Waa subax xasuus iyo raad reeb leh waana la kala guuray.
Guud ahaan ciidamada wadaada ayaa ka koobnaa qabaa’ilka ay Soomaalidu ka koobanatahay iyagoo aan dhexdooda laga aqoon wax is haysiya sumada ay isku garan jireena ay ahayd “waa walaal Illaahay dartiis ah”,laakiin go,aamada cusubi waxay sababeen in nin walbaa u jihaysto oo u guuro halka asal ahaan uu ka soo jeedo ee 18 gobol ee dalka Soomaaliya oo idil iyo weliba gobolka Soomaalida ee Ethiopia haysato.
Wadaada keliya raad reed kuma reebin geedigu waxaa iyaga laftigoodu yoobsan oo in badan wajiydooda ay ka muuqataa murugo dadka deegaanka Laasqoray oo xiriir wanaagsani dhex maray iyaga iyo wadaada,waxaana ay jeclaayeen in wadaadadu halkaas ku sii sugnaadaan,laakiin suurto gal maahan.
Waxaa la degay qorshe hanti celineed taaso oo ay ugu muuqal weynayd gaadiid ay ku qabsadeen dagaalladii ugu danbeeyey oo qaarkood ay lahaayeen dad rayad ah,guud ahaan hubkii wadaada iyo gaadiidkii dagaal ee qoryuhu saarnaayeen ayaa la go,aamiyey inay aadaan dhanka magaalada Laasacaanood oo iyadu markaas ahayd meesha labaad ee wadaadu saldhigteen marka soo dhoweynta xaggeeda laga eego.
Gobolka waqooyi bari ee dalka Soomaaliya oo isagu ahaa halka dhibtu ka curatay ayaa waxaa soo gaaray rag fara badan , wadaada ka tirsanaa iyadoo nin walba lagu camiyey (Insurance) qabiilkisa, iyaga ayuuna qobtol iyo qaaraan la wadaagaa CAR YAA AGTIISA MARA WAA REER HEBEL!!.
Waxaa si tartiib ah u furmaya dugsiyo quraan oo horay albaabada loogu laabay oo ragii dhigi jiray ay ka careen waxna ciida hoos galeen koolkii seef la boodnimada,waxaana tar tiib u daarantay faynuustii iftiinka iyadu mudo dansanayd,waxaa iyana dib u soo laabtay rag madaxda ururka tirsanaa deegaankana u dhashay oo gobolka isaga tegay kolkii loo sheegay inaan ammaankooda la sugi karin,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Cabdulle Codweyn,Cabdicasiis Guureeye Kaarshe iyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
Waxay u egtay in wax walba caadi ku soo laabteen,waxaana dhalintu ku milmeen dadkii caadiga ahaa halka awal ay takoornaayeen,waxaase kala baxay ninka caqiidada fahmay iyo jirrida ku dhuumanaysay oo aan qaadka iyo mukhaadaraadka kale u kala soocnayn.
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo horay loogu tala diiday xilligii seef la boodka ayaa inta badan kula taliya in dadka wax la baro hal hayskiisu waa BAR AMA BARO, waxaana uu ka soo horjeedaa inuu wax dhib ah ay soo gaarto xiriirka u dhexeeya wadaada iyo dadka caadiga,waxa iyana uu qabaa haddii wax la barto in seef la boodnimadu dhamaanayso.
Waxaa dharbaaxo kale oo lama ilaawaan ah ku noqotay wadaada rag iyaga ka tirsanaa oo dadku ay xoolohooda ku aamineen oo lunsaday xoolihii ay la magan galeen,waxaana laysla dhex qaaday waa tuugo ee yaan wax loo dhiiban laba daran mid dooro ama wadaadka khaa’inka ah ama jirriga qaad cunka ah!.
Runtii ragga culumada ah laguma wada tilmaami karin rag aan aamin ahayn,balse waxaa dheg dilay kuwo aysan xaaraanta iyo xalaashu u kala soocnayn,arintana sidaas lagagama harin oo rag ayaa dhexda u xirtay inay mag dhabaan hantidii la lunsaday,waxaana kasbadeen qalbiyada iyo wadnaha dadka deegaanka oo idil,yeel ama diid AQOON iyo DHQAALE.!
Waxaa guud ahaan la ilaaway gobollada Waqooyi Bari seef la boodnimadii waxaana a dhacay isfahan dadka dhexdiisa ah,welise meesha kama maqna in mar uun wadaadu ka muuqdaan hogaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
Waxaa waxaana jiray cadad fara weyn oo wadaada ka mid ahaa oo ka soo jeeday gobolka Soomaalidu degto ee Ethiopia ka taliso,kuwaasi oo subaxdii kala guurka halkaasi jaaha saaray.
Waxaa ka sii horreeya rag kale iyana culumadda ka tirsanaa oo xeryo ku lahaa isla deegaan Goday,waa garab hubaysan laakiin weli ma dhicin wax dagaal ah oo u dhexeeya iyada iyo xooggaga Ethiopian-ka ee gobolka taliya waxaana ay ku wada jogeen nabad gelyo waxaan xisbiga EPRDF oo xilliyadaas maamulka ku cusbaa uu soo jeediyey inay xisbi siyaasadeed samaystaan kuna soo biiraan maamulka cusub laakiin warku ma shiilla.
Qabiil lagu fogaaday meel laguma gaaro, diinta oo lagu milo-na iyadoon camal sax ahi ka danbayna waxaa lagu geli karaa debi adduun iyo mid aakhiro, laba qalad mina sax ma keeno, diin mise qabiil labadu isma galaana kala daaya.
Dagaal xoogan oo ka dhex qarxay ciidamada Wadaada iyo Ethiopian oo tafaftiran la soco qaybta danbe
Diin Mise qabiil? qaybtii 5aad
Abdirazak Yassin Caanogeel
Waayaha.net,London,UK