Sanaddii 1977-dii waa sand xusid mudan waxaana si weyn looga soo qaxay dalka Ethiopian gaar ahaan gobolka Soomaalidu degto ee Ogandenya,waxaana degaano iyo xeyo looga asteeyey meelo badan oo ka mid ah gobollada Soomaaliya,iyadoo guud ahaan dadkii soo qaxay ay ahaayeen wax walbaale marka dhanka tacliinta laga eego.
Wiilkii wax barashada ka bilaabay xeyaha qaxootiga Soomaaliya sanddii1977-dii waxaa uu dhameeyey jaamacadda ama waa macalin kolka soo Soomaaliya ay bur burtay,laakiin nasiibkaas lama calfan oo waxaa dib loogu qaxay halkii horay ay uga soo xaxeen ee gobolkii Soomaalida ee Ethiopian ka talin jirtay, iyagoo ka cararaya dagaalka xooggan ee Soomaaliya ka qarxay kaasi oo keenay bara kac iyo bur bur xooggan oo aan Soomaalidu dib uga soo waaqsan.
Wadaadii u dhashay gobolka Soomaalida ee Ethiopia haysto waxaa ay go,aansadeen inay gobolka oo Muddo gumaysi ka talinayey ka xoreeyaan,iyadoo waqtigaan musiibadu bur burku aysan saamayn Soomaaliya oo keliya, laakiin Ethiopian laftigeeda Kacaankii dergiga xididada loo siibay oo barqo uu ka carary magaalada Addis-abab rajiimkiisiina uu sidaas ku bur buray.
Ururka EPRDF-tu sidaas uma xooggana waxaana xukunka kala wareegeen Mingistu waxaana ay xiiso iyo soo dhoweyn fiican u hayaan dadka Soomaalida iyagoo markaas aaminsan inay abaalkii loo galay gudaan mana ahan dad siyaasaddda sidaas ugu ilbaxay.
Wadaadu waxaa ay ka dhul bilaabeen magaalada Goday oo aan awood weyn oo dhanka Ethiopian ah aysan ka jirin qabaa’ilka degaana ay gacanta ku hayeen,waxaana boorka ay ka jafeen masaajida iyagoo magaalada ka muujiyey shacaa’ir diimeed waxaana ay dadka u sheegeen inaysan diinta ilaawin dadkana wax la baro.
Waxaa magaalada laga bilaabay kitaabo kala duwan tafaasiiska Quraanka Kariim iyo weliba Axaadiith Negia SCW,waxaana magaalada Goday dareentay in aqooni u soo qaxday maadaama meesha ay ka carareen dergigii mudada ku fadhiyey dadka gobolka xaalladuna horay u ahay aashuun ku adinka.
Waxa jiray xiriir wanaagsan oo ka dhexeeyey wadaadii Al-Itixaad ee ka hawl geli jiray dalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopian waxaana kuwa Soomaaliya soo gaarsiiyaan dhaqaale xoogggan,waxaase ay ku kala duwan yihiin dhank mabaadiida ee ku aadan dagaalada,oo kuwa Soomaaliya macnohoodu waxay ahaayeen inay meesha ka saaraan qab qablayaasha dagaalka qabyaalladana la diriraan xukunka Soomaaliyana gacanta ku dhigaan,halka kuwa Ethiopian arintoodu ku salaysnayd in gobolkooda ay ka xoreeyaan gumaysiga gaallada ah ee dadkooda jiif iyo joog u diiday xoolohooda iyo dhulkooda xaaraanta ku intifaacsada.
Dadka gobolka muddo dheer ayaa xadaaradda lagala dirirayey waxaana hadda indho u ah aqoonta Soomaaliya uga soo qaxday oo ah mid diini ah iyo mid maadi ah marka dhanka tirade laga eego,diinta keliya maahane waxaa jira iskoolo si gaar ah loo leeyahay oo dadka wax lagu baro sida luqada English-ka iyo carabiga oo ay asaaseen dadka ka soo qaxay dalka Soomaaliya.
Hogaanka wadaada markii hore si tartiib ah ku bilowday ayaa moodaa inuu hadda xawaare weyn ku socdo,sidii kayn duur ah oo dab la geshay waxaana sidii gobollada Puntland oo kale casri ka ah in wadaada la galo ninkii ka haraana waa badow jaahil ah oo dadka kale ka hooseeya, waxaana lagu tar tamay aqoonta xagga diinta,laakiin waxaa hoosta kaga naban nimaad milatari oo dhalinta looga sheekaynayo jihaad iyo sida dalka ay uga saari lahaayeen gaallada saliibiga ah iyo weliba inaysan banaanayn in dabkoodu isu baxo.
Waa gil gilatay oo heeryada la kacday jidbaduna waxay gaartay halka ugu saraysay,go,aan ayaa la qaatay waxaana go,aan lagu gaaray in xeryo askareed (Mucaskar) la sameeyo lagu taba baro wadaada,waxaana xero weyn oo kitaabtana lagu barto taba barada milatari lagu sameeyana laga furay dulleedka Buurta Halooye oo 15 KM Bari kaga beegan magaalada Godey oo iyadu ku haboon xagga deegaanka marka laga eego xagga biyaha xeeladda milarati intaba.
Xeradu waxay soo jiidatay dad aad u far badan in lagu soo bato mooyeen dad kama yaraado,waxaana raga rigliga ah ee xeradda joogaa tiro ahaan lagu qiyaasaa ilaa 250 si fiican u taba baran,kolka taba barku dhamaado ayaa waxa loo dhaqaaqaa subcis iyo barashada diinta iyo in toban toban loo fariisto marna waxa si wada jir ah loo dhegaystaa kitaabta raga caalimiinta ahi akhriyayaan.
Waxaa horay dhulka uga diriri jiray oo saldhigyo aan sidaas u sii xoogganayn ku lahaa ururka ONLF waxayna u muuqataa in hafajiyey ama harqiyeen oo ay ka fir fircoon yihiin wadaadu,waxaana hogaankii xilligaasi u tafa xaytay sidii ay tashuush qabiil ugu furi lahaayeen wadaada oo ay howshooda u dhabar jebin lahaayeen iyagoo isu arkay in guud ahaan dadkii u dagaalami lahaa laga leexsaday,saw uma eka tii Soomaaliya ee qabiil lagu hawl geliyey.

Qabiil lagu fogaaday iyo jidbo diimeed oo seef la boodnimo ah meel laguma gaaro, diinta oo lagu milo-na iyadoon camal sax ahi ka danbayna waxaa lagu geli karaa debi adduun iyo mid aakhiro, laba qalad mina sax ma keeno,jidbo diimeed mise qabiil labadu isma galaana kala daaya.
La soco qaybta danbe …..
Jidbo diimeed iyo qabiil? qaybtii 6aad
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,UK