gooni ah u eeganahaya kowtan nin xaragjiidi ka dhaxeeyo lana yiraahdo Kaarshe habeena uga sokeeya duq-odawaa, barbarkiisana barbaar dhoor lihi sidoo kale ka muuqdo oo ah tan ay caawa fooda isku darahayaan kowtan iyada oo nin walba rabo in uu la huleelo guul uu ku galbisanahayo geenyooyinkii DUQ-ODAWAA “ RAQBA WAA KU RAGEED” ma wax la filayaybaa in geedkii odawaa ku haasaweyn jiray ay caawa noqoto galgalin kowtan iyo kaarshe gorada ay isku gashaan.
Hal arrin ayaa raga qalbigooda si gaar ah mid walba uga guuxeysa taas oo hadii ay dhabowdona nin waliba asaga guusha isa siiyay, taasina waa maqnaanshaha gogasha uu ka maqan yahay nin saaxiib hoose iyo cayshow milax ay ahaayeen Duqodawaa, ayna sii dheer tahay in uu yahay raga gar iyo gogali aysan la’aantii furman, taas oo ay ugu wacan tahay isaga oo garaad, deeqsinimo iyo xilkasnimo lagu tiriyo.
Qabansha la’aanta indhahooda Diirshe ayey hoos kawada duceysanahayeen in uusan imanba goobta balse waa hadii rabi ka aqballo ducadooda, KOWTAN ayaa si dhiirinaani ku jirto uga soo jilba joogsadey ragii asagoo oo muuqaalkiisa wada gaarsiinahaya fadhiga ayuu waxa uu ka codsadey in a hoos loo daadago lana furo ujeedada fadhiga maadama caawa ay tahay habeen jimce ah oo ka soo wareegtay 7 cisho geeridii odawaa tahayna in sidii gacan looga geysan lahaa reerka la galo, intaas marka rabi afkiisa ka keenay ayaa waxa sarajoogsadey oo istaag iyo cod dheeri isku darey ninkii kaarshe ahaa, asagoo sugan la’a inta kowtan labadii erey jeedinahayay ayuu waxa uu yiri cashiirada iyo macriifada madashan ku sugan ee geeridii Odawaa u soo socdaashay ayaan salaam halkan uga soo jeedin anigoo asagiina eebe uga baryahaya in janatul fardowsa ka waraabiyo intaas ka dib waanu wada ogsoonahay oo majliskayaga manta waa uun sidii gacan uga geysan laheyn reerkii uu ka tagey odawaa, hadaba aniga oonan hadalka ku dheeraaneyn ayaan waxa aan rabaa bal in duco iyo qur’aan hadalka noogu bilaabo AW-Xirsi ayna habooneyd in uuba fadhiga noogu bilaabo balse kowtan oo aan filahayo in wax badan goleyaasha uu ka maqnaa ayaa dabro goys ah caawa oo hadalka dafey,ee AW-Xirsi nama qashii karaamadaadii…ragbadan ayaa hadalada kaarshe iyo sida uu ugu dusmeeyay hadalka kowtan qosol jaanta dhigay taas oo noqotay, dhinbbilihii ugu horeeyey oo kaarshe ku soo daayay dhinaca kowtan.
Waxa hadal degan kuna qaboojinayo xaalada goobtii ka jeedshay aw-muuse asagoo duco iyo ikhlaasna u tufay duq odawaa, ayaa AW-Xirsi si kas ah hadalkii u siiyay ninkii kowtan ahaa ee furay hadalka asagoo u diidahaya kaarshe in uu ku soo laabto hadalka, laabtana ku haya hadal kowtan kala gaarey oo ahaa in uu reerka u raaci doono todobaadka danbe si uu ugu soo tufo xoolaha xeryaha uga buuxa kowtan.
Kowtan maba sugina amaan ayuu AW-Xirsi u jeediyay isaga oo diidahaya in uu la jariibtamo kaarshe maadaama caawa ay la tahay in ninkii xoolo lehi hadli karo ayaa kowtan hadalkii u dhigay sedan:
Aniga oo anan kuhaaneyn
kadinkan aynu joogno
kufyay oo kicimaayo
oo biixi baa kalabooday
ee kuraygiyo hablaha kadedsan
hadan geelayga kooraha wayn
iyo kaaha soo shuba I raahdo
mayaanan kaalmo u geysan
karaamaduna aheyn xageyga
iyo kali waxan u muteystay.
Kaarshena uma labalabeynayn jawaabta kowtan waxa uuna u siiyay sidan:
Afku kaa go’e oo eedaan
anfariirna la iilo
anigoo odawaa
abtirsinyo hoosiyo
oday qudh’a nawada dhalay
adiguna ogsoontahay
sidee awlaad reer xoday ahi
awrtaada u aroorshan
sow aduun rogmaday maaha
iyo mid aad eed ku mutaysan
ee arimahan reer odawaa
oo aad afgambiga ku haysid
angaa ehelkeed ah
ilmahana anow u talin doona
Xassan Dhuux oo dareensan in kowtan iyo kaarshe aysan ku ekayn raga ku gorgortamahaya noloshooda ayaa waxa uu diiday in doodu ay fido, waxa uuna isa soo taagey halkii dabka oogta ah ee wada ifinahayay akhyaarta uu ka shidnaa, si uu u tuso raga dareenkiisa, si degan ayuuna ereyadan ugu soo gudbiyay, iyadoo hal mar dhiniciisa loo soo wada janjeersadey:
Dudoyahay I dhageysta
Somali dhaqan iyo
dhalashaa ka dhaxeysa
duq dheelmaday waa hore
isagoo dhaliilsan
rag dheeha ka muuqda
halheyskuu dhigay eega
“nina dhalshaa
dhabanadiisu ilintu
uga soo dhaceysaa
nina dhuuni si uu helo
ilin aan dhab aheyn baa
dhibceedu ka muuqdaan”
ana dhaxalkaas waayeel
dhaayahygaanba ku arkaa
dhacdadan reer odawaa
iyo dhibtayada hadan eego
rabaa ruuxna dheefsha
midna dhuuniga u diida,,,,,,,,
Waa wareey !!!!!!!!!! Hogayeey ba’ayeey !!!!!!!!!!!!!!!!!! Dhawaaqan ayaa ku soo dhacay raga dhagahoda
Waa wareey !!!!!!!!!! Hogayeey ba’ayeey !!!!!!!!!!!!!!!!!! Dhawaaqan ayaa ku soo dhacay raga dhagahoda
Iyadoo ereyadan murtida iyo aftahanimada ka muuqata uu Xassan Dhuux dhexda uga jiro ragii akhyaarta ahaana ay afkala qaadka iyo ambariiiri ka soo hartey ayaa waxa dhawaaq dhiilo lahi ka soo yeeray docdii ardaaga reer odawaa halkaas oo ay ka shidnaayeen dhariyadii raxan Dumar ahi dhuuniga ugu karinahayeen akhyaarta dulhoganeysa reerka, iyadoo aan loo kala harin hadii lagu diday dharyihii dumarku shaqada ka wateen waaba Duq- Xadiyo oo dhulka taal madaxana sare u heyso mid ka mid ah gabdhaheedii kuna dul calaacaleyso “gablamayeey hooyooy,” Xassan Dhuux ayaa marqur ahi muudkiisii isbadaley iyadoo dareenka maskaxdiisu isla markiiba ku soo fureen milyan aragtiyood oo xanuun iyo uurku taalo xambaarsan, waxa uu la soo baxay bilaawihii ganaca ugu xirnaa isaga oo sariimo waaweyn ka jaray lugta bidix ee hooyadii halka ka sareysa anqowga ee kubka ah, waxaa ku yiil kobtaas dhibcihii iligayada Halaq good ah oo usoo raacay dumarka qoryihii xaabada ahaa ee galabta ay u soo gurteen dhariga, Markey caaweysin noqotayna u soo xaluushay duq-xadiyo ayada oo islaheyd dabka ku xooji qori dogob ah oo ku jirey Maskani, balse dhulka lamaba ayan dhicin oo suntii ayaa hore ka saaqday, Xassan Dhuuxse waa uu la harjadayaa hooyadiis oo inta uu ka dhuuqo suntan iyo dhiiga wada socda ayuu hore u soo tufahayaa, mudo markii uu sidaas ku wadey ayaa waxa joojiyay qur’aan uu la dhinac fadhiyay AW-Xirsi isagoo hubiyay Duq-xadiyo in ay nafï ku jirto iyo in kale markii ay u cadaateyna waxa uu gacmaha qabtey Xassan Dhuux oo ismadaxmarsan una cadeeyey in alle u naxariisadu geeriyootay isagoo uga tacsiyeeyey dhamaan dadkii rag iyo dumar lahaa ee dultubnaa, wuxuuna farey dumarkii in ay marxuumada u meyraan, ragiina loo dhaqaaqo xaga qabuuraha si Duq-Odawaa hareertiisa loogu aaso afadiisa ay asbuuca kala horeeyaan.
Waxa dhacday in lagu dhaqaaqay hadalkii iyadoo horeba laga bilaabay god qodistii, wallow ragg badan ay ka muuqatay urugada iyo uur kutaalada ay laqabeen 17 jirka Xassan Dhuux ah oo agoonimadissi todobada cisho aheyd Rajaynimo ugu darsantay, iyadoo dhinaca kale raggi qalbigoodu dareen farxad leh usoo tabinayay isagoo tusinahaya in qalanjooyinkii caawa garabkoodii rabbi ka baxay, halka kaliya oo ay ciirsi kahelayaana ay ayaga tahay, maadaama aysan ogeyn guri caawa wixii ka danbeeya hoyaad u noqondoona, raggani waa kuwa soo bandhigahayay muruqyadooda iyagoo sabarada iyo yaanbadana dhulka dil-dilo uga shidahaya si ay daqiiqado gudahood Duq-Xadiyo iilka ula hubsadaan, iyagoo mid waliba maankiisu ku gurxamayay halkudhigyadan:
Geenyo aadan geel kuseegeyn
Gacalkeedna uu xijaabtay,
Galad eebeba waayee
Gacanteena yay dhaafin.
…………………………………..
………………………
Waase say la tahay’e Diinbaa waxa laga sheegay mar layiri shimbiro ayaa kutashadey in uu yiri “ meesha la iigu tashadey sow illaah ma joogin”, caawana tii ayaa taagan oo wiilka iyo labadan gabdhood illaah bay leeyihiin oo meesha u fadhiyaan.
Waxa intaba ka dhaqsa lehe iilkii lagu duugay Duq-Xadiyo, oo malaha hadii taladu teeda ahaan laheyd aanan jeclaan laheyn in ubadka agoonimada iyo cayrtu iskugu darsantay, waraabayaasha aadamiga ahina ku dulwareegahayaan ay ka dhaqaaqdo, iyada oo aanan xal u helin, taladasu waase mid aan lagaa warsaneyn oo xag alle ayaa saantu ka socotaa, wax walba oo aad jeceshahayna maalin ayaa lagaa walwaalin ado aanan uba fadhin, Duq-Xadiyona tiibaa haleeshay, balse hal arrin ayaa illaah waafajiyay inta aysan dhiman, taasoo aheyd in dhariga dushiisa ay kula sheekeysatay mid ka mid aha haweenkii ardaawadaaga ay ahaayen laguna magacabo Muslimo.
Muslimo markii iilka lagu hubsadey Duq-Xadiyo ayay u yeertay Xassan Dhuux ayadoo u sheegeysa ereygii ay afka Duq-Xadiyo ka qabatay inta ayan dhiman, kaasoo ahaa in labadeeda gabdhood ay u doonan yihiin Kurayda uu midna dhalay Diirshe midna uu adeerka u yahay, wallow Diirshe iyo kureydanba aysan saacadan goobta ku sugnayn, ereyadanina aysan u cuntameyn ragii Duq-Xadiyo daqiiqadaha godka ku aasay, kuwanoo ayaguna ilgaar ah isku haya, iyadoo mid waliba leeyahay ma anoo caawa goobta jooga ayaa kii xumaa oo ina maygaag ahaa qalanjadaydii kaxeystaa, waaba inaan nolol isku aaso, xiniyo wixii aynakala siiyaan ayaa arkeynaa, halka qawsaaradii Cali Kowtan oo gugani aaminsan in uu koodii yahay, Geel iyo Ragina u wada kaceen ay calanka lulanahayaan ayagoo melba dhigtay gabdhahan walaalkoodna qawsaarkood in uu yahay u ishaartay, ileeen dareenkooda ayaa siiyay in Madinimada Xassan Dhuux ay tahay Iinta Gunimada u horseedaysa wiilkan, maadaama rag garab istaagsan ayan u muuqan, “iyadoo gunimo aan oran lahaa waa garaadka oo aad ka aradan tahay”.
Xassan-Dhuux oo muragada hooyadisii dhimatay wajigiisa ka muuqato, iyadoo sidoo kalena ay ugu sii dartay nuxnuxda iyo sheekoxumida kale ee raga boobka ugu taagan reerkiisa, ayaa markii uu ereyada Muslimo afkeeda kazoo baxeen dhoolocadeeyey asagoo u mahadceliyay Duq-Muslimo, una sheegay in maskaxda hooyadiis iyo tiisa ay ishaaradoodu mid aheyd, taasoo uu ula jeeday in halka kaliya ee ay u ciirsan karaan caawa ay tahay Oday Diirshe, oo garaad iyo maskixi eebe ehel uga dhigay, taasoo aheyd waxa ay hooyadii uga tagtay asaguna dareensanaa.
Intii ayanba kala dhaqaaqin Duq-Muslimo iyo Xassan Dhuux ayaa hal mar waxa baxay sawaxanka koorta geela iyo wiilal u heesahaya oo cidihii geeridu u tiil ayagoo cawagud ah dhinacas waqooyi kasoo galay, taasoo sababtay in ragii gogosha u tiil geedkii Duq-Odawaa beri ku haasaaweyn jiray, oo oogta dabka ahi uga shidnaa, iyagoo markaa rabay bal in ay hawsha reerka kala tuuraan maadaama sida ay qabeen, geeridii Xadiyo wax badan sii fududaysay, taasoo micnaheedu ahaa in hada reer loo xoolo gooyo ayan jirin waayo? ileen gurigii jiridiisiiba waatan baxday, waxa kaliya oo u muuqdayna ay aheyd labada gabdhood oo lakal dafo iyo wiilkan oo qowsaarnimo cidii uu ka helo ay kaxeysato, taasoo ay ugu wacneyd isagoo sedex fac madi ah ahaa, ayaa hal mar ah dhagahoodii kor u taagay iyaga oo layaaban geelan iyo wiilshan heesahaya, waxase shanqadha qoobka iyo bulxankii kureydu soo dhawaadaba, ragiina wajigoodii anfariiri ka muuqdo, iyadoo lawada sugahayo oraahda ka timaada socotadan cawagudka ah, ayaa geeliii waxaa lasoo dul tubay xeridii haawaneysay ee reer Odawaa, waana qaalmo geel oo tiradoodu dhawr iyo labaatan tahay, isuguna jiro kuwo maal ah iyo kuwo siismo ah, waa yaabka yaabkii tolow yaa cidihii cirka rabi uga soo tuuray.
Inta uusan hadalba furman ayaa waxa sugi waayay mid ka mid ah qawsaaradii uu Cali Kowtan gabdhanahan in uu mid dafo u sooo kaxeystaya, asaga oo kor u qalaadahayana yiri WAR YAY KA TIMID BAADIDANI, taasoo aysan u muuqan in geel kale caawa xeradan rabi ku soo xareynkarin.
Waxase docdii wiilasha xerageela ku hawlanaa kazoo bidhaamay duub cad oo hadii uu soo dhawaadayba waaba Duq-Diirshe oo sadex maalmood safar ugu maqnaa geeliisii oo caro fog u daaqsin tagey, asagoo rag ay xigaal ahaayeena sidoo kale soo gacan marshay, caawana illaah garansiiyay in xeradii haawaneysay ee uu ogaa in Odawaa ka baxay, isagoo aanan warba u heyn in Duq Xadiyana Akhyaarta goobta fadhida daqiiqado ku iilgasheen, uu intan oo geel ah oo macal awrkiisii dhaanku ayan ka maqneyn kusoo af oodo.
Haka dheeraan qaybta danbe ee sheekadan una dhugyeelo:
WQ: Muxyadiin Xusseen Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk