Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dadku waxaa uu rabaa isbadal siyaasadeed oo ka dhasha Puntland

Waxaan si aad u kooban uuga hadlayaa maamulka ka jira puntland iyo shacabka oo u diyaarsan diiradana ku haya isbadal dagdag ah oo ay arkaan.Dunida waa jiraa kaligii taliye waana nidaam kamid ah kalitalisnimadu nidaamyada wax lagu xukumo caalamka inbadana soomaray qaar gabaabsi ahina jiraan wali kuwaasoo kubadan qaarada lagu tilmaamo mugdiga ee afrikada madoow.hayeeshee waxa adamaha ay dhaxal siisay kalitalisnimadu in ay dhasho burbur,dhaqaale,siyaaso,dhan walba oo ku dhaca dalka uu ka jiro kaligii taliyuhu,kamana baxaan dagaalo seekeeye meelaha uu ka jiro kaligii taliye.Marka aan leeyahay kaligii taliye waa inay inoo cadahay waxa aan ula jeedo oo ah KOOX GAARA OO KU HESHIISAY INAY KURSIGA MADAXNIMADA AMA HOGAAMINTA BULSHADA AY HAYSTAAN IYAGU KANA DHAWRAAN WAX ISBADAL AH OO KABAXSAN IYAGA.halkan waxaad ka aragtaa markaa in laga soobilaabo 1998-2007 ay puntland haystaan hal koox ama  jifo ama jabhad oo ah SSDF,taasoo ay kolba uqoon deeyaan nin jifadan ah kursiga madaxweeyne nimo ee puntland ayagoo ka ilaalinaya noocyada kale ee bulshada puntland,taasoo laga dheehan karo habkii ay isu badaleen,cabdullahi iyo cade muuse oo ah hal xisbi ama SSDF amase jifo.

 

Waxaadna hada arkaysaan in ayagu ay soo wadaan nin xisbigooda ah halka qaar

kudagaalamayaan kan hada haya aynu daysano ayada oo aan meeshaba lasoo dhigan

dadkale iyo xisbiyo kale ayaa jira puntland!!! tanina waxay ceeb kutahay iyo cay

umada inteeda kale oo xuquuqdoodii siyaaso iyo wadaniyadeed lagu tuntay.fikirka

kaligii taliye nidmadu waxa uu qabaa oo xeerarkiisa kamid ah hadaan xumahay oo

hogaan xumahay oo talo xumahay iyo hadaan maamul fiicanahayba kursiga aniga unbaa leh cidkalana ma imankarto.waxaana taa udaliil ah hadaad inbadan u kuurgasho waxaad arkaysaa in ninka hada udanbeeya ee madaxweeynaha ka ah puntland uu leeyahay 3 masalo oo aan la aqbali karin hogaana uusan ku aahaan

karin,1.Siduu kuyimid oo aan ahayn mid shacabku raali ka ahaa 2.Habka uu umaamulay dhaqaalihii iyo siyaasadii oo labadaba uu si horar nima ah uboobay kuna ekeeyay xisbigiisa 3.puntland oo uu kasaaray beelaha kasoo jeeda  ssc haday is ogyihiin iyo hadayna is ogaynba iyagu.

 

Siyaasadii,dhaqaalihii,wadajirkii umada intaba wuu kala qaybiyay oo kala diray

hadaba hogaan xumidan iyo garasho xumidan inay ka jirto puntland oo kataliso

maxaakeenay iyadoo boqolaal hogaamiye wanaag aqli iyo aqoonba leh buuxan puntland? waxaa keenaya kursigaa kaligii taliyenimo ku dhisan oo in hogaankaan xun sii joogo waliba lagu amaano jifadaa kutaageersan iyo xisbiga ssdf.marka waxaa meesha la caburinayaa oo qarsoon aqoonyahanadii iyo waxgaradkii xisbiyada kale ee puntland ama beelaha kale ee puntland oo laga  dhaariyay kursiga madaxweeyne nimada puntland.

 

Habar dhaliwayday aleelo kuwaalatay ayay soomaalidu tiraahdaa,golayaasha degaanka boosaaso iyo galkacayo waydiideen in lagu san duleeyo xisbigiisa ama jifadiisa oo uu si waxashnimo ah oo horornimo ah uu ugu qasbay inay sii haytaan ragiisii uu umagacwday maamuladaas ilaa boosaaso iska tuurtay fikirkiisii talada xumaa oo ay doorteen ciday kheer u rajeeynayeen ama xisbigooda ahaa gaalkacayana waalaga diiday fikirkiisii gaabnaa waxana shaqaynaya rabitaanka dadka waana ifafa faalaha kacdoonka dadka oo raba inay isbadal arkaan tanoo ay puntland ku qasbantahay.

 

Isbadalka iyo xisbiyada waxa loosameeyay waxa la ogaaday in aduunyada aanay

shaqeeynaynin,hal xisbi fikirkiis oo joogta ah sidaa daraadeed caalamka waad

aragtaan xisbiyo kala fikirduwan ayaa kashaqeeya,madaxweeynayaashuna waa kuwo isbad badala halkaa maslaxaa ku sugnaatay oo bulshada iyo shacabkaba ugu sugnaatay,reer puntland isbadal bay rabaan dagdag ah madama dhamaaday xiligii cade muuse  dood maha la aqbali karo cabdullahi baa iyiri siijoog oo sand iigu daray.

 

Rabaitaanka shacabka oo ah in uu dhaco isbadal puntland ee ah kursiga madaxweeynenimo oo uu yimaado waji aan ahayn kan soo hayay 1998-2007 ayaa ah tubta kali ah ee dhaqaajin karta in hormar latiigsado taasoo dan u ah ayaha danbe ee puntland iyo soomaaliba guud ahaan.hadii se arintaa ladiido oo qurunkii iyo laablaabkii iyo laga dhamaan waayo yaan cidkale kursigaan iman oo layska dhago tiro rabitaanka shacabka puntland waxaan u aragnaa arinkaa isaga ah in SSDF ama xisbagani ama jifadani u jeedo kale leedahay.

 

Golaha wasiiradaan kala diray iyo dagmooyinbaan kala diray kuma sii haysan kartaan

puntland dadweeynuhuna ma xiisaynayaan hebal baa wasarad hebla laga

qaaday oo hebal baa loo dhibay kol hadii fikirkii halkiisiiyahay,waxan rabnaa madax

weeyne cusub,xisbi cusub,wasiiro cusub  oo aan aragno.

 

Dhab waxaa ah in shacabka puntland ay dad wanaagsan yihiin,dhab waxaa ah in ay

calool fayoow kutaageeri lahaayeen dawlada fadaraalka ah ee madaxweeyne cabdullahi yusuf garwadeenka ka yahay hadii kursiga madaxweeyne ee puntland loo sinaan lahaa oo laga dayn lahaa isu dhiibka hoose ee xiran kana mabnuucay xisbiyada kale oo dhan.Dadku reer puntland ahaan ma taageerin sidii larabay dawlada fadaraalka ah sababtuna waa maamulka puntland oo shacabkii khiyaamay oo aan la tashanba sidii lagu xalin lahaa dhibta dalkeena hooyo ka jirta.shacabka reer puntland waa kan uugu xooga badan shacabka soomaaliyeed ugu dhagaalaha badan uguna aqoonta badan,dawladan fadaraalka ahna raali kama aha madaama ay dalka keeneen gaalo cadaw ah,madama ay khiyaaneen reer puntland waxan ognahay hubnaana shakina aanu nooga jirin haba yaraadee in tani tahay bar dhamaadkeedu fashil waayo anagaan taageersanayn  dawladaan fadaraalka anagoo ah shacabka puntland waxan taageero un baana soomaaliya dawlad ka noqon kara soomaalina waa ogtahay taas aduunkuna waa ogyahay tan.

 

Shacabka reer puntland waa wadani jecel soomaaliya oo hesha nidaam iyo kala

danbayn,waa shacabkii dhaliyay gobonimada soomaaliya ay maanta harsanayso,waa shacab isku tiirsan oo xumaha neceb samahana jecel waa shacab dul qaad badan samir leh waa shacab geeska afrika masuul ka ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa soomaaliyeed cadawgana ka difaacda,waxaan ka xumahay in jifo yari taariikh xun usamayso iyo cadaalad daro dhib weyn ugeeysatay puntland iyo soomaliya inteeda kalaba.waxaan doonaynaa isbadal ka dhaca puntland.

 

 

Liibaan Ali Khaalid

Qaalid3@hotmail.comExpress

Afeef maqaalakani ka turjumi mayo shabakada wararka Waayaha.net




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software